Waxa aan ilaa hadda ka ognahay colaadda dib uga soo cusboonaatay Waqooyiga Itoobiya

Published
Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Tan iyo markii dagaalkii sokeeye ee Tigray lagu joojiyey Heshiiskii Pretoria, colaad ayaa mar kale shalay ka soo cusboonaatay Waqooyiga Itoobiya.

Inkasta oo war rasmi ah oo ku saabsan bilowga colaadda la shaaciyey Arbacadii, haddana waxaa la soo wariyey in Talaadadii magaalada Alamata ee gobolka Tigray lagu qaaday weerarro isdaba joog ah oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo diyaarado dagaal.

Intaas ka hor, dhowaan, toddobo kooxood oo hubaysan ayaa ku dhawaaqay inay dhiseen isbahaysi ay ugu magac dareen "Iskaashi loogu talagalay Badbaadada".

Ka hor intaan si rasmi ah loo shaacin aasaaska isbahaysigaas, hoggaamiyeyaasha TPLF (Xisbiga Xoreynta Shacabka Tigray) waxay hore u sheegi jireen inay leeyihiin "ujeeddo ah in ay ridaan dowladda federaalka." Sidoo kale bilihii la soo dhaafay, dowladda federaalku waxay sii wadday weerarro soo noqnoqday oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayey ciidamada Tigray.

Xiisadda sii kordheysay ayaa Arbacadii isu beddeshay dagaal furan, waxaana la soo sheegay in dagaallo ka dhaceen gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

Dhacdooyinka ugu waaweyn ee dhacay maalmahan la soo dhaafay waxaa ka mid ah kuwa soo socda.

Aasaaska Isbahaysiga

Fiidnimadii Axaddii, guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Qaran ee Fano-da Amxaarada (AFABN), Zemene Kassie, ayaa war-murtiyeed uu ka akhriyey warbaahinta Tigray ku shaaciyey in la aasaasay isbahaysi lagu magacaabo "Iskaashi loogu talagalay Badbaadada".

Isbahaysigan waxaa ku mideysan toddobo kooxood oo hubaysan, oo ay ku jiraan TPLF, Dhaqdhaqaaqa Qaran ee Fano-da Amxaarada (AFABN) iyo Ciidanka Xoreynta Oromada (OLA). Isbahaysigu wuxuu si cad u sheegay inuu doonayo inuu xilka ka tuuro maamulka Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed isla markaana uu dhiso "xukuumad ku-meel-gaar ah".

Zemene, oo ah guddoomiyaha isbahaysiga, ayaa geeddi-socodkan ku tilmaamay "weji cusub oo kala-guur ah", isaga oo sheegay in uu suurtagelin doono in xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda dimuqraadiyadeed ee dhammaan shacabka Itoobiya la xaqiijiyo iyadoo aan la wiiqin.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in "wejigan cusub" lagu gaari doono iyadoo meesha laga saarayo nidaamka hadda talada haya ee uu hoggaamiyo Xisbiga Barwaaqada.

Kadib markii si rasmi ah loo shaaciyey isbahaysiga, waxaa soo baxay taageero iyo mucaaradad kala duwan. Afhayeenka Ra'iisul Wasaaraha Abiy Ahmed, Billene Seyoum, ayaa Reuters u sheegtay in kooxahan ay taageero ka helaan Eritrea, isla markaana ku dhawaaqista isbahaysigan ay xaqiijinayso eedeymihii ay hore u jeedin jirtay dowladda Itoobiya.

Weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Alamata

Bilihii la soo dhaafay, waxaa jiray weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo lagu bartilmaameedsanayey ciidamada Tigray, kuwaas oo ay fulinaysay dowladda federaalka. Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ayaan wax jawaab ah ka bixin eedeymaha ay maamulka gobolku usoo jeediyeen.

Mid ka mid ah weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ee dhacay xilli uu sii xoogaysanayey khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha Tigray ayaa ahaa weerarkii ka dhacay meelo kala duwan oo magaalada Mekelle ah.

Xafiiska Isgaarsiinta ee gobolka ayaa sheegay in in ka badan 13 qof ay waxyeello ka soo gaartay weerarkaas drone-ka, waxaana uu dowladda federaalka ku eedeeyey inay ka dambaysay weerarka.

Weerar kale oo drone ah ayaa 4tii Nehase 2018 T.I. ka dhacay kebelega lagu magacaabo "Merewa" ee degmada Raya Alamata ee gobolka Tigray. Mas'uuliyiinta deegaanka iyo ilo ka tirsan ciidamada Tigray ayaa sheegay in weerarkaas ay dad ku dhinteen.

Toddobaadkan, Talaadadii, weerarro isdaba joog ah oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo diyaarado ayaa ka dhacay agagaarka magaalada Alamata ee Tigray. Duqa magaalada, Mudane Moges Shiferaw, ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 14 qof lagu dilay weerarradaas halka kuwo kale oo badan ay ku dhaawacmeen.

Duqa magaalada, Moges, ayaa BBC u sheegay in dadka la dilay weerarka ay dhammaantood ahaayeen dad rayid ah, isla markaana aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dagaalyahanno ama hub ciidan.

Hase yeeshee, saddex ka mid ah dadka deegaanka ee ay la hadashay BBC Tigrinya ayaa sheegay inay arkeen in tiro badan oo dagaalyahanno ah ay ka mid ahaayeen dadka waxyeelladu gaartay.

Qabsashada garoonka diyaaradaha

Waxaa aroornimadii Arbacada la ogaaday in ciidamada Tigray ay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee Alula Aba Nega ee ku yaalla Mekelle, caasimadda gobolka Tigray.

Ethiopian Airlines ayaa sidoo kale bayaan ay ku baahisay boggeeda rasmiga ah ee Facebook ku sheegtay inay "si ku meel gaar ah" u joojisay duullimaadyadeedii gobolka Tigray.

Shirkaddu waxay sheegtay oo keliya in hakinta duullimaadyada ay sabab u tahay "xaaladda hadda jirta" ee gobolka, balse bayaankeeda kuma aysan caddeyn sababaha gaarka ah ee ku khasbay inay joojiso adeegga duullimaadyada.

Ilo-wareedyo ay BBC-du la hadashay ayaa sidoo kale sheegay in gebi ahaanba la baajiyey duullimaadyadii ku wajahnaa magaalooyinka Mekelle, Axum iyo Shire.

Shirkadda diyaaradaha ayaa bayaankeeda ku xaqiijisay in la baajiyey duullimaadyada saddexdaas magaalo, hase yeeshee ma aysan sheegin goorta dib loo bilaabi doono.

Waxaa la soo wariyey in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoomada diyaaradaha kadib markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda federaalka ee ilaalada ka hayey xarumahaas.

Deegaannada uu dagaalku ka socday

La-taliyaha Ra'iisul Wasaaraha ee Arrimaha Bariga Afrika iyo madaxweynihii hore ee Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa sheegay in ciidamada TPLF ay "weerar buuxa" ka fureen meelo ku yaalla gobollada Canfarta iyo Amxaarada.

Dhankooda, hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa sheegay in ciidamadoodu ay galeen "dagaal difaac ah" kadib markii ciidamada dowladda ay weerar hore soo qaadeen.

Xafiiska Isgaarsiinta ee Gobolka Canfarta ayaa bayaan uu Arbacadii ku daabacay boggiisa Facebook ku sheegay in TPLF ay "laga bilaabo xalay [Talaado]" dagaal ka furtay "deegaannada Abaala, Megale, Wosema iyo meelo kale" oo ka tirsan aagga Kilbeti Rasu ee gobolka Canfarta.

Dhanka kale, isbahaysiga loogu magac daray Iskaashiga Ciidamada Dadweynaha Itoobiya ee Badbaadada Qaranka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ururrada xubnaha ka ahi ay "weerarro rogaal-celin ah" ka wadaan "gaar ahaan Waqooyiga Wollo, Wag Himra iyo deegaannada waqooyi ee gobolka Canfarta."

Maxaa laga yiri dhinaca Tigray iyo dowladda federaalka?

Inkasta oo dowladda federaalka aysan si rasmi ah uga hadlin colaadda, haddana sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka, Getachew Reda, ayaa sheegay in ciidamada TPLF ay weerar buuxa ka fureen deegaanno ku yaalla gobollada Canfarta iyo Amxaarada, isaga oo intaa ku daray in dib u qarxitaanka dagaalku uu yahay dhacdo "aad looga naxo".

Mudane Getachew ayaa sidoo kale sheegay in "hab-dhaqanka aan mas'uuliyadda lahayn ee hoggaanka siyaasadeed iyo milatari ee TPLF uu galay wejigii cusub".

Madaxweyne Taye Atske Selassie, oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York, ayaa sheegay in Itoobiya ay, inkastoo ay jireen "faragelinno dibadeed", haddana ay muujisay is-xakameyn heer sare ah isla markaana ay hagaajisay xiriirkeeda dalalka deriska ah.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Itoobiya ay xoojinayso iskaashigeeda gobolka isla markaana ay taageerayso dadaallada lagu doonayo in nabad laga hirgeliyo Suudaan, hase yeeshee ay jiraan "quwado shisheeye oo faragelin ku haya" arrimaha gobolka.

"Farriinta aan u dirayno xoogagga wax burburiya waa mid cad. Waxaan ugu baaqaynaa inay ixtiraamaan xaqa ay dadka Geeska Afrika u leeyihiin inay ku noolaadaan nabad iyo barwaaqo," ayuu raaciyey.

Dhankooda, hoggaamiyeyaasha TPLF ee maamula Tigray ayaa sheegay in ay amar ku siiyeen ciidamadooda inay "qaadaan tallaabooyin" ay isaga difaacayaan weerar ay sheegeen in uu kusoo qaaday Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya.

Toddobada kooxood ee hubaysan ee la midoobay TPLF ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in lagu qaaday "weerarro ballaaran oo cirka iyo dhulkaba ah".

Isbahaysigu wuxuu sidoo kale ku eedeeyey "xukuumadda Barwaaqada" in, marka laga reebo weerarrada ay sheegtay inay furtay, ay "meelo ka mid ah dalka ka joojisay adeegyada dadweynaha."

Maxay yiraahdeen hay'adaha heerka qaaradeed iyo kuwa caalamiga ah?

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in uu si weyn uga walaacsan yahay xiisadda iyo iska horimaadyada milatari ee ka soo cusboonaaday waqooyiga Itoobiya, isagoo ugu baaqay in colaadda si degdeg ah loo joojiyo.

Bayaan uu soo saaray fiidnimadii xalay ayuu ku sheegay in ay walaac ku hayaan la wareegidda garoomada diyaaradaha ee Mekelle, Axum iyo Shire, qabashada shaqaalaha dowladda federaalka ee ay sameeyeen ciidamada TPLF, iyo hakadka ku yimid adeegyada dadweynaha.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay in uu ka walaacsan yahay sii xoogaysiga colaadda ka jirta Koonfurta Tigray iyo gobolka Canfarta, isaga oo intaa ku daray in isbahaysigii dhawaan ay sameeyeen kooxaha hubaysan uu "sii xumayn karo xasilooni darrada".

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in "si degdeg ah dib loogu laabto wada-hadallada tooska ah" iyadoo lagu salaynayo Heshiiska Pretoria.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dalalka deriska la ah Itoobiya inay ka fogaadaan tallaabooyinka sii hurin kara colaadda, isla markaana ay door ka qaataan "joojinta colaadda iyo hirgelinta wada-hadalka".

Danjiraha Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Massinga, ayaa dhankiisa ku eedeeyay hoggaanka TPLF inay "fureen weerar ballaaran".

Waxa uu ku dhaleeceeyay hoggaamiyeyaasha TPLF inay diideen wada-hadallada uu dhexdhexaadinayo ergayga Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo, isagoo sheegay in "gelitaanka dagaal aan la guulaysan karin aanu wax faa'iido ah u lahayn shacabka".

Bayaan uu soo saaray fiidnimadii shalay, danjiruhu wuxuu ugu baaqay "kooxaha kale ee hubaysan inay muujiyaan xikmad oo aanay ku biirin dagaalkan".

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Mareykanku haysto ikhtiyaarka uu cunaqabateyn ugu soo rogi karo hoggaamiyeyaal dheeraad ah oo isku dayaya inay Itoobiya ku hoggaamiyaan jiho khaldan.

Kadib bayaannada ay soo saareen Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mahamoud Ali Youssouf iyo Danjiraha Mareykanka ee Itoobiya Ervin Massinga, sarkaal sare oo ka tirsan TPLF isla markaana ah madaxweyne ku xigeenka gobolka, Amanuel Assefa, ayaa qoraal uu ku baahiyay boggiisa baraha bulshada ku sheegay inuu "ka niyad-jabay" bayaannadaas.

Mudane Amanuel wuxuu sheegay in canbaareynta ay hadda jeediyeen danjiraha Mareykanka iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika aysan ahayn mid caddaalad ah, maadaama ay ka aamuseen weerarradii cirka ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee Tigray.

Hay'adda Horumarinta Dowladaha Bariga Afrika (IGAD) ayaa maanta bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay "aad uga walaacsan tahay" sii kordhaya xiisadda ka jirta waqooyiga Itoobiya.

Waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay "joojiyaan colaadda", kana fogaadaan tallaabooyinka sii hurinaya xiisadda, halista gelinaya nolosha dadka rayidka ah, isla markaana carqaladeynaya dadaallada nabadda.

IGAD waxay sidoo kale ku boorrisay dhinacyada inay isticmaalaan Heshiiska Pretoria si loo xalliyo khilaafaadka, isla markaana si buuxda loo ixtiraamo waajibaadyada ku cad heshiiska.

Midowga Yurub ayaa isna maanta bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu si qoto dheer uga walaacsan yahay xaaladda sida degdegga ah uga sii daraysa waqooyiga Itoobiya iyo saameynta ay ku yeelanayso shacabka.

Midowga Yurub wuxuu sheegay in "si degdeg ah loo dejiyo xiisadda" ay lama huraan tahay, wuxuuna labada dhinac ugu baaqay inay mar kale muujiyaan sida ay uga go'an tahay heshiiskii lagu gaaray joojinta joogtada ah ee colaadda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in "aanay weli goori goor tahay" in taas la sameeyo.

Midowga Yurub wuxuu caddeeyay in khilaafaadka lagu xallin karo oo keliya wada-hadal, ee aan lagu xallin karin tallaabo milatari.