BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
TOOS, Trump oo ku hanjabay inuu caawa mar kale weerari doono Iiiraan iyo xiisadda oo sare u sii kacaysa
Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlayay shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya Turkiga, Donald Trump wuxuu ku tilmaamay nidaamka Iran inuu yahay “dad shar leh” wuxuuna maamulka Iran ku sheegay dad “waalan”.
Ma ogtahay in Ruushku boqolaal bambo uu si kama ah ugu dhuftay ciidiisa?
Inta badan hubka ay ridaan diyaaradaha Ruushku waa bambooyin la hago, bambooyin lagu qalabeeyay qalab cusub oo ay ku jiraan baalal laabma.
Diyaarad xamuul ah oo ay dad saarnaayeen oo la la' yahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay ilaa iyo hadda
Warbixinadii ugu horreeyay ayaa sheegtay in shan shaqaale ah ay saarnaayeen diyaaradda.
Trump oo cunaqabataynta ka qaadaya Turkiga iyo Netanyahu oo ka digaya in Ankara laga iibiyo diyaaradaha F‑35
Hoggaamiyeyaasha NATO waxay Talaadada iyo Arbacada ka kulmayaan si ay u dejinayaan Trump oo ka carooday jawaabta Yurub ee dagaalka Iran.
Masar oo ka carootay "caddaalad-darro", kuna eedaysay in Messi loo eexday kadib markii ay ka hartay Koobka Adduunka
Kooxda Faraaciiniyiinta ayaa 2-0 ku hoggaaminaysay Argentina oo ah xulka difaacanaya Koobka Adduunka, ciyaar ka dhacaysay Garoonka Atlanta, waxay u muuqatay in ay u soo bixi doonto wareegga siddeedda markii ugu horraysay taariikhdeeda.
Cabsi laga qabo xasuuq ka dhaca magaaladan ku taalla jiidda hore ee dagaalka Suudaan
El-Obeid waxay ku jirtay ‘xaalado u ek go’doomin’ muddo 18 bilood ah, sida uu sheegay madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.”
Maxaa ka jira in Soomaaliya ay diidday isbeddelka cusub ee uu qorsheynayo WhatsApp?
WhatsApp ayaa bishan bilaabay inuu u oggolaado dadka isticmaala inay kaydsadaan magacyadooda ay doonayaan inay ku isticmaalaan bartan, isbeddelkan oo la filayo inuu dhaqan-galo dabayaaqada sanadkan.
Mpappe oo afka furtay kadib aflagaaddo kaga timid xildhibaanad u dhalatay Paraguay
Loollanka loogu jiro Kabta Dahabka ah ee Gooldhaliyaha Koobka Adduunka FIFA 2026 waxaa hadda isku haysta saddex ciyaaryahan, kuwaas oo mid kasta uu dhaliyey 7 gool.
"Pentagon‑ka Turkiga": Maxaan ka ognahay xarunta cusub ee milatari ee laga furay Ankara?
Xarunta milatari ee “Ay Yıldız” ayaa kusoo aadeysa iyadoo ay xukuumadda Ankara isu diyaarinayso inay isticmaasho inta lagu jiro shir‑madaxeedka NATO.
Sagootintii qiirada leheed ee Ronaldo; wuxuu ka fariinsan doonaa ciyaaraha isaga oo aan koob adduun qaadin
41 jirkan, oo shan jeer ku guuleystay Ballon d'Or, shan jeer ku guuleystay Champions League iyo horyaalnimada Euro 2016, ayaa dhaliyay rikoorka adduunka ee 976 gool kooxaha iyo dalkaba.
Kulanka Trump iyo Erdogan: 'waxaan tixgalin doonaa inaan Turkiga ka iibino diyaaradda F-35
Kongareeska Mareykanka ayaa ku doodaya in iibsashada gantaalada S-400 ee Turkiga ee Ruushka ay jebinayso Qodobka 231 ee CAATSA.
Maxay qaar ka mid ah dalalka Afrika u diidayaan lacagta gargaarka ee Trump?
Dalal Afrikaan ah oo wadahadallada heshiisyadan ku jiray waxay walaac weyn ka muujiyeen in Maraykanku helo xogta caafimaadka ee muwaadiniintooda.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
Fan iyo Dhaqan
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
250 sano kaddib Mareykanku ma yahay meel loo haajiro?
Mareykanka uu u dabaaldegaya sanadguuradii 250-aad, ayuu Cabdi Iftin ka walaacsan yahay si la mid ah Mareykan badan waxa uu noqonayo mustaqbalkiisa.
Sidee ayuu u dhici doonaa aaska Ayatollah Cali Khamenei, hoggaamiyihii Iiraan ee la dilay?
BBC-da qeybteeda Verify ayaa heshay sawirro dayax-gacmeed oo laga qaaday Tehraan, kuwaas oo muujinaya burbur weyn oo soo gaaray qayb ka mid ah guriga Ayatollah Ali Khamenei.
Turkiga: Israa'iil waxay raadinaysaa cadow cusub, balse annagu ma baqi doonno
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in Israa'iil ay "raadinayso cadow cusub" isla markaana Turkigu "aysan wax dhibaato ah kala kulmin iska hor imaadka." Kadib wuxuu Israa'iil ku tilmaamay "dhibaato haysata adduunka."
Sacdiyo Bajaaj oo xabsi 3 sano ah lagu xukumay, maxaa lagu sababeeyey
Maxkamaddu waxay sheegtay inay ku heshay dambiyadii ay xeer ilaalintu ku soo oogtay, qareennadeedana waxay sheegeen inay racfaan ka qaadanayaan xukunka
Iran: '$6 bilyan oo hantidii xayirneed ah ayaa naloo sii dayn doonaa'
Wafuud Maraykan ah iyo Iran ayaa goor hore gaaray dalka Switzerland si ay qayb uga noqdaan wada-xaajoodyo farsamo oo hoos imanaya heshiis is-afgarad ah oo la saxeexay Arbacadii si loo soo afjaro colaaddii bariga dhexe ee bilihii la soo dhaafay socotay, dibna loogu furi lahaa marin biyoodka Hormuz.
Waa kuma Andy Burnham, ninka la filayo in uu noqdo ra'iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska?
Waqtigii lagu guda jiray aftida Brexit, waxa uu muujiyay rabitaan uu ku doonayo in uu arko UK oo dib ugu biirta Midowga Yurub inta uu nool yahay.
Suuriya beddel ma u noqon kartaa Israa'iil si ay u xakameyso Xisbullah?
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ka hadlay suurtagalnimada in Suuriya ay door ku yeelato iska hor imaadka Xisbullah ee dalka Lubnaan, isagoo ku dhawaaqay inuu arrintaas kala hadlay madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa, uuna qarka u saaran yahay inuu faylka Xisbullah ku wareejiyo Suuriya.
Ma laga soo gudbay casrigii lagu dagaallami jiray taangiyada, maxaase beddelay?
Taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman ee si culus u hubaysan ayaa si degdeg ah u luminaya muhiimaddoodii goobaha dagaalka ee u dhexeeya Ruushkaiyo Ukraine.
Dilal, silic iyo arxan-darro: Shan maamul oo taariikh dhiig badan ku reebay Afrika
Markii ay talada qabteen, intooda badan waxay ku xukumeen gacan bir ah, iyagoo hirgeliyey siyaasado cabburin ah oo ay ka mid ahaayeen dilal siyaasadeed, daldalid ama dilal si fagaare ah loo fuliyo, xarigyo aan sharci ku salaysnayn, iyo adeegsiga jirdilka gudaha xarumaha lagu hayo maxaabiista.
Iiraan: Ma jiraan qorshayaal lagu booqanayo xarumaha waxyeelladu soo gaartay ee Nukliyeerka
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay:“Ma jiro qorshe ay IAEA ku kormeerto xarumaha Iran ee ku waxyeelloobay duullaankii militari ee Maraykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda"
Su'aalaha aan jawaabaha loo hayn ee heshiiska Maraykanka iyo Iiraan
Dowladaha Khaliijka carabta ayaa si wadajir ah ay neefta uga soo fuqday balse waxay muujinayaan taxadar ku aadan heshiiska mareykanka iyo Iran.
Maxaan ka ognahay ilaa iyo hadda safarka uu madaxweyne Cirro ku tagay Israa'iil?
Cabdiraxmaan Cirro, madaxweynaha Somaliland ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook, waxa uu ugu mahadceliyay madaxweyne Isaac Herzog iyo shacabka Israa'iil soo dhawayntooda.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 9 Luulyo 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 8 Luulyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 8 Luulyo 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 7 Luulyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.













































































