Masjidul Aqsa oo wajahaya khatar ka imaanaysa Israa'iiliyiinta mayalka adag

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Wyre Davies
    • Role, Weriyaha BBC ee Bariga dhexe
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

"Dhamaanba dhulka Israa'iil oo dhan waxaa loo ballan qaaday caruurtii eebbe…halkanna waa halka aan ka dhisayno macbad cusub oo ay leeyihiin bani aadamka oo dhan si ay u yimaadaan oo ay ugu tukudaan si wadajir ah".

Kuwani waxay ahaayeen ereyada laga hayo kara Moshe Feiglin, oo ah siyaasi Israa'iil ah oo garabka midig ah, kaasoo ila hadlay markii uu ka yimid dhismaha masaajidka al-Aqsa ee Quddus halkaas oo uu ku tukanayay, heeso diimeedna kula heesay koox ka kooban 20 kale oo Yuhuud ah oo diimeed.

Feiglin wuxuu u hadlay si cad oo aan gabbasho lahayn, isagoo aad moodo inaan doodiisu tahay mid aan muran lahayn.

Laakiin waxa uu sheegayay ama samaynayey waxay si buuxda uga hor imaanayaan heshiis xasaasi ah oo la doonayo in lagu ilaaliyo nabadda mid ka mid ah meelaha ugu barakeysan uguna shucuurtu kacsan ee dunida.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Moshe Feiglin iyo kuwa la midka ah, way la fududahay. Waxay rabaan inay dhisaan macbad cusub oo kuwa Yuhuudda ah oo ku yaal goobtaas, kaas oo 1,400 sano ee ugu dambeeyay ka mid ahaa meelaha ugu xurmada badan Islaamka, waa masjidul-Aqsa.

Xaruntaas muslimiintu waxay u yaqaanaan Xaram-al Shariif, Yuhuuddana waxay ugu yeeraan Temple Mount, waana mid ka mid ah meelaha aadka loo garan karo, aragti ahaanna soo jiidashada leh ee bariga dhexe.

Qubbadda dusha sare ka saaran ee dahabka lagu dahaaray ayaa astaan u ah xaruntaas oo ku fadhida dhul baaxadiisu dhan tahay 35 acre, taasoo laga arki karo masaafo fog. Al Aqsa waxaa lagu sheegay Quraanka, waana meel ay muslimiintu aamisan yihiin in laga dheelmiyey Nabi Maxamed NNKH. Sidoo kale waa meel Muslimiinta kaliya loo gaar yeelay inay ku tukadaan, laakinse taasi ma noqon kartaa mid is beddesha?

Goobtu sidoo kale waa meesha ugu muhiimsan diinta Yuhuudda. Xarunta hoosteeda, oo u dhow gidaarka dhinaca galbeed, Yuhuuddu waxay ku tukadaan oo baroortaan burburinta Roomaanka ee Macbadka Yuhuudda ee ku yaal goobta kore, ku dhawaad 2,000 oo sano ka hor.

Marka loo eego waxa loo yaqaan 'ismariwaaga', faham tobaneeyo sano jira ayaa ah in gacan ku haynta xarunta al-Aqsa ay mas'uul ka tahay hay'ad Islaami ah oo ay maamusho Urdun, taasoo la yiraahdo - Waqf.

Dadka aan muslimka ahayn waa loo ogolyahay inay booqdaan al-Aqsa laakiin looma ogola inay ku tukadaan halkaas ama ay ku fuliyaan cibaado diineed. Madaxa wadaaddada Yuhuudda ee Israa'iil iyo inta badan Wadaaddada madhabta ultra-Orthodox waxay sidoo kale mamnuucayaan tukashada Yuhuudda goobta iyagoo ku saleynaya sifooyin waafaqsan shuruucda Yuhuudda oo loo yaqaanno halachic.

Moshe Feiglin

Xigashada Sawirka, Maarten Lernout/BBC

Qoraalka sawirka, Moshe Feiglin

'Xarun isku keentay diimo kala duwan'

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wararkii ugu dambeeyay iyo sheegashada ah in saraakiisha Israa'iil iyo Mareykanka ay ka wada shaqeynayaan sidii looga tanaasuli lahaa xaaladda ismariwaga ah ayaa dhalisay qaylo dhaan baahsan.

Wakaaladda wararka ee Middle East Eye, ayaa ilo-wareedyo badan u sheegeen in hay'ad cusub oo ay samaysay dawladda Israa'iil ay ku dhawaaqi doonto in xarunta al-Aqsa ay tahay "xarun diimo badan".

Mar wax laga weydiiyey warbixinnadaas dhawaan ka soo baxay fadhi uu Kongareesku yeeshay ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, waxa uu sheegay in aanu waxba kala socon, inkasta oo danjiraha Maraykanka u jooga Israa'iil, Mike Huckabee uu marar badan ka hadlay xiriirka Yuhuuddu la leedahay meelaha barakeysan ee Quddus iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Warar kale ayaa sheegaya in tiro bada oo Yuhuud ah loo ogolan doono inay ku tukadaan goobta, isla markaana dhammaan dhinacyada maamulkeeda ay si tartiib tartiib ah ula wareegayso Israa'iil oo qabsatay bariga Quddus, oo ay ku jiraan magaalada qadiimiga ah iyo meelaheeda barakeysan, iyadoo ay weheliyaan inta kale ee daanta galbeed oo ay kaga soo duuleen dalka Urdun dagaalkii bariga dhexe ee 1967, markii dambana ay ku dartay tallaabo aanay aqoonsanayn dalalka intooda badan.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa marar badan sheegay in aysan jirin wax isbedel ah oo lagu sameeyay xaaladdii taaganayd.

"Ma dhici doonto," ayuu ka digay Dr Mustafa Abu Sway, oo ah ku xigeenka madaxa Golaha Waqf ee Islaamka.

Marka laga eego dhinaca magaalada qadiimka ah, waxa uu qirayaa in gacan ku haynta al-Aqsa ay tahay arrin xasaasi ah oo ay jilayaasha Israa'iil dareemaan awood.

Waxa kale oo uu ka baqayaa, ayadoo qiil wadata, marka la eego macnaha taariikheed, in isbeddel kasta oo rasmi ah oo ku yimaada xaaladda taagan uu si fudud u horseedi karo qarax kale oo dhaliya xiisad u dhexeysa Yuhuudda iyo Muslimiinta.

"Nabad laga hadlo iyadoon laga tagin Masjidka Al-Aqsa oo keliya, waxay si fudud u furaysaa albaab aan la aqoon wa ka soo bixi kara. Waxay khatar gelinaysaa nabadda gobolka, qof walbana wuu ka soo horjeedaa," ayuu yiri Abu Sway oo ah khabiir falastiiniyiin ah oo lagu ixtiraamo xagga daraasaadka Islaamka iyo taariikhda gobolka.

Dr Mustafa Abu Sway

Xigashada Sawirka, Maarten Lernout/BBC

Qoraalka sawirka, Dr Mustafa Abu Sway

Qaylo dhaan caalami ah

Urdun, dalalka kale ee khaliijka iyo Masar ayaa dhamaantood qaylo dhaan iyo walaac ka muujiyay burburka maamulka Islaamiga ah ee Al-Aqsa. Dowladda Ingiriiska, sidoo kale waxay sheegtay in "in la ixtiraamo goobaha barakaysan ee Quddus".

Laakiin qaar ka mid ah waddaniyiinta si cad ugu hadla Israa'iil waxay dareemayaan in xaaladdu dhankooda la jirto.

" Macbadka Temple Mount annagaa iska leh. Gacmahayaga ayuu ku jiraa!" Waxa sidaa ku dhawaaqay Wasiirka Amniga Qaranka midigta-fog ee Israa'iil Itamar Ben-Gvir, muuqaal si weyn loo faafiyey oo laga soo duubay 'maalinta socodka ee Quddus' ee bishii hore, ka dib markii uu hoggaaminayey koox calanka Israa'iil lulaya Bariga Quddus oo ay ku jirto xaafadda Muslimka ee qadiimiga ah iyo ilaa dhismaha al-Aqsa.

Ninkan muranka badan dhaliyey ee xubinta ka ah xukuuumadda isbahaysiga ee Benjamin Netanyahu ayaa si joogto ah u booqda Al Aqsa.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Fiidiyowga waxaa ka muuqda isagoo heeso qaadaya oo furaya calanka Israa'iil, si gabi ahaanba ka soo horjeedda heshiiska.

Laakin Ben-Gvir oo horeba awoodda xafiiskiisa ugu iticmaalay in uu fasaxo salaadda Yuhuudda iyo heesaha lagu qaado qaybo ka mid ah xarunta, waxay u tahay billowga koontaroolka Yuhuudda iyo Israa'iil ee xaruntaas.

In ka badan muddo 25 sano laga joogo, bishii Sebtember 2000, ayaa siyaasigii garabka midig ee Israa'iil Ariel Sharon wuxuu ku dhaqaaqay wax aan la malayn karin. Isagoo ay la socdaan boqolaal askari oo boolis hubaysan ah ayuu hogaamiyaha xisbiga Likud wuxuu socod ku maray qaybta magalada ee qadiimka ah, isagoo ku sii jeeday dhismaha Al Aqsa.

Waxaa loo arkay fal daandaansi ula kac ah, kicin, iyo mid ka mid ah dhimbilihii shiday kacdoonkii labaad ee intifada ee Falastiiniyiinta, oo sidoo kale loo yaqaano Intifaadada Al-Aqsa. Shantii sano ee xigtay in ka badan 4,000 oo qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhacay Israa'iil iyo Daanta Galbeed ee la haysto iyo Marinka Qasa.