250 sano kaddib Mareykanku ma yahay meel loo haajiro?

16 sano ka hor Cabdinuur Iftin wuxuu qaxooti ku ahaa mid ka mid ah xaafadaha dadka saboolka ah ku nool yihiin ee dalka Kenya. Waqtigii uu halkaas ku noolaa ayey aheyd markii uu ogaaday in uu ku guuleystay wax u ekaa bakhtiyaanasiibkii ugu weynaa ee noloshiisa.
Qiyaastii siddeed milyan oo qof oo codsatay sannadkii 2013-kii, 50,000 oo qof oo nasiib u yeeshay in ay helaan fiisaha Mareykanka ayuu Iftin ka mid noqday.
Cabdi Iftin muddo dheer ayuu ku hamminayay in uu u tago Mareykanka. Jacaylka uu u qabay dalkaas aad buu u weynaa, ilaa ay saaxiibbadiisii carruurnimada ugu bixiyeen naanaysta "Cabdi America".
Wareysi ay BBC-da la yeelatay Iftin sanadkii 2014-kii ayuu ugu sheegay in noloshiisa oo dhan u jeclaa Mareykanka, "Waa dhulka riyooyinka iyo fursadaha."
Sanadkaas ayuu Iftin Mareykanka galay isagoo degay magaallo yar oo ku taal gobolka Maine. Ka hor inta uusan dhalashada Mareykanka qaadan wuxuu ka shaqeeyay shaqooyinka gelinta qalabka guryaha qabowga looga celiyo.
Rajadiisa ayaa isbaddeshay kaddib markii sanadkan uu waayay shaqadii uu ka hayay hay'ad dib u dajin u sameysa qaxootiga. Arrintaas waxay sidoo kale ku keentay in uu waayo caymiskiisii caafimaadka.
Mareykanka uu u dabaaldegaya sanadguuradii 250-aad, ayuu Cabdi ka walaacsan yahay si la mid ah Mareykan badan waxa uu noqonayo mustaqbalkiisa.
"Waxaan dareemayaa in Riyada Maraykanku ay weli tahay mid jirta, laakiin xaaladu mid wanaagsan ma ahan".
Luke Mullen waa jilaa 24 jir ah, kana soo jeeda California, wuxuu sheegay in uu qorsheynayo in uu u guuro Canada sababo la xiriira fursadaha shaqo ee warshadaha filimada oo yaraaday, xitaa kuwii ka jiray Hollywoodka.
"Hantidu waxay sii noqonaysaa mid gacmo yar ku ururta, halka fursaduhuna ay sii yaraanayaan" ayuu yiri Luke oo ka hadlay fursadaha jira.
Ra'yi ururinno la sameeyay ka hor sannad-guuradii 250-aad ee aasaaska Mareykanka ayaa muujinaya in Maraykan badan ay aaminsan yihiin in "Riyada Maraykanka" taas oo ah ballanqaadka ka turjumaya in qof kasta oo ku nool Mareykanka uu dhisan karo mustaqbal ka wanaagsan kii hore ay sii dabar go'ayso.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra'yi ururin ay dhawaan si wadajir ah u sameeyeen wakaaladda wararka ee AP iyo xarunta cilmibaarista ee NORC ayaa lagu ogaaday in saddexdii qof ee Maraykan ah, hal qof oo ka mid ah uu aaminsan yahay in weli ay nooshahay Riyadii Maraykanka.
Sannad-guurada 250-aad ee aasaaska Mareykanka waxay ku soo beegmaysaa xilli uu dalku wajahayo kala qaybsanaan siyaasadeed oo qoto dheer iyo muran xisbiyadeed oo sii xoogeysanaya.
Hadaba maxay tahay Riyada Mareykanka ee dadka imaanaya dalka doonayaan in ay helaan?
"Kuma saabsana gawaari iyo mushaar sare"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Riyada Mareykanka waxay soo jiidatay malaayiin muhaajiriin ah oo u soo hayaamay Mareykanka, iyagoo rajaynayey nolol cusub, rajo, yididiilo iyo fursad ay dib ugu dhistaan noloshooda.
Taariikhyahannadu waxay sheegan in bilowgii aanay u furneyn qof walba wixii loo bixiyay Riyada Maraykanka. Dadka dhulka loogu yimid, kuwii la adoonsanayay iyo dumarka ayaa laga reebay aragtidan.
Ujeedka Riyada Mareykanka ayaa markii dambe isbeddalay. Maanta waxaa badanaa lala xiriiriyaa hal abuurka ganacsiga iyo helitaanka fursado dhaqaale.
Cabdinuur Iftin wuxuu ku koray Soomaaliya, halkaas oo uu mararka qaar ku dhuuman jiray godad dhulka laga qoday si uu uga badbaado rasaasta kooxda Al-Shabaab. Isagoo sharxaya sababta uu u doonayey in uu Mareykanka u yimaado ayuu sheegay in xorriyadda ay ugu weyn tahay.
"Xorriyaddu waxay ii ahayd mudnaanta koowaad. Inaan noolaado iyo in aan si xor ah u neefsado waxay ahaayeen waxyaabaha iigu muhiimsan. Taasi ayaa ahayd waxa aan dhab ahaan doonayey."
Cilmi-baarayaashu waxay sheegayaan in muhaajiriinta jiilka koowaad, sida Cabdi, ay inta badan rajo wanaagsan ka qabaan fursadaha Mareykanka.
Riyada Maraykanku muddo dheer waxay ahayd aalad lagu soo jiito muhaajiriinta, balse maanta tirada dadka imanaya waxay u muuqataa in ay hoos u dhacday.
Madaxweyne Donald Trump wuxuu xaddididda socdaalka ka dhigay tiirka ugu muhiimsan ee siyaasaddiisa, isagoo ballanqaaday in uu hirgelin doono barnaamij masaafurin kii ugu weynaa taariikhda Mareykanka.
Arrintu maanta kuma koobna oo kaliya in ay hoos u dhacday tirada dadka u soo hayaamaya Mareykanka ee waxaa sidoo kale muuqata in tiro badan ay dalka ka guurayaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar ka mid ah cilmi-baarayaasha ayaa sheegaya in dad badan oo Maraykan ah, kuna dhashay dalka ay dareemayaan in dalkoodu uusan ka dhabayn ballanqaadyadiisii, taas oo ah in shaqo adag iyo u hoggaansanaanta sharcigu aysan mar dambe dammaanad qaadayn nolol deggan oo sharaf leh.
Sannadkii hore, dad badan ayaa Mareykanka ka guuray oo aaday Ireland. Markii ugu horeysay waxaa batay tirada Irish-ka ka guuraya Mareykanka ee noqonaya.
Dowladda Mareykanku ma hayso diiwaan rasmi ah oo muujinaya inta muwaadin ah ee si iskood ah uga hayaama dalka, sidaas darteed tirakoob rasmi ah lama hayo. Si kastaba ha ahaatee, warbaahintu waxay sheegeysaa in dhacdadani aysan ku koobnayn Ireland oo kaliya.
Tirada Maraykanka ee codsanaya jinsiyadda UK ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyey, halka wargeyska Wall Street Journal uu sheegay in tirada Maraykanka ee u guuraya dalalka Midowga Yurub ay sii kordhayso.
Sababaha ay Maraykanku uga guuraan dalkooda way badan yihiin. Qaar waxay tilmaamaan jawiga siyaasadeed ee hadda jira, halka kuwo kalena ay ku sheegeen kororka kharashaadka daryeelka caafimaadka iyo hoos u dhaca heerka nolosha. Inta badanse go'aankaasi wuxuu ka dhashaa isku-darka dhowr arrimood oo ay ku jiraan kuwo shaqsiyeed.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraaga lagu magacaabo Mark Rank wuxuu ku doodayaa in Riyadii Maraykanka ay hoos u sii socotay 1970-meeyadii.
Khubaradu waxay sheegayaan in wixii xilligaas ka dambeeyay, in Riyadii Maraykanku ay gashay muddo dheer oo hoos u dhac ah, iyadoo ay sii kordheen farqiga dhaqaale iyo bulsho iyo sinnaan la'aanta.
Martin Luther King Jr. wuxuu muddo dheer ka hor inta aan niyad-jabka laga qaadin Riyada Maraykanka ku tilmaamay Maraykanka in uu leeyahay "shakhsiyad laba-wejiilayaal ah".
Khudbad uu ka jeediyay North Carolina sannadkii 1960, ayuu ku yiri:
"Macnaha dhabta ah, Maraykanku asal ahaan waa riyo... laakiin waa riyo aan weli rumoobin. addoonsiga iyo kala soocidda jinsiyadeed waxay ahaayeen waxyaabo aan caadi ahayn oo ka dhacay qaran lagu aasaasay mabda'a ah in dadka oo dhan loo abuuray si siman."












