TOOS, Iiraan oo ku adkeysaneysa in Marinka Hormuz ay maamuli doonto Tehran kadib wareegii koowaad ee wadahadalka

Ka dib wareeggii koowaad ee wadahalladii ay dalka Switzerland kula yeesheen Mareykanka, Iran ayaa mar kale caddeysay inay aad u dooneyso inay si heerar ah u maamusho marin biyoodka Hormuz.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Israa'iil ma waxay saldhig ciidan ka furaneysaa Somaliland?

    Israa’iil kuma leh wax saldhig ah jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland Lakiin waxa ay tababaraysaa booliskeena iyo ciidamadeena milatari, ayuu dhawaan sheegay wasiirka difaaca Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, Arbacadii, iyada oo ay dalbadeen maalgelinta Israa’iil ee beeraha iyo dhinacyada kale.

    Wakaalada wararka Reuters oo wax ka weydiisay saldhiga Milatari ee Israa'iil ayuu ku tilmaamay 'kutiri-kuteen'

    Wasiirka ayaa qayb ka ah wafdi ballaaran oo ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho ku joogay Israa’iil.

    Warbixin uu wargeyska Maraykanka ee Bloomberg daabacay bishii Maarso ee sanadkan, ayaa lagu sheegay in Israel ay wada-hadallo la yeelatay Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, kuwaas oo khuseeya iskaashi amni, si gaar ah in saldhig ay ka helaan gobolkaas, ay suurtagalnimada ka mid tahay.

    Hadalkan ayaa ahaa mid la hadal hayay.

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho ku joogay Israa’iil, ayaa dhawaan wareysi gaar ah siiyay warbaahinta i24, kuwaas oo weydiiyay waxa ka jira in Somaliland ay saldhig siisay Israa’iil.

    “Hadda ma aha”, ayuu yiri madaxweynuhu.

    Markii la weydiiyay in mustaqbalka laga yaabo inay saldhigga furato Israa’iil, waxaa uu yiri “hadda ma beenin karo, mana xaqiijin karo taas”.

    Waxaa arrntan sidoo kale horey u beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo BBC-du horaantii sanadkan wareysi gaar ah la yeelatay.

    Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland iyo Israel ay leeyihiin xidhiidh ku dhisan aqoonsi is-dhaafsi ah. Wuxuu yidhi "labada dal" si rasmi ah ayay isu aqoonsadeen 'midba midka kale', taas oo u oggolaanaysa xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale, balse aysan ku jirin wax heshiisyo militari ah.

    Markii la weydiiyay wararka sheegaya in Israel loo oggolaaday saldhig ciidan oo ku yaal Somaliland, wasiir Cabdiraxmaan ayaa si cad u beeniyay.

    Sidoo kale akhri

  2. Waa kuma Andy Burnham, ninka la filayo in uu noqdo ra'iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Andy Burnham waxa uu hadd ka hor isku dayay in uu noqdo hogaamiyaha xisbiga Labour-ka laba jeer isaga oo labadiiba guuldaraystay.

    Laakiin hadda waxay noqon kartaa markiisii saddexaad balse nasiib badan wehliyo, waxaana hadda jira iscasilaadii Sir Keir Starmer iyo xildhibaano badan oo xisbiga Labour-ka ka tirsan oo ku soo ururay xildhibaanka cusub ee Makerfield, taas oo u gogol xaareysa Burnham.

    Burnham waxa uu xaqiijiyay in uu doonayo in uu isku sharaxo hogaanka, fursadiisana waxa kor u qaadaya taageerada Wes Streeting - xoghayihii hore ee caafimaadka ee Keir, kaas oo laftiisu aad u jeclaa in uu u tartamo jagada ugu saraysa.

    Carqaladii ugu horeysay ee Burnham ee albaabada Downing Street ayaa meesha ka baxday usbuucii hore markii uu ku guuleystey doorashada ku celiska ah ee Makerfield, isagoo wajahay loolan kaga yimid xsbiga Reform UK, kaasoo kaalinta labaad galay laakiin in ka badan 9,000 oo cod ka dambeeyay Labour-ka.

    Duqii hore ee Manchester ayaa kor u qaaday saamiga xisbiga Shaqaalaha ee codbixinta % ee doorashada guud ee 2024 ilaa ku dhawaad 55%.

  3. 7-daan waxyaabood weligaa ha weydiin qof dumar ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaad hor taagan tahay qof dumar ah laga yaabee inay tahay qaraabo, ama inaad markaasi is aragtan waxaa laga yaabaa inaad dooneyso inaad su'aal weydiiso. Ka hor inta uusan hadalka afkaaga ka soo bixin is weydii, su'aashani ma tahay su'aal wanaagsan, mise su'aal dhibaato ku keeni kara.

    Halkan waxaa ah 10 su'aalood oo ah inaadan waligaa qof dumar ah weydiin, xaalad kasta oo la taagan yahay.

    Imisa jir ayaa tahay?

    Tani dhab ahaantii ma aha su'aal xun in la weydiiyo haweeney u muuqata inay da'deedu ka hooseyso 25-27,oo ay weli u muuqato qof yar.

    Laakiin haddii aad waydiiso su'aashan qof dumar ah oo da'diisu ka weyntahay 30-40 jir ah, waxa laga yaabaa in aad halis u gasho inay xumaan dareento ama niyad jab.

    Uur miyaad leedahay ama ma yeelatay?

    Tani ma sahalano, sababtoo ah haddii aysan uur lahayn, waxaad si maldahan u leedahay calool ayaad leedahay ama waad cayilantahay.

    Mararka waxaa dhici karta in qofka aad weydiineyso su'aashaasi uuba raadinayo uur oo xitaa waxaa dhici karta in habeenkii oo dhanba ay ku fakareysay arrintaasi balse su'aashaada ayaa laga yaabaa inay dhibaato kale u keento.

    Habkee ugu fiican ee loo maareeyaa? Kaliya la sheekeyso oo waxba ha weydiin iyada ayaaba laga yaabaa inay kuuu sheegto haddii ay uur leedahay.

    Haddii ay xaaskaaga tahayna si kale ayaad u weydiin kartaa oo waxaad uga sheekeyn kartaa arrimaha ku saabsan caruurta.

  4. Trump oo mar kale cambaareeyay Raysal Wasaaraha xilka ka sii degaya ee UK

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweyne Trump ayaa mar kale dhaleeceeyay Ra'iisul Wasaaraha xilka ka degaya ee Britain, Keir Starmer, kaasoo iscasilay Isniintii.

    Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiska Oval-ka (Oval Office), ayuu Mr Trump ku eedeeyay Sir Keir inuu sababo deegaan dartiis uga faa'iidaysan waayay kaydka saliidda ee badda Waqooyi (North Sea).

    Waxa uu intaa ku daray in Mr Starmer uu "wax is gaarsiiyay" marka la eego siyaasaddiisa socdaalka iyo dambiyada.

    Xiriirka labada hoggaamiye ayaa xumaaday ka dib markii Britain ay taageeri weyday dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iiraan.

    Dhanka kale, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa u mahad celisay Mr Starmer dhanka xoojinta amniga Yurub iyo kan Ukraine.

    Mar soii horeysay, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay Keir Starmer inuu yahay “nin wanaagsan” iyo “nooc saaxiib” oo uu “leeyahay, balse wuxuu dhaliilay habkiisa ku aaddan tamarta, socdaalka iyo dambiyada.

    Isagoo ka jawaabaya su’aal BBC ay ku weydiisay gudaha Xafiiska Oval Office, wuxuu ku celiyay dhaliilihiisa siyaasadda Xisbiga Labour-ka ee tamarta Badda Waqooyi, isagoo ku tilmaamay inay tahay “mid ka mid ah goobaha ugu waaweyn ee shidaalka ee adduunka”.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Starmer uusan u oggolaan Mareykanka “in uu isticmaalo jasiiradda si uu u dego”, taas oo u muuqata tixraac ku saabsan diidmada hore ee dowladda UK ay ku diiday in diyaaradaha Mareykanka ay ka duulaan saldhigyada UK si ay u fuliyaan weerarro ka dhan ah Iran.

    Trump wuxuu sheegay in go’aankaas “aad u dhaawacay, si aad u xun”, balse wuxuu sidoo kale yiri “waan u rajeynayaa wanaag.”

    Sidoo kale akhri

  5. Iiraan oo cadeysay inay maamuli doonto marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Ka dib wareeggii koowaad ee wadahaddallada dhex maray Mareykanka iyo Iiraan ee ka dhacay dalka Switzerland, Iiraan ayaa mar kale caddeysay inay aad u doonayso inay maamusho Marinka Hormuz.

    Isaga oo la hadlayay telefishinka dowladda Iiraan xilli uu dib ugu soo laabanayay dalkiisa ka dib wadahaddallada, madaxa wada-xaajoodka Iiraan ayaa sheegay in maamulka iyo gacan ku heynta Marinka uusan marna dib ugu laaban doonin sidii uu ahaa dagaalka ka hor.

    Mohammed Baqer Ghalibaf ayaa sidoo kale sheegay in Iiraan iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen inay dejiyaan qaab-dhismeedyo isku-dubbarid — kuwaas oo ah khadka telefoonka ee degdegga ah iyo xarun isgaarsiineed — muddo soddon maalmood ah si loo fududeeyo isu-socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz.

    Dhankiisa, Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka, Scott Bessent, ayaa mar sii horreysay sheegay in Washington ay muddo lixdan maalmood ah hakin doonto cunaqabataynta saaran wax-soosaarka iyo dhoofinta saliidda Iiraan.

    Bayaan wadajir ah oo la sii daayay Isniintii, dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Pakistan waxay sheegeen in kadib wareeggii koowaad ee wada-hadallada ee ka dhacay magaalada tamashlaha loo tago ee Bürgenstock ee Switzerland, Maraykanka iyo Iiraan ay ku heshiiyeen "khariidad waddo oo lagu gaadhayo heshiis kama dambays ah 60 maalmood gudahood".

    Sidoo kale akhri

  6. Cunnooyinka ay Soomaalida caanka ku tahay ee aan beerka u fiicneyn

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, .

    Dr. Maxamed Cabdullaahi oo ku takhasusay cudurrada guud, baaritaanna ku sameeyay cagaarshowga oo BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in beerka ay ku dhacaan xanuunno dhowr ah oo uu cagaarshowgu ka mid yahay.

    Dr. Maxamed ayaa sheegay in cunnooyinka ay Soomaalidu u badan yihiin, sida kuwa dufanta leh, saliidda iyo dufanka xoolaha oo laga helo hilibka aysan u wanaagsaneyn caafimaadka beerka.

    Waxyaabaha ay caanka ku tahya Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah oodkaca, oo ka mid ah waxyaabaha ay dufantu ku badan tahay.

    “Dadkeenna Soomaalida waxay u badan yihiin cunnooyinka dufanka leh ee xoolaha ka yimaada, subagga, waxyaabaha aadka loo shiilo, saliidda aadka u badan. Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay cabaan macsarada amaba ay cuntada ku badiyaan. Cunnada daqiiqda ku badan ayaa sidoo kale ka mid ah,”

    Kuwa daqiiqdu ku badan tahay ayaa waxaa ka mid ah baastada iyo bariiska noocyada qaar, iyo sidoo kale cunnooyinka burka lagu badiyo sida canjeerada iyo waxyaabaha burka laga sameeyo.

    “Cunnooyinkaas waxay sababayaan in dhiifshiidku cuslaado, haddii uu dheefshiidku cuslaadana beerka saameyn xoog leh ayay ku yeelataa,” ayuu yiri.

    Dhaqtarka ayaa intaa ku daray in hab-nololeedka dadka qaar ee saameyn kara beerka ay ka mid yihiin, in qofku isticmaalo daawooyin uusan dhaqtar u qorin, amaba dawo-dhireedka oo kale.

    “Waxaa dalkeenna aad ugu badan in qofku uu farmashiye iska tago kana soo iibsado dawooyinka sida xanuun-baabi’iyaha iyo kuwa xasaasiyadda loo cuno, kuwaas waxay qaarkood dhaawici karaan beerka,” ayuu yiri.

    Macluumaad dheeri ah hoos ka akhriso.

  7. Labada waddan ee Afrikaan ah ee haysta diyaaradda laga baqo ee F-16

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Guud ahaan qaaradda Afrika, waxaa jira laba waddan oo haysta diyaaradda F-16 ee caanka ku ah duqaymaha cirka, inta la ogyahay.

    Wadamadaas ayaana waxa ay heshiis iib la galeen dowladda Maraykanka, taas oo usoo daabushaay gudaha wadamadooda.

    Sida ay qortay wakaaladda wararla ee Reuters sanadkii 2015 kii, dowladda Maraykanka ayaa sideed diyaaradood oo ah nuuca F-16 waxay u daabulayeen dalka Masar.

    Xilligaas ayaa waxaa soo hagaagayay xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kadib markii milatarigu ay xilka ka tuureen madaxweynihii dalkaas Mohamed Mursi, kadib dibadbaxyo xoogan oo dalka ka dhacay, waxaana si habsami leh u hagaagay xiriirkii Mraykanka kala dhaxeeyay Abdel Fattah al-Sisi, oo badalay Mohamed Mursi.

    ligaas soo saartay safaaradda Maraykanka ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in saanad milatari oo xanibaad laga qaaday ay gaari doonto waddanka Masar laba maalin gudahood.

    Waxaa lagu sheegay warkaas in saanadda ay ka mid ahayd, afar diyaaradda dagaalka ee F-16.

    Waddanka kale ee Afrikaanka ah ee la aaminsan yahay in uu haysto diyaaradda F-16 ayaa ah dalka Morocco, kaas oo heshiis hub la galay dalka Maraykanka.

  8. Ninka la filayo inuu beddalo Kier Stamer oo is-casilay oo xaqiijiyay in uu u tartami doono hoggaanka xisbiga talada haya

    Ra’isul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer ayaa sheegay in uu iska casili doono hoggaanka Xisbiga Labour-ka, taas oo jidka u furaysa tartan lagu dooranayo Ra’iisul Wasaare cusub.

    I sagoo ka hadlayay Downing Street, Sir Keir wuxuu sheegay inu u aqbalay inuusan ahayn qofka ugu habboon ee Labour-ka ku hoggaamin kara doorashada guud ee soo socota, isla markaana uu Boqor Charles III ku wargeliyay go’aankiisa ah inuu xilka ka dego.

    Wuxuu intaas ku daray inuu ka codsaday hay’adda maamusha Xisbiga Labour-ka inay dejiso jadwalka lagu beddelayo, iyadoo magacaabista musharraxiintu furmi doonto 9-ka Luulyo, kuna dhammaan doonto ka hor fasaxa xagaaga ee 16-ka Luulyo.

    Wuxuu intaas ku daray in haddii uu dhaco tartan hoggaamineed, hoggaamiye cusub la dooran doono ka hor inta aan Baarlamaanku dib ugu soo laaban shaqada bisha Sebtembar, isla markaana uu samayn doono “wax kasta” oo uu awoodo si loo xaqiijiyo wareejin awood oo “nidaamsan”. Sir Keir wuxuu sheegay inuu sii ahaan doono Ra’iisul wasaare ilaa inta laga dhammaystirayo tartanka hoggaanka xisbiga.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuu siin doono qofka beddeli doona “taageeradayda buuxda oo aan shuruud lahayn”, isagoo xusay in hoggaamiyaha cusub uu la wareegi doono Britain ka xooggan oo ka caddaalad badan tii uu isagu dhaxlay laba sano ka hor.

    Dad badan ayaa u arka Andy Burnham in uu yahay musharraxa ugu cadcad ee beddeli kara Sir Keir, ka dib markii uu guul weyn ka gaaray musharraxii Reform UK ee la tartamayay doorashadii ku-celiska ahayd ee Makerfield toddobaadkii hore.

    Burnham oo hore u ahaa duqa magaalada Manchester, ayaa Isniintii ku dhawaaqay in uu isu soo sharrixi doono tartanka hoggaanka xisbiga, ka hor inta uusan tareen u raacin London si uu u qabto kursigiisa baarlamaaniga ah.