TOOS, Maxaan ka ognahay ama aanan ka ogeyn hub ka dhigista Xamaas

Xalay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la gaaray heshiis dhigaya in gebi ahaanba hubka laga dhigo Xamaas iyo dhammaan kooxaha kale ee hubeysan ee Gaza, isla markaana ciidamada Israa'iil ay ka baxaan Marinka Gaza.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Maxaa laga ogeyn weli qorshaha hub ka dhigista Xamaaz?

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xalay, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la gaaray heshiis dhigaya in gebi ahaanba hubka laga dhigo Xamaas iyo dhammaan kooxaha kale ee hubeysan ee Gaza, isla markaana ciidamada Israa'iil ay ka baxaan Marinka Gaza.

    Waxa ilaa hadda la og yahay:

    • Trump ayaa sheegay in heshiiskan uu gaaray Golahiisa Nabadda, wuxuuna ku tilmaamay "tallaabo muhiim ah oo Gaza ugu dambayn loogu horseedayo inay maamusho dowlad cusub oo Falastiiniyiin ah."
    • Qorshe afar bog ka kooban oo ay BBC-du heshay ayaa faahfaahinaya in hub ka dhigista Xamaas loo fulin doono si marxalad-marxalad ah, isla markaana ciidamada Israa'iil ay iyaguna si tartiib tartiib ah uga bixi doonaan Gaza. Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in tallaabo kasta oo qorshaha ka mid ah la xaqiijin doono lana hubin doono ka hor inta aan loo gudbin tallaabada xigta.
    • Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in ururku oggolaaday qorshaha, hase yeeshee weli Xamaas kama aysan soo saarin war rasmi ah.
    • Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu si weyn uga niyad jabi doono haddii Israa'iil ay diido inay ciidamadeeda kala baxdo Gaza.

    Waxa weli aan la ogeyn:

    • Mowqifka rasmiga ah ee Israa'iil ee heshiiskan, iyo inay qayb ka ahayd wada-hadalladii lagu gaaray, ma cadda, maadaama aan wax hadal ah laga maqal mas'uuliyiinta Israa'iil tan iyo ku dhawaaqistii Trump.
    • Sida ay u dhici doonto ka bixitaanka ciidamada Israa'iil, iyo in bixitaanku uu ku jiri doono aagga kala xadaynta ee loo yaqaan "Khadka Jaallaha" (Yellow Line).
    • Cidda ugu dambayn gacanta ku hayn doonta hubka ay Xamaas wareejin doonto marka heshiiska la fuliyo.
    • Sida uu si dhab ah u shaqayn doono habka xaqiijinta iyo kormeerka ee Maraykanku soo jeediyay.

    Halkan kala soco waxii ka soo kordha.

    Akhrin dheeraad ah:

  2. War deg deg ah, Iiraan oo ka baaraan degeysa inay weerar aar goosi ah ku qaaddo Ukraine

    Wargeyska The New York Times ayaa Arbacadii qoray in Iiraan ay qorshooneesay inay weerarto deked ku taalla Ukraine, hase yeeshee dadaallo diblomaasiyadeed ayaa gacan ka geystay dejinta xiisadda, taasoo sii xoojisay aragtida ah in Tehran dib u dhigto qorshaha, iyada oo ay Iiraan doonayso inay ka fogaato furitaanka jiho dagaal oo cusub.

    Masuuliyiinta Iiraan ayaa inta badan weerarka ku tilmaamay qayb ka mid ah isku dayada ay Maraykanka iyo Israa'iil ku doonayaan inay ku ballaariyaan colaadda.

    Ukraine ayaa ku eedeysa Iiraan iyo Ruushka inay iska taageeraan dagaalka Ruushka uu kula jiro Ukraine, waxa ayna sabtidii weerartay markab xamuul oo ganacsi oo Iiraan leedahay, kaas oo marayay Badda Caspian, waxaana weerarkaas ku dhintay hal badmaax oo rayid ah.

    Akhrin Dheeraad ah:

  3. Sidee ku timid in Xamaas ogolaato hub ka dhigis?

    Bilihii u dambeeyay, heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza ee uu Maraykanku dhexdhexaadinayay ayaa hakad galay, iyadoo hub ka dhigista Xamaas ay noqotay qodobka ugu weyn ee la isku mari waayay.

    Hase yeeshee, wada-hadallo adag oo dhowaan dhex maray Xamaas iyo dhexdhexaadiyeyaasha gobolka kaddib, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ku qoray in "tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday nabad iyo amni waara" la qaaday.

    Sida ku cad nuqul codsu cusub ah oo loo diray Washintong BBC-duna heshay, Xamaas ayaa ballanqaadaysa inay soo gudbin doonto liiska hubkeeda, goobaha lagu soo saaro qalabka milatariga iyo shabakadaha godadka dhulka hoostiisa mara.

    Soo jeedintu waxay dhigaysaa in hubka Xamaas lagu kaydiyo laguna hayo gacanta maamulka cusub ee Falastiin, isla markaana aan loo wareejin karin Israa'iil.

    Qorshahani wuxuu ku xiran yahay in ciidamada Israa'iil ka baxaan Gaza, sida lagu sheegay nuqulka

    Qorshe kale ayaa sidoo kale qeexaya sida dowladda cusub ee Falastiin ay maareyn doonto shaqaalaha rayidka ah ee Xamaas.

    Ilaa hadda, Israa'iil wax jawaab rasmi ah kama bixin soo jeedintan, iyadoo weli aad uga shakisan in Xamaas ay dhab ahaan diyaar u tahay inay hubka dhigto iyo in kale

  4. Israa'iil oo sii wadda duqeymaha Gaza, iyada oo la saxiixay heshiis xabbad-joojin la saxiixay

    Israa'iil oo sii wadda duqeymaha Gaza, iyada oo la saxiixay heshiis xabbad-joojin la saxiixay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Lix bilood ayaa laga joogaa tan iyo markii la qorsheeyay in la bilaabo wajiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas, wax horumar ah oo la taaban karo lagama gaarin.

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza ee ay maamusho Xamaas, tan iyo markii uu dhaqan galay heshiiska xabbad-joojinta bishii Oktoobar ee sanadkii hore, ugu yaraan 1,168 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro ay Israa'iil ka fulisay Marinka Qaza, Isla muddadaas, afar askari oo Israa'iili ah ayaa lagu dilay weerarro ay Falastiiniyiintu ka geysteen gudaha Gaza.

    7-dii Oktoobar 2023, Xamaas ayaa weerar ku qaaday Israa'iil, kaas oo lagu dilay 1,200 qof, halka 251 qof kalena afduub ahaan loogu qabsaday

    Weerarkaas kaddib, Israa'iil waxay billowday olole millatari oo ballaaran oo ka dhacay Gaza. Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, waxaa halkaas lagu dilay in ka badan 73,290 qof, kuwaas oo ay ku jiraan 21,280 carruur ah. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in xogta wasaaraddan guud ahaan lagu kalsoon yahay.

    Sannadkii 2024, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amarro lagu soo xirayo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, Wasiirkii hore ee Difaaca Yoav Gallant, iyo taliyihii garabka millatariga ee Xamaas Maxamed Deif, iyagoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal. Israa'iil ayaa sheegtay in Maxamed Deif lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah.

    Ra'iisul Wasaare Netanyahu ayaa cambaareeyay go'aanka ICC, isagoo ku tilmaamay mid "Yuhuud naceyb ah", halka Xamaas ay sheegtay in amarada lagu soo xiray Netanyahu iyo Gallant ay dhigeen "tusaale taariikhi ah oo muhiim ah."

    Guddi baaritaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa bishii Sebtembar 2025 sheegay in Israa'iil ay xasuuq U geysatay Falastiiniyiinta ku nool Gaza. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa gebi ahaanba diidday warbixintaas, iyadoo ku tilmaantay "mid dhinac u janjerta oo been abuur ah."

    Akhrin Dheeraad ah:

  5. War deg deg ah, Saameynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay kobaca dhaqaalaha Sacuudiga

    Kobaca dhaqaalaha Sacuudi Carabiya ee rubucii labaad ee sannadkan ayaa hoos u dhacay ku dhowaad 5% marka loo barbardhigo isla muddadii sannadkii hore, taasoo muujinaysa in saameynta dagaalka Iiraan ay si weyn u taabatay dhaqaalaha dalka.

    Hoos u dhacan ayaa inta badan ka dhashay wax-soo-saarka shidaalka oo hoos u dhacay ku dhowaad 25%, kaddib markii Iiraan ay ku dhowaad gebi ahaanba xanibtay isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormus.

    Xaaladdan ayaa ku qasabtay Sacuudi Carabiya inay inta badan shidaalkeeda ceyriinka ah u dhoofiso marin kale oo mara Badda Cas, balse marin-biyoodkaas ayaa isaguna wajahaya khatar ka imanaysa Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto.

  6. War deg deg ah, Mas'uuliyiinta Maraykanka: Trump wuxuu "aad uga xumaan doonaa" haddii Israa'iil aysan ka bixin Gaza.

    Trump iyo Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka oo saacad ka hor ka qayb galay kulan ay la yeesheen warbaahinta ayaa ka jawaabay su'aal ku saabsan inta ay rejeynayaan in Israa'iil ay ka baxdo Marinka Gaza marka ay Xamaas hubka dhigto.

    Waxay yidhaahdeen:

    "Wax dheeraad ah kama dalbaneyno Israa'iil marka laga reebo inay u hoggaansanto qorshaha 20-ka qodob ah ee ay hore u aqbashay. Sidaa darteed, waxaan kalsooni weyn ku qabnaa in Israa'iil ay fulin doonto heshiiskan."

    Mas'uuliyiintu waxay intaas ku dareen in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu "aad uga niyad jabi doono" haddii Israa'iil ay diido inay ka baxdo Qasa iyadoo la raacayo qorshaha 20-ka qodob ah.

    Xamaas ayaa sheegtay inay aqbashay in si buuxda hubka looga dhigo, arrintaas oo ay ansixiyeen Guddiga Nabadda Gaza.

  7. War deg deg ah, Dagaalka Iiraan oo wiiqaya kobaca dhaqaalaha Maraykanka

    Kobaca dhaqaalaha

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Ganacsiga Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in kobaca dhaqaalaha dalka uu gaabis noqday rubucii labaad ee sannadkan, isla markaana dagaalka lala galay Iiraan ay saameysay dhaqaalaha Maraykanka.

    Sida laga soo xigtay Xafiiska Falanqaynta Dhaqaalaha Maraykanka, dhaqaalaha Maraykanku wuxuu rubucii labaad ee sannadka koray kaliya 1.5%, halka khubaradu ay filayeen in kobacu gaari doono ku dhowaad 2%.

    Sida ku cad xogta xafiiskan, dhaqaalaha Maraykanku wuxuu rubucii koowaad ee sannadka koray 2.1%.

    Xafiiska Falanqaynta Dhaqaalaha Maraykanka ayaa sheegay in "gaabiska ku yimid kobaca dhaqaalaha rubucii labaad marka loo eego rubucii koowaad uu inta badan ka dhashay hoos u dhaca kharashaadka dowladda, iyo gaabis ku yimid maalgashiga iyo dhoofinta; inkastoo kororka kharashaadka macaamiisha uu qayb ahaan yareeyay hoos u dhacaas."

    Dhaqaalaha Maraykanka ayaa weli sii waday koboc muuqda rubucii u dambeeyay, inkastoo uu wajahayo cadaadis ka yimid siyaasadaha canshuuraha ee isbedbeddelaya iyo dagaalka Iiraan, kaas oo sababay kor u kac ku yimid qiimaha tamarta iyo bacriminta.

    Maalgashiga ku saabsan kobaca tiknoolajiyadda Kasgacmeedka (AI) ayaa door ka ciyaaray kor u qaadidda kobaca dhaqaalaha Maraykanka, balse kharashaadka qoysaska ayaa waxaa culays ku haya sannado ay qiimayaashu sare u kacayeen, halka saameynta dagaalkuna ay sii kordhisay cadaadiskaas.

    Xaaladda dhaqaale ee qoysaska Maraykanka ayaa noqon doonta arrin muhiim ah doorashooyinka dhexe ee bisha Nofeembar, kuwaas oo xisbiga Dimuqraadiga uu isku dayi doono inuu kula wareego gacan ku haynta Kongareeska xisbiga Jamhuuriga ee uu hoggaamiyo Donald Trump.

  8. War deg deg ah, Sacuudiga oo Isbahaysiga Difaaca Badda ah oo Soomaaliya ku jirto

    Ciidamo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sacuudi Carabiya ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay dhistay "Isbahaysiga Difaaca Badda" oo loogu talagalay sugidda amniga maraakiibta maraysa marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

    Go'aankan ayaa yimid kaddib markii kooxda Xuuthiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto ay toddobaadkii hore ku dhawaaqeen inay cunaqabatayn dhinaca badda ah ku soo rogeen Sacuudi Carabiya, oo ah dalka ugu weyn dunida ee dhoofiya shidaalka cayriin.

    Xuuthiyiintu waxay sidoo kale sheegeen inay weerarro ku qaadeen maraakiibta shidaalka qaada ee Sacuudiga ee Badda Cas iyo kaabeyaasha shidaalka ee dalkaas.

    Marin-biyoodkan cidhiidhiga ah ayaa noqday waddo aad muhiim ugu ah dhoofinta shidaalka Sacuudiga ee loo qaado suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan kaddib markii ay hakad weyn galeen dhoofinta tamarta ee gobolka Khaliijka Faaris, taas oo ka dhalatay xiisadda u dhexaysa Maraykanka iyo Iiraan ee ka taagan marin-biyoodka Hormuz.

    Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa war-murtiyeed ay ku hadlaysay magaca 14-ka dal ee ku bahoobay isbahaysigan ku sheegtay in dalalka xubnaha ka ah ay kala yihiin:

    · Baxrayn

    · Bangaladhesh

    · Jabuuti

    · Masar

    · Urdun

    · Kuweyt

    · Nayjeeriya

    · Baakistaan

    · Qadar

    · Sacuudi Carabiya

    · Soomaaliya

    · Suudaan

    · Turkiga

    · Yemen

    Wasaaraddu waxay sheegtay in ujeeddada loo dhisay isbahaysigan ay tahay "xoojinta amniga badda, ilaalinta xorriyadda maraakiibtu ugu kala goosho badaha, sugidda waddooyinka ganacsiga caalamiga ah iyo khadadka gudbinta tamarta, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee badda ee Bab al-Mandab, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed."

    Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ayaa shaacisay inay 51 dal iyo ururro caalami ah ku casuuntay shir ku saabsan isbahaysigan oo Khamiistii ka qabsoomay magaalada Riyaad.

  9. War deg deg ah, Mareykanka oo shirkado iyo shaqsiyaad ku soo rogay cunnaqabateyn

    Mareykanka ayaa eedeyn u jeediyay shirkadaha iyo shaqsiyaadkan

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa maanta sheegtay inay cunaqabatayn saartay lix qof iyo shirkado, kuwaas oo ay ku jirto shirkadda diyaaradaha ee Mahan Air. Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay shirkadda inay fududeyso howlaha ay fuliyaan Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran.

    Cunaqabataynta cusub ayaa sidoo kale lagu beegsaday muwaadin u dhashay Shiinaha, iyo shirkado laga leeyahay Shiinaha, Ruushka, Kashmir-ta ay Hindiya maamusho, iyo Iran.

    Xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa warsaxaafadeed ku yiri:

    "Cid kasta oo siisa IRGC ama Mahan Air taageero dhaqaale, mid saadka ah ama adeegyo ganacsi, waxay taageeraysaa urur argagixiso. Wasaaradda Maaliyaddu waxay sii wadi doontaa inay aqoonsato oo shaaciso shakhsiyaadkaas iyo shirkadahaas, isla markaana ay wiiqdo helitaankooda nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka."

    Mahan Air waxay sheegtaa inay tahay shirkad rayid ah oo duulimaadyo gudaha iyo dibadda ah ka fulisa Iran. Hase yeeshee, Mareykanka ayaa ku doodaya in shirkaddu adeegyo gaadiid u fidiso Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, isla markaana ay door ku leedahay daadgureynta shaqaalaha iyo hubka ay adeegsadaan.

    Dowladda Iran iyo maamulka Mahan Air ayaa marar badan beeniyay eedeymahaas. Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka iyo qaar ka mid ah xulafadiisa Yurub ayaa hore iyo hadda labadaba cunaqabateyn ugu soo rogay shirkadda iyo hay'ado kale oo lala xiriiriyo.

  10. War deg deg ah, Ciidamada Iiraan oo weeraray saldhig ku yaala Baxrayn

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay weerar diyaarado aan duuliye lahayn ah ku qaadeen saldhigga Sheekh Ciise ee dalka Baxrayn.

    Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Iiraan ayaa sheegay in weerarkan drone-ka ah lagu qaaday saldhigga Sheekh Ciise ee ku yaalla Baxrayn.

    War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkan, oo la sheegay in loo fuliyey “aargoosiga dhiigga Sarreeye Guuto Majid Kazemi,” lagu bartilmaameedsaday matoorrada korontada, nidaamyada hagista iyo duulista, iyo dhismayaasha maamulka iyo taageerada ee ciidamada Maraykanka ee ku sugan saldhigga Sheekh Ciise.

    Sarreeye Guuto Majid Kazemi, oo ahaa duuliyihii mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi Su-24 ee Iiraan, ayaa in ka badan afar bilood ka hor lagu dilay weerar lagu qaaday saldhigga Maraykanka ee dalka Qadar, isaga iyo saddex duuliye oo kale.

    Tan iyo markii uu dagaalku billowday 30-kii Maarso ee sannadkii hore, Iiraan waxay weerarro aargoosi ah ku qaadayay saldhigyada ciidamada Maraykanka ee ku yaalla dalalka Khaliijka Faaris.

  11. War deg deg ah, Madaxweynaha Masar oo farriin diray kadib weerarkii ka dhacay

    Masar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Siisi, ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta kororka xiisadaha gobolka kadib weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu qaaday dekedda Damyata.

    Wadahadal telefoon oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez, ayuu Madaxweyne Al-Siisi ku sheegay in iskaashiga u dhexeeya Masar, Spain, Yurub iyo beesha caalamka uu yahay mid lagama maarmaan u ah ka hortagga xiisadaha sii kordhaya.

    Dowladda Masar ayaa sheegtay in dabkii shalay ka kacay dekedda Damyata uu ka dhashay weerar drone ah. Kani waa weerarkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka dhaca Masar tan iyo markii uu billowday dagaalka Bariga Dhexe.

    Sida ay sheegeen saraakiisha Masar, dab ka dhashay weerar Arabacdii dhacay ayaa waxyeello u geystay laba markab oo siday gaas.

  12. Boqolaal tahriibayaal ah oo ka tegay Morroco dabbaalna ku galay Spain

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Boqolaal tahriibayaal ah ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ka gudbay xadka u dhexeeya Morocco iyo magaalada Ceuta oo ay Spain maamusho, iyagoo qaar dabaalanayay halka kuwo kalena ay ka gudbeen albaabka xadka.

    Hoggaamiyaha Ceuta, Juan Jesús Vivas, ayaa sheegay in qulqulkan uu culays weyn saaray adeegyada magaalada, wuxuuna dowladda Spain ka codsaday inay si degdeg ah u soo farageliso.

    Wararka ayaa ku kala duwan tirada dadka gudbay, iyadoo qaar ku qiyaaseen 2,000 ilaa 3,000 qof hal maalin gudaheed, halka warbaahinta dowladda Spain ay sheegtay in boqolaal qof ay soo galeen. Sidoo kale, waxaa la sheegay in in ka badan 1,500 oo tahriibayaal u badan dhalinyaro Moroccan ah ay Ceuta gaadheen labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

    Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in bilihii u dambeeyay badda laga soo saaray meydadka ku dhowaad 60 qof, kuwaas oo ku dhintay isku dayga ay ugu gudbayeen Yurub.

  13. Afar qof oo tahriibayaal ku dhintay Kanaalka u dhexeeya Faransiiska iyo UK

    Afarta qof ayaa ku dhintay iyagoo habeenkii isku dayay inay ka tallaabaan Kanaalka Ingiriiska, kadib maalintii ugu badnayd ee ilaa hadda sanadkaan ee ay maraan tahriibka doonyaha yaryar, taas oo keentay in 752 qof ay ku galeen UK.

    Nin ayaa dhintay, kadib doon yar ay ku rogmatay xeebta waqooyiga dalka Faransiiska, goor dambe oo habeenkii Jimcaha ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka. Ilmo yar ayaan ka mid ahaa kuwa ku dhaawacmay.

    Toddoba saacadood ka dib, saddex qof ayaa meydkooda la helay, kadib markii ay ka baxday Dunkirk habeenkii, iyada oo qaar ka mid ah ay qiyaastii 100 km u jirto xeebta, oo xigta dhinaca waqooyi ee dalka.

    Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa xaqiijiyey dhimashadooda, halka dhinaca UK-na ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha in maalintii Arbacada ay noqotay maalintii ugu sarreysay ee tahriibayaal soo galaan sanadkan—sagaal doonyoodna ay gaasheen UK.

  14. UEFA oo Ku Hanjabtay Qaadacaadda Koobka Adduunka iyo FIFA

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    55-ka xidhiidh ee kubadda cagta Yurub ee ku mideysan UEFA ayaa isku raacay inay qaadacaan dhammaan tartamada FIFA haddii la meel mariyo qorshaha lagu iibinayo saamiyo ka mid ah Koobka Adduunka iyo tartamada kale si ay u maalgashadaan shirkado gaar loo leeyahay.

    UEFA waxay sheegtay in Koobka Adduunku uusan ahayn hanti ganacsi oo la iibin karo, balse uu yahay dhaxal ciyaareed caalami ah oo jiilal badan ay dhiseen ciyaartoy, xulal qaran iyo taageerayaal.

    Haddii qorshaha Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, la ansixiyo, UEFA waxay qaadici doontaa dhammaan tartamada FIFA, oo ay ku jiraan Koobka Adduunka ragga, dumarka iyo Koobka Kooxaha Adduunka. Tijaabada ugu horreysa ee go'aankan waxay noqon kartaa isreeb-reebka Koobka Adduunka Haweenka ee bisha Oktoobar.

  15. Israa'iil oo Qasa ka dhisaysa xayndaabyo cusub isla markaana barakicinaysa qoysas

    'Meel ilaa meel ayaa nalaga barakiciyay, haddana meel aan aadno ma harin,' ayay tiri Umm Mohammed al-Shawish.

    Waxay si quus ah u raadinaysaa meel ay degto, kaddib markii Israa'iil ay soo rartay baloogyo jaalle ah oo shub ah kuwaas oo calaamad u ahaa aagga ay ka maamusho Marinka Gaza.

    Qoysaska ku nool xaafadda al-Tuffah ee waqooyiga Gaza ayaa subaxnimadii Isniinta soo toosay iyagoo arkay in baloogyada loo raray dhanka galbeed, lana geeyay bartamaha waddada Salah al-Din, oo ah waddo muhiim ah oo isku xirta waqooyiga iyo koonfurta Gaza.

    Meel u dhow, calanka Israa'iil ayaa ka babbanayay dusha xayndaab ciid ah oo dhererkiisu qiyaastii yahay 3 mitir (10 fiit).

    Guriga qoyska al-Shawish ayaa lagu burburiyay dagaalka. Axaddii waxay mar kale qaxeen kaddib markii militariga Israa'iil uu uga digay weerar lagu qaadi doono dhisme ku dhow. Hoygii keliya ee ay haysteen wuxuu ahaa teendho, taas oo uu burburiyay weerarkaas.

  16. Masar oo markii ugu horray la beegsaday tan iyo dagaalkii Bariga Dhexe ee Iran

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Dowladda Masar ayaa xaqiijisay in dabkii Arbacadii ka kacay laba markab oo kuwa kaydka gaaskaa qaada ah oo ku sugnaa dekedda Dumyaat ee Badda Mediterranean-ka uu ka dhashay weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drone).

    Drone-ka ayaa la sheegay inuu ku dhacay markabka Energos Winter, oo ay leedahay shirkad Mareykan ah, dabkiina wuxuu ku fiday markabka GasLog Salem, oo ay leedahay shirkad Giriig ah.

    Mas'uuliyiinta Masar ayaa sheegay in dabka la damiyay, wax khasaare naf ahna uusan dhicin, isla markaana dekeddu ay si caadi ah u shaqaynayso. Labada markab ayaa markii dambe ka baxay dekedda.

    Tani waa markii ugu horreysay ee Masar si toos ah loo beegsado tan iyo markii uu billowday dagaalka Iiraan muddo shan bilood ah.

  17. Tobannaan Maroodi ah oo la soo werinayo in ay ku dhinteen koonfurta Kenya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ugu yaraan 15 maroodi ayaa meydkooda laga helay koonfurta Kenya, meel ka baxsan Beerta Qaranka Amboseli, iyada oo loo maleynayo inay u dhinteen sunta cayayaanka ee lagu buufiyo beeraha.

    Hay'adda Ilaalinta Duurjoogta Kenya (KWS) ayaa sheegtay in baadhitaannada hordhaca ah lagu ogaaday cyanide oo ku jiray muunado laga qaaday maroodiyada. Toban ka mid ah maroodiyada ayaa markii hore laga arkay calaamado xanuun ka hor inta aysan dhiman laba maalmood gudahood, halka shanta kale meyd ahaan loo helay.

    Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in baaritaanku weli socdo, balse aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in si ula kac ah loo sumeeyay. Dhacdadan ayaa walaac ka dhalisay ballaarinta beeraha ku dhow Beerta Amboseli, halkaas oo maroodigu inta badan u galaan si ay cunto iyo biyo uga raadsadaan. Waxaa la sheegay inay tani tahay dhacdadii ugu horreysay ee muddo tobannaan sano ah mar keliya ay ku dhintaan maroodi tiro intaas le'eg ah gobolkaas.

  18. Iiraan oo sheegtay inay diyaarado kasoo ridday Mareykanka

    Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo dagaal oo nooca F-35 ah oo Maraykanku leeyahay gebi ahaanba lagu burburiyay, halka saddex kale ay si daran ugu dhaawacmeen weerar gantaallo ah oo lagu qaaday saldhigga cirka ee Al-Azraq ee dalka Urdun. Si kastaba ha ahaatee, sheegashadan weli ma xaqiijin saraakiisha Maraykanka ama Urdun, mana jirto ilo madax-bannaan oo xaqiijisay.

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in weerarku uu jawaab u ahaa duqeymo cirka ah oo Maraykanku ku qaaday laba guri oo la degganaa oo ku yaalla Jasiiradda Qeshm. Duqeymahaas ayaa la sheegay inay dileen saddex xubnood oo ka tirsan hal qoys, oo uu ku jiray hal ilmo, isla markaana ay ku dhaawaceen laba carruur ah oo kale.

    Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale sheegay in hangar lagu rakibo laguna dayactiro diyaaradaha dagaalka oo ku yaalla saldhigga cirka ee Al-Azraq la beegsaday, taas oo ay ku dhinteen dhowr sarkaal oo Maraykan ah iyo xubno ka tirsan shaqaalaha farsamada. Hase yeeshee, lama bixin tirooyin gaar ah ama faahfaahin dheeraad ah.

    Maraykanka ayaa isaguna weli soo saarin wax bayaan rasmi ah oo ku saabsan sheegashada ah in diyaaradaha F-35 la burburiyay ama in ay jiraan wax khasaare naf ah oo soo gaaray ciidamadiisa.

    Warar dheeraad ah:

  19. Hoggaamiyihii mucaaradka Uganda oo ku dhex suuxay maxkamadda xilli 'khiyaano qaran' loo hayto

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Kizza Besigye ayaa la dhigay qeybta daryeelka degdegga ah (ICU) ee isbitaal ku yaalla Kampala, kadib markii uu suuxay xilli ay socotay maxkamadeyntiisa ku aadanayd dacwad khiyaano qaran ah oo kal hore lagu soo oogay.

    Besigye oo 70 jir ah ayaa xabsi ku jiray tan iyo Nofeembar 2024. Wuxuu diiday qareenno ay dowladda u magacawday inay difaacaan, waxaana kaddib markii xanuunku kusoo booday ee si gaar ah uu suuxay, ay ay askarta xabsigu u qaadeen isbitaal.

    Xaaskiisa Winnie Byanyima ayaa sheegtay inuu miyir beelay, uusanna hadli karin.

    Besigye ayaa afar jeer u tartamay xilka madaxweynaha Uganda isagoo la loollamay Madaxweyne Yoweri Museveni, waxaana la sheegay in sanadkii 2024 laga afduubtay Kenya ka hor inta aan dib loogu celin Uganda.

    Kizza Besigye iyo kaaliyihiisa Obeid Lutale ayaa kula xiran xabsi, waxaana lagu soo oogay dacwad ah khiyaano qaran, eedeyntaas oo ay labadooduba beeniyeen.

    Xeer-ilaalintu waxay ku eedeysay inay qorsheynayeen afgambi lagu ridayo dowladda Madaxweyne Yoweri Museveni. Dambiga ah khiyaano qaran ee Uganda waxaa lagu mutaysan karaa xukun dil ah haddii lagu helo.

  20. Pakistan: 10 askari oo boolis ah ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen mintidiin

    Ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan booliska Pakistan ayaa lagu dilay weerar ay mintidiin Islaami ahi ku qaadeen saldhig boolis oo ku yaalla degmada Hangu, waqooyi-galbeed ee dalka, meel u dhow xadka Afghanistan.

    Booliska ayaa sheegay in weerarku ku billowday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo lagu rakibay walxaha qarxa, ka hor inta aysan mintidiintu weerar toos ah ku qaadin saldhigga. Dagaal socday dhowr saacadood kadib, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in sidoo kale la dilay 15 ka mid ah weeraryahannadii.

    Cidna weli ma sheegan mas'uuliyadda weerarkan, balse wuxuu imanayaa maalmo uun kadib weerar ismiidaamin ah oo lagu dilay 15 qof, oo ay ku jireen 12 askari, kaas oo ay sheegatay kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP).

    Pakistan ayaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmaysay koror ku yimid weerarrada kooxaha hubeysan ee ka dhaca gobollada ku teedsan xadka Afghanistan, iyadoo Islamabad ay ku eedeyso mintidiinta inay saldhigyo ku leeyihiin Afghanistan, arrintaas oo dowladda Taliban ay beenisay.