TOOS, Maxaan ka ognahay ama aanan ka ogeyn hub ka dhigista Xamaas
Xalay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la gaaray heshiis dhigaya in gebi ahaanba hubka laga dhigo Xamaas iyo dhammaan kooxaha kale ee hubeysan ee Gaza, isla markaana ciidamada Israa'iil ay ka baxaan Marinka Gaza.
Sida ku cad xogta shirkadda dabagalka maraakiibta ee Kepler,
wadar ahaan 25 markab oo ganacsi oo sida badeecooyin ayaa Khamiistii maray
marin-biyoodka Bab al-Mandab, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Sacuudiga
iyo Xuutiyiinta ka dagaallama Yaman.
Reuters ayaa sheegtay in 18 ka mid ah 25-ka markab ay galeen
marin-biyoodka Bab al-Mandab, halka 7 kalena ay ka baxeen.
Maraakiibtaas waxaa ku jiray dhowr markab oo shidaal qaada,
oo ay ku jiraan laba markab oo waaweyn iyo shan markab oo nooca Aframax ah.
Dhanka kale, isu socodka maraakiibta ee Marin-biyoodka
Hormuz ayaa weli ah mid hooseeya, iyadoo illaa khamiistii ay mareen oo keliya laba
markab oo kuwa shidaalka qaada ah.
Waxaa xusid mudan in labadii markab ee maray Marin-biyoodka
Hormuz aysan wax xamuul ah sidin.
Warbaahinta Iiraan oo baahisay in ciidamo Ilaalada Kacaanka ah lagu dilay weerarkii Sacuudiga iyo Maraykanka ee Ciraaq
Xigashada Sawirka, Reuters
Warbaahinta Iiraan ayaa baahisay muuqaallo muujinaya
meydadka shan xubnood oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah
(IRGC), kuwaas oo lagu dilay weerarradii ay Sacuudiga iyo Maraykanku ka
fuliyeen gudaha Ciraaq.
Wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ee IRNA ayaa qortay in
meydadka xubnahan IRGC loo soo qaaday gudaha Iiraan iyagoo soo maray xadka
Mehran.
Maalmihii la soo dhaafay, Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa
weerarro ku qaaday maleeshiyaad xiriir la leh Iiraan oo ku sugan Ciraaq, iyagoo
sheegay inay uga jawaabayeen weerarro ay diyaarado aan duuliye lahayn ka
fuliyeen dhulka Ciraaq oo lagu beegsaday xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.
Ciidamada Xoogagga Abaabulka Dadweynaha ee Ciraaq ayaa
sheegay in weerarrada Maraykanka iyo Sacuudiga lagu dilay ugu yaraan 20 xubnood,
halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen. PMF waxay sidoo kale sheegtay in shan
la-taliye oo ka tirsanaa IRGC ay ku dhinteen weerarradaas.
Masar oo martigelin doonta kulanka dhexdhexaadiyeyaasha qorshaha nabadda ee Qasa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Shabakadda wararka Cairo News, oo xiriir la leh
dowladda Masar, ayaa subaxnimadii Jimcaha sheegtay in magaalada Qaahira
ay dhowaan lagu qaban doono kulan ay isugu imaanayaan dhexdhexaadiyeyaasha
qorshaha nabadda ee Qasa.
Dalalka Masar, Maraykanka, Qadar iyo Turkiga ayaa ka
mid ah dhinacyada dhexdhexaadinta ka wada dadaallada nabadda ee u dhexeeya Xamaas
iyo Israa’iil
Warbaahina Cairo News, iyadoo soo xiganaysa ilo Masri
ah oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegtay in ujeeddada kulanka ay tahay in la
xaqiijiyo sida dhammaan dhinacyada ay uga go'an tahay hirgelinta qodobbada
heshiiska.
Warkaan ayaa imanaya xilli lagu Trump uu ku dhawaaqay in Xamaas ay ogolaatay hub ka dhigsi, ciidamada Israa'iilna ay iskaga baxayaan Qasa.
Maxaa laga ogeyn weli qorshaha hub ka dhigista Xamaaz?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xalay,
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la gaaray heshiis
dhigaya in gebi ahaanba hubka laga dhigo Xamaas iyo dhammaan kooxaha kale ee
hubeysan ee Gaza, isla markaana ciidamada Israa'iil ay ka baxaan Marinka Gaza.
Qorshe afar bog ka kooban oo ay BBC-du heshay ayaa faahfaahinaya in hub ka dhigista Xamaas loo fulin doono si marxalad-marxalad ah, isla markaana ciidamada Israa'iil ay iyaguna si tartiib tartiib ah uga bixi doonaan Gaza. Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in tallaabo kasta oo qorshaha ka mid ah la xaqiijin doono lana hubin doono ka hor inta aan loo gudbin tallaabada xigta.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in ururku oggolaaday qorshaha, hase yeeshee weli Xamaas kama aysan soo saarin war rasmi ah.
Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu si weyn uga niyad jabi doono haddii Israa'iil ay diido inay ciidamadeeda kala baxdo Gaza.
Waxa weli aan la ogeyn:
Mowqifka rasmiga ah ee Israa'iil ee heshiiskan, iyo inay qayb ka ahayd wada-hadalladii lagu gaaray, ma cadda, maadaama aan wax hadal ah laga maqal mas'uuliyiinta Israa'iil tan iyo ku dhawaaqistii Trump.
Sida ay u dhici doonto ka bixitaanka ciidamada Israa'iil, iyo in bixitaanku uu ku jiri doono aagga kala xadaynta ee loo yaqaan "Khadka Jaallaha" (Yellow Line).
Cidda ugu dambayn gacanta ku hayn doonta hubka ay Xamaas wareejin doonto marka heshiiska la fuliyo.
Sida uu si dhab ah u shaqayn doono habka xaqiijinta iyo kormeerka ee Maraykanku soo jeediyay.
War deg deg ah, Iiraan oo ka baaraan degeysa inay weerar aar goosi ah ku qaaddo Ukraine
Wargeyska The New York Times ayaa Arbacadii qoray in Iiraan
ay qorshooneesay inay weerarto deked ku taalla Ukraine, hase yeeshee dadaallo
diblomaasiyadeed ayaa gacan ka geystay dejinta xiisadda, taasoo sii xoojisay
aragtida ah in Tehran dib u dhigto qorshaha, iyada oo ay Iiraan doonayso inay ka fogaato furitaanka
jiho dagaal oo cusub.
Masuuliyiinta Iiraan ayaa inta badan weerarka ku tilmaamay
qayb ka mid ah isku dayada ay Maraykanka iyo Israa'iil ku doonayaan inay ku
ballaariyaan colaadda.
Bilihii u dambeeyay, heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza ee uu
Maraykanku dhexdhexaadinayay ayaa hakad galay, iyadoo hub ka dhigista Xamaas ay
noqotay qodobka ugu weyn ee la isku mari waayay.
Hase yeeshee, wada-hadallo adag oo dhowaan dhex maray Xamaas
iyo dhexdhexaadiyeyaasha gobolka kaddib, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
ayaa bartiisa bulshada ku qoray in "tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday
nabad iyo amni waara" la qaaday.
Sida ku cad nuqul codsu cusub ah oo loo diray Washintong BBC-duna heshay, Xamaas ayaa ballanqaadaysa
inay soo gudbin doonto liiska hubkeeda, goobaha lagu soo saaro qalabka
milatariga iyo shabakadaha godadka dhulka hoostiisa mara.
Soo jeedintu waxay dhigaysaa in hubka Xamaas lagu kaydiyo
laguna hayo gacanta maamulka cusub ee Falastiin, isla markaana aan loo wareejin
karin Israa'iil.
Qorshahani wuxuu ku xiran yahay in ciidamada Israa'iil ka
baxaan Gaza, sida lagu sheegay nuqulka
Qorshe kale ayaa sidoo kale qeexaya sida dowladda cusub ee
Falastiin ay maareyn doonto shaqaalaha rayidka ah ee Xamaas.
Ilaa hadda, Israa'iil wax jawaab rasmi ah kama bixin soo
jeedintan, iyadoo weli aad uga shakisan in Xamaas ay dhab ahaan diyaar u tahay
inay hubka dhigto iyo in kale
Israa'iil oo sii wadda duqeymaha Gaza, iyada oo la saxiixay heshiis xabbad-joojin la saxiixay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Lix bilood ayaa laga joogaa tan iyo markii la qorsheeyay in
la bilaabo wajiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta u dhexeeya Israa'iil iyo
Xamaas, wax horumar ah oo la taaban karo lagama gaarin.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza ee ay maamusho
Xamaas, tan iyo markii uu dhaqan galay heshiiska xabbad-joojinta bishii
Oktoobar ee sanadkii hore, ugu yaraan 1,168 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay
weerarro ay Israa'iil ka fulisay Marinka Qaza, Isla muddadaas, afar askari oo
Israa'iili ah ayaa lagu dilay weerarro ay Falastiiniyiintu ka geysteen gudaha
Gaza.
7-dii Oktoobar 2023, Xamaas ayaa weerar ku qaaday Israa'iil,
kaas oo lagu dilay 1,200 qof, halka 251 qof kalena afduub ahaan loogu qabsaday
Weerarkaas kaddib, Israa'iil waxay billowday olole millatari
oo ballaaran oo ka dhacay Gaza. Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee
Gaza, waxaa halkaas lagu dilay in ka badan 73,290 qof, kuwaas oo ay ku jiraan 21,280
carruur ah. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in xogta wasaaraddan
guud ahaan lagu kalsoon yahay.
Sannadkii 2024, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC)
ayaa soo saartay amarro lagu soo xirayo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin
Netanyahu, Wasiirkii hore ee Difaaca Yoav Gallant, iyo taliyihii garabka
millatariga ee Xamaas Maxamed Deif, iyagoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.
Israa'iil ayaa sheegtay in Maxamed Deif lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah.
Ra'iisul Wasaare Netanyahu ayaa cambaareeyay go'aanka ICC,
isagoo ku tilmaamay mid "Yuhuud naceyb ah", halka Xamaas ay sheegtay
in amarada lagu soo xiray Netanyahu iyo Gallant ay dhigeen "tusaale
taariikhi ah oo muhiim ah."
Guddi baaritaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa bishii
Sebtembar 2025 sheegay in Israa'iil ay xasuuq U geysatay Falastiiniyiinta ku
nool Gaza. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa gebi ahaanba diidday
warbixintaas, iyadoo ku tilmaantay "mid dhinac u janjerta oo been abuur
ah."
War deg deg ah, Saameynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay kobaca dhaqaalaha Sacuudiga
Kobaca dhaqaalaha Sacuudi Carabiya ee rubucii labaad ee sannadkan ayaa hoos u dhacay ku dhowaad 5% marka loo barbardhigo isla muddadii sannadkii hore, taasoo muujinaysa in saameynta dagaalka Iiraan ay si weyn u taabatay dhaqaalaha dalka.
Hoos u dhacan ayaa inta badan ka dhashay wax-soo-saarka shidaalka oo hoos u dhacay ku dhowaad 25%, kaddib markii Iiraan ay ku dhowaad gebi ahaanba xanibtay isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormus.
Xaaladdan ayaa ku qasabtay Sacuudi Carabiya inay inta badan shidaalkeeda ceyriinka ah u dhoofiso marin kale oo mara Badda Cas, balse marin-biyoodkaas ayaa isaguna wajahaya khatar ka imanaysa Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto.
War deg deg ah, Mas'uuliyiinta Maraykanka: Trump wuxuu "aad uga xumaan doonaa" haddii Israa'iil aysan ka bixin Gaza.
Xigashada Sawirka, Reuters
Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka oo saacad ka hor ka qayb galay kulan ay la yeesheen warbaahinta ayaa ka jawaabay su'aal ku saabsan inta ay rejeynayaan in Israa'iil ay ka baxdo Marinka Gaza marka ay Xamaas hubka dhigto.
Waxay yidhaahdeen:
"Wax dheeraad ah kama dalbaneyno Israa'iil marka laga reebo inay u hoggaansanto qorshaha 20-ka qodob ah ee ay hore u aqbashay. Sidaa darteed, waxaan kalsooni weyn ku qabnaa in Israa'iil ay fulin doonto heshiiskan."
Mas'uuliyiintu waxay intaas ku dareen in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu "aad uga niyad jabi doono" haddii Israa'iil ay diido inay ka baxdo Qasa iyadoo la raacayo qorshaha 20-ka qodob ah.
Xamaas ayaa sheegtay inay aqbashay in si buuxda hubka looga dhigo, arrintaas oo ay ansixiyeen Guddiga Nabadda Gaza.
Wasaaradda Ganacsiga Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in kobaca dhaqaalaha dalka uu gaabis noqday rubucii labaad ee sannadkan, isla markaana dagaalka lala galay Iiraan ay saameysay dhaqaalaha Maraykanka.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Falanqaynta Dhaqaalaha Maraykanka, dhaqaalaha Maraykanku wuxuu rubucii labaad ee sannadka koray kaliya 1.5%, halka khubaradu ay filayeen in kobacu gaari doono ku dhowaad 2%.
Sida ku cad xogta xafiiskan, dhaqaalaha Maraykanku wuxuu rubucii koowaad ee sannadka koray 2.1%.
Xafiiska Falanqaynta Dhaqaalaha Maraykanka ayaa sheegay in "gaabiska ku yimid kobaca dhaqaalaha rubucii labaad marka loo eego rubucii koowaad uu inta badan ka dhashay hoos u dhaca kharashaadka dowladda, iyo gaabis ku yimid maalgashiga iyo dhoofinta; inkastoo kororka kharashaadka macaamiisha uu qayb ahaan yareeyay hoos u dhacaas."
Dhaqaalaha Maraykanka ayaa weli sii waday koboc muuqda rubucii u dambeeyay, inkastoo uu wajahayo cadaadis ka yimid siyaasadaha canshuuraha ee isbedbeddelaya iyo dagaalka Iiraan, kaas oo sababay kor u kac ku yimid qiimaha tamarta iyo bacriminta.
Maalgashiga ku saabsan kobaca tiknoolajiyadda Kasgacmeedka (AI) ayaa door ka ciyaaray kor u qaadidda kobaca dhaqaalaha Maraykanka, balse kharashaadka qoysaska ayaa waxaa culays ku haya sannado ay qiimayaashu sare u kacayeen, halka saameynta dagaalkuna ay sii kordhisay cadaadiskaas.
Xaaladda dhaqaale ee qoysaska Maraykanka ayaa noqon doonta arrin muhiim ah doorashooyinka dhexe ee bisha Nofeembar, kuwaas oo xisbiga Dimuqraadiga uu isku dayi doono inuu kula wareego gacan ku haynta Kongareeska xisbiga Jamhuuriga ee uu hoggaamiyo Donald Trump.
War deg deg ah, Sacuudiga oo Isbahaysiga Difaaca Badda ah oo Soomaaliya ku jirto
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sacuudi Carabiya ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay dhistay
"Isbahaysiga Difaaca Badda" oo loogu talagalay sugidda amniga
maraakiibta maraysa marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.
Go'aankan ayaa yimid kaddib markii kooxda Xuuthiyiinta Yemen ee ay Iiraan
taageerto ay toddobaadkii hore ku dhawaaqeen inay cunaqabatayn dhinaca badda ah
ku soo rogeen Sacuudi Carabiya, oo ah dalka ugu weyn dunida ee dhoofiya
shidaalka cayriin.
Xuuthiyiintu waxay sidoo kale sheegeen inay weerarro ku qaadeen maraakiibta
shidaalka qaada ee Sacuudiga ee Badda Cas iyo kaabeyaasha shidaalka ee dalkaas.
Marin-biyoodkan cidhiidhiga ah ayaa noqday waddo aad muhiim ugu ah dhoofinta
shidaalka Sacuudiga ee loo qaado suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan kaddib
markii ay hakad weyn galeen dhoofinta tamarta ee gobolka Khaliijka Faaris, taas
oo ka dhalatay xiisadda u dhexaysa Maraykanka iyo Iiraan ee ka taagan
marin-biyoodka Hormuz.
Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa war-murtiyeed ay ku hadlaysay
magaca 14-ka dal ee ku bahoobay isbahaysigan ku sheegtay in dalalka xubnaha ka
ah ay kala yihiin:
· Baxrayn
· Bangaladhesh
· Jabuuti
· Masar
· Urdun
· Kuweyt
· Nayjeeriya
· Baakistaan
· Qadar
· Sacuudi
Carabiya
· Soomaaliya
· Suudaan
· Turkiga
· Yemen
Wasaaraddu waxay sheegtay in ujeeddada loo dhisay isbahaysigan ay tahay
"xoojinta amniga badda, ilaalinta xorriyadda maraakiibtu ugu kala goosho
badaha, sugidda waddooyinka ganacsiga caalamiga ah iyo khadadka gudbinta
tamarta, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee badda ee Bab al-Mandab, Badda Cas
iyo Gacanka Cadmeed."
Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ayaa shaacisay inay 51 dal iyo
ururro caalami ah ku casuuntay shir ku saabsan isbahaysigan oo Khamiistii ka
qabsoomay magaalada Riyaad.
War deg deg ah, Mareykanka oo shirkado iyo shaqsiyaad ku soo rogay cunnaqabateyn
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka
ayaa maanta sheegtay inay cunaqabatayn saartay lix qof iyo shirkado, kuwaas oo
ay ku jirto shirkadda diyaaradaha ee Mahan Air. Dowladda Mareykanka ayaa ku
eedeysay shirkadda inay fududeyso howlaha ay fuliyaan Ciidamada Ilaalada
Kacaanka Islaamiga ah ee Iran.
Cunaqabataynta cusub ayaa sidoo
kale lagu beegsaday muwaadin u dhashay Shiinaha, iyo shirkado laga leeyahay
Shiinaha, Ruushka, Kashmir-ta ay Hindiya maamusho, iyo Iran.
Xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda
Mareykanka, Scott Bessent, ayaa warsaxaafadeed ku yiri:
"Cid kasta oo siisa IRGC ama
Mahan Air taageero dhaqaale, mid saadka ah ama adeegyo ganacsi, waxay
taageeraysaa urur argagixiso. Wasaaradda Maaliyaddu waxay sii wadi doontaa inay
aqoonsato oo shaaciso shakhsiyaadkaas iyo shirkadahaas, isla markaana ay wiiqdo
helitaankooda nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka."
Mahan Air waxay sheegtaa inay
tahay shirkad rayid ah oo duulimaadyo gudaha iyo dibadda ah ka fulisa Iran.
Hase yeeshee, Mareykanka ayaa ku doodaya in shirkaddu adeegyo gaadiid u fidiso
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, isla markaana ay door ku leedahay
daadgureynta shaqaalaha iyo hubka ay adeegsadaan.
Dowladda Iran iyo maamulka Mahan
Air ayaa marar badan beeniyay eedeymahaas. Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka
iyo qaar ka mid ah xulafadiisa Yurub ayaa hore iyo hadda labadaba cunaqabateyn
ugu soo rogay shirkadda iyo hay'ado kale oo lala xiriiriyo.
War deg deg ah, Ciidamada Iiraan oo weeraray saldhig ku yaala Baxrayn
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay weerar
diyaarado aan duuliye lahayn ah ku qaadeen saldhigga Sheekh Ciise ee dalka
Baxrayn.
Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Iiraan ayaa sheegay in weerarkan
drone-ka ah lagu qaaday saldhigga Sheekh Ciise ee ku yaalla Baxrayn.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkan, oo la sheegay in loo
fuliyey “aargoosiga dhiigga Sarreeye Guuto Majid Kazemi,” lagu
bartilmaameedsaday matoorrada korontada, nidaamyada hagista iyo duulista, iyo
dhismayaasha maamulka iyo taageerada ee ciidamada Maraykanka ee ku sugan
saldhigga Sheekh Ciise.
Sarreeye Guuto Majid Kazemi, oo ahaa duuliyihii mid ka mid ah diyaaradaha
dagaalka ee Sukhoi Su-24 ee Iiraan, ayaa in ka badan afar bilood ka hor lagu
dilay weerar lagu qaaday saldhigga Maraykanka ee dalka Qadar, isaga iyo saddex
duuliye oo kale.
Tan iyo markii uu dagaalku billowday 30-kii Maarso ee sannadkii hore, Iiraan
waxay weerarro aargoosi ah ku qaadayay saldhigyada ciidamada Maraykanka ee ku
yaalla dalalka Khaliijka Faaris.
War deg deg ah, Madaxweynaha Masar oo farriin diray kadib weerarkii ka dhacay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Siisi, ayaa ka digay
khatarta ka dhalan karta kororka xiisadaha gobolka kadib weerar loo adeegsaday
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu qaaday dekedda Damyata.
Wadahadal telefoon oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Spain
Pedro Sánchez, ayuu Madaxweyne Al-Siisi ku sheegay in iskaashiga u dhexeeya
Masar, Spain, Yurub iyo beesha caalamka uu yahay mid lagama maarmaan u ah ka
hortagga xiisadaha sii kordhaya.
Dowladda Masar ayaa sheegtay in dabkii shalay ka kacay
dekedda Damyata uu ka dhashay weerar drone ah. Kani waa weerarkii ugu horreeyay
ee noociisa ah ee ka dhaca Masar tan iyo markii uu billowday dagaalka Bariga
Dhexe.
Sida ay sheegeen saraakiisha Masar, dab ka dhashay weerar
Arabacdii dhacay ayaa waxyeello u geystay laba markab oo siday gaas.
Boqolaal tahriibayaal ah oo ka tegay Morroco dabbaalna ku galay Spain
Xigashada Sawirka, .
Boqolaal tahriibayaal ah ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ka gudbay xadka u dhexeeya Morocco iyo magaalada Ceuta oo ay Spain maamusho, iyagoo qaar dabaalanayay halka kuwo kalena ay ka gudbeen albaabka xadka.
Hoggaamiyaha Ceuta, Juan Jesús Vivas, ayaa sheegay in qulqulkan uu culays weyn saaray adeegyada magaalada, wuxuuna dowladda Spain ka codsaday inay si degdeg ah u soo farageliso.
Wararka ayaa ku kala duwan tirada dadka gudbay, iyadoo qaar ku qiyaaseen 2,000 ilaa 3,000 qof hal maalin gudaheed, halka warbaahinta dowladda Spain ay sheegtay in boqolaal qof ay soo galeen. Sidoo kale, waxaa la sheegay in in ka badan 1,500 oo tahriibayaal u badan dhalinyaro Moroccan ah ay Ceuta gaadheen labadii toddobaad ee la soo dhaafay.
Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in bilihii u dambeeyay badda laga soo saaray meydadka ku dhowaad 60 qof, kuwaas oo ku dhintay isku dayga ay ugu gudbayeen Yurub.
Afar qof oo tahriibayaal ku dhintay Kanaalka u dhexeeya Faransiiska iyo UK
Afarta qof ayaa ku dhintay iyagoo habeenkii isku dayay inay
ka tallaabaan Kanaalka Ingiriiska, kadib maalintii ugu badnayd ee ilaa hadda
sanadkaan ee ay maraan tahriibka
doonyaha yaryar, taas oo keentay in 752 qof ay ku galeen UK.
Nin ayaa dhintay, kadib doon yar ay ku
rogmatay xeebta
waqooyiga dalka Faransiiska, goor dambe oo habeenkii Jimcaha ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta
deegaanka. Ilmo yar ayaan ka mid ahaa kuwa ku dhaawacmay.
Toddoba saacadood ka dib, saddex qof ayaa meydkooda la helay, kadib markii ay ka baxday Dunkirk habeenkii, iyada oo qaar ka mid ah ay qiyaastii 100 km
u jirto xeebta, oo xigta dhinaca waqooyi ee dalka.
Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa xaqiijiyey dhimashadooda,
halka dhinaca UK-na ay sheegtay Wasaaradda
Arrimaha Gudaha in maalintii Arbacada ay noqotay maalintii ugu sarreysay
ee tahriibayaal soo galaan sanadkan—sagaal doonyoodna ay gaasheen UK.
UEFA oo Ku Hanjabtay Qaadacaadda Koobka Adduunka iyo FIFA
Xigashada Sawirka, Getty Images
55-ka xidhiidh ee kubadda cagta Yurub ee ku mideysan UEFA ayaa isku raacay inay qaadacaan dhammaan tartamada FIFA haddii la meel mariyo qorshaha lagu iibinayo saamiyo ka mid ah Koobka Adduunka iyo tartamada kale si ay u maalgashadaan shirkado gaar loo leeyahay.
UEFA waxay sheegtay in Koobka Adduunku uusan ahayn hanti ganacsi oo la iibin karo, balse uu yahay dhaxal ciyaareed caalami ah oo jiilal badan ay dhiseen ciyaartoy, xulal qaran iyo taageerayaal.
Haddii qorshaha Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, la ansixiyo, UEFA waxay qaadici doontaa dhammaan tartamada FIFA, oo ay ku jiraan Koobka Adduunka ragga, dumarka iyo Koobka Kooxaha Adduunka. Tijaabada ugu horreysa ee go'aankan waxay noqon kartaa isreeb-reebka Koobka Adduunka Haweenka ee bisha Oktoobar.
'Meel ilaa meel ayaa nalaga barakiciyay, haddana meel aan aadno ma harin,' ayay tiri Umm Mohammed al-Shawish.
Waxay si quus ah u raadinaysaa meel ay degto, kaddib markii Israa'iil ay soo rartay baloogyo jaalle ah oo shub ah kuwaas oo calaamad u ahaa aagga ay ka maamusho Marinka Gaza.
Qoysaska ku nool xaafadda al-Tuffah ee waqooyiga Gaza ayaa subaxnimadii Isniinta soo toosay iyagoo arkay in baloogyada loo raray dhanka galbeed, lana geeyay bartamaha waddada Salah al-Din, oo ah waddo muhiim ah oo isku xirta waqooyiga iyo koonfurta Gaza.
Meel u dhow, calanka Israa'iil ayaa ka babbanayay dusha xayndaab ciid ah oo dhererkiisu qiyaastii yahay 3 mitir (10 fiit).
Guriga qoyska al-Shawish ayaa lagu burburiyay dagaalka. Axaddii waxay mar kale qaxeen kaddib markii militariga Israa'iil uu uga digay weerar lagu qaadi doono dhisme ku dhow. Hoygii keliya ee ay haysteen wuxuu ahaa teendho, taas oo uu burburiyay weerarkaas.
Masar oo markii ugu horray la beegsaday tan iyo dagaalkii Bariga Dhexe ee Iran
Xigashada Sawirka, .
Dowladda
Masar ayaa xaqiijisay in dabkii Arbacadii ka kacay laba markab oo kuwa kaydka
gaaskaa qaada ah oo ku sugnaa dekedda Dumyaat ee Badda Mediterranean-ka
uu ka dhashay weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drone).
Drone-ka ayaa la sheegay inuu ku dhacay markabka Energos Winter, oo ay leedahay shirkad Mareykan ah, dabkiina wuxuu ku fiday markabka GasLog Salem, oo ay leedahay shirkad Giriig ah.
Mas'uuliyiinta Masar ayaa sheegay in dabka la damiyay, wax khasaare naf ahna uusan dhicin, isla markaana dekeddu ay si caadi ah u shaqaynayso. Labada markab ayaa markii dambe ka baxay dekedda.
Tani
waa markii ugu horreysay ee Masar si toos ah loo beegsado tan iyo markii uu
billowday dagaalka Iiraan muddo shan bilood ah.
Tobannaan Maroodi ah oo la soo werinayo in ay ku dhinteen koonfurta Kenya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu yaraan 15 maroodi ayaa meydkooda laga helay koonfurta Kenya, meel ka baxsan Beerta Qaranka Amboseli, iyada oo loo maleynayo inay u dhinteen sunta cayayaanka ee lagu buufiyo beeraha.
Hay'adda Ilaalinta Duurjoogta Kenya (KWS) ayaa sheegtay in baadhitaannada hordhaca ah lagu ogaaday cyanide oo ku jiray muunado laga qaaday maroodiyada. Toban ka mid ah maroodiyada ayaa markii hore laga arkay calaamado xanuun ka hor inta aysan dhiman laba maalmood gudahood, halka shanta kale meyd ahaan loo helay.
Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in baaritaanku weli socdo, balse aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in si ula kac ah loo sumeeyay. Dhacdadan ayaa walaac ka dhalisay ballaarinta beeraha ku dhow Beerta Amboseli, halkaas oo maroodigu inta badan u galaan si ay cunto iyo biyo uga raadsadaan. Waxaa la sheegay inay tani tahay dhacdadii ugu horreysay ee muddo tobannaan sano ah mar keliya ay ku dhintaan maroodi tiro intaas le'eg ah gobolkaas.