Uganda oo taallo u dhistay Netanyahu walaalkiis oo ku dhintay howl-galkii samatabbixinta Entebbe

Xigashada Sawirka, GPO via Getty Images
- Author, Richard Kagoe
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Uganda ayaa daahfurtay taallo loo dhisay Yonatan Netanyahu, oo ahaa walaalka ka weyn ee Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, kaas oo lagu dilay howl-galkii samatabbixinta la haystayaasha ee ka dhacay Entebbe International Airport 50 sano ka hor.
Taliyaha ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in taalladan lagu maamuusayo geesinnimadii iyo adeeggiisii naf-hurnimada ku salaysnaa.
Yonatan Netanyahu wuxuu ahaa askariga keliya ee Israa'iili ah ee ku dhintay weerarkaas, kaas oo lagu soo badbaadiyay in ka badan 100 qof oo la haystay, kaddib markii laba Falastiiniyiin ah iyo laba Jarmal ah ay afduubteen diyaarad ay lahayd shirkadda Air France oo ka soo duushay Talaabiib, kuna qasbeen inay ku degto garoonka caalamiga ah ee Entebbe ee Uganda.
Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa ku tilmaamay howlgalkaas "mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa taariikhda casriga ah," isagoo sidoo kale xusay in xiriirka dhow ee maanta ka dhexeeya Uganda iyo Israa'iil uu yahay "safar cajiib ah" oo ay labada dal wada soo mareen.
Taallada Yonatan Netanyahu, oo muujinaysa isagoo hore u socda isla markaana gacanta ku haya qori nooca darandooriga u dhaca, ayaa la dhigay bannaanka terminal-kii hore ee garoonka diyaaradaha, halkaas oo uu ka dhacay howlgalka samatabbixinta.
Intii uu socday howlgalka, saddex ka mid ah la haystayaashii – Jean-Jacques Mimouni, Pasco Cohen iyo Ida Borochovitch – ayaa sidoo kale dhintay. Haweeney kale oo la oran jiray Dora Bloch ayaa markii dambe lagu dilay isbitaal ku yaalla caasimadda Uganda ee Kampala, halkaas oo lagu daweynayay.
"Ha sii ahaato xusuustoodu mid dhiirrigelisa jiilasha mustaqbalka ee ku dadaalaya nabadda, caddaaladda iyo karaamada aadanaha," ayuu yiri taliyaha ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba.
Afduubayaashii iyo saddex kale oo ku biiray Uganda ayaa dhammaantood lagu dilay howlgalka. Sidoo kale ugu yaraan 45 askari oo Ugandhiis ah ayaa ku dhintay dagaalkii dhex maray ciidamada Israa'iil iyo kuwa Uganda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Isagoo qiraya dhimashada askarta Uganda, Kainerugaba wuxuu sheegay inay "si geesinnimo leh u dagaallameen iyagoo rumaysnaa inay u dagaallamayaan arrin sax ah." Hase yeeshee wuxuu intaas ku daray: "Maanta waxaan ognahay in dowladdii Idi Amin ee ay u adeegayeen ay ahayd kalitalisnimo arxan daran oo aan matalin shacabka Uganda."
Diyaaraddii Air France ee ku sii jeeday Paris, kana soo duushay Talaabiib 27-kii Juun 1976, ayaa markii hore ku hakatay Athens, halkaas oo ay ka raaceen afduubayaal ka tirsanaa Popular Front for the Liberation of Palestine.
Afduubayaashu waxay la wareegeen diyaaradda, iyagoo ku qasbay inay u leexato Libya si shidaal loogu shubo, ka dibna waxay u duushay Uganda, halkaas oo Idi Amin uu ku soo dhoweeyay markii ay caga dhigatay.
Waxay dalbadeen lacag madax-furasho ah oo gaareysa 5 milyan oo doollar, iyo in la sii daayo 53 dagaalyahan oo ku xirnaa Israa'iil, Faransiiska, Jarmalka, Switzerland iyo Kenya, si loogu beddelo la haystayaasha. Qaar ka mid ah la haystayaasha ayaa la sii daayay 30-kii Juun iyo 1-dii Luulyo, balse dadka Israa'iiliyiinta ah iyo Yuhuudda ayaa la sii haystay.
Taariikhdu markii ay ahayd 3-dii Luulyo, cutubyo gaar ah oo Israa'iili ah ayaa ka soo duulay Israa'iil iyagoo sii maray Kenya, waxayna ka dageen Entebbe, halkaas oo ay ku qaadeen howlgal socday wax ka yar 90 daqiiqo.
Howlgalka samatabbixinta waxaa si weyn loogu dabaaldegay Israa'iil, balse wuxuu ceeb weyn ku noqday Idi Amin.
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo booqday Entebbe toban sano ka hor, ayaa yiri: "Waxaan walaalkay ka bartay in argagixisada lagu jebiyo laba arrimood: aragti cad iyo geesinnimo."
Kainerugaba ayaa ku tilmaamay wixii dhacay nus qarni ka hor "bog xanuun badan oo ka mid ah taariikhdeenna", balse wuxuu xusay in xiriirka Uganda iyo Israa'iil uu maanta isu beddelay "iskaashi ku dhisan kalsooni, is-ixtiraam iyo wada-shaqayn."















