NATO oo "lagama maarmaan" ku tilmaantay duqaymihii Maraykanka ee Iiraan, kuna dhawaaqday kordhinta kharashaadka difaaca

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte ayaa sheegay in duqeymihii habeenkii ay ciidamada Maraykanku ku qaadeen Iiraan ay ahaayeen kuwo "si buuxda lagama maarmaan u ahaa."
Rutte oo warfidiyeennada kula hadlayay dhinaca shirka NATO ee Ankara Arbacadii ayaa yiri: "Waxaan aaminsanahay inay tani ahayd arrin gebi ahaanba lagama maarmaan ah, sababtoo ah markii xabbad-joojin la gaaray, Iiraan si dhab ah ayay u jebisay heshiiskaas. Waxa aynu aragnay wixii shalay dhacay ee maraakiibta lagu weeraray. Sidaas darteed waxaan u arkaa inay lama huraan ahayd in Maraykanku si adag uga jawaabo."
Rutte wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga inay mar kale caddeeyaan in Iiraan aan marnaba loo oggolaan inay yeelato hub ama awood nukliyeer.
Sida ay sheegeen diblomaasiyiin ka tirsan NATO, hadallada Rutte waxay waafaqsan yihiin qodobada lagu wado inay ku jiraan war-murtiyeedka kama dambaysta ah ee shirka.
Wuxuu intaas ku daray: "Mabda'a xorriyadda isu-socodka maraakiibta waa in la ixtiraamaa, lana hubiyaa in marinka Hormuz si buuxda dib loogu furo."
Maraykanku wuxuu Talaadadii weerarro ku qaaday in ka badan '80 bartilmaameed' oo ku yaalla Iiraan, isagoo uga jawaabay weerarro ay Iiraan ku qaaday maraakiib ganacsi oo marayay marin-biyoodka Hormuz.
Taas beddelkeeda, Iiraan waxay Arbacadii ku dhawaaqday inay weerarro ku qaaday saldhigyo ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Kuweyt iyo Baxrayn.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay in heshiiskii is-afgaradka ee lala galay Iiraan si loo soo afjaro colaadda uu "soo dhammaaday", isagoo caddeeyay inuusan doonayn inuu wada-hadal dambe la yeesho Tehran.
Kordhinta kharashaadka difaaca
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maalintii labaad ee shirka, Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte wuxuu isku dayay inuu xoojiyo kalsoonida laga qabo sida Maraykanku uga go'an yahay isbahaysiga militari, iyadoo hoggaamiyeyaasha NATO ay isu diyaarinayeen inay la kulmaan Madaxweyne Donald Trump shir muhiim ah oo ka dhacay Ankara.
Rutte wuxuu yiri: "Maraykanku si buuxda ayuu uga go'an yahay NATO." "Laakiin waxaa sidoo kale jirta filasho ah in dalalka Yurub iyo Kanada ay kordhiyaan kharashaadkooda difaac si ay ula jaanqaadaan heerka kharashaadka Maraykanka, taas oo aan u arko mid caddaalad ah."
Habeenkii ka horreeyay kulanka ugu weyn ee shirka, NATO waxay soo saartay xogteedii ugu dambaysay ee kharashaadka difaaca sannadka 2026, taas oo muujisay in kharashaadka difaaca ee Yurub iyo Kanada ay sannadkan gaari doonaan 634 bilyan oo doolar, halka ay sannadkii hore ahaayeen 571 bilyan oo doolar, taas oo ka dhigan koror dhan 11%.
Si ay u muujiyaan sida ay uga go'an tahay ballantii ay sannadkii hore qaadeen ee ahayd kordhinta miisaaniyadda difaaca, dalalka NATO waxay shaaciyeen heshiisyo hub oo qiimahoodu gaarayo tobannaan bilyan oo doolar ka hor imaanshaha Trump.
Rutte wuxuu yiri: "Shalay waxay ahayd maalin aad u guul badan."
Wuxuu sheegay in dalalka xubnaha ka ahi ay "fulinayaan ballanqaadyadooda" iyagoo qaadaya masuuliyad weyn oo ku saabsan difaaca qaaradda Yurub ee ka dhanka ah Ruushka.
Wuxuu intaas ku daray: "Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay madaxweynaha Maraykanka."
Shirka NATO wuxuu Talaadadii ka furmay Ankara, iyadoo dalalka xubnaha ka ah ay soo bandhigeen ballanqaadyo waaweyn oo ku saabsan maalgelinta difaaca, oo ay ku jirto qorshe lagu maalgelinayo 40 bilyan oo doolar si loo horumariyo awoodda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).
Rutte wuxuu yiri: "NATO waxay si xawaare leh u ballaarinaysaa awoodeeda ku aaddan adeegsiga drone tiro badan. Isla markaana waxaan dhisaynaa nidaamyo adag oo lagaga hortagayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si loo ogaado, loo aqoonsado loona burburiyo."
Wuxuu sheegay in dalalka xubnaha ka ah NATO ay shanta sano ee soo socota gelin doonaan in ka badan 40 bilyan oo doolar horumarinta awoodaha lagaga hortagay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isla markaana la xoojin doono tababarka ciidamada.
Greenland iib ma aha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyada oo uu Trump cadaadis saarayo xulafadiisa NATO si ay u kordhiyaan kharashaadka difaaca, wuxuu mar kale soo nooleeyay murankii kala dhexeeyay Denmark ee ku saabsanaa Greenland.
Trump wuxuu sheegay in Greenland ay tahay inay hoos timaaddo Maraykanka halkii ay Denmark ka ahaan lahayd, hadal caro ka dhaliyay Denmark iyo guud ahaan Yurub.
Greenland waa dhul leh ismaamul hoos yimaada Denmark. Waa jasiiradda ugu weyn dunida, waxayna ku taallaa Waqooyiga Ameerika, iyadoo ku taalla waddada badeed ee ugu dhow ee isku xirta Waqooyiga Ameerika iyo Yurub, taasoo siinaysa muhiimad istaraatiiji iyo mid militari oo weyn.
Ra'iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa Arbacadii tiri : "Greenland iib ma aha."
Waxay ku nuuxnuuxsatay in la ixtiraamo madaxbannaanideeda iyo xaqa shacabka Greenland ay u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.
Waxay intaasi ku dartay: "Waxaan dhagaystay hadalkii madaxweynaha Maraykanka shalay, waxaana u maleynayaa in mowqifka Maraykanku arrintan uu cad yahay, nasiib darro. Mowqifkeenna isna bilowgii ayuu cadaa: Greenland iib ma aha."
Waxay sii raacisay: "Dabcan Greenland iib ma aha, waxaana rajaynaynaa in qof walba, oo ay ku jiraan xulafadeennu, ay ixtiraamaan xaqa shacabka Greenland ay u leeyihiin inay go'aankooda gaaraan."
Frederiksen waxay sheegtay in Denmark iyo Greenland ay yihiin dalal madax-bannaan, isla markaana loo baahan yahay in la ixtiraamo dhulkooda iyo madaxbannaanidooda.
Waxay sidoo kale xaqiijisay in dalkiisu diyaar u yahay inuu difaaco "hal taako kasta oo ka mid ah dhulka NATO, oo ay ku jirto dhulka Denmark," haddii weerar dhaco.
Dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine oo hakad galay
Madaxweyne Trump wuxuu isku dayay inuu dib u dhaqaajiyo dadaalladii hakadka galay ee lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Trump wuxuu la hadlay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka hor shirka NATO, waxaana la filayay inuu Arbacadii la kulmo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
Trump wuxuu yiri: "Waxaan u maleynayaa inay labadooduba doonayaan inay heshiis gaaraan."
Sida uu sheegay mas'uul Maraykan ah, Trump wuxuu sii wadi doonaa wada-hadallada uu la leeyahay Putin kadib kulanka uu la yeesho Zelensky.
Dalalka Yurub iyo Kanada ayaa la filayaa inay ballanqaadaan taageero militari oo sannadle ah oo dhan 80 bilyan oo doolar, sannadaha 2026 iyo 2027.
Madaxweynaha Ukraine ayaa Talaadadii ugu baaqay NATO inay qaaddo "tallaabooyin adag" si loo xoojiyo difaaca cirka ee dalkiisa loogana hortago gantaallada Ruushka.
Heshiis laga yaabo inuu muhiim noqdo

Madaxweyne Donald Trump wuxuu Talaadadii ku dhawaaqay in Maraykanku ka qaadi doono Turkiga cunaqabateyntii la saaray sannadkii 2020 kadib markii uu iibsaday nidaamka difaaca cirka ee Ruushka, wuxuuna muujiyay inuu diyaar u yahay inuu Turkiga ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Trump wuxuu sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda Maraykanku ay ka shaqaynayaan xalinta arrintan.
Wuxuu sidoo kale rajo ka muujiyay suurtagalnimada iibinta diyaaradaha F-35 ee Turkiga, inkastoo uusan sharxin sida heshiiska loo dhammaystiri doono.
Turkigu muddo dheer ayuu doonayay in dib loogu soo celiyo barnaamijka F-35 iyo in laga qaado cunaqabateynta Maraykanka oo saameyn ku yeelatay mashaariicdiisa difaaca.
Trump wuxuu ka sheegay qasriga madaxtooyada ee Erdoğan: "Waxaan qaadi doonnaa cunaqabateynta."
Erdoğan ayaa ugu jawaabay: "Madaxweyne Trump wuxuu arrintan noogu ballanqaaday si shakhsi ah."













