BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Sawirro muujinaya khasaaro baahsan oo soo gaaray goobo ay Maraykanku ku leeyihiin dalalka Carabta kaddib weerarro ay Iiraan qaadday
Diyaarad militari oo burbursan iyo dhismayaal la burburiyey ayaa ka muuqda sawirro ay heshay shabakadda “CBS News”, oo ah bahwadaagta Maraykanka ee BBC.
TOOS, Sawirro cusub oo muujinaya khasaaraha weerarradii Iran ee saldhigyada Mareykanka
Waxaa soo baxaya sawirro hor-leh oo muujinaya khasaare lixaad leh oo gaaray saldhigyada Mareykanku uu ku leeyahay Bariga Dhexe
Dal Muslim ah iyo Israa'iil oo safaarado is dhaafsanaya, kadib heshiis ay gaareen
Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan saddex geesood ah oo magaalada New York ku dhexmaray wasiirrada arrimaha dibadda
Muuqaal soconaya afar saacadood oo ku saabsan ninka ugu taajirsan dunida oo buuq abuuray
Bandhigga Filimada ee Venice ayaa martigeliyay daawashadii ugu horreysay ee filim cusub, oo leh himilo sare isla markaana muran dhaliyay, kaas oo uu sameeyay agaasimaha filimada dokumentariga ah ee caanka ah Alex Gibney; filimkan oo ku saabsan ninka ugu taajirsan dunida ayaa qaatay sanado badan in la diyaariyo.
Nin u sheegay ChatGPT inuu doonayo in uu dilo wiilkiisa oo sideed jir ah oo boolisku gacanta ku dhigeen
Muddo ku dhow laba bilood, beeraley u dhashay dalka Brazil ayaa farriimahan iyo kuwo kaleba la wadaagay barnaamijka garaadka macmalka ah ee ChatGPT; arrintaas oo booliisku ku tilmaameen qorshe uu ku doonayay inuu ku dilo wiilkiisa 8-jirka ah, uu ku weeraro dad kale, ka dibna uu is-dilo.
Xuutiyiinta oo markii ugu horeysay ka hadlay inay weerar daroon ku qaadi rabeen Makka
Sacudi Carabiya ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leeyihiin fallaagada Xuutiyiinta Yemen, ka hor inta aysan soo gelin aagga magaalada Makka, taas oo ka hortagtay weerar dhici lahaa.
Min gantaallada Yemen ilaa dagaalka Suudaan: Sidee garaadka macmalka ah loogu adeegsanayaa colaadaha gobolka?
Laga soo bilaabo isku dayo lagu horumarinayo hub gudaha Yemen ilaa ololeyaal lala xiriiriyay dagaalka Suudaan, iyo adeegsiga garaadka macmalka ah ee Gaza iyo Lubnaan, warbixinno ayaa soo bandhigaya dhinacyo kala duwan oo ku lug lahaa adeegsiga garaadka macmalka ah ee colaadaha.
Sida magaaladan ku taala Afrika ay London iyo Rome uga guuleystay martigelinta tartan caalami ah
Waa markii ugu horreysay oo dal Afrikaan ah uu martigelinayo Koobka Adduunka ee tartanka Cayaaraha Fudud iyadoo ka guuleysatay magaalooyinka London iyo Rome
Maxay waalidiinta Falastiiniyiinta ah uga baqayaan inay carruurtooda dugsiga u diraan?
Ciidamada Israa'iil ayaa sidoo kale si joogto ah u xaddida dhaqdhaqaaqa dadka tuulada, iyagoo mararka qaar jidka laga soo galo ku sameeya baro kontorool oo ku-meel-gaar ah.
10-ka sawir ee ugu quruxda badan badda ee sanadka 2026
Sannad kasta, tartanka Sawir-qaadaha Sanadka ee Badweynta wuxuu ku martiqaadaa sawir-qaadayaasha inay soo gudbiyaan sawirradooda ugu xiisaha badan ee badweynta kala duwan.
Sida Turkigu ugu guuleystay dhexdhexaadinta labada garab ee siyaadda isku haya ee dal Afrikaan ah
Turkigu wuxuu sii wadaa dadaallo diblomaasiyadeed oo firfircoon oo looga golleeyahay in lagu gaaro midnimo siyaasadeed iyo mid militari oo ka dhalata Liibiya. Ujeeddooyinkiisa waxaa ka mid ah ilaalinta guulaha uu ka gaaray heshiiskii xuduudaha badda ee 2019-kii, iyo sidoo kale faa'iidooyinka uu ka helay tamarta.
'11 sano ayaa la'i siinayay daawada kiimikada kansarka aniga oo aan xanuun qabin'
Waxay ahayd waqti aan fogayn tan iyo markii ay la kulantay lammaanaheeda. Waxay ku taamaysay inay shaqo ka hesho ciidanka booliiska. Hase yeeshee, si lama filaan ah, mustaqbalkeedii ayaa mugdi galay.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Maxay Israa'iil ugu ugu dhawaaqday gacanta ku haynta Buuraha Cali Daahir?
Isbadalada dhanka milatariga ee ka socda Buurta Cali Dahir lagama sooci karo sawirka guud ee isbeddelada dhanka milatariga iyo siyaasadda.
Muxuu yahay heshiiska shidaal ee dhexmaray Taliban iyo shirkad Sacuudi ah?
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaas oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga helo goobta Kashk-Tirpul.
Waa kuma Xaafid Ameir? Ninka daaha gadaashiis ka maamulayay Tanzania?
Carruurtooda waxaa ka mid ah Wanu Xaafid Ameir, oo ah siyaasi, xildhibaan ka tirsan deegaanka Makunduchi, isla markaana ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo Teknolojiyadda.
Raysal wasaaraha Canada oo wajahaya tijaabo muhiim ah kadib markii uu ka baxay heshiiskii Trump
Ra’iisul Wasaaraha Canada wuxuu wajihi doonaa tijaabo muhiim ah, maadaama uu u baahan yahay inuu shacabka ku qanciyo in go’aankiisii ahaa inuu ka tanaasulo wadaxaajoodyadii Aqalka Cad uu u qalmo cawaaqibka ka dhalan kara.
Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale
Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi'iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed
Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.
Muxuu waddankaan saaxiibka la ah Soomaaliya u diiday in uu ku biiro heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan?
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa hore u sheegay in Masar ay ku biiri karto heshiiska marxalad dambe, sababtoo ah, sida uu sheegay, Qaahira waxaa loo arkaa "saaxiib dabiici ah" oo ka tirsan saddexda waddan.
Cabdi Daysane oo BBC uga warramay guusha uu ka gaaray doorashada Minnesota
Natiijada doorashada hordhaca ah waxay Daysane u tahay tallaabo muhiim ah, waxaana uu hadda diiradda saari doonaa doorashada guud iyo ololaha ballaaran ee ka horreeya.
Trump oo qirtay in si qarsoodi ah loo saaray diyaarad aan ahayn tan madaxweynaha cabsi laga qabo Iran
Arrintan ayaa soo shaac-baxday ka dib markii la soo wariyay in Trump uu raacay diyaaradda Air Force One 8-dii July iyadoo ay arkayaan kamaradaha telefishinka, ka hor inta uusan ku dhuuman gaari cuntada qaada si loogu wareejiyo diyaarad milatari.
Sidee BBC-du ugu suurtagashay inay dabagal ku hesho madaxii sirdoonka Bashar al-Assad ee is qarinayay?
Waxaan sawirro ka qaadnay bog kasta oo ka mid ah buug-xusuustii laga helay guriga Hussam Luka, markii aan London ku soo laabannayna, waxaan bilownay inaan hubinno dhammaan 155-ka lambar ee taleefan ee ku qornaa.
Warar sheegaya in Trump uu ku dhex dhuuntay gaariga cuntada ee gudaha diyaarad sir ah cabsi laga qabay hanjabaadda Iiraan
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka laga wareejiyay diyaaraddii hore ee Air Force One oo la saaray diyaarad ciidan, xilli uu ka soo baxayay shir madaxeedka NATO oo bishii hore ka dhacay Turkiga.
Maxaad kala socotaa heshiiska difaac ee seddex-geesoodka Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga
Il wareed ku dhow dowladda Sacuudiga, oo xogta siiyay AFP, ayaa xaqiijiyay in heshiiska lagu saxiixi doono maalinta Jimcaha ee magaalada Jeddah oo ku taal xeebta Badda Cas.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 17 Sebtembar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 17 Sebtembar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 16 Sebtembar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 16 Sebtembar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.














































































