War deg deg ah, Wiil uu dhalay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Netanyahu oo ka falceliyay heshiiskii Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga

Xigashada Sawirka, Alexi J. Rosenfeld/Getty Image
Yair Netanyahu, oo ah wiilka Ra’iisul Wasaaraha Israel Binyamin Netanyahu, ayaa bartiisa bulshada ee X ku daabacay su’aalo uu iska waydiinayo heshiiska difaaca ee ay kala saxiixdeen Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.
Yair Netanyahu ayaa yiri:
“Marka Iran, Xuutiyiinta ama maleeshiyaadka ku sugan Ciraaq ay weeraraan Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ma weerari doonaan Iran, Ciraaq iyo Yemen?”
Waxa uu sidoo kale is weydiiyay:
“Marka xigta ee uu dagaal dhex maro Hindiya iyo Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ma weerari doonaan Hindiya?”
Jimcihii shalay, Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa magaalada barakeysan ee Maka ee Sacuudi Carabiya ku kala saxiixday heshiis difaac oo wadajir ah.
Sida uu dhigayo heshiiska, weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal waxaa loo aqoonsan doonaa weerar lagu qaaday dhammaan saddexda dal.
Sii akhri:





