Iran ayaa sheegtay in Marinka Hormuz ay ku soo ridday drones Mareykanku leeyahay
Xigashada Sawirka, gett
Iran ayaa ku
dhawaaqday in ay weerartay saldhig milatari oo Imaaraadka Carabta leeyahay, isla markaana ay laba weerar oo kala
duwan ku soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanku leeyahay taas dul
maraysay marin biyoodka Hormuz maanta oo Isniin ah.
Iran ayaa weerarro
taxane ah ku qaadday saldhigyo milatari oo ku yaal gobolka, taasoo jawaab u aheyd
weerarkii tooska ahaa ee ugu horreeyay ee Mareykanka ku soo qaado tan iyo
bishii July.
Bayaan ay soo
saareen ciidanka ilaalada kacaanka ayey ku sheegeen in ay gantaallada difaaca
hawada ku soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo nooceedu yahay MQ-9 oo laga
leeyahay Mareykanka.
Wasaaradda
Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa bayaan ay soo saartay maanta sidoo kale ku
sheegtay in saldhigyada Mareykanka ee Urdun loo adeegsaday taageerada iyo
qaadista weerarkii lagu qaaday Jasiiradda Larak.
Weerarradii ugu
horreeyay ee Mareykanku ku qaaday Iran tan iyo dabayaaqadii bishii July ayaa
sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca laba kale, sida ay sheegeen ciidanka ilaalada
kacaanka Iran ee IRGC.
Taliska dhexe ee ciidamada
Mareykanka CENTCOM ayaa sheegay in uu qaaday "tallaabo xaddidan" oo
ka dhan ah "ciidamo dhigayay miinooyin, kuwaas oo khatar degdeg ah ku ahaa
Marinka Hormuz".
Iran waxay sheegtay
in ay weerartay saldhigyo milatari oo Mareykanka uu ku leeyahay dalka Urdun,
iyadoo ciidamada Urdunna ay sheegeen in ay ka hortageen sideed gantaal
subaxnimadii hore ee Isniinta.
Telefishinka
dowladda Iran ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Iran ay diyaarado aan
duuliye lahayn ku weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla Imaaraadka Carabta.
Wasaaradda
Difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa beenisay wararka sheegaya in saldhigga ciidamada
cirka ee Al-Minhad la weeraray. Imaaraadka Carabta waxay sheegeen in ay soo rideen
diyaarad aan duuliye lahayn.
Laakiin tani ma aha dukaanka kaliya ee Afrikaanka ah ee halkaas ku yaalla. Dukaanka kale ayaa dhowr mitir oo keliya u jira, waxaana uu daboolaa baahiyaha dadka deegaanka oo ay tiradoodu iyo kala duwanaanshahoodu sii kordhayaan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in shan sano ka hor ay Greenock ahayd meel aan si badan loogu arki jirin dadka madow. Hase yeeshee, hadda boqolaal Afrikaan ah iyo qaxooti ah ayaa halkaas deggan.
Golaha deegaanka ayaa dhab ahaantii qorsheynaya in uu dhiirrigeliyo in dad badan ay yimaadaan oo degaan qaybtan galbeedka Scotland, si loo joojiyo hoos u dhaca joogtada ah ee tirada dadka magaalada.
"Dadka reer Scotland waa dad aad u wanaagsan oo si furan u soo dhaweeya dadka kale," ayay tiri Christiana Omilana, oo ah milkiilaha dukaanka Annick, taas oo UK timid sannadkii 2021.
Waxay intaas ku dartay: "Marka ay jiraan fursado shaqo, dadka soo-galootiga ah iyaga ayaa iskood u imanaya."
Tirada dadka ku nool Inverclyde ayaa hoos u dhacday 22,000 tan iyo sannadkii 1981. Tirada dadka hadda ku nool deegaanka ayaa ah 78,000, waxaana la saadaalinayaa in ay 16% kale hoos u dhacdo labadaatanka sano ee soo socda.
Wax ka qabashada hoos u dhaca tirada dadka ayaa ah mudnaanta koowaad ee golaha deegaanka. Si arrintan wax looga qabto, goluhu wuxuu doonayaa in marka hore dadka deegaanka lagu dhiirrigeliyo inay halkaas sii joogaan, halka dhinaca kalena uu doonayo in deegaanka lagu soo jiito dad cusub.
Trump oo baahiyay muuqaal AI lagu sameeyay oo muujinaya weerar lagu qaaday jasiiradda Kharg
Xigashada Sawirka, @realDonaldTrump
Qoraalka sawirka, Jasiiradda Kharg waa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee Iran ay saliidda uga dhoofiso Gacanka Faaris
Madaxweynaha
Mareykanka, Donald Trump, ayaa bartiisa bulshada ee Twitter-ka soo dhigay
muuqaal garaadka macmalka ah (AI), kaas
oo muujinaya qarax iyo dab ka kacaya warshad weyn oo shidaal.
“Jasiiradda
Kharg gabi ahaanba waa la burburinayaa!!!” ayuu Trump ku qoray qoraalka uu raaciyay
muuqaalka.
Muuqaalkan
ayaa soo baxay xilli ay mar kale sii kordheen xiisadaha milatari ee u dhexeeya
Iran iyo Mareykanka.
Milatariga
Mareykanka ayaa horay u bartilmaameedsaday laba qalab oo Iran leedahay oo
gantaallada laga soo rido, kuwaas oo ku yaalla Jasiiradda Larak.
Iyagoo ka
jawaabaya, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye
lahayn ku bartilmaameedsaday laba saldhig oo Mareykanku ku leeyahay Urdun.
Jasiiradda
Kharg waa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee Iran ay saliidda uga dhoofiso
Gacanka Faaris. Qayb weyn oo ka mid ah saliidda cayriin ee dalka laga dhoofiyo
ayaa loo maraa terminal-yada ku yaalla jasiiradda.
Tirada dhimashada Nepal oo kor u dhaaftay 900 oo qof
Tirada dadka
ku dhintay daadad lama filaan ah oo ka dhacay Nepal ayaa gaartay 903 qof.
Sida ay
sheegtay BBC-da laanta Nepali, Hay’adda Qaranka Nepal ee Yaraynta Khatarta
Musiibooyinka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegtay, in ilaa hadda la helay
meydadka 903 qof.
Sida ay
sheegtay NEA, 4,247 qof ayaa weli lagu la’yahay daadadka.
Dadka la
la’yahay waxaa ka mid ah dalxiisayaal ajaanib ah, ciidamada ammaanka iyo
boqolaal shaqaale ah oo ka shaqeynayay mashaariic kala duwan oo
koronto-dhalineed.
Sida ku cad
xogta ay bixisay hay’addu, tirada dadka dhintay waxay ahayd 781 qof, halka
tirada dadka la la’yahay ay ahayd 2,502 qof.
Hay’addu
waxay sidoo kale sheegtay in ilaa hadda la soo badbaadiyay in ka badan 10,400
qof.
Sida laga
soo xigtay hay’adda dowladda, in ka badan 20,800 oo ka tirsan ciidamada
ammaanka ayaa loo diray hawlgallada baadi-goobka iyo samatabbixinta.
Maxay iyagoo da'yar u dhintaan dadka jirka-dhista?
Daraasad la sameeyay sannadkii 2025-kii ayaa iftiimisay khataraha caafimaad ee la xiriira tartamada jir-dhiska.
Sida lagu sheegay daraasad lagu daabcay wargeyska European Art Journal, ciyaartoyda xirfadlayaasha ayaa shan laab uga dhow dhimashada kuwa bilowga ah.
Dadkan waxay sidoo kale halis ugu jiraan in uu wadnaha degdeg u istaago oo sidaas ku geeriyoodaan. Dhallinyarada iyo dadka caafimaadka qaba uma geeriyoodaan inta badan wadno-xanuun.
Marco Vecchiato, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Padua ee Talyaaniga, ayaa ahaa qoraaga hormuudka ka ah daraasadda. Sida uu sheegay, waxaa jira sababo badan oo keeni kara dhimashada ku timaada dadka jirka dhista.
Sababaha waxaa ka mid ah isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinka kordhiya awoodda, miisaan dhimista degdegga iyo tababarka xad-dhaafka ah.
Intaa waxaa dheer, daawooyinka waxay keeni karaa dhiigkar, dufan ku ururta xididdada dhiigga, isbeddel ku yimaada qaab-dhismeedka wadnaha iyo garaaca wadnaha oo aan joogto ahayn.
Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale dib u eegeen warbixinnada laga qoray meydadka jir-dhisayaashii dhintay.
Inta badan dadka dhintay waxaa laga helay wadne si weyn u weynaaday. Sidoo kale, muruqyada wadnaha ayaa dhumuc yeeshay. Isbeddelladan waxay kordhin karaan khatarta garaaca wadnaha oo aan joogto ahayn iyo wadnaha oo shaqada joojiya.
Ciyaartooydu waxay dhisi karaan murqo badan, waxayna qaadi karaan culaysyo waaweyn iyaga oo aan isticmaalin isteeroodhis. Marka isteeroodhis la isticmaalo si miisaan culus loo qaado iyo culeyskii hore u saarnaa wadnaha waxay taasi keeneysaa in wadnaha uu lumiyo awoodda oo isku fidayo
War cusub oo ka soo kordhay doon ku wajahnayd oo degtay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Donta nooca catamaran
Siddeed qof
ayaa ku dhintay kadib markii doon rakaab ah ay ku degtay xeebaha waqooyiga
Qubrus, iyadoo ku sii jeedday dalka Turkiga.
Doonida oo
sidday ku dhowaad 270 qof, ayaa ku qalibantay meel qiyaastii afar mayl-badeed u
jirta magaalada Kyrenia, oo sidoo kale loo yaqaan Girne.
Maamulka iskiis
ugu dhawaaqay inuu yahay dal, kaas oo si rasmi ah ay u aqoonsan tahay oo keliya
Turkiga, ayaa sheegay in 249 qof la badbaadiyey, halka 18 qof weli la la’yahay.
Kabtanka
doonta iyo toddobo xubnood oo kale oo ka tirsan shaqaalaha doonta ayaa la
xiray.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in inta badan dadkii saarnaa markabka la soo badbaadiyey. Hawlgal baadi-goob iyo samatabbixin ah oo ay wadaan mas’uuliyiinta Turkiga ayaa socda.
Doontii hadda way quustay, waxaana mas’uuliyiintu isku dayayaan inay soo helaan qalabka kaydiya xogta markabka si loo ogaado wixii dhacay.
Doonida rakaabka ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa ka baxday goobta dalxiiska caanka ah ee Kyrenia abbaaraha 12:30 duhurnimo xilliga maxalliga ah.
Raysal wasaaraha Qubrus, Üstel, wuxuu sheegay in doonta loo qorsheeyay inay Sabtida u safarto Turkiga, balse safarka dib loo dhigay sababo la xiriira xaaladaha cimilada oo xumaa.
Wuxuu u sheegay warbaahinta Turkiga ee TRT in doonta ay ku dhufteen laba hir ka hor inta aysan quusin.
Maraykanka oo xaqiijiyey in uu weeraray Jasiiradda Lark ee Iiraan
Kabtanka Ciidanka Badda Maraykanka Tim Hawkins ayaa
wakaaladda wararka AFP u sheegay in ciidamada Maraykanku Axaddii
bartilmaameedsadeen laba qalab oo Iran leedahay oo lagu rido gantaallada,
kuwaas oo ku yaalla Jasiiradda Lark.
Waxa uu sheegay in ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran lagu
arkay iyagoo diyaarinaya inay ridaan gantaallo sida miinooyinka badda, kuwaas
oo loo waday dhinaca Marin-biyoodka Hormuz.
Dhanka kale, waaxda xiriirka dadweynaha ee Ciidanka Ilaalada
Kacaanka Iraan ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka iyo Hawada Sare ee Ilaalada
Kacaanku ay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku
weerareen saldhigyada cirka ee King Hussein iyo Al-Azraq ee Urdun, iyagoo
sheegay in weerarku ahaa jawaabtii weerarkii Maraykanka ee Jasiiradda Lark.
Ilaalada Kacaanka waxay sheegteen in la bartilmaameedsaday
kaabayaasha farsamada iyo dayactirka, iyo goobaha ay ku sugan yihiin
diyaaradaha dagaalka ee labada saldhig, isla markaana ay halkaasi ka dhasheen
“khasaare xooggan”.
Ciidanka Jordan ayaa wax yar kaddib bayaanka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran sheegay in ay dhexda ku qabteen siddeed gantaal.
Hay’addu waxay sidoo kale ka digtay in haddii weerar kale
lagu qaado Iraan, ay ka jawaabi doonto “jawaabo ka sii burbur badan”. Waxay
carrabka ku adkaysay in weerarka Jasiiradda Lark uusan wiiqi doonin
gacan-ku-haynta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ku leedahay
Marin-biyoodka Hormuz.
War deg deg ah, Maxaa ka jira in Iiraan weerartay xarumaha ciidamada Maraykanka ee Urdun?
Weriyaha Fox News ee ka tirsan shabakadda X ayaa, isagoo soo xiganaya ilo Maraykan ah, qoray in Iraan ay bartilmaameedsatay goobaha ciidamada Maraykanka ee ku sugan Urdun.
Goor sii horreysay, qaar ka mid ah warbaahinta Carabta iyo Iraan ayaa tebinayey in dhowr qarax laga maqlay gobolka Caqaba ee koonfurta Urdun. Hase yeeshee, mas’uuliyiinta Urdun weli faahfaahin kama aysan bixin sababta qaraxyada.
Wararkii ugu horreeyay ee ka soo baxay warbaahinta Iraan ayaa sidoo kale sheegayey in qaraxyo laga maqlay koonfurta Urdun kaddib weerarkii Maraykanka ee Jasiiradda Lark.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ciidamada Maraykanku bartilmaameedsadeen laba qalab oo Iraan leedahay oo lagu rido gantaallada, kuwaas oo ku yaalla Jasiiradda Lark. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay inay weerarkaas ka jawaabi doonaan
Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xaqiijisay weerarka ka dhacay Jasiiradda Lark, waxayna sheegtay in weerarka ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen “tiro yar” oo ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka iyo dadka deegaanka.
Ciidamadu waxay Maraykanka iyo Israa’iil ku eedeeyeen weerarka, iyagoo sheegay in tallaabadaas “laga jawaabi doono” isla markaana “gardarrada loo geysan doono ciqaab.”
Goor sii horreeysay ayey Wakaaladda Wararka Tasnim oo soo xiganaysa warar hordhac ah oo aan rasmi ahayn ay sheegtay in weerarka lagu dilay laba qof, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Axios iyo Al Jazeera ayaa iyaguna soo wariyay, iyagoo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah, in ciidamada Maraykanku bartilmaameedsadeen laba qalab oo gantaallo lagu rido oo ku yaalla Jasiiradda Lark.
Sida ay sheegeen saraakiishaasi, ciidamada Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa diyaarinayay qalabkaas si ay ugu ridaan Marin-biyoodka Hormuz.
War deg deg ah, Maraykanka oo weeraray laba qalab oo gantaallada laga rido oo ku yaallay Jasiiradda Lark
Wakaaladda Wararka Fars soo xiganaysa dadka deegaanka ayaa sheegtay, in qarax laga maqlay meel u dhow Jasiiradda Lark.
Weriyaha Axios, Barack Ravid, iyo Al Jazeera ayaa iyaguna soo wariyay, iyagoo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah, in ciidamada Maraykanku bartilmaameedsadeen laba qalab oo gantaallo lagu rido oo ay Iraan leedahay, kuwaas oo ku yaallay Jasiiradda Lark.
Wakaaladda Wararka Tasnim ayaa sidoo kale qortay in warar hordhac ah oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ay sheegayaan in weerarka lagu dilay laba qof, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaan weli soo saarin bayaan madax-bannaan oo ku saabsan weerarka.
Qiyaastii shan saacadood ka hor, CENTCOM ayaa sidoo kale barta X ku baahisay muuqaallo muujinaya badmaaxiinta Maraykanka oo habeenkii hawlgallo duulimaad ka fulinaya markabka diyaaradaha xambaara ee USS George Washington. Taliska ayaa sheegay in markabku ku sugnaa biyaha gobolka, isagoo taageeraya hawlgallada Maraykanka ee Bariga Dhexe.
Wararkan ayaa soo baxay xilli ay maalmihii u dambeeyay hoos u dhacday xooggii iska horimaadyada tooska ah ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, isla markaana ay dhinacyo badan ka jirtay xaalad degganaansho ah.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafka ku saabsan Marin-biyoodka Hormuz ayaa weli taagan. Maraykanku wuxuu sheegayaa in marin-biyoodku furan yahay, halka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ay ku adkaysanayaan in maraakiibta aan loo oggolayn inay maraan haddii aan horey loo sii xiriirin oo aan lala isku dubbaridin Iran.
Muuqaalladii ugu dambeeyay ee laga soo qaaday goobta doonta ku degtay
Sawirradii ugu dambeeyay ee laga soo qaaday goobta doontu ku
degtay ayaa muujinaya hawlgallada gurmadka ee socda, kaddib markii doon rakaab
sidday ay ku rogmatay badda, meel ka baxsan xeebaha waqooyiga Qubrus ee Turkigu
haysto.
Diyaarad militari, kuwa qumaatiga u kaca iyo doonyo kale ayaa
ka qayb qaadanaya hawlgallada baadigoobka iyo samatabixinta.
Raysalwasaaraha maamulka waqooyiga Qubrus ayaa bayaan uu
hore u soo saaray ku sheegay in hay’ado kala duwan ay iska kaashanayaan
hawlgalka gurmadka, iyadoo 23 qof ay weli la la’yahay.
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Howlaha samatabixina ayaa ‘toos u socda’- Erdogan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Halkan ka daawo muuqaallada
howlaha baadigoobka iyo samatabixinta doonta degtay.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in si
aan joogsi laheyn u socdaan dadaallada lagu raadinayo dad ka badbaaday doontii
ku rogmatay badda.
Doonidan ayaa ka soo shiraacatay magaalada Kyrenia ee
waqooyiga Qubrus, iyadoo ku sii jeedday magaalada Tasucu ee dalka Turkiga.
Madaxweyne Erdogan ayaa tacsi u diray qoysaska dadka
geeriyooday isagoo u rajeeyay intii wax ku noqday in degdeg u bogsoodaan
“Dadaalladaas awgood, 237 rakaab iyo shaqaalihii markabka ka
tirsanaa ayaa si nabad ah loo soo badbaadiyay, halka nasiib darro toddoba ka
mid ah walaalaheen ay naftooda ku waayeen. Haddii Alle idmo, waxaan rajaynaynaa
in aan dadaalladan ka helno war wanaagsan,” ayuu yiri.
Halkan ka daawo muuqaallada howlaha baadigoobka iyo samatabixinta doonta degtay.
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
War deg deg ah, Halkaani waa BBCSomali, waxaan halkaan idinkugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeyay doonta ku degtay xeebaha waqooyiga Qubrus. Waxaa socda dedaallo lagu baadi goobayo dadka la la'yahay.
War deg deg ah, Dowladda Turkiga oo ka hadashay shilka doonta ee dhacay iyadoo maraakiib iyo diyaarado goobta loo diray
Xigashada Sawirka, Reuters
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga ayaa sheegtay in
doon rakaab ah oo ay saarnaayeen 259 rakaab ah iyo siddeed shaqaale ah ay biyo
qaadeen, isla markaana ay halis ugu jirtay inay degto, iyadoo afar mayl-badeed
u jira Dekedda Kyrenia.
Wasaaraddu waxay sheegtay in la bilaabay howlgal baadigoob
iyo samatabbixin ah.
Afar doon oo ka tirsan Ilaalada Xeebaha Waqooyiga Qubrus ayaa
goobta loo diray, halka shan doon oo kale iyo laba diyaaradood oo helikobtar ah
lagu biiriyay howlgalka.
Sidoo kale, Ciidanka Badda Turkiga ayaa diray lix markab
dagaal si ay uga qeyb qaataan howlgalka.
Howlaha baadigoobka iyo samatabbixinta ayaa si taxaddar
leh oo iskaashi uu la socda uga socota goobta shilku ka dhacay.
War deg deg ah, Waxaa socda baadigoob iyo samatabixin xooggan oo lagu raadinayo dadka la la'yahay
Xigashada Sawirka, Reuters
Shirkadda maamusha doontii rakaabka ee badda Shilka ku
gashay ayaa sheegtay inay “si qoto dheer uga murugaysan tahay shilka naxdinta
leh ee dhacay.”
Shirkadda Filo Denizcilik ayaa sheegtay in markii doonta Filo
Jet ay qallibantay ay bilowday dhammaan wixii awooddeeda ah in ay sameyso,
iyadoo la shaqaynaysa kooxaha baadigoobka iyo samatabbixinta ku jira.
Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in la sameeyay khad
telefoon oo gaar ah, si ehelada rakaabka loogu gudbiyo xogta la xiriirta dadkii
saarnaa doonta.
War deg deg ah, Degdeg: Doon dad badan ay saarnaayeen oo qallibantay iyo faahfaahin ka soo baxaysa
Xigashada Sawirka, Reuters
Dooni rakaab ah oo ay saarnaayeen ku dhowaad 270 qof ayaa
ku qallibantahay meel ka baxsan xeebaha waqooyiga Qubrus, iyadoo ay socdaan
hawlgallo baadigoob iyo samatabbixin ah.
Murat Senkul, duqa magaalada xeebeedka Kyrenia, ayaa
sheegay in 159 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa markabka la soo badbaadiyay
“Xaaladdu aad ayay u daran tahay,” ayuu yiri.
War deg deg ah, Maamulka Koonfur galbeed oo soo saaray war ka dhan ah Laftagareen
Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Golaha wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa mar kale
ku eedeyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed
Laftagareen in ciidamada isaga taabacsan ay ku biireen al-Shabaab oo ay isku
deegaanno joogaan isla markaana khal-khal amni ku hayaan deegaannada Koonfur
Galbeed.
War laga soo saaray shir golaha wasiiradu maanta yeesheen
ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidamada madaxweynihii hore ee
Koonfur Galbeed iyo kuwa al-Shabaab ay si isku mid ah ula dhaqmi doonaan.
Warkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan uu beeniyay
madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen in wax xiriir
ah uu ka dhaxeeyo al-Shabaab iyo ciidamada isaga taabacsan ee ku sugan duleedka magaalada
Baydhabo.
Wuxuu sheegay in ujeedka ciidamadiisa ay tahay in ay dadka reer Koonfur Galbeed ka dul-qaadaan wax uu ku tilmaamay dulmi iyo tacaddi lagu hayo.