Tirada dhimashada dhulgariirkii Venezuela oo korortay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxo badan oo caalami ah ayaa weli ku sii socda dalka Venezuela, si ay uga qayb qaataan hawlaha samatabbixinta, kadib labadii dhulgariir ee dhacay Arbacadii la soo dhaafay.
Tobannaan kun oo qof ayaa weli la rumeysan yahay inay maqan yihiin, iyadoo rajadii laga qabay in la helo dad kale oo nool ay sii yaraaneyso.
Ku dhowaad kun iyo shan boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay ku dhinteen dhulgariirkaas is xigay.
Qolka meydadka ee ugu weyn magaalada Caracas ayaa buux-dhaafay oo awoodi waayay inuu qaado meydad hor leh.
Caro isa soo taraysa ayaa loo muujinayaa dowladda Venezuela, iyadoo dadka deegaanku ay sheegayaan in dowladdu aysan samayn wax ku filan oo lagu caawinayo.
Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Delcy Rodríguez, ayaa sheegtay in horumar laga sameeyay dib u soo celinta adeegyada biyaha iyo korontada, iyo sidoo kale dib u furista waddooyinka.






