TOOS, Dowladda Imaaraadka oo beenisay inay martigelisay safar qarsoodi ah oo la sheegay inuu dalkeeda ku tegay raysal wasaaraha Israa'iil

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay in Netanyahu si qarsoodi ah ugu safray Imaaraadka Carabta ka hor xabbad-joojinta,

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump iyo Xi Jiping oo kulankoodi u soo dhamaaday

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweyne Donald Trump ayaa wadhadallada uu la yeeshay Xi Jiping ku tilmaamay kuwo “wanaagsan”, ka dib kulan laba saacadood qaatay oo ka dhacay magaalada Beijing.

    Laakin kala duwanaansho qooto dheer ayaa ka jirta arrimaha canshuurta iyo alaabaha la dhoofiyo, sida uu qoray weriyaha arrimaha ganacsiga.

    Labada hogaamiye ayaa diiradda saaraya arrimaha ganacsiga labada dhinac, Taiwan iyo xaaladda Iiraan.

    Jasiiradda iskeed isu maamusha ee ay sheegato Beijing waa isha ugu weyn ee xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha, waxaana wehliya canshuuraha, tartanka la xirriira tiknoolojiyadda iyo dagaalka Iiraan.

  2. Afar waxyaabood oo aad ku ogaan karto inaad qof jeceshahay iyo in kale

    Qof walba weydii jaceylku waa wax aan la fahmi karin, waxaa laga yaabaa inay dadku kugu raacaan taas. Arrintaas waxaa qeyb ka qaata xaqiiqda ah inay caqabad kula soo dersi karto marka qofka aad jeceshahay uusan si kula mid ah kuu dareemin.

    Jaceylka ayaa sidoo kale saameyn ballaaran ku yeelan kara noloshaada sababtoo ah wuu wejiyo badan yahay, waxaana laga yaabaa inaadan durba fahmin nooca jaceyl ee aad dareemeyso.

    Mala garan karaa nooca jaceyl ee aad dareemeyso?

    Jaceylku mar walba isku si maaha, oo siyaabo kala duwan ayuu kugu soo abbaari karaa. Mararka qaar, wuxuu maraa marxalado kala duwan.

    Marka ugu horreysa ee aad qof ka hesho, waxaad aalaaba dareentaa farxad iyo jahwareer is barbar socda. Haddii jaceylka lagula wadana, waxay khubarradu sheegaan inuu ka mid yahay noocyada ugu fiican jaceylka ee waara.

    Waxaa laga yaabaa inaad ka hesho qof aad hadda la kulantay, balse waxaad ogaaneysaa in aragtida aad ka qabtay ay is beddeshay, waxaa sidoo kale is beddelaya dareenkii aad u qaadday oo halkaas ku baaba'aya.

    Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad qof jeclaato, balse aadan u qaadin dareen xad dhaaf ah, sida inaad jeclaato qof aad markii horaba saaxiibbo isu dhow ahaydeen, wuu kaaga duwanaanayaa qofka aad isku cusub tihiin.

  3. Mareykanka oo fiisooyin bilaash ah bixinaya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Mareykanka ayaa ku dhawaaqay indadka iibsanaya tigidhada Koobka Adduunka aysan u baahnayn inay bixiyaan 15,000 oo doolar si ay u helaan fiisaha Mareykanka.

    Sanadkii ;la soo dhaafay, muwaadiniinta ka imaanaya ilaa 50 dal ayaa maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ku waajibinay inay dhigaan dammaanad lacageed oo gaaraysa $15,000 si ay u codsadaan gelitaanka Mareykanka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Arbacadii.

    Taageerayaasha ka kala imaanaya 50 dal ayaa loo ogolyahay inaysan lacagtaas bixin, iyadoo Shan ka mid ah dalalkan oo kala ah- Aljeeriya, Cape Verde, Ivory Coast, Senegal, iyo Tunisia - ayaa u soo baxay tartanka, kaas oo ay si wadajir ah u martigelin doonaan Mareykanka, Kanada iyo Mexico laga bilaabo 11ka Juun.

    Taageerayaasha ka socda 50-kan waddanna waxay heli karaan fiisooyin bilaash ah oo keliya haddii ay haystaan ​​​​tigidh sax ah oo ciyaarta ah.

    Ciyaartoyda iyo tababarayaasha tartanka ayaa horey looga dhaafay shuruudaha dammaanadda.

    Barnaamijka tijaabada ah ee 12-ka bilood socday, oo la bilaabay bishii Agoosto ee la soo dhaafay, wuxuu qayb ka ahaa ololaha ballaaran ee maamulka Trump ee ku aaddan socdaalka.

    Koobka Adduunka ayaa lagu qaban doonaa Mareykanka, Kanada iyo Mexico laga bilaabo Oktoobar 11.

    Barnaamijka dammaanadda fiisaha ee la ballaariyay ayaa ku khasbaya ajaanibta inay bixiyaan $15,000 si ay u helaan fiisaha nooca B1 ama B2 oo kala ah (ganacsiga iyo dalxiiska), ayaa dhaqan galaya 2-da Abriil. Ujeeddadu waa in laga hortago in dadka booqanaya dalkaasi ay ka badsadaan joogitaanka muddada fiisahooda, ayuu yiri sarkaalka.

    Sidoo kale akhri

  4. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo amaanay Itoobiya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteres ayaa khudbad ka jeediyay xafladda sanad guurada 80-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Qaramada Midoobay.

    Waxaa munaasabadda lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

    Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka qeyb galay munaasabaddaasi xuska sanad guurada 80-aad ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo sidoo kale halkaas ka jeediyay khudbado.

    Raysal wasaarahaItoobiya, Abiy Axmed ayaa kamid ah hogaamiyeyaasha khudbadaha jeediyay.

    Guteres ayaa ka hadlay doorka Itoobiya iyo xubinimadeeda ee Qaramada Midoobay. Waxaa uu xusay in Itoobiya ay gaartay hormar, marka loo eego dalalka ee Geeska Afrika.

    “Magaalada Addis Ababa waa mid ka mid ah xarumaha diblomaasiyadeed ee ugu muhiimsan adduunka ee Afrika”, ayuu yiri.

    Sidoo kale akhri

  5. Maxay tahay khatarta amni ee ku soo wajahan Somaaliya?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Maraykanka ayaa muujisay walaac ku saabsan faafitaanka kooxaha mintidiinta ee xagjirka ah ee ka howlgala Galbeedka Afrika, gaar ahaan gobolka Saaxil iyo harada Chad.

    Maamulka Trump ayaa ka digay in mintidiintu ay xoogeysanayaan Galbeedka Afrika kadib markii ay sheegteen in lagu jebiyey Ciraaq iyo Suuriya.

    Maraykanku wuxuu ku sheegay arrintan warbixin uu ku faafiyay istaraatiijiyaddiisa cusub ee la dagaallanka argagixisada ee sanadka 2026.

    Warbixintaas, maamulka Trump wuxuu Galbeedka Afrika, gobolka Saaxil, iyo harada Chad, oo ku taal xadka waqooyiga Nigeria, ku tilmaamay meel ay ku badan yihiin dagaalyahannada xagjirka ah, kuwaas oo, sida ay Maraykanku sheeganayaan markii lagu burburiyay Bariga Dhexe, haddana u soo guuray Afrika.

    Gobolka Afrika wuxuu la tacaalayaa dhibaatada kooxaha kacdoonka wada, taas oo ay ku tilmaantay inay sabab u tahay daciifnimada dowladaha Afrika.

    Khubarada amniga sida Dr. Kabiru Adamu ayaa sheegay in warbixintani ay ka hor imanayso hab-raacyadii hore loo qoray:

  6. Baasaboorka Soomaaliya oo shuruud lagu xiray

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soo saartay bayaan, kaas ooa y ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga bilaabo 1-da bisha Luulyo 2026, qofka aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ama shahaadada lagu sugto Kaarka Aqoonsiga (NIRA), uusan codsan karin Baasaboorka Soomaaliya.

    "Sidaa darteed, qof kasta oo aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga waxaa lagu boorinayaa in uu si deg deg ah u bilaabo qaadashada iyo codsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka", ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegtay in muwaadiniintaay ogeysiinayaan in dukumintiyada lagu dalbado baasaboorka ay noqon doonaan nuqullada koobiga ah (copies), halka nuqullada asalka ah dib loogu celinayo codsadaha baasaboorka laga bilaabo 13ka May 2026.

  7. Maxaa ka jira in Netanyahu uu safar qarsoodi ah ku tegay Imaaraadka?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa si cad u beenisay sheegashooyinka ku saabsan in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu booqasho ku tagay dalkaas, ama in Imaaraadku uu martigeliyay wafdi milatari oo Israa’iili ah.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay wararkaasi yihihiin aan "sal iyo raad toona lahayn”.

    Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in xiriirka Imaaraadka iyo Israa’iil uu yahay mid si rasmi ah loo shaaciyay, kuna dhisan heshiisyada Abraham Accords, isla markaana uusan ku salaysnayn sir ama heshiisyo qarsoon.

    Sida bayaan ku xusan, “sheegasho kasta oo ku saabsan booqashooyin aan la shaacin ama heshiisyo qarsoodi ah waa kuwo aan sal lahayn, ilaa ay ka soo baxaan hay’adaha rasmiga ah ee Imaaraadka.”

    Dhanka kale, wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa ka falceliyay shaacinta dadweynaha ee safarka Benjamin Netanyahu uu ku tagay Imaaraadka Carabta, isagoo yiri: “Netanyahu hadda wuxuu si cad u shaaciyay wixii hay’adaha ammaanka Iran ay horay ugu gudbiyeen hoggaankeena.”

    Araqchi ayaa sidoo kale jeediyay hadallo adag oo Imaaraadka iyo dalalka Khaliijka, isagoo sheegay: “Cadownimada looorka weyn ee Iran waa khamaar nacasnimo ah; iskaashi iyo la fal-galidda lala sameeyo Israa’iil dhankeena waa wax aan la cafin karin.

    Kuwii door ka ciyaara la falgalka Israa’iil si loo abuuro kala qeybsanaan waa in lala xisaabtamaa.”

    Marka laga soo tago shaacinta booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee uu ku tagay Imaaraadka intii uu socday dagaalka, warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale maalmahan dambe si weyn uga hadashay warar ku saabsan weerarro militari oo qarsoodi ah oo ay Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ku qaadeen Iran.

    Sidoo kale akhri

  8. Isbaheysiga haya talada Israel oo gudbiyay codsi ah in la kala diro baarlamaanka

    Xisbiga midigta fog ee Likud ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in aqlabiyadda baarlamaanka ay gudbisay hindise sharciyeed lagu kala dirayo xubaha aqalka baarlamaanka ee Knesset-ka, taas oo waddada u xaareysa doorashooyin waqtigoodi laga soo hormariyay.

    Qoraalka hindise-sharciyeedka ee ay daabacday Likud ayaa sheegaya in “Knesset-ka 25-aad la kala diri doono ka hor dhammaadka muddadiisa.

    Doorashooyinka lagu soo dhisayo baarlamaanka xiga waxaa la qaban doonaa taariikh uu go’aamin doono Guddiga aqalka Knesset-ka, taas oo aan ka yaraan doonin 90 maalmood kadib ansixinta sharcigan.”

    Sida ay warbaahinta Israa’iil sheegtay, hindisaha lagu kala dirayo Knesset-ka ayaa laga yaabaa in cod loo qaado 20-ka May. Mudada hadda jirta ee baarlamaanka waxay ku egtahay 27-ka Oktoobar.

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .
  9. Taliyaaniga oo shaaciyay inuu Maraakiib dagaal u dirayo Hurmuz

    Antonio Tajan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Antonio Tajan

    Talyaanigu ayaa shaaca ka qaaday inuu u dirayo laba maraakiib oo ah kuwa dagaal Marinka Hormuz.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani iyo Wasiirka Difaaca Guido Crosetto ayaa xildhibaanada u sheegay in howlgalka maraakiibta uu yahay “nadiifin” haddii dagaalku istaago.

    Crosetto wuxuu sheegay in maraakiibta marka hore loo diri doono Badda Mediterranean-ka kadibna loo gudbin doono Badda Cas.

    Tani waxay muhiim u tahay oggolaanshaha baarlamaanka dalkaas.“Waxaan diyaarin doonnaa in maraakiibtan ay gaaraan meel u dhow Marinka Hormuz si taxaddar ah,” ayuu yiri Crosetto.

    Labada wasiir waxay sheegeen in Talyaanigu uusan lahayn qorshe ballaarin militari, isla markaana howlgalka nadiifinta lagu fulin doono kormeer.

    Dhanka kale, waxaa jira xanibaad saameysay maraakiibta ganacsiga ee mara Hormuz.“Ma doonayno hawlgallo militari oo cusub oo Gacanka ah,” ayuu yiri Tajani.

    Wuxuu sharaxay in howlgalka nadiifinta la fulin doono kaliya marka dagaalku istaago.

    Crosetto wuxuu sheegay in howlgalka uusan suurtagal noqon doonin ilaa shuruudo la buuxiyo.

    Howlgalkan militari wuxuu u baahan doonaa xabbad-joojin dhab ah marka hore, kadib xeerar, ugu dambeyntiina oggolaanshaha baarlamaanka,” ayuu yiri, isagoo xaaladda gobolka ku tilmaamay mid “adag oo walaac leh.

    ”Ujeeddada ugu weyn ee howlgalka ayaa ah ilaalinta xorriyadda maraakiibta ganacsiga ee maraya Marinka Hormuz. Talyaanigu wuxuu sheegay inuu si daahfuran u wado qorshahan.

  10. Iiraan oo shaacisay sababtii ay ilaalada Kacaanka Iiraan u galeen gudaha Kuwait

    Kadib markii Kuwait ay ku dhawaaqday inay xirtay afar xubnood oo ka tirsan ilaalada Kacaanka Iiraan Iranian kuwaas oo si sharci darro ah ku galay dalka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegtay in gelitaankooda biyaha Kuwait uu ka dhashay “cilad ku timid nidaamka hagista doontooda.

    ”Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegtay in shaqsiyaadkan ay gudanayeen waajibaadkooda “iyagoo qeyb ka ah roondo badeed caadi ah.”

    Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sidoo kale lagu sheegay in “eedeymaha lagu sheegay bayaannada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Gudaha ee Kuwait ee ku saabsan in Iran ay qorsheynaysay falal cadowtinimo oo ka dhan ah Kuwait ay yihiin kuwo aan sal lahayn gabi ahaanba, si cadna loo diiday.

    ”Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa dhacdadan ku tilmaantay “fal cadowtinimo” iyo “weerar cad oo lagu qaaday madaxbannaanida Kuwait.”

  11. In ka badan 10,000 oo guri oo ku yaal Lubnaan ayaa la burburiyay ama la waxyeeleeyay duqeymaha Israe

    In ka badan 10,000 oo guri ayaa soo gaaray burbur u dhexeeya mid gebi ahaanba dumay iyo mid qayb ahaan waxyeelloobay gudaha Lubnaan tan iyo markii uu dhaqan galay xabbad-joojinta u dhexeysa Israa’iil iyo Hezbollah, sida ay Arbacadii sheegtay Golaha Qaranka ee Cilmi-baarista Sayniska.

    Xoghayaha guud ee golahaas, Shadi Cabdullah, ayaa yiri: “Tan iyo bilowgii xabbad-joojinta, laga bilaabo 17-ka Abriil ilaa 8-da May, waxaan diiwaangelinnay in 5,386 guri ay gebi ahaanba burbureen, halka 5,246 guri ay waxyeello soo gaartay.”

    Inkasta oo si rasmi ah loo shaaciyay xabbad-joojin, Israa’iil ayaa sii wadday duqeymaha, gaar ahaan koonfurta Lubnaan, halka Xisbullah ay sheeganayso masuuliyadda weerarro lagu qaaday bartilmaameedyo Israa’iili ah.

  12. Turkiga oo doonaya "in uu ku martiqaado afar waddan oo Khaliijka ah shir madaxeedka NATO"

    Madaxwaynaha Turkiga

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Turkiga

    Dowladdda Turkiga ayaa doonaysaa inay “afar dal oo Khaliijka ah ku casuunto shir-madaxeedka NATO”

    Warbaahin Turki ah iyo shabakadda wararka Mareykanka ee Bloomberg ayaa sheegay in iyadoo arrinta dagaalka Iran ay ku jirto ajandaha shir-madaxeedka xiga ee NATO, Turkigu doonayo inuu ku casuumo afar dal oo ah kuwa Khaliijka shirkaas.

    Bogga af-Ingiriisiga ee Turkey Today, oo taageera dowladda Turkiga, ayaa ku dhawaaqay in Ankara ay rajaynayso inay ku casuunto Qatar, Kuwait, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn shir-madaxeedka NATO, kaas oo la qorsheeyay inuu ka dhaco Ankara muddo laba maalmood ah laga bilaabo 7-da Luulyo.

    Afartan dal ayaa bartilmaameed u noqday weerarro militari oo jawaab-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran qaaday intii lagu jiray weerarradii Israa’iil iyo Mareykanka ay ku qaadeen Iran.

    Warbixintu waxay, iyadoo soo xiganaysa ilo amni, sheegtay in Ankara ay la tashanayso xulafada NATO arrinta ku saabsan casuumadda dalalkan sidii xubno ka tirsan “Hindisaha Iskaashiga Istanbul.”

    Warbixintu waxay sheegtay in ka qaybgalka xubnaha isbahaysigan ee shir-madaxeedka NATO uu noqon karo “fursad dhab ah oo dib loogu soo nooleeyo hannaan muddo dheer si liidata u shaqaynayay.”

    Waxaa sidoo kale la sheegay in ilo Turki ahi ay beeniyeen wax qorshe ah oo Ankara ay ku doonayso inay ku casuunto Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, kulankaas.

    Sidoo kale akhri

  13. Qaar ka mid ah faa'iidooyinka iyo dhibaatooyinka teknoolajiyada 5G oo meelahalaga hirgaliyay ay ka mid tahaySoomaaliya

    5G

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, 5G

    Horaantii sanadkii 2024-kii ayaa shirkadda Hurmuud ayaa daahfurtay isgaarsiinta casriga ah ee jiilka Shanaad oo loo yaqaan 5G, waxaa kasii horeeyay oo billowgii sannadkan isla 5G daahfurtay shirkadda kale ee Somtel.

    Waxaa suurta gal ah in aad isweydiiso muxuu soo kordhinayaa 5G, mase leeyahay dhibaatooyin?

    Ku dhufo lifaaqa hoose hoose si aad faahfaahinta u hesho

  14. Imaaraadka oo beeniyay in Netanyahu uu booqasho ku yimid dalkooda

    Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa si cad u beenisay sheegashooyinka ku saabsan in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu booqasho ku tagay dalkaas, ama in Imaaraadku uu martigeliyay wafdi milatari oo Israa’iili ah.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay wararkaasi yihihiin aan "sal iyo raad toona lahayn”.

    Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in xiriirka Imaaraadka iyo Israa’iil uu yahay mid si rasmi ah loo shaaciyay, kuna dhisan heshiisyada Abraham Accords, isla markaana uusan ku salaysnayn sir ama heshiisyo qarsoon.

    Sida bayaan ku xusan, “sheegasho kasta oo ku saabsan booqashooyin aan la shaacin ama heshiisyo qarsoodi ah waa kuwo aan sal lahayn, ilaa ay ka soo baxaan hay’adaha rasmiga ah ee Imaaraadka.”

  15. Iran oo ka fal-celisay booqashadii Netanyahu ee Imaaraadka:

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa ka falceliyay shaacinta dadweynaha ee safarka Benjamin Netanyahu uu ku tagay Imaaraadka Carabta, isagoo yiri: “Netanyahu hadda wuxuu si cad u shaaciyay wixii hay’adaha ammaanka Iran ay horay ugu gudbiyeen hoggaankeena.”

    Araqchi ayaa sidoo kale jeediyay hadallo adag oo Imaaraadka iyo dalalka Khaliijka, isagoo sheegay: “Cadownimada looorka weyn ee Iran waa khamaar nacasnimo ah; iskaashi iyo la fal-galidda lala sameeyo Israa’iil dhankeena waa wax aan la cafin karin.

    Kuwii door ka ciyaara la falgalka Israa’iil si loo abuuro kala qeybsanaan waa in lala xisaabtamaa.”

    Marka laga soo tago shaacinta booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee uu ku tagay Imaaraadka intii uu socday dagaalka, warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale maalmahan dambe si weyn uga hadashay warar ku saabsan weerarro militari oo qarsoodi ah oo ay Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ku qaadeen Iran.

  16. Aqalka Sanetka Mareykanka oodiiday qaraar qabyo ah oo ciidamada Mareykanka looga saaro dagaalka Iran.

    Golaha Senate Mareykanka ayaa Arbacadii si dirqi ah u diiday qaraar lagu doonayay in lagu amro ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee ku lug leh dagaalka Iran, iyadoo inta badan xisbiga Jamhuuriga ay kasoo horjeesteen xaddididda awoodaha militari ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Qoraalka qaraarka, sida qaraarro kale oo ay toddobaadyadii lasoo dhaafay soo bandhigeen mucaaradka Dimuqraadiga, wuxuu helay 49 cod oo taageero ah — oo ay ku jiraan saddex senator oo Jamhuuri ah — halka 50 senator ay ka codeeyeen diidmo.

    Markii ugu horreysay tan iyo bilowgii dagaalka, senator-ka Jamhuuriga ah Lisa Murkowski ayaa u codeysay taageeridda baaqa ku saabsan in ciidamada Mareykanka laga saaro dagaalka Iran.

    Murkowski ayaa u sheegtay Punchbowl News kadib codbixinta: “Waxaan filaynay inaan dowladda ka helno caddeyn dheeraad ah oo ku saabsan mowqifkeenna (colaadda), laakiin wax faahfaahin ah ma aanan helin.”

  17. Mareykanka oo cunaqabateyntii hubka ka qaaday Itoobiya

    Calamada Itoobiya iyo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Calamada Itoobiya iyo Mareykanka

    Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Itoobiya.

    Qaadista cunaqabateynta waxaa shaaciyay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan Agaasinka Xakamaynta Hubka iyo Ganacsiga.

    Bayaan la soo saaray 11-ka May 2026, agaasinka ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan siyaasadda qaadista cunaqabateynta iyo hirgelinta ruqsadaha la xiriira Itoobiya ee hoos yimaada Nidaamka Xakamaynta Gaadiidka Caalamiga ah (ITAR).

    Kadib, Xeer cusub oo dib loo eegay, oo ah Nidaamka Xakamaynta Gaadiidka Caalamiga ah (ITAR 126.1), ayaa sheegay in magaca Itoobiya laga saari doono liiska.

    Xeerkan ayaa KA mamnuucaya dalalka qaar ee ku jira cunaqabateynta Maraykanka in ay soo iibsadaan ama dhoofiyaan hub iyo adeegyo la mid ah oo loogu talagalay ciidamada difaaca qaranka, booliska, hay’adaha amniga iyo kuwa kale.

    Itoobiya ayaa cunaqabateyn saarneyd tan iyo Febraayo 2021, kadib dagaalkii Tigray.

    Sannadihii u dambeeyay, Itoobiya waxay hub ka iibsaneysay Ruushka, Shiinaha, Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Iran.

    Ku dhawaaqista qaadista cunaqabateynta ayaa imaaneysa xilli xiisado sii kordhaya ay ka jiraan waqooyiga Itoobiya ee gobolka Tigray, sidoo kale waxaa jira xiisado u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, iyo Itoobiya iyo Suudaan.

  18. Israa'iil: Waxaan bartilmaameedsanay bakhaarrada hubka ee Xisbullah

    Ciidanka Israa’iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu bartilmaameedsaday “bakhaarro hub, gantaallo diyaar u ahaa in la rido” iyo kaabayaal kale oo ay leeyihiin Xisbullah meelo kala duwan oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

    Bayaanka ayaa lagu yiri: “Goobihii laga ridayay ee la beegsaday waxaa lagu burburiyay gantaal-ridayaal loo jeediyay goobaha ay ciidamada Israa’iil ka howlgalaan iyo gudaha dhulka Israa’iil.”

    Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa horay u shaacisay in 12 qof ay ku dhinteen weerarrada Israa’iil ee maanta, kuwaas oo intooda badan ka dhacay koonfurta Bayruut.

    Weerarradan ayaa dhacay iyada oo ay jiro xabbad-joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Xisbullah.

    Weerarada cusub ee lagu qaaday meelo kala duwan oo koonfurta Lubnaan ah ayaa yimid habeen ka hor wareeg cusub oo wada-hadallo toos ah oo u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil lagu qorsheeyay inay ka dhacaan Washington, kuwaas oo uu dhexdhexaadinayo Mareykanka.

    Hezbollah ayaa si adag uga soo horjeeda wada-hadalladan.

  19. Israa'iil oo digniin degdeg ah soo saartay

    Afhayeenka ciidanka Israel, Avichay Adraee, ayaa Arbacadii ku baahiyay digniin degdeg ah bartiisa X, isagoo ugu baaqay dadka reer Lebanon ee ku nool Kfarhatta, Arab Salim, iyo Deir Zahrani inay ka baxaan goobahaas.

    Qoraalkiisa ayuu ku sheegay in codsiga daadgureynta uu yimid kadib “jebinta heshiiska xabbad-joojinta” ee ay sameysay Hezbollah, taas oo ku qasabtay ciidanka Israel “inay si xooggan uga falceliyaan,” sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale akhri

  20. Safarkii qarsoodiga ahaa ee Netanyahu uu ku tagay Imaaraadka intii uu socday dagaalka Iran

    Benjamin Netanyahu iyo Amiir Maxamed Al Nahyan

    Xigashada Sawirka, Reuters/Getty Images

    Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu iyo Amiir Maxamed Al Nahyan

    Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay in Netanyahu si qarsoodi ah ugu safray Imaaraadka Carabta ka hor xabbad-joojinta, xilli dagaalka Iran uu socday, halkaas oo uu kula kulmay Sheekh Maxamedd bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka.

    “Booqashadan waxay horseedday horumar taariikhi ah oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.

    Dhawaan, wargeyska Israel Hayom ayaa soo xigtay safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay in Israa’iil ay siisay nidaamka difaaca hawada ee Iron Dome Imaaraadka Carabta intii uu socday dagaalkii dhawaa.

    Wargeysku wuxuu kasoo xigtay Mike Waltz isagoo leh: “Waxaan aragnay Imaaraadka oo isticmaalaya nidaamka Iron Dome ee Israa’iil ay siisay.”

    Sidoo kale akhri