TOOS, Weerarada Mareykanka iyo Iiraan oo galay maalintii labaad iyadoo Tehran ay sheegtay in "jebinta ballanqaadyadu aysan mar dambe noqon doonin wax aan cawaaqib lahayn."

Maraykanku wuxuu bilaabay duqeymo cusub oo ka dhan ah Iran, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu muujiyay inuu “mar kale si adag u garaaci doono,” taas oo daba socotay weerarro ay labada dhinac isweydaarsadeen maalintii Talaadada.

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo warqad cabasho ah u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Iran ayaa warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud, iyadoo ka cabanaysa weerarrada Mareykanka.

    Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay, inay warqado cabasho ah u dirtay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku saabsan weerarrada Mareykanka.

    Saeed Iravani, oo ah wakiilka Iran ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Mareykanku mar kale "bilaabay weerarro militari oo baahsan oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, taas oo si cad uga hor imaanaysa Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadkiisa caalamiga ah."

    Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay tallaabooyinkan Mareykanka inay yihiin, xadgudub ka dhan ah qodob ku jira Is-afgaradka Islamabad ee ay kala saxiixdeen Iran iyo Mareykanka.

    Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu weeraray qiyaastii 90 bartilmaameed oo ku kala yaalla Iran, taas oo ah habeenkii labaad oo xiriir ah oo weerarro lagu qaaday dalkaas.

    Bartilmaameedyada waxaa ka mid ahaa nidaamyada difaaca cirka, qalabka kormeerka xeebaha, goobaha lagu kaydiyo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, qalabka ciidamada badda, iyo kaabayaasha saadka militariga ee ku teedsan xeebaha Iran.

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo sidoo kale ah madaxa Iiraan, ayaa bartiisa X ku sheegay in "Mareykanku uusan weli baran in cabsi gelinta iyo jebinta ballanqaadyadu aysan mar dambe noqon doonin wax aan cawaaqib lahayn."

    Sidoo kale akhri

  2. IRGC oo xaqiijisay weerarro lagu qaaday Kuwait iyo Baxrayn

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa xaqiijiyay in ay xalay fuliyeen weerarro ay ku sheegeen aargoosi, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Kuwait iyo Baxrayn.

    Ciidanka ayaa sheegay inay weeraro ku qaadeen kaabeyaal muhiim ah iyo xarumo ku yaalla saldhigyadaas Mareykanku leeyahay.

    Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Tasnim, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa bayaan ku sheegay in wajigii koowaad ee waxa ay ugu yeereen "jawaabta ciqaabta ah ee ka dhanka ah Mareykanka oo jebiyey heshiisyada," ay ciidamada badda iyo kuwa cirka ee IRGC, iyagoo fulinaya hawlgallo wadajir ah oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah, ay "burburiyeen" kaabeyaal muhiim ah iyo xarumo ku yaalla saldhigyada Mareykanka ee Arifjan iyo Cali Al-Salem ee Kuwayt, iyo Juffair iyo Sheekh Ciise ee Baxreyn.

    IRGC waxay sheegtay in weerarradan ay yihiin "wajigii koowaad ee jawaabta ciqaabta ah ee ka dhanka ah Maraykanka oo jebiyay heshiisyadii" la galay.

    Ciidamadan ayaa sidoo kale uga digay Maraykanka in haddii waxa ay ugu yeertay "gardarradu" sii socoto, ay ballaarin doonaan weerarrada oo ay beegsan doonto saldhigyo kale oo Maraykanku ku leeyahay gobolka.

    Sidoo kale akhri

  3. kafeega oo la ogaaday in uu yareyn karo halista cudur halis ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Daraasad cusub oo ay sameeyeen jaamacado ku yaalla Britain ayaa lagu ogaaday in cabidda kafeega ay yareyn karto halista xanuuno halis ah.

    Waxaana cilimi baaristan sameeyay jaamacadaha kala ah Southampton iyo Edinburgh, kuwaas oo ogaaday in cabidda kafeega ee saddex ilaa afar koob maalinkii, ay yareyn karto halista ah in qofka uu ku dhaco xanuun waxyeelleeda beerka.

    Cilimibaarayaasha ayaa darasaadda ku beegsaday ku dhawaad nus milyan qof oo ku nool gudaha UK, waxayna ogaadeen in boqlkiiba 21 uu cabidda bunka yareyn karo halista cudurrada ku dhaca beerka halka boqolkiiba 49 uu wax ka qaban karo xaaladda qofka la il-daran cudurradaas, marka la barbardhigo dadka aanan cabin bunka.

    Waxaa aad sare ugu kacay cabidda kafeega, maadama dad badan ay jecel yihiin si ay nashaad u dareemaan.

    Waxay sidoo kale ogaadeen waxtarka isticmaalka bunka aanan laheyn maaddada keenta nashaadka ee qofka ka qaada hurdada iyo caajiska ee Caffein-ta.

    Waxaa la arkay in uu sidoo kale uu kafeega yareyn karo halista cudurrada beerka ee ku dhaca xoolaha, sida lagu sheegay daraassadda.

    Nooc ka mid ah bunka uu ku yar yahay maaddooyinka Kahweol iyo cafestol, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay arrintan.

    Cilmi-baarista ayaa natiijo wanaagsan ka muujisay in waxtar uu leeyahay bunka marka lagu daro waxyaabo kale.

    Waxaa la arkay in uu sidoo kale uu kafeega yareyn karo halista cudurrada beerka ee ku dhaca xoolaha, sida lagu sheegay daraassadda.

    Nooc ka mid ah bunka uu ku yar yahay maaddooyinka Kahweol iyo cafestol, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay arrintan.

    Cilmi-baarista ayaa natiijo wanaagsan ka muujisay in waxtar uu leeyahay bunka marka lagu daro waxyaabo kale.

  4. Maxaa xalay ka dhacay Bariga Dhexe?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Mareykanka iyo Iiraan ayaa xalay mar kale isweydaarsaday weerarro. Haddii aad hadda ku soo biirtay tebinteena tooska ah, waa kuwan qodobada ugu muhiimsan iyo waxyaabihi xalay dhacay:

    • Mareykanka ayaa xalay duqeymo cirka ah oo cusub ku qaaday Iiraan. Donald Trump ayaa sheegay in weerarradan ay ahaayeen "aargoosi ku saabsan weerarkii shalay ay Iiraan ku qaaday maraakiibta." Marayay Hormuz.
    • Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu bartilmaameedsaday ku dhowaad 90 goobood oo Iiraan leedahay, isagoo sheegay in weerarradu loogu talagalay in lagu wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku weerari karto maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta rayidka ee maraya Marinka Hormuz.
    • Saacado kadib markii weerarrada la soo sheegay, Trump ayaa wariyeyaasha saarnaa diyaaradda Air Force One u sheegay, in mas'uuliyiin Iiraaniyiin ah ay "wax yar ka hor" la soo xiriireen isla markaana ay si aad ah u doonayaan heshiis, balse uusan hubin inay "u qalmaan" heshiis.
    • Dhowr dal oo Khaliijka ku yaalla ayaa sooweriyay weerarro. Waxaa ka mid ahaa qaraxyo ka dhacay caasimadda Baxrayn ee Manama, Kuwait oo sheegtay inay hawada ku burburisay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), iyo Qatar oo soo saartay digniin amni.
    • Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo sidoo kale ah madaxa Iiraan, ayaa bartiisa X ku sheegay in "Mareykanku uusan weli baran in cabsi gelinta iyo jebinta ballanqaadyadu aysan mar dambe noqon doonin wax aan cawaaqib lahayn."
    • Weerarradan cusub ayaa yimid kadib markii Mareykanku sheegay inuu in ka badan 80 bartilmaameed ku dhuftay weerarro uu Talaadadii ku qaaday Iiraan, isagoo ku jawaabayay weerarro lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee maraya Marinka Hormuz.
    • Intii uu joogay shirka NATO oo ka dhacay Ankara, Trump ayaa la weydiiyay xaaladda xabbad-joojinta, wuxuuna ku jawaabay: "Aniga ahaan, waxaan u maleynayaa inay dhammaatay." Wuxuu sidoo kale Iiraaniyiinta ku tilmaamay erayo aflagaado ah sida kansar iyo shar wadayaaal.
    • Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa arrintaas uga jawaabay isagoo yiri: "Aflagaaddo kuma jawaabno aflagaaddo, balse waxaan kaga jawaabnaa ficil—annagoo aan cabsi qabin isla markaana geesinimo weyn muujineyno."

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan xaaladdan.

    Sidoo kale akhri

  5. Diyaarad xamuul ah oo ay dad saarnaayeen oo la la' yahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay ilaa iyo hadda

    Diyaarad Boeing 737 ah oo ay leedahay shirkad gaar loo leeyahay oo xamuul ah oo ku taal Pakistan oo lagu magacaabo K2, oo ka timid Sharjah, Imaaraadka Carabta, una socotay Karachi, Pakistan, ayaa la waayay.

    Warbixinadii ugu horreeyay ayaa sheegtay in shan shaqaale ah ay saarnaayeen diyaaradda.

    Hay'adda Garoomada Diyaaradaha ee Pakistan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in diyaaraddu ay ku dhawaaqday cillad nidaamka hagitaanka ah 9:18 fiidnimo waqtiga maxalliga ah, ka dibna Xarunta Xakamaynta Hawada ee Karachi (ACC) ayaa soo saartay tilmaamo diyaaradda.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in 9:21 fiidnimo, radar-ku uu ogaaday in diyaaraddu ay si degdeg ah u soo degayso oo si lama filaan ah u beddelayso jihada.

    Xarunta Xakamaynta Hawada ee Karachi ayaa sheegtay inay markii dambe lumisay xiriirkii diyaaradda.

    Sida laga soo xigtay Hay'adda Xakamaynta Garoomada Diyaaradaha ee Pakistan, hawlgal baadi-goob iyo samatabbixin ah ayaa laga bilaabay badda iyadoo la kaashanayo hay'ado kala duwan.

    Xiriirka Dadweynaha ee Isku-xirka Adeegyada (ISPR) ee Ciidanka Pakistan, ciidamada badda iyo kuwa cirka ayaa sidoo kale ka caawinaya hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta diyaaradda Cathay Pacific Airlines ee maqan.

    ISPR ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in mid ka mid ah maraakiibteeda, PNS Dholkar, uu u ambabaxay aagga.

    War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in agabyada ciidamada cirka ee militariga sidoo kale loo diray hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta.

  6. Caqabadaha soo wajaha gabdhaha darawalada ka ah Mooto Bajaajta

    Hani Cabduqaadir Maxamed waa hooyo carmal oo haysata laba carruur ah, waana qofka kali ah ee dumar ah ee xeryaha qaxooti Dhadhaab kaga shaqeysata darawalnimada mootada saddex lugaaleyda ee dadka qaar ugu yeeraan bajaajta.

    Waxa ay bilowday shaqada darawalnimada sannadkii 2021, iyada oo muddada dhowrka sano ay la kulmaysay dhiirigalin iyo dhaliil uga imaanaysa bulshada Soomaalida ee ay ku dhex nooshahay.

  7. Hoggaamiye Afrikaan ah oo dadkiisa u sheegay inay iska illaawaan dimuqraadiyad

    Hoggaamiyaha Burkino Faso ayaa waraysi uu siiyay talefishinka dowladda ku tilmaamay Dimuqraadiyada mid ''dhimasho badan leh'' ayna tahay shacabka Burkino Faso inay ''iska ilaawaan''

    Captain Ibrahim Traore ayaa awoodda kula wareegay afgambi saddex sano kahor, waxaana uu sheegay in inta badan afrikaanka aysan u baahnayn dimuqraadiyad isaga oo aan faahfaahin intaas ka dheer bixin, waxaa uu intaa ku daray in Burkino Faso ay waddo gaar u ah oo samaynta arrintaasi ay leedahay.

  8. War deg deg ah, Baxrayn oo laga maqlayo dhawaqa difaacyada hawada

    Waxaa dhawaqa digniinta laga howlgaliyay Baxrayn, sida uu laga sheegay barta X ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi.

    Waxaa loogu baaqay muwaadiniinta iyo dadka deegaanka inay isdajiyeen ayn au jihaystaan meesha ugu dhow ee ay ku badbaadi karaan.

  9. War deg deg ah, Magaalada Dekedda Koonfureed ee Iiraan oo la duqeeyay markii ugu horaysay

    Magaalada Dekedda leh ee Chabahar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Magaalada Dekedda leh ee Chabahar

    Magaalada leh dekedda ee Koonfurbari Iiraan ee Chabahr ayaa la duqeeyay markii ugu horaysay ee tan iyo colaada.

    Waxaa warbaahinta bulshada dhex socda sawir iyo muuqaal muujinaya waxyeelo soo gaartay taawarka laga maamulo howlgalka badaha, iyada oo ay qiimeeyeen muqaalka iyo sawirada BBC Verify iyo BBC Persian.

    Wakaalada Tasnim ayaa sheegtay in dhawaqa qaraxyo ilaa toban jeer ah laga maqlay Chabahar iyo Konarak, iyada oo sidoo kale korontadii ay ka jarantay qaybo kamid ah magaalada Chabahar.

    Tasnim ayaa sidoo kale tabisay diyaarad dagaal oo Maraykan ah ay duqaysay saldhiga ciidamada badda IRGC ee Imam Ali oo ku yaala Chabahar.

  10. Horumar cusub oo laga sameeyay daaweynta kansar xun oo dhiigga ku dhaca

    Daweyn mar loo arki jiray jiray gaarista saynis mala-awaal ah ayaa dib u rogtay kansarada dhiigga adag ee aan la dawayn karin ee qaar kamid ah bukaanada sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen dhakhaatiirtu.

    Daweynta waxaa qayb ka ah in beddelid sax ah lagu sameeyo DNA-ga unugyada dhiigga cad si loogu beddelo ''dawo nool'' oo la dagaalanta kansarka.

    Gabadhii u horaysay ee la daweeyo oo warbixinteeda la tabiyay sanadkii 2022 ayaa weli ah mid aan qabin kansar, waxaana hadda ay naawilaysaa inay noqonto saynisyahanad ku takhasustay kansarka.

  11. Xiriirka la yaabka leh ee u dhaxeeya timaha cirroobay iyo Kansarka

    Timaha cirroobay ayaa badanaa loo arkaa calaamad gabow. Waxa ay si muuqata noo xasuusisaa sannadaha socda iyo dhammaan isbeddelada jirka ee la socda. Balse cilmi-baaris dhowaan la sameeyay ayaa muujisay caqabad aragti fudud, iyada oo muujinaysa in timahaas qallinka u eg ay noqon karaan muuqaalo muuqda oo ka turjumaya hababka difaaca jirku leeyahay si uu uga hortago kansarka.

    Daraasad cusub oo lagu sameeyay jiirarka ayaa iftiimisay habab cajiib ah oo jirkeenu u maareeyo dhaawaca unugyada, habkaan oo muhiim u ah gabowga iyo kansarka labadaba. Marka da'du sii kororto dhaawaca unugyadu si tartiib tartiib ah u daciifaya unugyada una carqaladeeya shaqadooda. Marka ay timaado kansarka unugyada xumaaday ama aan la hagaajin karin waxa ay keeni karaan korriin aan caadi ahayn iyo samaysan kara buro.

  12. Sababta korista Jaranjarada ay faa'iido ugu leedahay jirkaaga iyo maskaxdaada

    .
    Qoraalka sawirka, .

    In kasta oo aan isku dayno inaan qaadano wiishka, beddelka jaranjarooyinka, koritaanka dhowr dabaq maalintii waxa ay kor u qaadi kartaa caafimaadka maskaxda iyo awoodda. Inta badan oo aad socotid, waa inta ay sii badato in aad daal badan dareento.

    Bishii Sebtembar 3, 2021, Sean Greasley waxa uu koray oo uu ka soo degay 8,849 mitir in ka yar 23 saacadood, masaafo geyn lahayd meesha ugu sarreysa buurta ugu sarreysa adduunka. Dhamaadkii, wuu dhididsanaa oo si dhib leh ayuu u socon karay. Wuxuuna ku sameeyay dhiirigelinta qoyskiisa.

  13. War deg deg ah, Waa kuwee 10ka qoys ee caalamka ugu taajirsan?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Warbaahinta Mareykanka ee Bloomberg ayaa soo saartay liiska 25-ta qoys ee ugu taajirsanaa adduunka sanadka 2025, waxaana sanadkan mar kale, qoyska Walton, oo ah milkiilaha suuqa weyn ee Walmart ay ka muuqdaan meesha ugu sarreysa liiska.

    Sannadkii hore, guud ahaan hantida qoysaska waxa ay ahayd $432 bilyan, taas oo sanadkan ay ku korortay $81bilyan oo doolar.

  14. War deg deg ah, Donalad Trump oo ka digay in mar kale ay duqayn doonaan Iiraan

    Trump oo ka qayb galaya shirka Nato

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump oo ka qayb galaya shirka Nato

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in Maraykanku uu mar kale uu six un u duqayn karo Iiraan, isaga oo ka hadlayay shir madaxeedaka NATO ee Ankara ayuu ku dhaliilay hoggaanka Iiraan, waxaana uu sheegay inay tahay wakhtiga shaqada la dhamaystiri lahaa oo si daran loo duqayn lahaa Iiraan.

    Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Tehran ay jawaab ka bixin doonto duqayn walba. Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay shan boqolkiiba.

    (Colaada ayaa dib u bilaabatay Talaadadii iyada oo Maraykanku duqeeyay bartilmaameedyo ku yaala Iiraan, iyada oo Iiraana ay kaga jawaabtay weerarka xurumo ciidan oo Maraykanku leeyahay oo ku yaala gobolka).

  15. Meydka hoggaamiyihii Iiraan Cali Khamenei oo dalka Ciraaq lagu wareejinayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa magaalada Najaf ee dalka Ciraaq, oo ka mid ah goobaha ay barakeystaan Muslimiinta Shiicada, ka socda munaasabadaha aaska hoggaamiyihii diimeed ee hore ee Iiraan, Cali Khamenei.

    Kooxo barooranaya ayaa la socday meydkiisa iyadoo loo sii marayay waddooyinka magaalada, laguna waday dhinaca Masjidka Imaam Cali iyo goobo kale oo ay barakeystaa dadka Shiicda ah.

    Qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa muujiyay dareen ka dhan ah Mareykanka, iyagoo watay calamo ay leeyihiin kooxo hubeysan oo Ciraaqiyiin ah oo ay taageerto Iiraan.

    Dhammeystirka booqashadan Ciraaq ayaa qayb ka ah diyaarinta aaska, ka hor inta aan meydka loo qaadin magaalada Mashhad, oo ah magaalada uu ka soo jeeday Khamenei, halkaas oo la filayo in lagu aaso.

  16. Pakistan oo walaac ka muujisay xiisadda soo cusboonaatay

    Xaaladda Bariga Dhexe oo laga walaacsanyahay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Pakistan ayaa muujisay "walaac weyn" oo ay ka qabto xiisadaha sii kordhaya ee ka taagan Bariga Dhexe.

    Pakistan waxay ka mid ahayd dalalkii doorka muhiimka ah ka qaatay dhexdhexaadinta lagu gaaray is-afgaradkii ee ay bishii hore kala saxiixdeen Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo bishii Abriil martigelisay wada-hadallo heer sare ah.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegay in "dib u soo cusboonaanshaha colaadda aaney dan ugu jirin cidna," isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay is-xakameeyaan isla markaana ay ixtiraamaan ballanqaadyadii ku jiray heshiiska is-afgaradka.

    Sawirka la socday warkan wuxuu muujinayaa Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif intii ay socdeen wada-hadalladii lagu qabtay Islamabad bishii Abriil.

  17. War deg deg ah, Trump oo sheegay in Iiraan ay dili karto isaga

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku adkaystay in dagaalka lala galay Iiraan uu ahaa "guul milatari oo aad u weyn", isagoo sheegay inuu ka hortagay in Tehraan ay hesho hub nukliyeer ah.

    Trump wuxuu sheegay in wadaxaajoodayaasha Iiraan ay yihiin "kuwo waalan", isagoo raaciyay: "Hal maalin gudaheed, dhammaan difaacoodii cirka waa la burburiyay... wax walba waa dhammaadeen. Hoggaamiyayaashoodii way tageen."

    Wuxuu sii raaciyay: "Waxay leeyihiin hoggaamiyeyaal kale, iyagana waxaa laga yaabaa inay tagaan. Yaa garanaya?"

    Isagoo mar kale ku celiyay hadalladiisii uu hoggaamiyeyaasha Iiraan ugu tilmaamay "dad qashin ah", Trump wuxuu yiri: "Anigana waa la i dili karaa, sababtoo ah waxaan ahay bartilmaameedkooda koowaad."

    Sannadkii 2024, ololihii doorashada ee Trump ayaa sheegay in hay'adaha sirdoonka Mareykanku ay uga digeen qorshayaal la sheegay in Iiraan ay ku doonaysay in lagu khaarijiyo. Dowladda Iiraan xilligaas wax faallo ah kama bixin eedeyntaas.

  18. War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo weerar ku dilay askar Iiraaniyiin ah

    Sida lagu sheegay war ay baahiyeen ciidamada Iiraan, siddeed askari oo Iiraaniyiin ah ayaa lagu dilay weerarradii uu Mareykanku qaaday habeenkii xalay.

    Warsaxaafadeedka, oo ay baahiyeen dhowr warbaahin oo Iiraan leedahay, ayaa lagu sheegay in askarta la dilay ay ka tirsanaayeen ciidanka cirka iyo ciidanka badda ee Iiraan.

    Warbixintu waxay intaas ku dartay in askartan ay ku sugnaayeen magaalooyinka Bandar Abbas iyo Bushehr.

  19. War deg deg ah, Trump oo war cusub oo ka dhan ah Iiraan ku dhawaaqay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku uu ka fiirsanayo inuu dib u soo rogo go'doominta badda ee dekedaha Iiraan. Go'doomintan ayaa hore looga qaaday iyadoo qayb ka ahayd heshiis hordhac ah oo la gaaray 17-kii Juun si loo soo afjaro dagaalka.

    Isagoo la hadlayay warbaahinta, Trump ayaa yiri: "Waxaan dib u soo rogi karnaa go'doominta badda." Wuxuu intaas ku daray: "Waxay quseyn doontaa oo keliya Iiraan; dhammaan dalalka kale waxay samayn karaan waxa ay doonaan."

    Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay dhigi karto miinooyin badeed haddii ay fursad hesho, balse wuxuu xusay in Mareykanku leeyahay maraakiibta miino-saarka oo awood u leh inay soo saaraan ama baabi'iyaan miinooyinka noocaas ah.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale ku andacooday in qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah NATO ay soo jeediyeen inay gobolka u diraan maraakiibta miino-saarka intii uu socday shir madaxeedka NATO.

  20. War deg deg ah, Madaxweynaha Faransiiska oo ka falceliyay hanjabaadda Trump ee Iiraan

    Faransiiska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay inuu filayo in Mareykanka iyo Iiraan ay sii wadi doonaan wada-hadallada nabadda inkastoo ay dib u soo cusboonaadeen xiisadaha u dhexeeya labada dal.

    Macron wuxuu sheegay in weerarradii Iiraan ay ku qaaday saldhigyada milatari ee Mareykanka ay jebiyeen heshiiskii ay labada dhinac gaareen, isagoo xusay in Tehraan ay qalad samaysay markii ay qaaday weerarradaas.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in weli ay jirto fursad lagu sii wado kulamada iyo wada-hadallada lagu qorsheeyay heshiiska xabbad-joojinta ee 60-ka maalmood ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

    Hadallada Macron ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu sheegay in heshiiskii u dhexeeyay labada dal uu burburay sababo la xiriira weerarradii ay mar kale isweydaarsadeen.

    Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in sii wadidda wada-hadalladu ay muhiim u tahay in laga hortago in colaaddu ay sii xumaato.