TOOS, Iran oo uga digtay dalalka Khaliijka inay Maraykanka u oggolaadaan inuu dhulkooda ka weeraro Iran

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iran ayaa sheegay in haddii Maraykanku u adeegsado dhulka dalalkaas inuu weerarro ku qaado Iran, ay dalalkaasi bixin doonaan "qiime aad u culus" oo ka dhalan doonta tallaabadaas.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Iiraan oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka soo gaaray weerarrada Mareykanka

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan ayaa sheegtay in duqeymihii Mareykanka ee dhacay bishaan Luulyo ay sababeen dhimashada 38 qof iyo dhaawaca in ka badan 400 oo kale.

    Xuseen Kermanpour, oo ah madaxa Xarunta Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa ku qoray barta X:

    "Dagaalkii Luulyo, ilaa 6:30 subaxnimo ee 17-ka Luulyo, tirada dadka ku dhaawacmay weerarrada Mareykanka waxay kor u dhaaftay 400, halka 38 muwaadin ay shahiideen. Kuwaas waxaa ka mid ahaa 22 haween ah oo dhaawacmay, 3 haween ah oo geeriyooday, 9 carruur ah oo ka yar 18 sano oo dhaawacmay, iyo cunug oo ka yar 18 sano oo geeriyooday."

    Sida uu sheegay, 47 qof ayaa weli ku jira isbitaallada iyagoo helaya daryeel caafimaad.

    Weerarradii ugu dambeeyay ee Mareykanka ku qaaday Iiraan ayaa billowday 7-dii Luulyo, iyadoo lagu sheegay inay jawaab u ahaayeen bartilmaameedsigii lagu qaaday maraakiib dhowr ah oo marayay Marinka Hormuz. Tan iyo markaas, Iiraan ayaa fulisay weerarro aargoosi ah oo ay sheegtay inay ku beegsanayso danaha iyo saldhigyada Mareykanka ee dalalka gobolka.

  2. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo sheegtay in ay burburisay xaruumo Mareykanku leeyahay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa qoraal ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegay inay burburiyeen laba xarumood oo raadaar oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla Cumaan.

    Sida bayaanka lagu sheegay, ciidamada badda ee IRGC ayaa saaka aroortii hore burburiyay raadaarka lagu hago isu socodka maraakiibta ee Salalah iyo raadaarka hagidda hawada ee Ghanem, oo labaduba ku yaalla dalka Cumaan.

    Qoraalka ayaa lagu adkeeyay in tallaabooyinka jawaab-celinta ee Iiraan ay sii socon doonaan si xooggan, isla markaana Marinka Hormuz uu sii ahaan doono mid ay gacanta ku hayaan ciidamada badda ee IRGC.

  3. War deg deg ah, Pakistan iyo Shiinaha oo farriin u diray Mareykanka iyo Iiraan

    Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Shiinaha iyo Pakistan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Shanghai, ugu baaqay Maraykanka iyo Iiraan inay soo afjaraan colaadda isla markaana ay dib ugu laabtaan miiska wadaxaajoodka.

    Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan Ishaq Dar ayaa "muujiyay walaac ku saabsan sii xumaanaya xaaladda hadda jirta."

    Waxay labada wasiir ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada, isla markaana dib loo bilaabo wada-hadallada iyo wadaxaajoodyada si xal nabadeed loogu raadiyo colaadda.

  4. War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo hadda weerar ku qaaday mid ka mid ah dekadaha Iiraan

    Sida ay sheegtay IRNA, munaaradda laga hago isu socodka maraakiibta ee Dekedda Chabahar ayaa saaka markii saddexaad lagu bartilmaameedsaday weerarro uu Maraykanku geystay.

    Warbixintu waxay sheegtay in munaaraddii si buuxda loo burburiyey, hase yeeshee waxyeello aysan soo gaarin dekedaha lagu xirto maraakiibta, qalabka, iyo kaabeyaasha hawlgalka ee dekedda.

    Sida lagu sheegay warbixinta, xoogga qaraxa ayaa ahaa mid aad u weyn, taasoo sababtay burbur dhammaystiran oo soo gaaray munaaradda.

    Waxaa sidoo kale la sheegay in kooxaha farsamada iyo hawlgalka ay baarayaan xaaladda isla markaana ay ku howlan yihiin sidii dib loogu bilaabi lahaa shaqada dekedda, iyadoo aan la soo sheegin cid ku dhaawacantay weerarkan.

  5. War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo u hanjabay Sacuudiga iyo labada dhinac oo xiisadoodu xoogeysatay

    Xuutiyiinta ayaa Sacuudiga ugu hanjabay weerarro culus

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxda fallaagada Xuuthiyiinta ee Yemen ayaa uga digtay Sacuudi Carabiya inay beegsan doonto xarumaha shidaalka iyo goobaha kale ee muhiimka ah haddii dagaalka u dhexeeya labada dhinac uu sii xoogeysto.

    Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Cabdulmaalik Al-Xuuthi, ayaa sheegay in haddii Sacuudi Carabiya ay bilowdo weerar ballaaran oo ka dhan ah Yemen isla markaana ay sii huriso colaadda, xarumaha shidaalka iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee dalkaas ay noqon doonaan bartilmaameedka gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiinta.

    "Wixii hadda ka dambeeya haddii Sacuudi Carabiya ay weerar weyn ku qaaddo dalkeenna oo ay sii huriso xiisadda, dhammaan xarumaheeda shidaalka iyo goobaha muhiimka ah waxay noqon doonaan bartilmaameedka gantaalladayada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn," ayuu yiri.

    Xuuthiyiintu waxay ku eedeeyeen Sacuudi Carabiya inay Isniintii weerartay Garoonka Diyaaradaha ee Sanca, iyagoo sheegay in tallaabadaas ay jawaab u ahayd weerar lagu beegsaday garoon diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudi Carabiya.

    Weerarrada labada dhinac ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu waaweynaa tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray sannadkii 2022.

    Sida ay sheegtay AFP, Cabdulmaalik Al-Xuuthi ayaa sidoo kale ku hanjabay in la beegsan doono Garoonka Diyaaradaha ee Riyadh haddii weerarro kale lagu qaado Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.

    "Mabda'ayagu waa sidan: haddii garoonka diyaaradaha la weeraro, annaguna waxaan weerari doonnaa garoon diyaaradeed; haddii dekedda la beegsado, annaguna dekedda ayaan beegsan doonnaa. Sidoo kale, go'doominta waxaa looga jawaabi doonaa go'doomin," ayuu yiri.

    Dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay Cadan, oo ay taageerto Sacuudi Carabiya, ayaa sheegtay in weerarkii Isniinta lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Sanca uu ujeeddadiisu ahayd in laga hortago diyaarado ka imanaya Iiraan oo halkaas ka dega.

    Muddo ka badan toban sano, dhammaan diyaaradaha gala hawada Yemen waxaa looga baahnaa inay oggolaansho ka helaan isbahaysiga militariga ee uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya.

    Dowladda Yemen iyo xulafadeedu waxay ku eedeeyeen Xuuthiyiinta iyo Iiraan inay jebiyeen nidaamkaas iyagoo bilaabay duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.

  6. War deg deg ah, Shil gaari oo arday badan ku geeriyooden oo dalka Uganda ka dhacay

    Uganda

    Xigashada Sawirka, ONLINE/X

    Ugu yaraan 19 arday ayaa dhintay kadib markii bas uu leeyhaay Iskuulka King David Junior School oo ku yaalla Ndejje, uu shil ku galay Khamiistii shalay degmada Kapchorwa ee bariga Uganda, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

    Baska ayaa ardayda kasoo celinayay safar waxbarasho habeenkii Khamiista, waxaana la sheegay inuu la kulmay cilad farsamo qiyaastii saacaddu markay ahayd 2:00 habeenimo.

    Sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah ee booliiska, darawalka ayaa lumiyay xakamaynta baska ka hor inta uusan shilku dhicin, taasoo sababtay masiibadan dhimashada badan dhalisay.

    "Baaritaannada hordhaca ah waxay muujinayaan in basku uu jihadii ka leexday sababo la xiriira cilad farsamo. Waxaan sidoo kale xog aan ka helnay dad goobjoogayaalka ah ay muujinaysaa in gaarigu uu dhowr jeer istaagay ka hor inta uusan shilku dhicin," sida lagu sheegay lagu yiri warbixin ay booliisku ku baahiyeen baraha bulshada.

    Hawlaha gurmadka ayaa weli socda, iyadoo dadka dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaadka ee u dhow. Mas’uuliyiintu weli si rasmi ah uma xaqiijin tirada guud ee dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, maadaama baaritaannadu ay socdaan si loo ogaado sababta saxda ah ee shilka.

    Shilkan ayaa caro iyo murugo ka dhaliyay guud ahaan Uganda, iyadoo qoysaska ardayda iyo maamulka dugsiguba ay sugayaan war rasmi ah oo ku saabsan xaaladda dadkii saarnaa baska.

    Dhaawacyo la dabiibayo

    Xigashada Sawirka, Social Media

  7. War deg deg ah, Degdeg: Ilaada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay arrin cusub oo ku saabsan Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa bayaan ku sheegay in ay bartilmaameedsadeen Taliska Ciidamada Maraykanka ee saldhigga Al-Tanf ee ku yaalla koonfurta Suuriya.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay in, jawaab ahaan weerarradii Maraykanka iyo dilkii askar ka tirsanaa ciidamada IRGC ee Iranshahr, ciidamada Cirka iyo Hawada ee IRGC ay weerareen xarunta taliska ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ee Al-Tanf, nidaam raadaar, dhowr diyaaradood oo qummaati u kaca oo gaar ah, iyo tiro ka mid ah ciidamada Maraykanka.

    IRGC waxay sidoo kale sheegtay in ay weli gacanta ku hayaan Marinka Hormuz ciidamada Iiraan, isla markaana inta uu dagaalku socdo la joojin doono dhoofinta shidaalka iyo gaaska ee mara marinkan.

  8. War deg deg ah, Degdeg: Faahfaahin ku saabsan weerarrada Iiraan ku qaadday Khaliijka

    Afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee CENTCOM, ayaa u sheegay telefishinka Al Jazeera in weerarradii ay Iiraan ku qaaday dalalka Khaliijka "aysan wax saamayn hawlgal ah ku yeelan ciidamadeenna."

    Afhayeenka CENTCOM wuxuu sidoo kale sheegay in militariga Maraykanku ay weerareen goobaha laga rido gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ee Iiraan, isla markaana ay bartilmaameedsadeen xarumaha sahanka iyo raadaarka ee jasiiradda Greater Tunb iyo deegaannada ku xeeran Bandar Abbas.

    Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in Maraykanku uu Bariga Dhexe geeyay 50,000 oo askari, isla markaana ciidamadan ay diyaar u yihiin inay fuliyaan hawl kasta oo loo xilsaaro.

    Wuxuu kaloo sheegay in weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalalka deriska ah ee gobolka ay yihiin "kuwa aan kala sooc lahayn" isla markaana "khatar gelinaya nolosha rayidka aan waxba galabsan."

  9. Qatar oo sheegtay inay hawada kaga hortageyso weerarro cusub oo gantaallo ah

    Wasaaradda Difaaca Qatar ayaa ku dhawaaqday in ciidamada qalabka sida ee dalka ay hadda ku guda jiraan hawlgal ay ku joojinayaan weerarro dhanka cirka ah.

    Dowladda Qatar ayaa horay u sheegtay in ilmo yar uu ku dhaawacmay jajab ka dhashay gantaal laga soo riday Iran oo la dhexgalay laguna burburiyay hawada.

    Warar dheeraad ah:

  10. Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad oo soo saartay digniin amni oo ku socota muwaadiniinteeda ku sugan Ciraaq

    Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa kula talisay muwaadiniinteeda ku sugan Ciraaq inay feejignaadaan kadib weerarkii diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday Arbil maalintii Arbaca.

    Safaaraddu waxay baraha bulshada ku qortay: “Muwaadiniinta Mareykanka waxaa lagula talinayaa inaysan u safrin Ciraaq sababo la xiriira khatarta argagixisada, afduubka, colaadaha hubeysan, qalalaasaha bulshada, iyo awoodda xaddidan ee dowladda Mareykanka ay u leedahay inay adeegyo degdeg ah siiso muwaadiniinteeda ku sugan Ciraaq. Ha u safrin Ciraaq xaalad kasta ama sabab kasta ha ahaatee.”

    Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale kula talisay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan ka qeybgalka dibadbaxyada ama mudaharaadyada, isla markaana haddii uu weerar dhaco ay ka fogaadaan goobta ay ku dhacaan burburka iyo qashinka ka dhasha weerarka.

  11. Wararkii ugu dambeeyay ee weeraradi xalay ka dhacay Iran

    Qaraxyo ayaa laga maqlay qaybo badan oo ka tirsan Iran, oo ay ku jiraan gobollo ka fog Gacanka Khaliijka, iyadoo Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) uu ku dhawaaqay inuu qaaday wareeg kale oo weerarro ah.

    Caasimadda Tehran, nidaamyada difaaca cirka ayaa la hawlgeliyay, halka magaalada Ahvaz, oo ku taalla waqooyiga Gacanka Khaliijka, warbaahinta Iran ay sheegtay in isbitaal laga daadgureeyay kaddib markii gantaallo ay ku dhaceen meel u dhow.

    Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay inay ka jawaabtay weerarrada, iyadoo caddeysay in ay diiradda saarayso burburinta kaabeyaasha iyo saldhigyada militari ee Maraykanku ku leeyahay gobolka.

    Sidoo kale, dowladda Kuwait ayaa sheegtay inay ka hortagtay waxa ay ku tilmaamtay "weerarro ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn."

    Warar dheeraad ah:

  12. Ciidanka Iran: Waxaan weerarnay saldhigyo iyo xarumo Maraykan ah oo ku yaalla Baxreyn

    Ciidanka Iran ayaa bayaan ay baahiyeen warbaahinta gudaha ku sheegay in xarumo iyo saldhigyo uu Maraykanku ku leeyahay dalka Baxreyn lagu bartilmaameedsaday weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn.

    Sida lagu sheegay bayaanka, weerarka ayaa ahaa jawaab laga bixiyay waxa Iran ku tilmaantay "falalka cadowtinimo ee lagu beegsaday kaabeyaasha magaalooyinka iyo shacabka aan waxba galabsan."

    Ciidanka Iran ayaa sheegay in wejigii 11-aad ee howlgalka, ay ku bartilmaameedsadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaaradaha sahan ee P-8 ee ciidamada Maraykanka ku leeyihiin saldhigga Sakhir ee Baxreyn, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee Arash.

    Saacado ka hor, dowladda Baxreyn ayaa ku dhawaaqday in dalka laga maqlay seeriga digniinta, waxayna shacabka ugu baaqday inay u dhaqaaqaan goobo ammaan ah.

  13. Iran ayaa Mareykanka ku eedeysay 'dambi dagaal', waxayna mar kale uga digtay dalalka gobolka

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dib u soo celinta xannibaadda badda ee Iran ay tahay "qayb kale oo ka mid ah jebinta is-afgaradka" u dhexeeyay Tehran iyo Washington.

    Waxay sidoo kale Maraykanka ku eedeysay inuu galay dambiyo dagaal, iyadoo ku sababeysay waxa ay ku tilmaantay "weerarro lagu qaaday kaabeyaasha iyo xarumaha rayidka ah."

    Bayaan-ka wasaaradda ayaa lagu sheegay in tusaalooyinka dambiyada dagaal ay ka mid yihiin weerarka lagu qaaday xarunta caafimaadka ee Guutada 388-aad ee Ciidanka Iran ee ku taalla Bampour, Iranshahr, bakhaarka kaydka qamadiga ee Hoveizeh, iyo munaaradda ilaalada ciidamada badda ee Chabahar.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sidoo kale sheegtay in tani ay tahay markii saddexaad sanadkii la soo dhaafay ee Maraykanku weerar ku qaado Iran iyadoo wada-hadallo socdaan.

    Tehran ayaa ugu baaqday dalalka gobolka inaysan oggolaan in dhulkooda, badahooda iyo hawadooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran.

    Waxay ku adkaysay inay doonayso "is-afgarad iyo iskaashi" ay la yeelato dalalka gobolka, iyadoo aysan jirin joogitaan ama faragelin ka timaadda Maraykanka.

    Maxamed Saleh Jokar, oo ah madaxa Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iran, ayaa sidoo kale Khamiistii sheegay in dalalka Khaliijka ay tahay inay wax ka bartaan "waayo-aragnimada dagaalka Ramadaan" isla markaana aysan ciidammada Maraykanka u dhiibin dhulkooda iyo xeebahooda.

  14. Isgoyska tareenka ee Bandar Abbas oo la kulmay weerarro

    Wakaaladda wararka Fars, iyadoo soo xiganaysa maamulka gobolka Hormozgan, ayaa sheegtay in saldhigga isku xirka tareennada ee Bandar Cabbaas la weeraray.

    Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Hormozgan ayaa sheegay in laba qof ay ku dhaawacmeen weerarka, isla markaana loo qaaday xarumaha caafimaadka.

    Hay’adda dowladda ayaa intaas ku dartay: "Kooxaha gurmadka iyo dab-damiska ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, waxaana socda tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xakameynayo xaaladda."

    Warar dheeraad ah:

  15. Warbaahinta Iran:Siddeed qarax ayaa ka dhacay jasiiradda Qeshm

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in ugu yaraan siddeed qarax laga maqlay Jasiiradda Qeshm iyo agagaarka tuulada Masan.

    Isla waqtigaas, wakaaladda wararka Tasnim ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ay dul heehaabayaan hawada Jasiiradda Qeshm.

    Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta saxda ah ee qaraxyadu ka dhaceen weli lama shaacin.

    Warar dheeraad ah:

  16. Tasnim waxay sheegtay in buundada isku xirta Bandar Abbas iyo Shiraz iyo waliba Bandar Abbas iyo Lar la bartilmaameedsaday

    Wakaaladda wararka Tasnim ayaa sheegtay in wareeggii ugu dambeeyay ee weerarrada Maraykanka lagu qaaday Iran lagu beegsaday buundada isku xirta Bandar Cabbaas iyo Shiraz, taas oo loo yaqaan Buundada Bandar Cabbaas-Kohurestan-Lar.

    Warbaahintu waxay sheegtay in weerarradu ay beegsadeen magaalada Bandar Khamir iyo degmada Kohurestan, halkaas oo laga maqlay dhowr qarax.

    Sida ay sheegayaan wararka, korontada ayaa sidoo kale ka go'day qaybo ka mid ah deegaanka Kohurestan.

    Sawirro muujinaya qaraxa ka dhacay Buundada Kohurestan ayaa lagu faafiyay baraha bulshada.

    Warar dheeraad ah:

  17. Kuwait oo sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn lagu weeraray

    Wasiirka Difaaca Kuwait ayaa sheegay in dhowr xarumood oo muhiim ah oo ku yaalla dalkaas lagu bartilmaameedsaday weerarro ay fuliyeen Iran.

    Afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Difaaca Kuwait, Kornayl Saud Abdulaziz Al-Atwan, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada qalabka sida ee Kuwait ay tan iyo saaka ogaadeen 32 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo uu ku tilmaamay kuwo "cadowtinimo ah" kuwaas oo ku jiray hawada Kuwait.

    Wuxuu yiri: "Diyaaradahan waa la qabtay, waana laga hortagay."

    Al-Atwan ayaa intaas ku daray in ka hortagga bartilmaameedyadan uu sababay in burburka diyaaradahaasi uu ku dhaco dhowr goobood oo la deggan yahay, taasoo keentay khasaare hantiyeed, balse uu sheegay in nasiib wanaag aan wax dhimasho ah la soo sheegin.

    Warar dheeraad ah:

  18. Iran oo sheegtay inaysan sii deyn wax muwaadiniin Mareykan ah

    Calamada Mareykanka iyo Iran

    Xigashada Sawirka, Thinkstock

    Qoraalka sawirka, Calamada Mareykanka iyo Iran

    Wakaaladda wararka Mizan, oo xiriir la leh garsoorka Iran, ayaa sheegtay in aysan jirin wax maxbuus Maraykan ah oo laga sii daayay ama lagu beddeshay maxaabiis ku jirta xabsiyada Iran, taasoo ka hor imaanaysa hadalkii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

    Mizan ayaa qortay: "Sida laga soo xigtay baaritaannada la sameeyay, ma jiro maxbuus la xukumay ama basaas Maraykan ah oo leh sifooyinkii uu Trump sheegay ama sifooyin kale, oo laga sii daayay ama lagu beddelay xabsiyada Iran."

    Galinkii hore ee maanta, Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social ku qoray in muwaadinad Maraykan ah oo ku xirnayd Iran la sii daayay, isagoo ku tilmaamay sii deynteeda inay tahay calaamad muujinaysa "niyad wanaagga" Iran.

    Warar dheeraad ah:

  19. Iran: Waxaa la maqlay qaraxyo ka dhacay Ahvaz, Bandar Abbas, Bushehr iyo Qeshm

    Warbaahinta Iran ayaa xaqiijisay in qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Ahvaz, Bandar Cabbaas, Bushehr iyo Qeshm.

    Valiollah Hayati, oo ah ku xigeenka madaxa amniga iyo ciidamada booliska ee gobolka Khuzestan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee ILNA in weerar lagu qaaday nawaaxiga magaalada Ahvaz.

    Mas'uulku ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ama cidda ka dambeysay weerarka.

    Warar dheeraad ah: