War deg deg ah, Maxkamadda Sare ee Maraykanka: Donald Trump wuu ka noqon karaa sharci ilaaliya kumanaan Soomaali ah oo Maraykanka kunool iyo boqolaal kun oo dunida kale ka yimid.
- Author, Abdishukri Haybe
- Role, BBC Somali

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaaladdan ayaa u oggolaatay 350,000 muhaajiriin ka yimid Haiti iyo 6,100 ka yimid Suuriya inay ku sii nagaadaan Maraykanka sanado badan.
Go’aanka Khamiistii kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa sidoo kale la filayaa inuu saameyn ku yeesho dadka ka haysta xaaladdan ee ka yimid dalal kale.
Go’aan kale oo gooni ah, Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale sheegtay in muhaajiriinta gaaraya xadka Maraykanka iyo Mexico aysan xaq u lahayn inay dalbadaan magangelyo ilaa ay cagta soo dhigaan gudaha dalka, taas oo loo arko guul kale oo u soo hoyatay maamulka Donald Trump.
Temporary Protected Status (TPS) waa nidaam ay dowladda Maraykanku siiso dadka ajnabiga ah ee ka yimid dalal aan awoodin inay dib u qaabilaan muwaadiniintooda sababo la xidhiidha dagaal, masiibo dabiici ah, ama xaalado kale oo burbur ah. Dadka hela xaaladdan waxay si sharci ah ugu noolaan karaan ugana shaqayn karaan Maraykanka ilaa 18 bilood, iyadoo la cusboonaysiin karo.
Inta muddadaas lagu jiro, hay’adaha amniga ma awoodaan inay masaafuriyaan ama xidhaan dadkaas sababo la xiriira xaaladdooda socdaalka.
Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay siiyay “xaaladda ilaalinta ku-meelgaarka ah” muhaajiriinta Haiti kadib dhulgariirkii 2010, halka muhaajiriinta Suuriya lagu siiyay kadib dagaalkii sokeeye ee 2012.
Ku dhawaad 2,500 oo Soomaali ah ayaa haysta sharcigaan taas oo ka dhigan in hadda kadib Trump soo masaafurin karo dadkaas kadib ogolaanshaha maxkamadda.




