Dowladda UK oo mamnuucday taageerada Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan

Xigashada Sawirka, PA Media
Wasiirka Arrimaha Gudaha Britain Shabana Mahmood ayaa ku dhawaaqday in Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) loo aqoonsan doono khatar ku wajahan amniga qaranka.
Mahmood ayaa adeegsan doonta awoodaha cusub ee dowladda si loo mamnuuco taageero kasta oo loo fidiyo kooxdaas, taas oo lala xiriiriyay hanjabaado dil, weerarro iyo cabsi gelin ka dhacay gudaha Britain.
Bayaan qoraal ah oo ay u dirtay Baarlamaanka, ayay ku faahfaahisay in taageeridda IRGC — laga bilaabo muujinta aragti wanaagsan oo ku saabsan kooxda ilaa caawinteeda — ay hadda noqon doonto dambi lagu mutaysan karo xabsi gaaraya 14 sano.
Laba kooxood oo kale ayaa sidoo kale lagu daray liiska ururrada la mamnuucay, kuwaas oo kala ah Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Saaxiibbada Xaqa (IMCR) iyo ciidanka mutadawiciinta ah ee GRU-da Ruushka (hay’adda sirdoonka milatariga dibadda).
Awoodo cusub ayaa la siin doonaa booliiska iyo hay'adaha sirdoonka si ay wax uga qabtaan arrimahan.
Waxaa la rumeysan yahay in IRGC-ga Iran ay hagaysay toddobo weerar oo lagu qaaday goobo ku yaalla Britain oo lala xiriiriyay bulshooyinka Yuhuudda iyo Israa’iil.















