Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh oo dowladda ku eedeeyey in ay gurigiisa kusoo weerartay, ayna u awood adeegsaneyso sidii ay u joojin lahayd banaan-baxa ay qorsheeyeen

Iyada oo dowladda Soomaaliya warsaxaafadeed ay soo saartay ku cambaareesay maleeshiyo ay ku sheegtay in ay soo weerareyn xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Howlwadaag.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Aqalka Wakiillada Maraykanka oo meel mariyay qaraar la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Iiraan

    Aqalka Wakiillada Maraykanka oo meel mariyay qaraar la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Iiraan

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Aqalka Wakiillada ee Maraykanka ayaa Arbacadii qaaday tallaabo aan caadi ahayn, iyagoo muujiyay diidmadooda dagaalka uu Donald Trump kula jiro Iiraan, kadib markii uu ansixiyay qaraar ay diyaariyeen oo ay hormuud ka ahaayeen Dimuqraadiyiintu. Tallaabadan ayaa la qaaday iyadoo ay ka soo horjeedeen hoggaanka Jamhuuriga ee Aqalka.

    Qaraarka Awoodaha Dagaalka ee Iiraan oo uu soo gudbiyay xildhibaan Gregory Meeks oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto New York isla markaana ah xubinta ugu sarreysa guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Aqalka, ayaa la qorsheeyay in cod loo qaado ka hor fasaxa Memorial Day ee 21-ka May, laba toddobaad ka hor, balse si lama filaan ah ayaa looga saaray ajandaha markii ay caddaatay in xubno badan oo Jamhuuri ah aysan joogin codbixinta, isla markaana ay suuragal ahayd inuu guuldareysto.

    Ugu dambeyn, qaraarka ayaa la ansixiyay Arbacadii cod dhan 215–208, afar xubnood oo Jamhuuri ah ayaa taageeray qaraarka, iyagoo u codeeyey dhammaan xubnaha Dimuqraadiga.

    Sida ku cad qaraarkan, Donald Trump waxaa laga codsanayaa inuu ciidamada qalabka sida ee Maraykanka kala baxo iska horimaadyada militari ee Iiraan, haddii uusan Kongareesku si rasmi ah ugu dhawaaqin dagaal ama uusan bixin oggolaansho isticmaalka awood ciidan oo ka dhan ah Iiraan.

    Si kastaba ha ahaatee, qaraarkani si sharci ah uguma qasbayo Mr. Trump inuu joojiyo dagaalka, waxaana loo arkaa inuu yahay bayaan astaan ahaan u muujinaya diidmada Aqalka ee siyaasaddiisa dagaal ee ku wajahan Iiraan.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  2. War deg deg ah, CENTCOM oo beenisay sheegashada weerarka ciidamada badda ee Iiraan ay ku qaadayn markabka Maraykanka

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa beeniyay sheegashada Iiraan ee ku saabsan weerar lagu qaaday markab burburiye ah oo uu Maraykanku leeyahay, iyagoo warbixinta Iiraan ku tilmaamay “been” isla markaana sheegay in dhammaan ciidamada Maraykanka ee gobolka ay yihiin “nabad qaba oo si buuxda u shaqaynaya.”

    Sida aan halkan ku soo sheegnay daqiiqado ka hor, Ciidanka Badda ee Iiraan ayaa sii daayay sawirro ay ku sheegayaan inay ku weerareen markab burburiye Maraykan ah, kaas oo sida ay sheegeen ku soo dhowaaday biyaha xeebaha dalka, isla markaana uu “hoggaaminayay” weerarradii dhawaan lagu qaaday “maraakiibta Iiraan ee ku sugnaa Badda Cumaan.”

    Sheekooyin dheeraad ah:

  3. Iiraan oo sheegtay in bartilmaameedsadeyn markab uu Maraykanku leeyahay

    Wakaaladaha wararka ee Iiraan iyagoo soo xiganaya Ciidanka Badda ee dalka ayaa soo sheegay in markab burburiye ah oo uu Maraykanku leeyahay la “bartilmaameedsaday,” sidoo kalena waxa ay daabaceen sawirro la sheegay inay yihiin gantaallo lagu riday weerarka.

    Bayaan ay Ciidanka Badda ee Iiraan soo saareen habeenkii Arbacada oo ay baahisay Fars News Agency iyo warbaahinno kale oo gudaha Iiraan ah, ayaa lagu yiri:

    “Saacado ka hor iyo ka dib falalka gardarrada ah, jebinta xeerarka Marinka Hormuz, iyo falalka xun ee lagula kacay maraakiibta ganacsiga ee Iiraan ee Badda Cumaan, kuwaas oo ay geysteen ciidanka argagixisada Mareykanka, ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, kadib markii ay ogaadeen oo aqoonsadeen bartilmaameedka, waxay weerareen ‘xarunta taliska iyo xakamaynta’ ee falalkan, taas oo ku dhex taallay markab burburiye Maraykan ah oo isku dayayay inuu ku soo dhowaado biyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee Badda Cumaan.”

    Shalay ayey markii ay weerarro is dhaafsadeyn Maraykanka iyo Iiraan, kuwaas oo saameeyey qaar kamid ah waddamada khaliijka.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  4. War deg deg ah, Dowladda Somaaliya oo cambaareesay weerarrada lagu qaaday dalalka Kuwait iyo Baxrayn

    Dowladda oo cambaareesay weerarrada lagu qaaday dalalka Kuwait iyo Baxrayn

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya lagu sheegay in ay ka xuntahay weerarada lala beegsaday dowladaha Baxreyn iyo Kuwait, weerarradaas oo ay Kuwait sheegtay in ay kusoo qaaday Iiraan, qoraalka DFS ayaa lagu yiri "Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarrada lagu beegsaday Dowladda walaalaha ah ee Kuwait iyo Boqortooyada walaalaha ah ee Baxrayn, waxayna muujineysaa walaac qoto dheer oo ku saabsan xaaladdan halista ah ee sii xumaaneysa, taas oo khatar gelinaysa nabadda iyo xasilloonida gobolka."

    Qoraalka bayaanka Somaaliya soo saartay ayaa sidoo kale , lagu baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo xaaladda taagan "Soomaaliya waxay ku baaqeysaa is-xakameyn, wadahadal, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah si looga hortago xaaladdu inay sii xumaato loona ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Khaliijka", ayaa lagu yiri.

    Sida ay sheegtay dowladda Kuwait illaa iyo hal qof lagu ku dhintay, 63 kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay duqeeyeen dhismaha garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  5. War deg deg ah, Shariif Sheek "sharciga haddii la raacayo berri ayuu qofkaaan waxaan qabanayaa waxba ugama qaban kartid"

    "sharciga haddii la raacayo berri ayuu qofkaaan waxaan qabanayaa waxba ugama qaban kartid",

    Xigashada Sawirka, Himilo Qaran

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo goor dhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in berri ay banaan-baxa uu yahya mid ay xaq u leeyihiin qaladna ay tahay in wax berri dhici doona la isku dayo in la xukumo, "sharciga haddii la raacayo berri ayuu qofkaaan waxaan qabanayaa waxba ugama qaban kartid", ayuu yiri.

    Dhanka kale, Shariif ayaa Nasiib darro ku tilmaamay in madxweynaha oo ay ka sugayaan inuu doorasho kala hadlo uu iskugu dayayo wax uu ku tilmaamay awood u adeegsado, mar uu arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri "madaxweyne la gala hadlaayo doorasho, oo la gala hadlaayo mudaharaad inuu ciidankii qaranka cadowga ka difaaci lahaa soo kiciyo, inuu doroomo soo kiciyo, oo wax allaale waxii uu heli karo annaga noo soo diro taasaa horta nasiib darro ah, isaga oo diidan in la mudaharaado".

    Sida ay tebiyeen warbaahinta maxalliga ah magaalada Muqdisho, isku dhacyo u dhaxeeeya ciidammada dawladda iyo ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhacay aagga uu ka deggan yahay Degmadda Cabdicasiis, inkasta oo BBC-du ayaan si madax bannaan u xaqiijin karin dhacdooyinkaasi.

    Dhanka dowladda warsaxaafadeed ay soo saartay ayey ku cambaareesay maleeshiyo ay ku sheegtay in ay soo weerareyn xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Howlwadaag, "Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre", sida lagu yiri warsaxaafadeedka.

    Sii akhri:

  6. Ilaalada Kacaanka Iiraan oo iska fogeeyey in ay weerareyn Garoonka diyaaradaha Kuwait

    Hossein Mohebi, oo ah afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in burburka terminal-ka Garoonka Caalamiga ah ee Kuwait uu “ka dhashay khalad ku yimid nidaamyada Patriot-ka ee Maraykanka.”

    Sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha ee Iiraan, Mudane Mohebi wuxuu intaa ku daray in IRGC aysan ridin “hal xabbad oo rasaas ah” oo ku wajahneyd garoonka diyaaradaha.

    Wuxuu ku dooday in, sida ay muujinayaan baaritaannada IRGC, “burburka terminal-ka rakaabka ee Garoonka Kuwait uu sababay qalad ka dhacay nidaamyada Patriot-ka ee Maraykanka, kuwaas oo ku dhacay terminal-ka kaddib markii ay ku guuldarreysteen inay qabtaan gantaallada Iiraan.”

    Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena way ku dhaawacmeen markii gantaal ku dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Kuwait. Qofka geeriyooday wuxuu ahaa muwaadin Hindi ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaana sheegtay in dhowr muwaadiniin Hindi ah oo kale ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarka.

    Sii akhri:

  7. Iska hor imaad dhex maray ciidammada dawladda iyo ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed

    Sida ay ku warramayso warbaahinta maxalliga ah magaalada Muqdisho, isku dhacyo u dhaxeeeya ciidammada dawladda iyo ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhacay aagga uu ka deggan yahay Degmadda Cabdicasiis.

    BBC-da ayaan si madax bannaan u xaqiijin karin dhacdooyinkaasi.

    Xilli sii horraysay oo galabata ah ayaa is hor imaadyo ay dhex mareen ciidmamada dawladda iyo raysalwaasarihii hore ee Soomalaiya, Xasan Cali Khayrre.

    Mucaaradka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah la filayaa in ay qabtaan bannaan-baxyo ka dhan ah dawladda.

  8. Dawladda soomaaliya oo war ka soo saartay xiisadda ka taagan Muqdisho

    Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey waxa uu ku tilmaamay israsaaseyn galabta laga maqlay qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag.Afhayeenku waxa uu sheegay in koox maleeshiyaad ah oo u abaabulan qaab liddi ku ah nabadgalyadu ay soo weerareen ciidammada dawladda oo ku sugan bar-kaantarool. Waxa kale oo uu sheegay in ciidanku uu falkaas ka jawaabay iyaga oo ka taxaddaray in khasaare uu soo gaadho dadka shacabka ah.

  9. Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay xiisad ka taagan Muqdisho

    Sheekh Shariif

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeedhay weerar lagu qaaday Raysalwsaare hore Xasan Cali Khayrre.

    Waxa uu yidhi "Waa ficillo Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo in uu dhiig badan ku daadiyo isaga oo aan haysan muddo xileed rasmi ah, wakhtigiisuna uu dhammaaday."

  10. Warar ka soo baxay xaaladda magaalada Muqdisho

    Waraka ka imanyaa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu ka dhacay Isgoyska Dabka, kaas u dhexeeya ciidamadda dawladda iyo ilaalada raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ku dhow hay’adaha amniga Soomaaliya.

    Raysalwasaarahii hore ee Soomaaliya ayaa boggiisa baraha bulshada ku sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.

    Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalinta berri ah a filayo bannaanbax ay soo agaasimeen mucaaradka Soomaaliya.

    Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo aanay BBC-du xaqiijin karin ayaa muujinaya rasaas xooggan oo la is weydaarsanayo.

  11. Xasan Cali Khayrre oo sheegay in la soo weeraray

    Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.

    "Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.'

    Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.

    Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday' oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan.

  12. Kuwayt oo dalkeeda ka caydhisay diblumaasiyiin u dhashay Iiraan

    Kuwayt ayaa ku tilmaamtay laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan inay yihiin "kuwo aan laga rabin dalka" waxayna ka dalbatay in ay uga baxaan dhulka Kuwayt muddo 24 saacadood gudahood ah.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwayt ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay u yeertay Xamiid Yaquubifar oo ah u-qeybsanaha arrimaha safaaradda Iiraan ee Kuwayt, ayna u dhiibtay qoraal rasmi ah oo cabasho iyo diidmo ah.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay in ogeysiiskaas loo soo saaray si looga hor yimaado "weerarrada joogtada ah ee Iiraan", iyadoo Jamhuuriyadda Islaamiga ah lagu wargeliyay go'aanka dawladda Kuwayt ee ku aaddan dhimista tirada shaqaalaha safaaradda Iiraan.

  13. Kuwayt oo war ka soo saartay weerarrada ay Iiraan dalkaasi ku qaadday

    Kuwayt ayaa sheegtay in ugu yaraan hal qof lagu dilay 63 kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay duqeeyeen dhismaha garoonkeeda caalamiga ah halkaasi ku yaalla. Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in weerarkan dhacay xilligii waaberiga ah oo uu waxyeello u geystay adeegyada dadka rayidka oo ay ku jiraan xarumaha diblomaasiyadeed. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwayt ayaa ku tilmaamtay fal gardarro ah.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegay in ay iyagu fuliyeen weerarka, kaasoo ku soo beegmay xilli iska horimaadyo cusub dhex maray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Iiraan muddo ay socotay xabbad-joojin aan cago adag ku taagnayn. Iiraan ayaa ku eadeysay Mareykanka in uu weeraray markab saliidda qaada oo dalkaai laga leeyahay oo gooshayay Marinka Hormuz. Waxa kale oo ay sheegeen in la weeraray xarun isgaadhsiineed oo ku taal Jasiiradda Qeshm. Tehraan waxay sheegtay inay beegsatay saldhigyada Mareykanka ee gobolka si ay ugu aargudato weerarkaasi.

  14. Maamulka Gobolka Banaadir oo go’aammo ka soo saaray bannaanbaxyada ay mucaaradka ku baaqeen

    War ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in la oggolaaday bannaan-baxa ay mucaaradku siyaasadda ee Soomaaliya u asteeyeen in uu Muqdisho ka dhaco maalinta berri ah.

    Dhinaca kale waxa uu maamulka gobolkaasi ay sheegay in ay laga ma maarmaan tahay in bannaan-baxayadu ay ka dhacaan meelo cayiman si loo sugo amniga. Goobahaas ayaa lagu sheegay in ay kala yihiin garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow oo ku yaalla Degmada Cabdicasiis, garoonka kubadda cagta ee Muqdisho ee Degmada Warta Nabadda iyo garoonka kubadda cagta ee jaamacadaha ee Degmada Hodan.

  15. Millateriga Israa'iil: waxaan qabannay gantaal laga soo ganay Lubnaan

    Millatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay dhexda u galeen walax duulaysa oo ku wajahan Israa'iil lagana soo ganay dhanka waddanka Lubnaan.

    Kani waa weerarkii cirka ee noociisa ah oo ay sheegaan millatariga Israa'iil muddo ka badan 24 saac.

    Mas'uuliyiinta Israa'iil ayaa ku hanjabay in ay weerari doonaan xaafadaha ku yaalla koonfurta Beirut oo ay ku sheegeen in ay fadhiisin u tahay Xisbullaah. Sidoo kale akhri:

  16. Trump oo sheegay in Mojtaba Khamenei uu door ku leeyahay wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan

    Mojtaba Khamenei iyo Trump

    Xigashada Sawirka, Roberto Schmidt/Getty Images, Iran President Press Office / Handout /Anadolu via Getty Images

    Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay oggolaatay in aanay yeelan hubka niyukleerka. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Mojtaba Khamenei uu ku lug leeyahay wadahadallada ay la leeyihiin dalka Mareykanka.

    Isagoo la hadlayay barnaamijka maqalka ah ee "Pod Force One," ayaa Mr. Trump wuxuu qirtay in uu wadahadallo kulul la yeeshay Benjamin Netanyahu: "Haa, way dhacday. Ma dhihi karo waan caraysnaa, laakiin waxaan xoogaa ka daalay dagaalkiisa joogtada ah ee uu kula jiro dalka Lubnaan."

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in ay si fiican isu fahmaan Raysalwasaaraha Israa'iil.

    Mareegta wararka ee Axios ayaa shalay sheegtay in Donald Trump uu Benjamin Netanyahu ku tilmaamay "nin waalan" intii ay wada hadalayeen khadka telefoonka habeenkii Axadda."

    Arrintaas ayaa dhalisay hadal-hayn aad u balladhan, gaar ahaan gudaha dalka Israa'iil. Sii akhri:

  17. Mowqifka Mareykanka ee aqoonsiga Somaliland - warbixin hore

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Tan iyo markii uu soo baxay warka la xidhiidha ictiraafka Somaliland ee Israa'iil, waxaa si weyn la isu weydiinayay sida uu Maraykanku u arko arrintan.

    BBC-du waxay xidhiidh gaar ah la samaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, annaga oo wax ka weydiinnay mowqifka Maraykanka ee ku aaddan Somaliland iyo arrimaha si guud ku gedaaman.

    Maraykanka ayaa si gaar ah u sheegay in aanay hadda BBC- u sheegayn 'war cusub oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland".

    Iyaga oo dhanka kale, Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka uu mar kale ku celiyey in siyaasadda Washington aysan is beddelin, islamarkaana ay weli ka go'an tahay taageeridda madaxbannaanida Soomaaliya.

    Halka sidaas oo kale uu Mareykanka xaqiijiyay in xidhiidh wanaagsan oo shaqo uu kala dhexeeyo 'Somaliland iyo maamul hoosaadyada kale ee uu kaashado, gaar ahaan kuwa ay ka mideysan yihiin la dagaallanka argagixisada, amniga, iyo danaha dhaqaalaha'.

  18. Iiraan: Mas'uuliyadda tooska ah waxay saaran tahay hogaamiyeyaasha Kuwait iyo Bahrain

    Cabaas Araqchi
    Qoraalka sawirka, Cabaas Araqchi

    War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si xooggan loogu cambaareeyay weerarkii lagu qaaday markab shidaal oo Iiraan leedahay oo ku sugnaa marin biyoodka Hormuz, iyo weerarkii lagu qaaday xarun isgaarsiineed oo ku taal Jasiiradda Qeshm.

    Sida ku cad bayaanka, weerarradu "waxay dhaceen saacadihii hore ee Arbacada maanta ah, iyagoo laga soo qaaday laba waddan oo gobolka ku yaal".

    Bayaanka ayaa weerarradan ku tilmaamay burbur ku yimid xabbad-joojinta "Abriil 10", "waxaana la xusay mas'uuliyadda tooska ah ee cad ee ay leeyihiin taliyayaasha Kuwait iyo Baxrayn.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in "dal kasta oo u oggolaada in la isticmaalo dhulkiisa,baddiisa, ama hawadiisa ama saldhigyadiisa ku yaal dhulkiisa si ay u weeraraan Iiraan" loo arki doono "fal gardarro ah oo ka dhan ah Iiraan".

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa xoogga saartay xuquuqda ah in la "bartilmaameedsado isha iyo asalka" weerarradan.

    Sidoo kale akhri

  19. Lix dawo oo lagu iibiyo farmashiyeyaasha Soomaalida oo hoos u dhiga awoodda raganimada

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.

    Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.

    Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.

    Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.

    Xanuun-baabi'iye

    Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi'iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.

    Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi'inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?

    Xanuun-babi'iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.

    Daawada walwalka

    Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka.

    Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada.

  20. Madaxweyne Afrikaan ah oo lagu eedeeyay inuu doonayo muddo korosri iyo mucaaradka oo cambaareeyay

    Emmerson Mnangagwa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Emmerson Mnangagwa

    Xukuumadda dalka Zimbabwe ayaa maalintii talaadada horgeysay baarlamaanka hindise-sharciyeed madaxweyne Emmerson Mnangagwa xilka loogu kordhinayo labo sano oo dheeri ah ilaa sannadka 2030-ka, iyadoo ay jirto cambaarayn uga imanaysa mucaaradka kala qaybsan iyo qaar ka mid ah halgamayaashii hore ee kamidka ahaa dagaalkii xorraynta dalkaas.

    Mnangagwa oo 83 jir ah, ayaa qorshuhu ahaa inuu xilka ka dego sannadka 2028-ka ka dib markii uu dhammaysto labo jeer oo min shan sano ah, laakiin taageerayaashiisa ayaa doonaya in wax laga baddalo dastuurka si muddada xil-haynta madaxweynaha looga dhigo toddoba sano halkay markii hore ka ahayd shan sano.

    Sidoo kale, waxay rabaan in madaxweynaha uu doorto baarlamaanka halkii uu qof kasta si toos ah u dhiiban lahaa codkiisa.

    Hindise sharciyeedkan adag oo kordhin kara muddada xilka madaxweynaha Zimbabwe ayaa ka gudbay marxaladdii ugu horreysay ee akhrinta baarlamaanka.

    Sharciga la soo jeediyay wuxuu doonayaa in wax laga beddelo dastuurka si loo kordhiyo muddada xilka madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka laga bilaabo shan ilaa toddoba sano.

    Dhanka kale, Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa shacabka ugu baaqay inay Arbacada maanta ah, 3-da Juun, sameeyaan mudaharaad nooca “magaalada albaabada loo laabayo”, si ay uga dhiidhiyaan waxa ay ku tilmaameen hanjabaado lagu wiiqayo dastuurka dalka.

    Tallaabadan ayaa imanaysa xilli baarlamaankaas uu ka doodayo hindise sharciyeed ku saabsan afti dadweyne, kaas oo dad badan badani aaminsan yihiin in loogu gogol xaarayo muddo korosi uu Madaxweynaha talada haya, Félix Tshisekedi ku kororsanayo xilkiisa.

    Sidoo kale akhri