Qiimaha shidaalka oo mar kale sare u kacay
Iyadoo ay sii yaraanayso rajada laga qabo in Iran iyo Maraykanku ay heshiis gaaraan, qiimaha Shidaalka ayaa maanta suuqyada caalamka kor u kacay maalintii labaad oo xiriir ah, isagoo weli ka sarreeya 100 doollar foostadii.
Qiimaha shidaalka nooca Brent ee la filayo in la keeno bisha Nofvember ayaa kor u dhaafay 105.50 doollar foostadii, taas oo ah koror ku dhow 2.5%.
Sidoo kale, qiimaha hal foosto oo shidaalka West Texas Intermediate (WTI) ayaa kor u kacay wax ka badan hal doollar intii lagu jiray ganacsigii maanta.
Labadii maalmood ee u dambeeyay, mas’uuliyiin Iran ah ayaa xiriir la sameeyay wakiillo Maraykan ah oo ku sugnaa magaalada New York, xilli uu socdo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Arrintan ayaa kordhisay rajada laga qabo in labada dhinac ay heshiis u dhow yihiin.
Hase yeeshee, horumar la’aanta ka muuqata wada-hadallada labada dhinac ee New York ayaa hoos u dhigtay rajada suuqyada shidaalka ee ku aaddan xaaladda mustaqbalka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismaaciil Bagaei, ayaa sheegay in wada-hadalka dhexmaray wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araqchi iyo Steve Witkoff, oo ah wakiilka Madaxweyne Trump, uu dhacay “iyada oo loo marayo dhexdhexaadin Qadar ah”.