Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Dagaalka Ukraine ayaa igu qasbay inaan u weecdo hooyonimada kireysan si aan lacag u helo, balse sharci cusub ayaa joojin kara qorsheyaashaas
Waxyeello ma u leeyihiin cabitaannada tamarta ee dhalinyaradu xoogga ka raadiyaan?
Wax ka ogow nolosha iyo aqoonta Xasan Sheekh iyo madaxweyneyaashii kale ee soo maray Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images/Social
Qoraalka sawirka, . Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay saacadihii ugu dambeeyay ee habeenkii Talaadada in uu shahaadada ugu sarreysa ee waxbarashada jaamacadda ee PhD ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey.
Waxa uu daraaseeyay culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka. Waxa ay tan ka dhigan tahay in uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee qaata Ph.D, waxaana hadda kaddib loogu yeeri doonaa Dr Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Haddaba, halkan ka akhriso noloshii iyo waxbarashadii madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya.
Maxaa keenay inay istaagaan wada-hadallada dowladda federaalka iyo mucaaradka?

Qoraalka sawirka, . Shirkii dowladda federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka uga socday magaalada Muqdisho ayaa kuso dhammaaday natiijo la’aan, isagoo lagu kala tegay saacado yar kadib markii uu dib u furmay maanta labadii duhurnimo.
Shirkan oo ay fududeeyeen safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo Arbacadii furmay, ayaa waxay labada dhinac weli kala taagan yihiin mowqifyadoodii hore.
Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in muddo-xileedkeedu ku egyahay bisha May 2027, halka mucaaradkuna ay sheegayaan inuu ku egyahay maanta 15ka May.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 4tii March ee sanadkan ansixiyay dib u eegis lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya, kaasoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka ka dhigay shan sano.
Sidoo kale mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaanka doorasho ee dowladdu waddo aysan sax ahayn.
Weli lama shaacin in waqti kale la isu soo laabanayo iyo inkale, balse madaxda shirtay ayaa haatan kulamo gaar gaar ah la leh dhinacyadii ay kala matalayeen, waxaana la filayaa in dhinac kasta uu iskiis caawa usoo saaro sida ay u arkaan war-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan sababaha keenay in wada-hadalladu ay istaagaan.
Trump oo sheegay waxay madaxweynaha Shiinaha iska dhaheen qodob si weyn loo sugayey

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, . Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuusan “wax ballanqaad ah dhinacna ka samayn” arrinta Taiwan intii lagu jiray wadahadalladii uu la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.
Isagoo ku jiray duulimaadka uu dib ugu laabanayay Washington kadib shir laba maalmood socday oo ka dhacay Beijing, Trump wuxuu wariyeyaasha u sheegay in isaga iyo Xi ay “si weyn uga wada hadleen” Taiwan oo ah jasiirad iskeed isu maamusha, balse China ay u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda, islamarkaana aysan meesha ka saarin inay xoog ku qabsato.
Trump ayaa sheegay in Xi, uu si toos ah u weydiiyay haddii Mareykanku difaaci doono Taiwan, isaga oo ku jawaabay: “Arrintaas kama hadlo.”
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu “go’aan gaari doono muddo aan dheerayn gudahood” oo ku saabsan haddii uu sii wadi doono iibka hubka ee horey Mareykanku ugu dhawaaqay inuu ka iibinayo Taiwan, taas oo Shiinuhu cambaareeyay.
Taiwan waa xulafo muddo dheer la lahayd Mareykanka, waxaana sharcigu ku waajibinayaa Washington inay siiso jasiiradda awood ay isku difaacdo.
Waa maxay xanuunka Ebola ee ka dillaacay Congo, sideese la isaga ilaalin karaa?
Iiraan oo shaacisay war weyn oo ku saabsan Maraykanka
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in Iran ay heshay farriimo ka imanaya Washington oo muujinaya in Mareykanku diyaar u yahay inuu sii wado wadahadallada uu la leeyahay Iran.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada New Delhi oo ka dhacay shir-madaxeedka BRICS, Mr Araghchi wuxuu sheegay in wararka sheegaya in Mareykanku diiday jawaabta Iran “ay la xiriireen dhowr maalmood ka hor markii Donald Trump uu bartiisa ku qoray inay ahayd ‘wax aan la aqbali karin,’ balse intaas kadib waxaan mar kale helnay farriimo ka yimid Mareykanka oo sheegaya inay diyaar u yihiin wada hadal iyo is-afgarad.”
Si kastaba ha ahaatee, Mr Araghchi ayaa muujiyay shaki ku saabsan sida ay Mareykanku uga dhab yihiin wadaxaajoodyada, isagoo yiri: “Waxaan shaki ka qabnaa sida ay Mareykanku uga dhab yihiin wadaxaajoodyada; balse marka aan dareenno oo aan hubinno inay dhab ka yihiin oo diyaar u yihiin heshiis caddaalad ah, waxaan dib ugu laaban doonnaa wadaxaajoodyada.”
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan oo war cusub sheegay isagoo ku sugan Hindiya

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, . Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in dadaallada dublamaasiyadeed ee hadda socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro iskahorimaadka kala dhexeeya Mareykanka ay la dhibtoonayaan kalsooni darro.
Isagoo hadlayay kuna sugan dalka Hindiya, halkaas oo uu uga qeybgalayo shirka dalalka BRICS ee ka dhacay Delhi ayuu Mr. Araghchi sheegay in farriimaha is-diiddan ay su'aalo geliyeen ujeeddooyinka dhabta ah ee Mareykanka ee ku aaddan wadahadallada.
Wuxuu iska fogeeyay in dadaalladii dhex-dhexaadinta ee dowladda Pakistan ay fashilmeen, balse wuxuu geeddi-socodkaas ku tilmaamay mid adag. Mr. Araghchi ayaa mar kale ku celiyay in Marinka Hormuz uu u furan yahay maraakiibta ka socota dhammaan dalalka, marka laga reebo kuwa dagaalka kula jira Iiraan.
Labaatan iyo shan dal oo qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda
Wixii ka dambeeyay markii uu bishan January horaanteedii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada caalamka, waxay u muuqataa in ay sii badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.
Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.
Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.
Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.
Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:
Dal Soomaalidu ka ganacsato oo 56 qof ay u geeriyoodeen cudur ka dilaacay

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, . Hay’adda ugu sarreysa caafimaadka Afrika ayaa ku dhawaaqday inuu cudurka Ebola ka dilaacay gobolka bari ee Ituri ee dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo.
Qiyaastii 246 xaaladood iyo 65 dhimasho ah ayaa la soo sheegay, kuwaas oo u badan magaalooyinka laga qodo dahabka ee Mongwalu iyo Rwampara, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC).
Bayaan ay soo saartay maanta oo jimce ah ayaa intaas ku daray inay qabanayso kulan ay la yeelanayso DR Congo, dalalka deriska la ah ee Uganda iyo South Sudan, iyo hay’ado kale oo caalami ah si looga wada hadlo mudnaanta koowaad, oo ay ku jiraan dadaallada wax looga qabanayo cudurka iyo kormeerka xuduudaha.
Cudurka Ebola ayaa markii ugu horreysay la helay sannadkii 1976-dii meesha hadda loo yaqaan DR Congo, waxaana la aaminsan yahay inay fiidmeertu ku fafisay. Tani waa markii 17-aad oo uu cudurkaas dilaaga ah ee fayraska ahi ka dillaaco dalkaas.
Dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo, waxaa ganacsiyo ku leh Soomaali badan oo halkaas ku leh ganasiyo kala duwan.
Qodob kale oo Iiraan cadaadis u adeegsan karto marka laga reebo marinka Hormuz

Xigashada Sawirka, Lokman Ilhan/Anadolu via Getty Images
Qoraalka sawirka, . Warbaahinta iyo kooxaha siyaasadda mayalka adag ee Iran waxay sii wadaan inay u soo bandhigaan marin biyoodka Hormuz sidii in uusan ahayn oo kaliya marinka gaadiidka saliida ee muhiimka ah, laakiin sidoo kale uu yahay dariiq istaraatiiji u ah isgaarsiinta internetka.
Sida laga soo xigtay maraakibtaas, Iiraan waxay awood u leedahay in ay cadaadis saarto badda hoosteeda, iyada oo la adeegsanayo fiilooyinka internetka ee caalamiga ah ee hoos yaalla badda.
Dooda ku saabsan burburinta xarkaha internetka ayaa soo shaac baxday iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka, kadib markii Mareykanka uu go'doomin militari ku soo rogay marin biyoodka Hormuz.
Sida uu qorshuhu yahay, Iran waxay doonaysaa inay awood u yeelato sidii ay u maamuli lahayd xarkaha badda hoosteeda mara ee aaggaas.
In kasta oo tallaabadan oo kale ay u badan tahay inay la kulanto caqabado badan oo xagga sharciga iyo farsamada ah, haddana dooddani waxay iftiiminaysaa dadaalka Iran ay ku doonayso inay ku ballaariso awooddeeda difaac siyaabo aan caadi ahayn xitaa haddii ay la macno tahay inay dhaawacayso kaabayaasha internetka ee xasaasiga ah.
Warbaahinta Maraykanka oo war cusub ka sheegtay Cuba
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in Washington ay qaadayso tallaabooyin lagu soo oogayo dacwad ka dhan ah Raul Castro, madaxweynihii hore ee Cuba oo 94 jir ah isla markaana walaal la ahaa hoggaamiyihii kacaanka, Fidel Castro. Eedeymahaas oo u baahan doona ansixinta guddi maxkamadeed ayaa la sheegay inay la xiriiraan Cuba oo soo ridday laba diyaaradood oo rayid ah soddon sano ka hor. Diyaaradahaas waxaa maamulayay urur samafal oo saldhiggiisu yahay gobolka Florida.
Wararkan ayaa soo baxay xilli madaxa CIA-da uu kula kulmay saraakiil Cuban ah gudaha Havana. Washington ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay si dhab ah uga wada hadasho arrimaha dhaqaalaha iyo amniga, balse keliya haddii Havana ay sameyso isbeddello aasaasi ah oo ku saabsan nidaamkeeda shuuciga ah.
Trump iyo Xi oo soo gebagebeeyay wadahadallo 'guul weyn ku dhammaaday' balse aan lagu dhawaaqin wax heshiisyo ah

Qoraalka sawirka, . Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka dhoofay magaalada Beijing ka dib shir madaxeed laba maalmood qaatay, isagoo sheegay inuu saxiixay "heshiisyo ganacsi oo cajiib ah, una wanaagsan labada dalba," balse waxaa soo baxay faahfaahino aad u yar oo ku saabsan waxyaabihii ay dhab ahaan ku heshiiyeen labadan quwadood ee adduunka ugu waaweyn.
Trump ayaa shir xasaasi ah la leeyahay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping maalintii Arbacada, isagoo ay weheliyaan dhowr agaasime oo ka socda shirkado waaweyn: wafdi ganacsi oo heer sare ah oo matalayay qaybaha beeraha, duulista, baabuurta korontada ku shaqeysa, iyo qalabka elektaroonigga ah ee loo isticmaalo garaadka macmalka ah.
Ganacsiga ayaa ahaa qodobka ugu sarreeya ajandaha, inkasta oo ay jireen xiisado dhowaanahan ka dhashay dagaalka Iiraan, waxaana ganacsatadu ay rajeynayeen heshiisyo muhiim ah iyo sidoo kale in la kordhiyo muddada xabbad-joojinta canshuuraha oo ku eg bishan November.
Booqashada waxaa lagu sifeeyay mid ay ka muuqatay hadalo diiran iyo astaamo diblomaasiyadeed. Trump waxaa lagu soo dhoweeyay jadwal mashquul badan oo ay ku jireen cutubyo salaan sharaf ah ciidan ah , casho-sharaf heer qaran ah, iyo martiqaad uu ku tagay dhismaha gaarka ah ee ay ku nool yihiin kuna shaqeeyaan hoggaamiyeyaasha Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha.
Maxay dawladda Hindiya u weydiisatay dadka inaysan muddo sannad ah dahab iibsan?
Waa kuma Fahad Yaasiin, macallin dugsigii weriyaha soo noqday?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Si rasmi ah looma oga halka uu ku dhashay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir laakiin waxa ay baasabooradiisu muujinayaan in uu ku dhashay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii Luulyo 1978. Wax badan lagama oga noloshiisii hore iyo barbaarintiisii carruurnimo, waxaa se la og yahay in uu ku noolaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baled Xaawo.
Si banaan yaal ah, weli Fahad ugama sheekeyn waxbarashadiisii, laakiin dad yaqaan waxay BBC u sheegeen in uu waxbarasho u tagay dalka Yemen kadibna uu dib ugu soo noqday Soomaaliya, halkaas oo uu kala jaan-qaaday ururo diimeedyadii ka jiray Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inuu wax ku soo bartay dalka Bakistaan, sida lagu qoray machkad Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute. Laakiin BBC-da si madax banaan uma xaqiijin karto.
Ururkii Itixaad ee Gedo
Dad kala duwan waxay BBC u sheegeen in uu Fahad ka mid ahaa dhallinyaradii ku biirtay xarakooyinkii diimeed ee sida weyn ugu sii faafay Soomaaliya sagaashameeyadii.
Waxaa la rumeysan yahay in uu qeyb ka ahaa dhallinyaradii la shaqeyneysay ururka Itixaad ee gobolka Gedo kula dagaalamay ciidamada Itoobiya. Balse ma ahayn askari dagaalama, sida ay sheegeen dad kala duwan.
Waxaa lagu tilmaamaa nin si wanaagsan diinta u bartay, kuna adag, isaga oo si wanaagsan ugu hadla afka Carabiga.
Fahad iyo shaqada weriyenimada
Xanuun ku dhaca ragga oo aad looga digay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Aabe laba carruur ah leh ayaa ku dhawaaday inuu carrabkiisa waayo ka dib markii buro yar oo daanka hoostiisa ka soo baxay ay isu beddeshay kansar.
Anthony Perriam wuxuu u tagay Dhakhtarkiisa Guud ka dib markii uu markii ugu horreysay isku arkay buro, dhowr toddobaad ka dibna waxaa laga helay kansar madaxa iyo qoorta ah oo la xiriira fayraska HPV.
HPV waa koox fayras oo caadi ah oo saameeya maqaarka oo aan dhibaato ku keenin dadka badankood, laakiin noocyada qaarkood waxay sababi karaan kansar ama burooyinka xubnaha taranka.
"Waxaan waligay maqlayey oo keliya HPV oo la xiriira kansarka ilmo-galeenka. Ma aanan ogeyn inay sababi karto kansarro sidan oo kale ah, gaar ahaan ragga," ayuu yiri Anthony, oo ka yimid Cardiff, Wales.
Anthony wuxuu intaa ku daray "Waxaan isku arkaa inaan nasiib leeyahay in aan weli wax cuni karo oo hadli karo, laakiin haddii aan arrintan sii dayn lahaa muddo dheer, waxaan lumin lahaa carrabka ama xitaa waa dhiman lahaa."
Dadka badanaa uu haleelo fayraska HPV, jirka ayaa si dabiiici ah isaga saara sida laga soo xigtay NHS Wales.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sababi kartaa burooyinka xubinta taranka ama xitaa waxay horseedi kartaa kansar, badanaa kansarka madaxa iyo qoorta ragga, iyo kansarka ilmo-galeenka dumarka.
Muxuu yahay masaajidka cajiibka ah ee laga helay Israa'iil?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Mid kamid ah masaajidyadii ugu horreeyay dunida, oo la dhisay 1,200 oo sano ka hor ayaa laga helay saxaraha Negev ee ku yaalla Israa'iil.
Cilmibaareyaasha dhinaca dhulka ee helay Masaajidkan ayaa sheegay in ay macquul tahay in la dhisay qarniyadii 7-aad ama 8-aad.
Waxay sidoo kale sheegeen inuu ka mid yahay masaajidyada ay dhif iyo naadir tahay in la helo noocooda.
Hay'adda qaabilsan waxyaabaha taariikhiga ah ee Israa'iil oo magaceeda loosoo gaabiyo (IAA) ayaa sheegtay in masaajidkan la helay xilli shaqo dhisme ah laga sameynayay goobta kuu ku aasnaa.
Waa masaajidkii ugu horreeyay ee da'daas ah oo laga helo dhulkaas, waxaana uu la mid yahay masaajidyo noociisa ah oo laga helay magaalooyinka Maka iyo Qudus, sida ay hay'adda IAA sheegtay.
Khubarada lagu kala magacaabo Jon Seligman iyo Shahar Zur ayaa sheegay inay adagtahay in masaajid noocan ah "laga helo meel kale oo ka tirsan caalamka".
Cilmibaareyaasha ayaa aaminsan in masaajidkan ay xilligaas isticmaali jireen beeraley maxalli ah.
Masjidka la helay ayaa ah mid kor ka bannaan oo leh "mixraab" uu imaamka istaago.
Waxa uu mixraabkiisa jiho ahaan u jeedaa dhinaca Kacbada ku taalla magaalada Maka.
FBI-da oo abaalmarin $200,000 ah dul dhigtay sarkalad ka tirsanayd sirdoonka Mareykanka oo la baadi goobayo

Xigashada Sawirka, FBI
Qoraalka sawirka, . FBI-da Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin dhan $200,000 oo la siinayo qofkii keena macluumaadka ama xogta Monica Witt, oo ahayd sarkaal sare oo hore uga tirsanayd sirdoonka militariga Mareykanka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Khamiistii, Maajo 14, FBI-da ayaa lagu sheegay in Witt ay la soo shaqeysay Ciidanka Cirka ee Mareykanka intii u dhaxaysay 1997 iyo 2008, ka dibna ay qandaraas kula shaqeyneysay dowladda Mareykanka ilaa 2010-kii.
Sida laga soo xigtay FBI-da, Witt waxay u baxsaday Iran sannadkii 2013. Waxaa lagu eedeeyay inay markii dambe siisay dowladda Iiraan macluumaad wax u dhimaya amniga qaranka ee Mareykanka ee qarsoon iyo barnaamijyadiisa milatari.
Intaa waxaa dheer, waxaa lagu eedeeyay inay shaaca ka qaaday macluumaad khatar gelinaya nolosha askarta Mareykanka ee dibadda iyo qoysaskooda, iyo sidoo kale inay ka caawisay Iiraaniyiinta xogta saraakiil hore oo ka tirsan dowladda Mareykanka, kuwaas oo la dilay.
FBI-da ayaa sheegtay in inkastoo lagu soo oogay dacwado, haddana aysan weli gacanta lagu dhigin.
FBI-da ayaa shaacisay abaalmarin dhan $200,000 waxayna weydiisatay dadweynaha inay gacan ka geystaan sidii loo heli lahaa loona soo xiri lahaa sarkaaladda hore uga tirsanayd sirdoonka.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
