War deg deg ah, Dowladda Soomaaliya oo Xasan Cali ku eedeesay in uu soo abaabulay weerar lagu qaaday xarun ciidan degmada Howlwadaag
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay in dowladdu ay ka digeyso falalka amniga lagu dhaawacayo, iyada bayaanka lagu yiri "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre.
Dhanka Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.
"Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.'
Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.
"Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday' oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan", lama hubo in uu dhici doono dibad-baxa ay ku baaqeyn mucaaradka.


