TOOS, Iiraan oo ku hanjabtay in ay xiri doonto mariyoodka biyoodka baabul mandab ee badda cas, haddii aan la joojin weerarrada Israa'iil ka waddo Lubnaan

Donald Trump ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta ABC ku sheegay in heshiiska Iiraan uu dhammeystirmi doono toddobaadka soo socda, halka dhanka Iiraan guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Bagher Ghalibaf uu sheegay in ay joojin doonnaan wada-hadallada, ayna iska la dagaallami doonaan Israa’iil haddii aysan joojin duqeynta ay ka waddo Lubnaan, sidoo kalana ay xiri doonaan marinka biyoodka baabul mandam ee badda cas

Kooban

Tebin toos ah

  1. Sanadkii ugu nolosha xumaa ee soo maray taariikhda Adduunka

    Sanadkan ayaa lagu tilmamay inuu ahaa kii ugu adkaa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sanadkan ayaa lagu tilmamay inuu ahaa kii ugu adkaa

    aduunka waxaa marar badan soo maray xaalado aad u adag oo aysan dad badan ka warqabin.

    Taariikhyahanada ayaa sanadkii ugu adkaa ku tilmaamay in ay mar aduunka soo martay xaalad aad u adkeyd.

    Lifaaqa hoose ku dhufo si aa faahfaahinta u akhriso.

  2. Taliska Dhexe ee Maraykanka oo sheegay inay qabteen laba gantaal oo ballistic ah oo Iran ay soo ridday

    Gantaal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gantaal

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in saacaddu markay ahayd 11:00 habeenimo xalay, ciidamada Maraykanku ay si guul leh u qabteen laba gantaal oo ballistic ah oo ay Iran ku beegsatay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Kuwait.

    Bayaan lagu daabacay barta X, CENTCOM waxay ku sheegeeny in gantaallada si degdeg ah loo qabtay, isla markaana aanu jirin wax waxyeelo ah oo soo gaaray askarta Maraykanka.

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanku uu weli feejigan yahay, isla markaana uu sii wadi doono wada-shaqaynta lagu ilaalinayo xabbad-joojinta, iyadoo sidoo kale la difaacayo ciidamada Maraykanka ee ka hortagaya weerarrada ama gardarrada ay Iran sameyso.

  3. Trump oo mar kale dhaleeceeyay Warbaahinta Mareykanka

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay waxa warbaahinta dalkaasi ka qoreyso baaxadda iyo cawaaqibta dagaalka Iran, isagoo si jees-jees ah ugu qoray bartiisa bulshada ee Truth Social:

    “Haddii Iran is dhiibto, qirato in ciidamadeeda badda la burburiyay oo ay ku hafteen gunta badda, isla markaana ciidamadeeda cirka aysan jirin; haddii dhammaan ciidamadeeda milatari ay ka baxaan Tehran, hubkana dhigaan iyagoo gacmaha kor u taagaya kuna dhawaaqaya ‘waan is dhiibnay, waan is dhiibnay,’ isla markaana calan cad kor u taagaan; iyo haddii dhammaan hoggaamiyeyaasha harsan ay saxiixaan dhammaan dukumentiyada lagama maarmaanka u ah is-dhiibidda oo ay qirtaan guuldarradooda ka soo gaartay awoodda weyn ee Maraykanka, haddana New York Times-ka qarka u saaran burburka, Wall Street Journal-ka, CNN-ta musuqmaasuqa iyo aan muhiimadda lahayn, iyo inta kale ee warbaahinta been-abuurka ah waxay cinwaanadooda ku qori doonaan in Iran ay gaartay guul cajiib ah oo heer sare ah oo ay ka gaartay Maraykanka, isla markaana tartanku uusan xitaa dhowayn.”

    Trump wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo sheegay:“Xisbiga Dimuqraadiga iyo warbaahintuba gebi ahaanba way lumeen.”

  4. Shirkadda OpenAI ayaa lagu soo oogaday in barnaamijkeeda ChatGPT in uu gacan ka geesanayo weerarrada toogashada ah

    Shirkadda OpenAI ayaa lagu soo oogaday in barnaamijkeeda ChatGPT in uu gacan ka geesanayo weerarrada toogashada ah

    Xigashada Sawirka, Google

    Gobolka Florida ayaa noqday gobolkii ugu horreeyay ee Maraykanka ah oo dacwad ku soo ooga shirkadda OpenAI, isaga oo ku eedeeyay hab-dhiska iyo badbaadada barnaamijkeeda garaadka macmalka ah ee ChatGPT.

    Dacwadd oogayaasha ayaa ku andacoonaya in shirkaddu khatar gelinayso carruurta isla markaana ay gacan siineyso dadka geysta toogashooyinka wadareed.

    OpenAI ayaa sheegtay inay dejisay tallaabooyin looga hortagayo falalkaas oo heer sare ah.

    Sii akhri

  5. Trump oo sheegay heshiiska Iiraan iyo Maraykanka la dhammeystiri doono todobaadka dambe

    TRUMP

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, TRUMP

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta ABC ku sheegay inuu rumeysan yahay in heshiiska lala gaarayo Iraan, kaas oo lagu kordhinayo xabbad-joojinta laguna furayo marinka badda ee Strait of Hormuz la saxiixi doono “toddobaadka soo socda gudahiisa”.

    “Arrimuhu si fiican ayay u socdaan, aad bayna u wanaagsan yihiin,” ayuu ku yiri wareysi taleefan oo uu la yeeshay weriyaha Washington u jooga ABC ee, Jonathan Karl.

    Trump wuxuu intaas ku daray: “dhibaato yar ayaa jirtay maanta, sida aad la socotana si degdeg ah ayaan u xalliyey.”

    Sida uu sheegay Madaxweynaha Maraykanku dhibaatadan waxay ka dhalatay sida Iraan uga carootay weerarrada Israa’iil ku qaaday Lubnaan.

    Madaxweynuhu wuxuu yiri: “Waxaan la hadlay Xisbullah, waxaanan ku iri ha ridina rasaas Waxaan la hadlay Bibi (oo uu kala jeedo Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu) waxaanan ku iri ha ridina rasaas. Labada dhinacba way joojiyeen duqeymihii”.

    “Arrintani ma aha mid sahlan,” ayuu raaciyay. “Waxaad ka hadlayso waa dal aad u weyn oo doonaya inuu heshiis gaaro, waxaana jira nacayb iyo colaad qoto dheer, sidaas darteed kuwo fudud maaha. Sidoo kale annagana nooma fududa, laakiin waxaan helaynaa waxa aan u baahanahay.”

    Isagoo ka hadlayay dhammeystirka iyo saxiixa is-afgaradka la xiriira furitaanka Marinka Hormuz, wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa in arrintaas la dhammaystiri doono toddobaadka soo socda.”

    Trump sidoo kale wuxuu sheegay inuusan weli si rasmi ah u aqbalin heshiiska, maadaama sida uu hadalka u dhigay, “wali ay jiraan dhowr arrimood oo kale oo ay tahay in ay ku heshiiyaan”.

    Sii akhri

  6. War deg deg ah, Lubnaan oo sheegtay in Xisbullah ay oggolaatay “xabbad joojin laba dhinac ah” oo lala yeesho Israa’iil.

    Xafiiska Madaxweynaha Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in mas’uuliyiinta dalka ay “heleen ballanqaad muujinaya in Xisbullah ay aqbashay soo jeedinta Mareykanka ee ku baaqaysa in la joojiyo weerarrada labada dhinacba”.

    Xafiiska ayaa bartiisa X ku qoray: “Sida ku cad soo jeedintan, weerarrada Israa’iil ee lagu beegsanayo xaafadaha koonfureed ee Bayruut waa la joojin doonaa, taa beddelkeedana Xisbullah waxa ay joojin doontaa fulinta weerarrada ka dhanka ah Israa’iil.” Waxa kale oo lagu sheegay in xabbad-joojintan “lagu fidin doono dhammaan dhulka Lubnaan.”

    Wadahadallo ayaa la qorsheeyay inay qabsoomaan maalmaha Talaadada iyo Arbacada si “looga doodo tallaabadaan loona sii xoojiyo".

    Sii akhri

  7. Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada oo sheegtay inuusan suuragal ahayn dalabka Trump

    Rafael Grossi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA), ayaa wareysi uu siiyay Al Jazeera Qatar ku sheegay in dalabka Donald Trump ee ah in yuraaniyamka hodanka ah ee Iran loo wareejiyo dal kale uu yahay “mid adag, balse aan ahayn wax aan suurtagal ahayn.”

    Waxaa lagu qiyaasaa in Iraan ay haysato ku dhowaad 400 kiiloogaraam oo yuraaniyam ah oo la hodmiyay qiyaastii 60%, waxaana Madaxweynaha Maraykanka uu marar badan soo jeediyay in maaddadan laga saaro Iran.

    “Ma aha hawl fudud, sababtoo ah walxahani waxay ku jiraan qaab gaas ah, waxayna leeyihiin halis sare oo wasakheyn ah. Sidaas darteed, ma sahlana in la fuliyo hawlgallo noocan ah,” ayuu Grossi u sheegay Al Jazeera.

    Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyey in soo wareejinta yuraaniyamta ay tahay waxa kaliya uu qanci karo, halka Iiraan ay diidan tahay arrintaasi.

    Sii akhri

  8. War deg deg ah, Iiraan oo sheegtay inay beegsatay markab ganacsi

    Wakaaladaha wararka ee Fars iyo Tasnim oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), ayaa sheegay in markab xamuul ah la beegsaday, sida ku xusan bayaan ay Ciidanka Badda ee Iiraan soo saareen fiidnimadii Isniinta, 1-da Juun., waxaana lagu yiri qoraalka “Kadib weerarkii gardarrada ahaa ee ay ciidanka argagixisada ee Maraykanku ku qaadeen markabka Iiraan ee Lion Star ee ku sugnaa Badda Cumaan, waxaan fulinnay hawlgal jawaab celin ah oo lagu bartilmaameedsaday markabka MSC Sariska ee uu leeyahay cadowga Maraykanka iyo Sahyuuniyadda, iyadoo loo adeegsaday gantaal nooca cruise-ka ah, weerar kasta oo ay ciidamada Maraykanku ka geystaan gobolka waxaa looga jawaabi doonaa sida adag”.

    Dhanka kale, hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan qaraxyo laga soo sheegay goob 40 mayl- koonfur-bari kaga beegan dekedda Ciraaq ee Umm al-Qasr, inkasta oo aysan xaqiijin waxa ay yihiin waxa ay yihiin.

    Sii akhri

  9. Wasiirka Amniga ee Israa’iil "waxaa la joogaa waqtigii Trump lagu dhihi lahaa 'Maya,"

    Itamar Ben-Gvir

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Itamar Ben-Gvir

    Wasiirka Amniga ee Israa’iil,Itamar Ben-Gvir,ayaa sheegay In la gaaray waqtigii Trump lagu dhihi lahaa ‘maya’ ma dhacayso’. Hadalkaan oo ku qoray bartiisa X, ayaa yimid kadib markii Trump uu yiri ‘waa waqtigii Israa’iil joojin lahayd weerarrada ka dhanka ah deegaannada ku yaalla koonfurta xaafadaha Beirut ee dalka Lubnaan’.

    Wasiirka garabka midigta fog ee Israa’iil ayaa ku qoray bartiisa X, “Waxaa la joogaa waqtigii la samayn lahaa waxa waajibku farayo. Waxa loo baahan yahay waa in lasii wado weerarrada Xisbullaah lagu beegsanayo, illaa uu kasoo noqonayo amniga waqooyiga.”

    Israa’iil ayaa dhawrkii maalin ee lasoo dhaafay laba jibaartay duqeymaha iyo weerarrada ay ka geesaneyso koofurta Lubnaan.

  10. Wargeyska The Telegraph “Erdogan waa guuleystaha dhabta ah ee dagaalkan”

    Erdogan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Erdogan

    Wargeyska Ingiriiska kasoo baxa ee The Telegraph oo si dhow ula socday dhacdooyinka ka socda Turkiga iyo sida madaxweynaha dalkaas, Recep Tayyip Erdoğan uu uga faa’iidaysanayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan ayaa warbixin dheer ka qoray.

    Warbixin uu cinwaan uga dhigay “Erdogan waa guuleystaha dhabta ah ee dagaalkan”, wargeysku wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu cadaadis ku hayo mucaaradka gudaha dalka, iyadoo arrintaas aan si weyn looga warqabin dunida inteeda kale.

    Sido kale, wargeysku waxa uu aad uga faallooday sida dad badan ay uga hadleen dhacdadii ay booliiska Turkigu ku weerareen xarunta xisbiga mucaaradka ugu weyn ee dalka Republican People's Party, iyagoo jebiyay albaabbada xafiisyada xisbiga isla markaana adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, hadana kama noqon mid shaac baxda.

    Qoraaga warbixinta ayaa yiri: “Tan iyo markii uu billowday dagaalka Iiraan, cidina si dhab ah ugama warqabto waxa ka socda Turkiga. Erdogan wuxuu ka faa’iidaysanayaa xaaladaha ka dhacaya dunida si uu danihiisa ugu hormariyo gudaha iyo dibaddaba.”

    Sagaal maalmood oo keliya ayey ahayd ayuu socday dagaalka Iiraan iyo Maraykanka markii uu Erdogan markale dib u furay dacwadda ka dhanka ah Ekrem İmamoğlu, duqa magaalada Istanbul, kaas oo ku eedeesan mucaaradka ugu weyn ee Erdogan.

    Sii akhri

  11. Ilhaan Cumar oo ka hadashay doorashada Itoobiya

    Ilhaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ilhaan

    "Dadka Itoobiya waxay xaq u leeyihiin inay doortaan mustaqbalkooda," ayay Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad Mareykan ah iyo muwaadin Soomaaliyeed ku qortay Facebook, iyada oo intaa raacisay "Ka dib sannado badan oo dhibaato iyo rabshado ah, codkoodu waa inuu noqdaa mid xor ah waana inay helaan nabad, caddaalad iyo ixtiraam," ayay tiri.

    Waxay sidoo kale sheegtay in dowladda Itoobiya ay tahay inay dammaanad qaaddo in doorashooyinka ay noqdaan kuwo xor ah oo caddaalad ah oo ka tarjumaya rabitaanka dadka.

    Maanta oo ahayd Isniin ayaa loo dareeray dalka Itoobiya doorashaddii toddobaad ee qaran.

    Sii akhri

  12. Lix qof ayaa lagu tooreeyay dabaaldegii guusha Arsenal

    Naadiga Arsenal

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Lix qof ayaa lagu dhaawacay mindi, waxaana la xiray 24 qof intii lagu guda jiray dabaaldegga guusha naadiga Arsenal ee waqooyiga London, sida boolisku sheegay.

    Inta badan dadka lagu dhaawacay mindiyaha ma aysan soo gaarin dhaawacyo halis ah, balse nin da’diisu 20-meeyo ah ayaa isbitaal loo qaaday, waxaana la sheegay in xaaladiisu ay liidatay. Booliisku waxay sheegeen in xaaladdiisu hadda deggan tahay.

    In ka badan 500 oo askari ayaa ka qeybgalay sugidda amniga munaasabadda, taas oo ay ka soo qeybgaleen boqolaal kun oo taageerayaal ah oo u dabaaldegayay guusha Arsenal ee horyaalka Ingiriiska.

    Booliisku waxay sidoo kale sheegeen in hal askari uu gacanta ka dhaawacmay, halka askari kale madaxa looga dhuftay walxo la soo tuuray intii dabaaldegga uu socday.

    Afar gaari oo kuwa booliska ah ayaa waxaa soo gaaray burbur sida in nalalka oo laga jabiyay.

    Sii akhri

  13. Askari Britain u dhashay ayaa ku dhintay tababar militeri waqooyiga Ciraaq

    askari

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Askari ka tirsan ciidanka dhulka ee Britain ayaa ku dhintay shil dhacay intii lagu jiray tababar militari oo ka socday waqooyiga Ciraaq maalintii Axadda, sida ay shaacisay wasaaradda difaaca ee Britain.

    Xoghayaha difaaca UK, John Healey, ayaa geerida askariga ka sheegay golaha baarlamaanka maanta.

    Wuxuu yiri, “Waxaan aad uga xumahay in aan u sheego baarlammaanka in shil tababar oo ka dhacay waqooyiga Ciraaq shalay uu ku dhintay askari ciidamada Britain ka tirsan”.

    Xoghayaha wuxuu intaas ku daray in qoyska lagu wargeliyay ka hor inta aan la shaacin faahfaahinta askariga.

    Sii akhri

  14. Iran ayaa hakisay wada-hadalladii ay la lahayd Mareykanka sababo la xiriira weerarrada Israel ee Lubnaan.

    Dagaalka Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Iran ayaa hakisay wada-hadalladii ay la lahayd Mareykanka kaddib tallaabooyinka Israel ee Lubnaan, sida ay maanta oo Isniin ah sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim oo xiriir dhow la leh dowladda Iran.

    “Maaddaama uu sii socdo weerarka Israel ee Lubnaan, isla markaana Lubnaan ay ahayd mid ka mid ah shuruudihii xabbad-joojinta, taas oo hadda lagu xadgudbay dhinac kasta, oo ay ku jirto Lubnaan, kooxda wadaxaajoodka Iran waxay hakineysaa ‘wada-hadallada iyo is-dhaafsiga qoraallada iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal,” ayay Tasnim qortay.

    Iran waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada Israa’iil ka waddo Qasa iyo Lubnaan, iyo sidoo kale in ciidamada Israel gabi ahaanba ka baxaan Lubnaan, ayay Tasnim sheegtay.

    Tasnim waxay sidoo kale sheegtay in Tehran iyo kooxaha hubeysan ee xulafada la ah ee gobolka ay qorshahooda ku dareen “in si buuxda loo xiro marin-biyoodka Hormuz iyo in la furo aagag kale,” oo ay ku jirto marin-biyoodka Bab al-Mandab ee koonfurta Badda Cas, halkaas oo Xuuthiyiinta Yemen ee Iran taageerto ay hore weerarro uga fuliyeen.

    Sii akhri:

  15. Faransiiska ayaa qabtay markab shidaal oo Ruushku leeyahay

    Faransiiska oo qabtay markab saliid oo Ruushku leeyahay, kuna jira cunaqabateyn, iyadoo taageero ka heshay Britain

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in Faransiisku uu Axaddii qabtay markab shidaalka qaada kaas oo looga shakisan yahay in uu qeyb ka ahaa maraakiibta sida qarsoodiga ah u shaqeysa ee Ruushka.

    Fransiiska ayaa sheegay in ay qabteen markab lagu magacaabo Tagor oo marayay Bada Atlantic iyagoo gacan ka helaya UK iyo xulafado kale. Markabka ayaa watay calan been abuur ah markii la qabtay wuxuuna ku sugnaa qiyaastii 400 mayl cabirka badda gobolka Brittany ee Faransiiska.

    "Waa wax aan la aqbali karin in maraakiibtu ay hareer maraan cunaqabateynta caalamiga ah, jabiyaan sharciga badaha, isla markaana maalgelin u sameeyaan dagaalka uu Ruushku ka wado Ukraine," ayuu Macron ku qoray bartiisa X.

    Wasaaradda difaaca ee Britain (MoD) ayaa BBC-da u sheegtay in diyaarad qumaatiga u kaca oo Britain leedahay ay ka qeybgashay hawlgalka.

    Kremlin-ka ayaa qabashada markabka ku tilmaamay mid "sharci-darro ah" oo "u dhow burcad-badeednimo caalami ah".

    Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Ruushku qaaday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka xamuulka markabka.

    Moscow ayaa adeegsanaysay waxa loo yaqaan "maraakiibta qarsoon" oo ah maraakiib shidaal qaada oo leh milkiyad aan si cad loo aqoon, si ay uga baxsato cunaqabateynta caalamiga ah ee lagu soo rogay dhoofinta shidaalka.

    Waa markabkii afraad ee looga shakisan yahay in uu ka tirsan yahay maraakiibtaas "sida qarsoon ku shaqeeya" ee Faransiisku qabto tan iyo Sebtembar 2025.

    Macron ayaa sheegay in hawlgalkan, oo ka dhacay biyaha caalamiga ah, loo fuliyay si wadajir ah oo ay ka qayb qaateen xulafada Faransiiska, oo ay ku jirto Britain.

    Sii akhri:

  16. Kuwait ayaa la weeraray iyadoo Maraykanka iyo Iran ay isweydaarsanayaan duqeymo

    Kuwait ayaa la kulantay weerarro iyadoo Maraykanka iyo Iran ay isweydaarsanayaan duqeymo

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Iran ayaa sheegtay in ay weerartay saldhig ciidan oo Maraykanku leeyahay kadib duqeymihii uu Maraykanku dhammaadkii toddobaadka ku qaaday bartilmaameedyo ciidan oo Iran ku yaalla.

    Kuwait ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in la soo weeraray, inkastoo ay jirto xabbad-joojin jilicsan iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socday saddex bilood.

    Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay in ka badan 3% kaddib weerarradii ugu dambeeyay. Xiisadda ayaa sidoo kale sii xoogeysatay kaddib markii Israa'iil ay amartay ciidamadeeda in ay gudaha u sii galaan Lubnaan si ay ula dagaallamaan ururka Xisbullah ee ay Tehran taageerto, iyadoo colaaddan ay dib u soo cusboonaatay.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay in uu aaminsan yahay in Tehran ay dooneyso in ay heshiis la gaarto. Hase yeeshee, rajadii laga qabay horumar laga sameeyo wadaxaajoodyada ayaa yaraatay kaddib markii mas'uuliyiinta Iran ay dhaliileen mowqifka wadaxaajoodka ee Maraykanka oo ay ku tilmaameen mid "si joogto ah isu beddelaya", isla markaana ay cambaareeyeen weerarrada Israa'iil ee Lubnaan, halkaas oo sidoo kale ay ka jirto xabbad-joojin.

    "Wixii xadgudub ah ee ka yimaada hal dhinac, waa xadgudub ka dhan ah xabbad-joojinta. Maraykanka iyo Israa'iil ayaa mas'uul ka noqon doona cawaaqibka ka dhasha xadgudub kasta," ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ku qoray bartiisa X.

    Dagaalka ay Maraykanka iyo Israa'iil bilaabeen 28-kii Febraayo ayaa sababay dhimashada kumannaan qof, kuwaas oo intooda badan ku sugnaa Iran iyo Lubnaan. Waxa kale oo uu dhaawac weyn gaarsiiyay dhaqaalaha caalamka, iyadoo qiimaha tamarta uu sare u kacay kaddib markii Iran ay si weyn u xannibtay marin-biyoodka Hormuz, oo ah waddo muhiim u ah sahayda caalamiga ah ee saliidda iyo gaaska dabiiciga.

    Sii akhri:

  17. Raysalwasaaraha Israel ayaa amray in la duqeeyo xaafadaha koonfureed ee Beirut

    Dagaalka Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Israel ayaa maanta oo isniin ah ku dhawaaqday in ay dib u bilaabeyso duqeymaha ay ka geysaneyso xaafadaha koonfureed ee Beirut. Israel ayaa ku sheegtay duqeymahaas in ay jawaab u yihiin jabinta xabbad-joojintii u dhexeysay labada dhinac ee ay ku xadgudubtay Xisbullah.

    Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo la filayo in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta yeesho kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda Lubnaan, kaddib markii Israel ay ballaarisay howlgalladeeda isla markaana ay la wareegtay qalcadda taariikhiga ah ee Beaufort ee koonfurta Lubnaan.

    Raysalwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyo wasiirka difaaca, Israel Katz, ayaa maanta sheegay in ay amar ku siiyeen ciidanka in ay duqeeyaan xaafadaha koonfureed ee Beirut, kuwaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay si weyn uga badbaaday duqeymaha Israel.

    Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen raysalwasaaraha iyo wasiirka ayaa lagu sheegay sidan, “iyada oo la tixgelinayo jabinta soo noqnoqotay ee xabbad-joojinta Lubnaan ee Xisbullah iyo weerarrada lagu hayo magaalooyinkeenna iyo muwaadiniinteenna, Raysalwasaare Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Katz waxay amar ku siiyeen ciidamada difaaca Israel ee IDF in ay beegsadaan bartilmaameedyo argagixiso ee ku yaalla xaafadaha koonfureed ee Beirut.”

    Kadib markii Israel ay ku dhawaaqday in ay dib u bilaabayso duqeymaha xaafadaha koonfureed ee Beirut, waxaa halkaas ka bilowday in dadka deegaanka qaxaan. Waxaa la arkayay ciriiri xooggan oo ka jiray waddada weyn ee isku xirta xaafadahaas iyo magaalada Beirut, iyadoo qoysas wata carruur yaryar ay alaabtooda la baxayeen.

    Sii akhri

  18. Maraykanka ayaa sheegay in uu duqeeyay raadaarada Iran

    Dagaalka Iran iyo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maraykanka ayaa sheegay in uu duqeeyay goobo militeri oo Iran ku yaal dhammaadkii toddobaadka, halka Tehran ay sheegtay in ay ka jawaabtay weerarkaas iyada oo beegsatay saldhig ay ciidamada Maraykanku isticmaalaan.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ay qaadeen “weerarro is-difaac ah” oo ay kaga jawaabayeen sida ay sheegeen “falal gardarro ah oo Iran ay samaysay”, kuwaas oo uu sheegay in ay ku jireen in diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykan ah lagu soo riday biyaha caalamiga ah.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegay in ay beegsadeen saldhig diyaaradeed oo ay ciidamada Maraykanku isticmaalaan, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu ka qayb qaatay weerar lagu qaaday koonfurta Iran.

    Dhanka kale, Kuwait ayaa sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka uu ka hortagay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ay markii dambe cambaaraysay “weerarro fool xun oo soo noqnoqday oo Iran fulisay”.

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa Isniintii sheegay in Maraykanku uu “si joogto ah u beddelayo mowqifkiisa isla markaana soo bandhigayo dalabyo cusub ama is khilaafsan”, taas oo uu sheegay in ay dabiici ahaan “dheereynayso wadaxaajoodyada”.

    Sii akhri

  19. Xaaladda dhismahii hore ee baarlamaanka Iran kaddib weerarradii Maraykanka iyo Israel

    Baarlamaanka Iran

    Xigashada Sawirka, Isna

    Wakaaladda wararka ee ISNA ayaa daabacday sawirro muujinaya dhismahii hore ee baarlamaanka Iran, kaas oo muujinaya heerka burburka ka soo gaaray weerarradii ay fuliyeen Maraykanka iyo Israel.

    Dhismahan ayaa bartilmaameed u noqday weeraradii dhacay 1-dii Maarso ee maalintii afraad ee dagaalka. Sawirrada la daabacay waxaa ka muuqda in howlo dib loogu dhisayo baarlamaanka ay bilowdeen.

    Dhismahan, oo ahaa xaruntii golaha sanatka ka hor kacaankii Bahman ee 1978-dii, ayaa kacaanka kaddib martigeliyay Golaha Khubarada Dastuurka.

    Kaddib markii Golaha Wadatashiga Islaamiga ah uu u guuray dhisme cusub oo laga dhisay meel u dhow, dhismahii hore ee baarlamaanka waxaa loo adeegsaday hawlo kala duwan.

    Waxyaabaha kale ee loo isticmaalay waxaa ka mid ahaa in tobankii sano ee u dambeeyay ay daganaayeen Golaha Go’aaminta Danta Guud, halkaas oo sidoo kale lagu qaban jiray laba jeer sannadkii kulamada Golaha Khubarada ee hoggaamiyaha dalka.

    Sii akhri

    Baarlamaanka Iran

    Xigashada Sawirka, Isna

  20. Kaamirooyinka CCTV-ga ayaa laga arkay sida uu dabku uga billowday iskuul ku yaalla Kenya

    CCTV

    Xigashada Sawirka, Online

    Waaxda dambi barista Kenya ee loo yaqaan (DCI) ayaa soo saartay muuqaal laga duubay kaamirooyinka CCTV-ga ee iskuulka, waxay muujinayaan muuqaallada wixii dhacay wax yar ka hor intii aanu dab ka kicin dugsi hoyiga u ahaa gabdho, halkaas oo ay ku dhinteen 16 arday iyadoo kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

    Muuqaallada kaamirooyinka iyo iskaashi lala yeeshay macallimiinta ayaa suurageliyay in kooxda baarayaasha ku aqoonsadeen toddobo arday oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dhacdada ka hor inta anay ka bixin qolka hurdada.

    Inkastoo baaritaannadu ay weli socdaan si loo ogaado waxa dhab ahaantii dhacay, hadana muuqaallada CCTV-ga ayaa muujinaya in qiyaastii 12:10 habeenimo ay dhowr arday si aamusnaan ah ugu dhex socdeen qolka hurdada halka ardayda kale ay hurdo qoto dheer ku jireen.

    Muuqaalka la soo saaray ayaa muujinaya ardayda oo galaya qolka lambarkiisu yahay 11, ka hor inta anay u sii gudbin meel kale oo ka tirsan qolka hurdada.

    Ardayda ayaa si deggan u watay hawlahooda, iyadoo mid ka mid ah uu wajigiisa daboolay markii dib loo fiiriyay muuqaallada kaamirooyinka.

    Dhowr daqiiqo kaddib, saddex arday ayaa la arkay iyagoo si degdeg ah uga baxaya qolka hurdada, halka laba kalena ay gudaha ku hareen.

    Baarayaashu waxay sheegeen in ardaydaasi ay u dhaqaaqeen qayb kale oo qolka hurdada ka mid ah halkaas oo furaashyo la dhigay, kaddibna ay ka bilaabeen dab labaad.

    Muuqaallada CCTV-ga waxay qabteen labo arday oo sigaar u shidanaya sigaar ka hor inta aanay ka bixin qolka. Markaas ayuu dabku bilowday.

    Kaddib markii ay xaqiijiyeen in dabku sii fidayo ayey ka baxeen qolka iyagoo aan wax argagax ah ka muuqan. Waxyar kaddib qiiq iyo olol ayaa bilowday, dabkana wuxuu ku fiday dhismaha.

    Shan daqiiqo gudahood, dabku wuxuu qabsaday inta badan qolka hurdada, iyadoo ardaydii argagaxsanayd ay raadinayeen meel ay ka baxaan.

    Siddeed arday oo markii hore la xiray, lix ka mid ah ayaa lagu xaqiijiyey muuqaallada CCTV-ga. Ardayga toddobaad wuxuu ka mid ahaa kuwii hore loogu oggolaaday in ay waalidkood la baxaan, mana joogo xarunta hadda, balse waxaa socda dadaallo dib loogu soo xirayo.

    Sii akhri