Trump oo ku hanjabay in uu "tirtirayo" tas-hiilaadka tamarta Iran haddii aan heshiis loo gaarin 'si dhaqso ah'

Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa barbar socda kuwa saraakiisha Mareykanka ee sida ay ciidanka ugu diyaarsan yihiin inay howlgallo dhulka ah fuliyaan.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Baarlamaanka Israel oo ansixiyey sharci toogasho ku xukumaya Falastiiniyiinta dil geysta

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Baarlamaanka Israel ayaa ansixiyay sharci dhigaya in dil toogasho ah oo lagu fuliyo Falastiiniyiinta lagu helo dambiyada weerarro dil sababay, kuwaas oo lagu maxkamadeeyo maxkamadaha militariga. Tani waxay fulinaysaa ballan ay hore u qaadeen xulafada midigta fog ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

    Sharcigan wuxuu khuseyn doonaa oo keliya dadka lagu helo dil kuwaas oo weerarradooda lagu sheegay inay ujeedadoodu ahayd “soo afjaridda jiritaanka Israel”. Dhaleeceeyayaashu waxay sheegayaan in sharcigu dil ku xukumi doono Falastiiniyiinta, balse uusan khusayn doonin Yuhuudda Israel ee gala dambiyo la mid ah.

    Sharcigan ayaa dhaliyay cambaareyn caalami ah, iyadoo Israel horey loogu dhaleeceeyay rabshadaha sii kordhaya ee ay deganayaal Yuhuud ah ku hayaan Falastiiniyiinta Daanta Galbeed iyo dagaalka Gaza.

    Sharcigu wuxuu dhigaya in xukunka daldalaadda lagu fuliyo 90 maalmood gudahood kadib marka xukunka la rido, inkastoo dib u dhac yar la oggol yahay, balse ma jiro wax cafis ah. Waxaa jirta ikhtiyaar xabsi daa’in ah, laakiin kaliya “xaalado gaar ah” oo aan la qeexin.

    Israel waxay baabi’isay xukunka dilka ee dambiyada dilka ah 1954, qofkii keliya ee Israel dishay kadib xilligaas wuxuu ahaa Adolf Eichmann sanadkii 1962, kaas oo ka mid ahaa dadkii qorsheeyay xasuuqii Nazigu geysteen.

  2. Netanyahu oo sheegay in dagaalka socda 'wakhtiguu dhammaanayo aanu muddaynayn'

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa u sheegay telefishinka Maraykanka ee Newsmax inuusan doonayn “inuu waqti cayiman u sameeyo” goorta uu dhammaan karo dagaalka ay kula jiraan Iran.

    Netanyahu ayaa sida oo kale sheegay in dagaalku “kala badhkii uu ka gudbay” isla markaana uu aaminsan yahay in nidaamka Islaamiga ah ee Iran uu ugu dambayn “gudaha ka burburi doono”, sida ay soo tebaysay wakaaladda wararka ee AFP

  3. Iran oo mar kale beenisay in wadahadal u socdo iyaga iyo Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa mar kale beeniyay in ay jireen wax wadahadallo ah oo dhex maray saraakiil ka socota Maraykanka

    Esmaeil Baqaei ayaa sheegay in Iran “aysan wax wadahadal ah la yeelan Maraykanka 31-kii maalmood ee la soo dhaafay,” isaga oo tixraacaya muddadii uu dagaalku socday.

    Wuxuu sheegay in waxa dhacay ay ahaayeen oo keliya codsi wadahadal oo ka yimid Maraykanka iyo soo jeedimo la socday, kuwaas oo Iran lagu soo gaadhsiiyay dhexdhexaadiyeyaal ay ka mid tahay Pakistan.

    Wuxuu intaas ku daray: “Mawqifkayagu waa mid cad. Inta uu socdo weerarka militari ee Maraykanka, dadaalkeenna oo dhan wuxuu ku wajahan yahay difaaca Iran.”

    Sidoo kale wuxuu sheegay in Iran aysan illoobi doonin “khiyaanadii diblomaasiyeed ee loo geystay laba jeer muddo ka yar hal sano gudaheed.”

    Warar dheeraad ah:

  4. War deg deg ah, Trump oo 10 maalmood hakiyay weerarrada kaabayaasha tamarta Iran

    Trump wuxuu soo saaray hakin 10 maalmood ah si uu "dib ugu dhigo" weerarrada la qorsheeyay ee lagu qaadayo xarumaha tamarta iyo tamarta Iran.

    Karoline Leavitt oo ah xoghayaha warbaahinta Aqalka Cad ayaa tiri: "Tani waxay si dhab ah u ahaanaysaa hal mar oo fursad talisku heshiis wanaagsan kula galo Maraykanka,".

    Leavitt ayaa sheegtay in haddii Iran ay diiddo fursaddan, millatariga Maraykanku "ay sii wadayaan inay garab istaagaan" si ay u siiyaan Trump "doorasho kasta oo la heli karo si loo hubiyo in taliskani uu sii wado bixinta qiimo weyn".

    Warar dheeraad ah:

  5. Lubnaan oo sheegtay in askar laga dilay

    Ciidanka Lubnaan ayaa sheegay in weerar ay Israa’iil geysatay uu ku dhintay mid ka mid ah askartooda, taas oo ah markii ugu horreysay ee si toos ah loo bartilmaameedsado goob ay ciidanka Lubnaan ku sugan yihiin tan iyo bilowgii dagaalka.

    Dhowr askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ka dhacay bar kontorool oo ku taal gobolka koonfureed ee Tyre.

    Dhanka kale, ciidanka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee koonfurta Lubnaan ayaa sheegay in dhowr xubnood oo ka tirsan ay ku dhaawacmeen wax ay ku tilmaameen shil ka dhacay meel u dhow xadka Israa’iil, mana cadda cidda geysatay.

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah askartooda lagu dilay Axaddii weerar gantaal oo ay geysatay Xisbullah, (taas oo tirada askarta Israa’iil ee la dilay ka dhigaysa lix).

    Warar dheeraad ah:

  6. "Trump oo ogaaday in Israa'iil ay been u sheegtay" – The Independent

    Indha-indhaynta wargeysyada Ingiriiska, oo ay ku jiraan falanqaynta dagaalka Bariga Dhexe ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Israa'iil oo isku dhinac ah ee la macaamilka Iiraan, ayaa eegaya saameynta dhimista kharashaadka difaaca Ingiriiska, iyo murannada sharciga ah ee ku saabsan saameynta isticmaalka baraha bulshada.

    Jariidada The Independent ayaa maqaal uu qoray Robert Fox waxa uu ku eegayaa halka uu marayo dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan, kaas oo ciwaankiisu ahaa "Ugu dambayntii, Donald Trump waxa uu ogaaday in Israa'iil ay khiyaano ku samaysay".

    Maqaalku wuxuu ka hadlayaa "khilaafka banaanka yaalla" ee u dhexeeya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ee ku saabsan maaraynta dagaalka Iiraan.

    Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in labaduba ay hadda ku lug leeyihiin "balaarinta baaxadda dagaalka".

    Maqaalku waxa uu tixraacayaa waxa uu talefishanka Israa'iil ee Channel 12 ka sheegay carada Trump ee baaqii Netanyahu ee kacdoonka Iiraan ka dib dilkii sarkaal sare oo Iiraani ah - Cali Larijani ah iyo taliyihii Basij Gholam Reza Soleimani.

  7. Intee gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalka Baydhabo?

    Warrarka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh uu dhaliyay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada.

    Dhakhtar ka tirsan Cisbitaalka Guud ee gobolka Bay oo diiday in magaciisa la sheego ayaa BBC-da u sheegay in 25 qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray xabado iyo walxa qarxa la geeyay cisbitaalka, 5 kamid ah dhaawacyada la geeyay cisbitaalka ayaa qaba dhawaacyo halis ah.

    Sidoo kale waxa Isbitaalka la geeyay labo qof oo mayda oo xabado ku dhaceen.

    Illaa hadda tirkoob sax ah lagama soo saarin khasaaraha naf iyo maalba leh ee uu dhaliyay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada baydhabo.

  8. Xaggee ayuu ku sugan yahay Laftagareen?

    Laftagareen

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Dagaal ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

    Dagaalkan ayaa daba socda khilaaf muddooyinkii u dambeeyayba soo dhex galay maamulkaas iyo dowladda federaalka.

    Waxaa sidoo kale jiray warar sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu maanta ka baxay Baydhabo oo uu diyaarad ka raacay, balse afhayeenka madaxweynaha maamulkaas Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo BBC u warramay ayaa beeniyay arrintaas, isagoo sheegay inuu joogo Baydhabo.

    Wuxuu sheegay inuu madaxweynaha joogo xarunta madaxtooyada Koofur Galbeed, isagoo sheegay inay socdaan kulamo hay'adaha amniga iyo madaxweynaha u dhaxeeya.

    "Madaxweynaha waa fiican yahay wax dhibaato ahna ma qabo" ayuu yiri.

    Wuxuu beenitay in ciidamada Itoobiya oo gacanta ku haya garoonka ay waardiyeynayaan.

    "Markii horeba ayagaa gacanta ku hayay, waardiye goonni ah ma jiro." Ayuu intaa raaciyay.

    Warar dheeraad ah:

  9. Iran oo ka hadashay dalabaadka Trump

    Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaan hadda idin soo gudbinnay faallooyinkii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Donald Trump, kaasoo sheegay in Mareykanka uu "wadahadallo dhab ah" kula jiro "maamul cusub oo macquul ah" oo ah Iran.

    Horraantii maanta, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in qodobbada la soo gudbiyay ee la xiriira dalabaadka Mareykanka ee Iran ee ah in la joojiyo dagaalka ay ahaayeen "kuwo xad dhaaf ah oo aan macquul ahayn".

    Sida laga soo xigtay warbixinta hadalladiisa laga soo xigtay warbaahinta Iran, Esmail Baghaei ayaa sheegay in Tehran "aysan wax wada xaajood ah oo toos ah la lahayn Maraykanka" iyo sidoo kale in waxa ilaa hadda laga hadlay ay ahaayeen "farriimo dhex dhexaadiyayaal ah oo ku saabsan ujeeddada Maraykanka ee wada xaajoodka".

    Waxa uu sheegay in shirarka Pakistan ay yihiin kuwo aanay Iran qeyb ka ahayn.

    Baghaei ayaa sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka inuu "si joogto ah" u beddelayo mowqifkiisa "Ma garanayo inta Mareykanka ah ee si dhab ah u qaadata sheegashada diblomaasiyadda Mareykanka," Baghaei ayaa yiri.

    Warar dheeraad ah:

  10. Trump: Mareykanka wuxuu 'wadahadallo dhab ah' kula jiraa 'nidaam cusub oo macquul ah oo Iran ah'

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu "wada-hadallo dhab ah" la leeyahay maamul cusub oo Iran ah kaas oo uu madaxweynuhu sheegay in ay "soo afjari karto hawlgalladeenna milatari ee Iran".

    Qoraal uu soo dhigay Truth Social, Trump waxa uu ku qoray: “Maraykanku waxa uu wada-hadallo dhab ah kula jiraa NIDAAM CUSUB OONA MACQUUL AH, si loo soo afjaro hawlgalladeenna milatari ee Iran.

    "Horumar weyn ayaa la sameeyay, laakiin, haddii sabab kasta oo heshiis ah aan si dhakhso ah loo gaarin, taas oo ay u badan tahay inay noqon doonto, iyo haddii marinka Hormuz uusan isla markiiba 'u furin ganacsiga', waxaan ku soo gabagabeyn doonnaa 'joogitaankeenna' quruxda badan ee Iran annagoo qarxineyna oo gebi ahaanba baabi'inayna dhammaan tamarta, Ceelasha Shidaalka iyo Kharg Island (iyo suurtogalnimada dhammaan xarumaha tamarta) oo aan weli si taxadar leh u lahayn "

    "Tani waxay aargudasho u noqon doontaa askarteenna badan, iyo kuwa kale, in Iran ay gowracday oo ay dileysay intii uu jiray nidaamkii hore ee 47-dii sano ee 'Boqortooyada Argagixisada'."

    Warar dheeraad ah:

  11. Qiiq kasoo baxaya warshad Israa'iil leedahay oo ay Iiraan weerartay

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Waxaan hadda idiin soo gudbin karnaa wax badan oo ku saabsan dabka ka kacay warshad saliidda sifeysa oo ku taal magaalada Haifa ee Israel.

    Waaxda dab-damiska iyo samatabbixinta Israa'iil ayaa sheegtay in dhismo warshadeed iyo booyad shidaal ay ku dhaceen burbur ka soo baxay gantaal la qabtay oo maanta ku dhacay warshadda saliidda ee Bazan.

    Warbixin ay goor hore oo saaka ah soo saartay waaxda dab damiska ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dabka, waxaana ciidamada dabdemiska ay ku howlan yihiin ka hortagga in dabku ku fido goobo hor leh, iyadoo sidoo kale baadi goob loogu jiro dad go’doonsan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Lama oga halka laga soo tuuray gantaallada balse Israa’iil ayaa tan iyo markii uu dagaalku billowday waxa ay weerarro joogto ah kala kulmaysay Iran iyo kooxda Xisbullah ee ka dagaallanta dalka Lubnaan.

    Warar dheeraad ah:

  12. 'Kan ma aha dagaalkeenna mana nalagu soo jiidi karo,' ayuu yiri Starmer

    UK

    Xigashada Sawirka, PA MEDIA

    Ra’iisul wasaaraha UK Keir Starmer ayaa ku adkeystay in ciidamada UK aysan tegi doonin dhulka Iran.

    Suxufiyiintu waxay saaka waydiiyeen inuu ka fikirayo inuu ciidamo British ah u diro Bariga Dhexe, Starmer waxa uu yiri: "Kani dagaalkeenu maaha, mana doonayno in aanu dhex galno."

    Ra'iisul Wasaaraha ayaa sii waday inuu difaaco mowqifkiisa intii uu socday dagaalka, isagoo sheegay in UK ay qaadayso "tallaabo difaac ah" si ay u difaacdo "nolosha Ingiriiska, danaha Britain iyo, dabcan, xulafadeenna gobolka".

    Starmer waxa uu sheegay in UK ay sii wadi doonto difaacidda danaheeda oo ay ka shaqayn doonto sidii dib loogu furi lahaa marin biyoodka Hormuz, balse waxa uu intaa ku daray: "Ma doonayno in aanu dagaalkan dhex galno."

    Sidoo kale akhriso:

  13. Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalka Baydhabo

    Baydhabo barqadii maanta waxaa la soo warinayey in ay gudaha u galeyn ciidamo ka tirsan dowladda FS, kuwaas oo illaa iyo shalay ku jiray dagaal ay iskaga hor imaadeyn dagaallamayaal Alshabaab ka tirsan duleedka Baydhabo.

    Wasaaradda ayaa qoraal ay ku qortay baraheeda bulshada ku sheegtay in ay soo qab-qabtay dagaallyahanno ay ku tilmaameyn in ay amar qaadanayeen Cabdicasiis Lafta Gareen.

    Qoraalka ayaa lagu yiri "Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka waday duleedka magaalada Baydhabo, ayaa saaka waxaa weerar kusoo qaaday maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo iska caabiyay isla markaana jabiyay maleeshiyaadkii kusoo qaaday weerarka gardarrada ah,iyagoo gacanta ku dhigay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday".

    illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen oo la sheegay in la jabiyey.

  14. Iiraan oo xaqiijisay in la dilay Talihii ciidamada Badda

    .

    Xigashada Sawirka, Tasnim News Agency

    Israa'iil ayaa hore sheegtay in ay dishay Taliyihii ciidamada badda ee jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee (IRGC) ayaa dhankooda si rasmi ah u xaqiijiyay dilka Alireza Tangsiri, taliyihii ciidamada badda ee IRGC, maanta afar maalmood kadib markii Israa'iil l ay sheegtay inay beegsatay.

    Bayaan ay IRGC ku daabacayn warbaahinta Tasnim News Agency ayaa lagu sheegay in Tangsiri uu ahaa abaabulhii ciidamada badda, isla markaana xoojinayay gaashaanka difaaca ee jasiiradaha iyo xeebaha,” isla markaana uu u dhintay “dhaawacyo soo gaaray”

    Bayaanka ayaa intaa ku daray in ciidamada badda ay shaqadooda si toos u wateyn oo wax saameynna ah u geysan “maqnaanshaha” Tangsiri, isla markaana sii wadeen xakamanta marin-biyoodka Hormuz.”

    IRGC waxay sidoo kale ballanqaaday in aysan “nasan doonin ilaa cadowga gebi ahaanba la burburiyo.”

    Tangsiri, oo ka mid ahaa taliyeyaasha ugu sarreeya ee IRGC, wuxuu door ku lahaa kormeerka maraakiibta maraysa marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz waqtiyadii u dambeeyay. Akoonkiisa uu ku leeyahay barta X, ayuu hore ugu qoray in wax markab ah oo ay kuwa kusoo duulay Iiraan aysan xaq u lahayn in ay maraan marinka

    Tangsiri waxa uu kamid ahaa taliyeyaal badan oo ay cunaqabateyn saartay Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka sanadkii 2019, kadib markii Iiraan ay soo riday diyaarad basaas ahayd oo Mareykan ah oo ka ag dhowayd marin-biyoodka.

  15. Degdeg: Dagaal goor dhow ka qarxay Baydhabo

    .

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in uu goor dhow halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya laba ciidan oo lagu tilmaamay in ay u dagaallamayaan dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka koofur galbeed ee uu hogaamiyo Cabdicasiis Lafta Gareen.

    Ilo kala duwan oo ay BBC la xiriirtay ayaa sheegaya in la maqlayo hub culus oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

    Wararku waxay intaa ku darayaan in dagaalku ka billowdayn suuqa xoolaha oo u dhow koontaroolka waddada ka timaada Muqdisho.

    Ilaa hadda ma cadda khasaaraha inta uu le’eg yahay, sidoo kalena labada dhinacba nooma aysan suurto gelin inay BBC kala hadlaan dagaalka ka socda baydhabo.

    Abaabul ciidan ayaa maalmahan ka socday deegaanno ka tirsan koofur galbeed, ayadoo hanjabaado iyo baaqyo nabadeed ay soo baxayeen.

    Faahfaahin dheeraad ah ayaan idinkula wadaagi doonnaa halkan marka aan helno.

  16. Haddii Maraykanka la wareego Kharg, Iiraan ma sii wadi kartaa Weerarada Maraakiibta?

    .

    Xigashada Sawirka, GET

    Suuqyada Aasiya ayaa si weyn hoos ugu dhacay kadib markii qiimaha saliidda uu si degdeg ah u kacay ganacsiga subaxnimadii maanta, isagoo gaaray wax ku dhaw $116 halkii foosto ee saliidda Brent.

    Isla markaana, Donald Trump waxa uu sheegay inuu doonayo “in uu qaato saliidda Iran”, sida uu Mareykanku sameeyay markii uu meesha ka saaray madaxweynihii Venezuela, Nicolas Maduro, bishii Janaayo ee sanadkaan.

    Trump ayaa u sheegay wargeyska Financial Times in Mareykanku suuragal ka tahay in isagoo la wareegaya Jasiiradda Kharg ee Gacanka Faaris, oo ah xarunta laga dhoofiyo ku dhawaad 90% saliida Iiraan.

    In la wareego jasiiradda Kharg waa suurtagal, laakiin ma noqon doonto hawl fudud sida tii Mareykanku ka sameeyay Venezuela. Waxay u baahan doontaa ciidamo badan, mana beddeli doonto cidda gacanta ku haysa marin-biyoodka Hormuz.

    Markab kasta oo shidaal qaada oo ka baxa Jasiiradda Kharg ee ay Mareykanku maamulaan weli wuxuu halis ugu jiri doonaa weerarro ka yimaada Iiraan, sida ay hadda tahayba.

  17. Faahfaahin ka soo baxaysa Xiisadda ka taagan magaalada Baydhabo

    .

    Xigashada Sawirka, KGTV

    Qoraalka sawirka, Baydhabo

    Xaaladda deganaansho la'aan ah ayaa laga soo sheegayaa deegaannada ku dhaw Baydhabo, iyada oo shalay dagaal xoogan uu ku dhex maray ciidamada dowladda oo taageero ka helaya ciidamado deegaanka ah, iyo kooxda Alshabaab, halkas oo ay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya sheegtay in ay kaga adkaadeyn Alshabaab, hadana uu deeganka Deynuunay ganacatooda ku jirto, ayna doonayaan in ay kaga sii gudbaan Baydhabo.

    Dadka ku sugan gudaha magaalada ayaa cabsi badan qaba, iyaga oo saacad kasta filaya inuu dagaal qarxo, waxa ayna noo xaqiijiyeen in ay jiraan diyaarado illaa xalay dul wareegayey magaalada, iyada la sheegayo in ciidamada dowladdu ay ka ruqaansadeyn deegaanka Deynuunaay oo 30km u jira magaalada Baydhabo, lagana yaabo in halkaas markale ay kala kulmaan dagaallamayaal Alshabaab ah.

    Baydhabo bannaankeeda waxaa difaac kaga jira ciidamo ka amar qaadanaya maamulka uu hogaaminayo Cabdicasiis Xasan laftagareen oo Sabtidii la sheegay in markale la doortay, inkasta oo dowladda federaalka ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashadaas, ayna soo xirmeyn wada-hadalladii, dalkana uu aadayo doorasho qof iyo cod ah.

    Dhanka kale, magaalooyin ay kamid yihiin Buurhakaba, Waajid, Xudur, Qansaxdheere, Bardaale iyo kuwa kale ayaa ka baxay gacanta Cabdicasiis Laftagareen, iyaga oo maamullada deegamadaas ay sheegeyn in ay u hogaansami doonaan amarrada dowladda federaalka Soomaaliya.

    Dhex-dhexaadin la waday todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa meesha ka baxay.

  18. Halkee ayuu marayaa saaka qiimaha saliidda iyo shidaalka addunka?

    .

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Tan iyo markii uu bilowday duullaanka ay Maraykan iyo Israa'iil ku qaadayn Iiraan waxaa isbeddel ku yimid sicirka shidaalka dunida, waxa uuna sare usii kacay markii Iiraan xannibaad ku sameesay marinka Hormuz.

    Suuqyada saamiyada Aasiya ayaa hoos u dhacay maanta, iyadoo qiimaha saliidda uu kor u kacayo maalinba maalinta ka dambeysa. Nikkei 225 ee Japan ayaa hoos u dhacay in ka badan 4.5%, halka Kospi ee Kuuriyada Koonfureed uu hoos u dhacay 4.3%.

    Australia ASX 200 ayaa sidoo kale la diiwaan geliyay hoos u dhac gaaraya1.4%. Dhanka Maraykankana waxa ay korortay in ku dhaw 3% taas oo fuustada ka dhigeysa $102.5.

    Tani waxay timid ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ee Yaman ee ay taageerto Iiraan ay ku biireen dagaalka iyagoo weeraray Israa'iil dhammaadka toddobaadkii tagay, Iiraanna waxa ay ku hanjabtay inay ballaarin doonto weerarrada aargoosiga ah ee ka dhanka ah jaamacadaha iyo guryaha mas'uuliyiinta Mareykanka iyo Israa'iil ee gobolka.

  19. Meelo hor leh oo duqeyn lala eegtay Gudaha Iiraan

    Sida ay wararku sheegayaan duqeymo culus ayaa lala eegtay Tehraan, Bandar Abbas, Kish iyo Qom. Warbixinnadaan ayaa tilmaamaya in saaka oo bishu tahay Maarso 30, laga maqlay magaalooyinkaas qaraxyo waaweyn, marka laga soo tago Tehraan, qaraxyo xooggan laga maqlay magaalooyinka Qom, Bandar Abbas, iyo Kish.

    Morteza Heydari, oo ah ku xigeenka sarkaalka siyaasadda iyo amniga ee Qom, ayaa u sheegay wakaaladaha wararka ee dowladda Iiraan: "Afar meelood oo ku yaalla gudaha iyo bannaanka magaalada Qom ay bartilmaameedsadayn Mareykanka iyo Israaiil," wakaaladdu ma aysan daabicin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan, balse qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegaya in "Machadka Cilmi-baarista Hawada Sare ee ku yaal Wadada 14aad ee Saadatabad, Tehran, uu ahaa bartilmaameedka weerarrada saaka."

  20. Muxuu Maraykanka ka faa'iidayaa haddii uu qabsado Jaziiradda Kharg?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Trump oo la hadlay wargeyska ka faallooda arrimaha dhaqaalaha ee Financial Times ayaa u sheegay in uu qorsheenayo in ciidamadiisu qabsadaan jaziirad xabeedka Kharg ee Iiiraan.

    Mareykanka ayaa indhaha ku haya jasiiradda sababtoo ah waa xarun shidaal oo weyn, taas oo ah saldhigga dhaqaale ee Iiraan.

    Qabsashada jasiiraddan ma aha oo kaliya inay caqabad ku noqoto dhoofinta saliidda Iiraan laakiin waxay sidoo kale bixin kartaa goob uu Maraykanka ka weeraro dalka Iiraan.

    Qabsashada jasiiraddan waxay si wax ku ool ah u jari doontaa isha ugu weyn ee dakhliga Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), taasoo saameyn ku yeelanaysa awooddeeda ay ku qaadi karto dagaal, sida uu sheegayo falanqeeyaasha aminga sheegayaan.