"Trump oo ogaaday in Israa'iil ay been u sheegtay" – The Independent

Xigashada Sawirka, Reuters
Indha-indhaynta wargeysyada Ingiriiska, oo ay ku jiraan falanqaynta dagaalka Bariga Dhexe ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Israa'iil oo isku dhinac ah ee la macaamilka Iiraan, ayaa eegaya saameynta dhimista kharashaadka difaaca Ingiriiska, iyo murannada sharciga ah ee ku saabsan saameynta isticmaalka baraha bulshada.
Jariidada The Independent ayaa maqaal uu qoray Robert Fox waxa uu ku eegayaa halka uu marayo dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan, kaas oo ciwaankiisu ahaa "Ugu dambayntii, Donald Trump waxa uu ogaaday in Israa'iil ay khiyaano ku samaysay".
Maqaalku wuxuu ka hadlayaa "khilaafka banaanka yaalla" ee u dhexeeya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ee ku saabsan maaraynta dagaalka Iiraan.
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in labaduba ay hadda ku lug leeyihiin "balaarinta baaxadda dagaalka".
Maqaalku waxa uu tixraacayaa waxa uu talefishanka Israa'iil ee Channel 12 ka sheegay carada Trump ee baaqii Netanyahu ee kacdoonka Iiraan ka dib dilkii sarkaal sare oo Iiraani ah - Cali Larijani ah iyo taliyihii Basij Gholam Reza Soleimani.
Qoraagu waxa uu sheegay in Trump uu si ba'an u dhaleeceeyay Ra'iisal Wasaaraha Israa'iil oo uu ku amray in uu Maraykanka ugu yeero dhammaan dadka reer Iran in ay waddooyinka u soo baxaan si ay xukunka uga tuuraan rajiimka, waxaana Trump laga soo xigtay in uu Netenyahu u sheegay mar uu khadka taleefoonka kula hadlay: "Maxaynu dadka ugu baaqaynaa in ay waddooyinka isugu soo baxaan ayagoo dil wajahaya?"
Sida laga soo xigtay qoraaga, Trump tani waxay u tahay ballaarinta aan loo baahnayn ee baaxadda hawshooda.
Isaga oo ka baqaya rabitaanka Trump ee ah in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo colaadda dhamaadka usbuucan, Netanyahu ayaa la sheegay in uu amar ku siiyay jeneraaladiisa in ay fuliyaan "Weerarkii ugu darnaa ee Iran 48 saacadood gudahood.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qoraagu waxa uu rumaysan yahay in u dirida ciidamada kumaandooska iyo kuwa dalaayadaha ku booda iyada oo aan la helin heshiis xabbad joojin rasmi ah, iyo in la isku dayo in lagu khasbo marinka ciriiriga ah, ay tahay "khamaar weyn," maadaama hawlgallada dhulka aysan qayb ka ahayn qorshihii asalka ahaa.
Qoraagu wuxuu isku dayaa inuu dib u eego ereyada milatari ee qeexaya xaaladda dagaal ee hadda iyo mustaqbalka.
Maqaalku wuxuu sharxayaa in dad yar oo Israa'iiliyiin ah ay filayaan in xal degdeg ah laga gaaro khilaafka Iran, iyo ereyga istiraatijiyadeed ee "gooynta cawska" kaasoo soo baxay ka dib markii qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo khubarada istiraatijiyadda ee Israa'iil ay adeegsadeen.
Tani waxay ka dhigan tahay baahida loo qabo in la dagaallamo oo laga adkaado cadowga Israa'iil sida Xamaas, Xizbollah, Ilaalada Kacaanka Iran, iyo xitaa qaranka Iran.
Waxaa jira weedho ay ka mid yihiin "istaraatijiyad ka bixitaan" iyo "wax ka baxsan waddada weyn" si loo qeexo rabitaanka in si degdeg ah looga guuro xiisadda Iran iyo xannibaadda Hormuz.
Oraahda ah "weligaa ha aqbalin guuldarada" ayaa sii xoogaysanaysa, sida uu qabo qoraaga, kaas oo ka baqaya in militariga Maraykanka iyo Israa'iil ay ku dhow yihiin inay sidaas sameeyaan: "in ay dagaal galaan oo ay dhiirri galiyaan guuldarro".
Kharashka difaaca ee UK oo hoos u dhacay

Xigashada Sawirka, EPA
David Blair oo ka tirsan Telegraph waxa uu maqaalkiisa kaga hadlayaa "Britain waxa ay ugu hoosaysaa liiska NATO ee 2025" kharashaadka difaaca UK marka loo eego wadamada NATO.
Waxaa la rumeysan yahay in iyadoo dalalka ku jira isbaheysiga ay kordhinayaan dadaalkooda difaaca, "Miisaaniyadda fadhida ee UK ay khatar gelineyso amniga iyo saameynta dalka".
Blair ayaa yiri, "Akhbaarta wanaagsan ayaa ah in dhammaan xubnaha NATO ay hadda ka go'an tahay inay la kulmaan bartilmaameedka lagu dejiyay Shir-madaxeedka Wales ee 2014, kaasoo ah in lagu bixiyo ugu yaraan 2 boqolkiiba GDP dhanka difaaca," laakiin wuxuu raaciyay, "Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya waxqabadka xulafada".
Xubnaha NATO waxaa loo qaybin karaa afar kooxood oo u dhexeeya "kuwa ugu waxqabadka wanaagsan" ilaa iyo "kuwa u baahan hagaajin," sida uu qabo qoraaga.
UK waxay isku arkaysaa kooxda dambe, ka dib markii Ra'iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer uu u qoondeeyay 2.3% kaliya GDP difaaca sannadkii hore, taasoo UK ka dhigtay kaalinta 14aad marka loo eego 32 xulafada.
Blair waxa uu dib u xasuusanayaa tilmaamayaasha 2023, markaas oo miisaaniyadda difaaca UK ay ahayd tii ugu weynayd Yurub marka la qiyaaso boqoleyda GDP, ka hor inta aanay hoos u dhicin sannadkii hore.
Qoraagu waxa uu tilmaamay in xulafada kale ay laban laabeen kharashaadkooda difaaca, halka Ingiriisku uu qaaday tallaabooyin yar.
"Tani waxay cawaaqib xun ku yeelan kartaa saamaynta Britain ee NATO," ayuu yiri qoraaga.
Blair wuxuu ku soo gabagabeeyey: "Iyadoo Britain aysan hadda haysan miisaaniyada ugu weyn ee difaaca Yurub, iyo kharashka milatari ee boqolleyda GDP oo kordhay wax yar tobankii sano ee la soo dhaafay, booska Britain ee saameynta gudaha isbaheysiga ayaa laga yaabaa in la isweydiiyo".










