Xiisada ka taagan marin biyoodka Hormuz oo cirka isku sii shareertay iyo Maraykanka iyo Iran oo isu hanjabaya

Maraakiibta Marinka Hormuz

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Waxaa la gaaray heshiis u dhexeeya Maraykanka iyo Iran si loo soo afjaro colaadda ka taagan Bariga Dhexe.

Sidoo kale, labada dal ayaa weli wada hadallo ka socda si loo hirgeliyo heshiis rasmi ah oo joogto ah, kaas oo la filayo in lagu dhammeeyo 60-ka maalmood ee soo socda.

Iran iyo Maraykanka ay midba midka kale ku eedeynayaan in uu jebiyey heshiiskii xabbad-joojinta, isla markaana ay weerarro is-weydaarsaday.

Hay'adda Ganacsiga Badaha ee Britain ayaa sheegtay in markab shidaal sida uu ku dhacay madfac aan la aqoon oo lagu weeraray marinka Hormuz.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan shaqaalaha markabka way badbaadeen, mana jirto wax dhaawac oo la soo sheegay.

Horaantii, Iran waxay sheegtay in ay weerartay bartilmaameedyo la xiriira ciidamada Maraykanka, taas oo jawaab u ahayd weerarro Maraykanku ku qaaday xarumaheeda ilaalinta xeebaha.

Iran ma aysan caddeyn halka ay weerarradu ka dhaceen, balse Baxreyn oo martigelisa Ciidanka Badda ee Maraykanka ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay weerar drone ah oo Iran ay ku qaaday dhulkeeda, taas oo ay ku sheegtay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo dhulkeeda.

Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradaha Maraykanku ay beegsadeen keydadka gantaallada iyo drones-ka Iran, iyo sidoo kale xarumaha radar-ka xeebaha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, Ebrahim Azizi, oo ah madaxa guddiga amniga qaranka ee baarlamaanka Iran, ayaa baraha bulshada ku sheegay in Maraykanku "markale weeraray Iran xilli ay socdeen wada-hadallo."

Wuxuu sidoo kale ku daray in "jebinta xabbad-joojintan aan taxaddarka lahayn, sida caadiga ah, ay keeni doonto dib u gurasho iyo qoomamo dhankooda ah."

Weerarkani wuxuu yimid kadib markii Donald Trump uu Iran ku eedeeyay waxa uu ku tilmaamay "jebin doqonnimo ah" oo heshiiska xabbad-joojinta ah, isla markaana uu sheegay in Iran ay ugu yaraan afar drone ku weerartay maraakiib ku sugnaa Strait of Hormuz.

Dhacdooyinkan waxay daba socdaan kadib markii markab ganacsi oo laga leeyahay Singapore oo ku safrayay calan Singapore uu ku dhacay madfac meel koonfur-bari ka xigta dekedda Dahit ee dalka Cumaan Khamiistii.

Horey, Ilaalada Kacaanka Iran waxay ka digeen in "markab kasta oo mara waddo aan la oggolayn uu noqon doono mid aan la aqbali karin oo khatar weyn leh," waxayna ku boorisay maraakiibta inay la xiriiraan Iran.

Kadib weerarkii lagu qaaday markabka, Hay'adda Caalamiga ah ee Badaha ee Qaramada Midoobay ayaa hakisay qorshihii lagu doonayay in lagu daadgureeyo in ka badan 11,000 oo badmaaxayaal ah oo ku xanibnaa marinka maraakiibta tan iyo bilowgii dagaalka.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa uga digay Iran in ay la kulmi doonto "gacan-ka hadal" haddii ay sii waddo weerarrada.

Digniintan ayaa timid kadib markii ciidamada Maraykanku ay ku dhawaaqeen in ay weerareen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iran, taas oo jawaab u ahayd weerar Iran ay ku qaaday markab ganacsi.

"Iran waxa ay saxiixday heshiis xabad joojin ah, waana ku adkeysanay" ayuu Mr. Vance ku soo qoray bartiisa bulshada ee X. "Haddii ay isku khilaafaan qaabka loo dhaqangelinayo heshiiska, waxay naga qaban karaan taleefoonka oo ay na soo waci karaan, laakiin gacan-kahadal waxaa laga bixin doonaa jawaab.

JD Vance

Xigashada Sawirka, Reuters

Kadib markii weerarro ay Maraykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iran ay bilaabmeen horraantii Maarso, Iran waxay si wax ku ool ah u xirtay marinka muhiimka ah ee Hormuz dhammaadkii Febraayo.

Xiritaanka marinkan muhiimka ah ee ay maraan 20% Shidaalka iyo gaaska ayaa sababay koror weyn oo ku yimid qiimaha Shidaalka caalamka, sidoo kale wuxuu carqaladeeyay gaadiidka badeecadaha muhiimka.

Maraykanka iyo Iran ayaa 10 maalmood ka hor, 17-ka June, ku heshiiyey in la joojiyo colaadda iyada oo la adeegsanayo is-afgarad ka kooban 14 qodob.

Heshiiska ayaa sidoo kale ku baaqayay in Iran ay "ku dadaasho sidii ay u xaqiijin lahayd marin ammaan ah oo maraakiibta ganacsiga ah, bilaashna ah, muddo 60 maalmood ah."

Ciidamada badda Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Yaa hadda awoodda leh heshiiska kadib?

Maraykanka iyo xulafadiisa Gacanka Carbeed ayaa marar badan diiday isku dayo Iran ay ku doonaysay inay ku maamusho marinka Strait of Hormuz.

Isagoo Axaddii ku dhawaaqayay heshiiska la sheegay inuu la galay Iran, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in marinku uu "si xor ah uga furan yahay ummadda."

Wakaaladda wararka Iran ee Fars News Agency ayaa sheegtay in heshiis cusub oo lala gaaray Maraykanka uu dhigayo in Iran ay mustaqbalka si wadajir ah ula maamuli doonto marinka Strait of Hormuz oo ay la kaashan doonto Cumaan. Heshiiska ayaa sidoo kale ka hadlay suurtogalnimada in "lacag adeeg" laga qaado maraakiibta maraya marinka.

Si kastaba ha ahaatee, weli si cad looma oga nooca adeegyada ay lacagahaas ku xirnaan doonaan.

Naveen Das, oo ah khabiir sare oo dhanka saliidda u qaabilsan shirkadda falanqaynta suuqyada ee Kpler, ayaa BBC u sheegay in nidaam kasta oo lacag cusub lagu bixiyo isticmaalka marinka uu "abuuri doono caqabad kale," maadaama ay maraakiib badan maalin kasta isticmaalaan, taasoo keeni karta "cillado dhanka hawlgalka ah ama ciriiri marin."

Naveen Das wuxuu sidoo kale sheegay in su'aalo badan ay weli taagan yihiin, sida: "Yaa fulinaya nidaamkan? Sidee loo hirgelinayaa? Sidee loo ururinayaa lacagaha? Maxay yihiin aragtida dalalka kale ee Gacanka Carbeed?"

Su'aalahan qaar ayaa laga yaabaa in lagu jawaabo inta lagu jiro wadahadallada Iran iyo Maraykanka ee lagu doonayo heshiis waara, balse khubaradu waxay sheegeen in aysan u badnayn in Tehran ay u oggolaan doonto maraakiibta inay si xor ah u maraan Hormuz sidii ay ahaan jireen ka hor inta aan dagaalku bilaaban.

"Waxa muhiimka ah ayaa ah in inkastoo marinku uu si degdeg ah u furmi karo marka la eego siyaasadda ama amniga, nidaamka ganacsiga maraakiibtu uu si tartiib ah ugu noqon doono xaaladdiisii caadiga ahayd," ayuu yiri Dimitris Ampatzidis oo ka tirsan Kpler.