Qiimaha uu ku kici doono nidaamka difaaca 'Golden Dome' ee Mareykanka iyo siduu u joojin karo gantaallada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nidaamka difaaca gantaallada ee mustaqbalka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump,uu amray la farsameeyo oo loo yaqaan "Golden Dome," ayaa lagu qiyaasay inuu ku kacayo ku dhowaad $1.2 tiriliyan (£882 bilyan) si loo horumariyo, loo rakibo, loona shaqaysiiyo muddo labaatan sano ah, sida ay sheegay Xafiiska miisaaniyadda Kongreska.
Tiradan ayaa aad uga badan lacagtii hore loo qorsheeyay oo ahayd $175 bilyan (£129 bilyan).
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in nidaamkan loogu talagalay inuu Mareykanka ka difaaco gantaallada ballistic-ka iyo cruise missiles laga yaabo inuusan xitaa si buuxda u shaqayn karin. Warbixinta cusub ee CBO ayaa ka digtay in "Golden Dome" uu u nuglaan karo weerar ballaaran oo ay qaadaan Ruushka ama Shiinaha.
Kharashaadka qalabka iyo dhismaha nidaamka keliya ayaa ka badan doona $1 tiriliyan, waxaana ku jira lakabyada gantaallada celinta iyo nidaam hawada sare ku saleysan oo loogu talagalay digniinta iyo dabagalka gantaallada, sida ay sheegtay hay'adda qiimeynta miisaaniyadda Mareykanka ee warbixinteeda cusub.
Maalmo yar kadib markii uu bishii Janaayo dib ugu laabtay Aqalka Cad, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay qorshayaal ku saabsan nidaamka "Golden Dome," kaas oo loogu talagalay inuu ka hortago khataraha cirka ee "jiilka xiga."
Trump wuxuu sanadkii hore sheegay in barnaamijkani u baahan doono maalgelin bilow ah oo dhan $25 bilyan, halka kharashka guud uu mustaqbalka gaari doono $175 bilyan.
Senatarka Dimuqraadiga ah Jeff Merkley, oo codsaday qiyaasta lagu sheegay warbixinta, ayaa Talaadadii yiri: "Waxa Madaxweynaha ugu yeerayo 'Golden Dome' wax kale ma aha oo aan ahayn hadiyad weyn oo loo siinayo shirkadaha qandaraasyada difaaca, taas oo gebi ahaanba ay bixinayaan shaqaalaha Mareykanka."
BBC ayaa la xiriirtay Aqalka Cad iyo Pentagon si ay uga helaan faallo ku saabsan arrintan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa jiray shaki ku saabsan in Mareykanku awoodi doono inuu hirgeliyo nidaam difaac oo dhameystiran oo dabooli kara dhul baaxad weyn leh sida Mareykanka.
Saraakiil ayaa ka digay in nidaamyada difaaca ee hadda jira aysan la jaanqaadin hubka sii casriyeysan ee ay haystaan dalalka loo arko inay yihiin cadowga suuragalka ah.
Inkastoo kharashka weyn ee lagu qiyaasay mashruuca "Golden Dome," Congressional Budget Office ayaa sheegtay in "nidaamka laga yaabo inuu ku fashilmo haddii uu wajahayo weerar ballaaran oo ay qaadaan quwad la mid ah ama ku dhow awoodda Mareykanka."
Madaxweyne Trump iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa ayaa sheegay in Greenland oo ay maamusho Maraykanku ay muhiim u tahay dhammaystirka guusha ee barnaamijka "Golden Dome" – oo ah gaashaan gantaalaha difaaca oo casri ah kaas oo loogu talagalay inuu Maraykanka ka difaaco cadawga sii kordhaya ee tiknoolajiyadda sare leh.
Fikraddan ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay amar madaxweyne sanadkii hore, kaas oo loogu baaqay in la sameeyo "Iron Dome for America" iyada oo laga jawaabayo hanjabaado "musiibo" keeni kara oo noqday kuwo "ka xoog badan kana murugsan" muddo ka dib.
Isaga oo garab taagan Trump xilli ay ku sugnaayeen xafiiska Oval 20-kii May, xoghayaha difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in nidaamku keliya yeelan doono lakabyo badan oo ah "dhulka, badda iyo hawada sare, oo ay ku jiraan dareemayaasha hawada sare ku rakiban iyo kuwa gantaalaha dhexda ka qabta".
Trump ayaa intaas ku daray in nidaamkan uu awood u yeelan doono inuu dhexda ka qabto gantaalaha "xitaa haddii laga soo rido dhinacyada kale ee adduunka, iyo xitaa haddii laga soo rido hawada sare," iyadoo qaybo kala duwan oo barnaamijka ka mid ah ay ku yaallaan meelo fog fog sida Florida, Indiana iyo Alaska.












