War deg deg ah, Trump oo la shaaciyay inuu ka sameyay dhaqaale tiro badan lacagaha dhijitaalka ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sannadkii hore ka helay in ka badan $1 bilyan milyan oo dakhli ah macaamil ganacsi oo la xiriira lacagaha dhijitaalka ah ee cryptocurrency, sida lagu sheegay warbixintiisa khasabka ah ee shaacinta hantida ee sannadka 2025-ka.
Warbixinta oo ka kooban 927 bog ayuu ku sheegay inuu helay $635 milyan oo xuquuqda dakhliga ah oo ka timid lacagta dhijitaalka ah ee Trump meme coin, taas oo si weyn hoos ugu dhacday qiimaheeda tan iyo markii uu bilaabay, saddex maalmood ka hor inta uusan xilka la wareegin.
Waxa kale oo uu sheegay inuu helay in ka badan $500 milyan oo dakhli ah oo ka yimid World Liberty Financial, oo ah shirkad ka shaqeysa lacagaha dhijitaalka ah, taas oo ay aasaaseen wiilashiisa iyo carruurta ergaygiisa Bariga Dhexe gaarka ah, Steve Witkoff.
Trump ayaa sidoo kale malaayiin doollar oo kale ka helay ganacsiga hantida maguurtada ah iyo alaabooyin sita magaca Trump.
Si kastaba ha ahaatee, Aqalka Cad ayaa beeniyay in Trump uu dhaqaale ahaan uga faa’iideysanayo xilka madaxweynenimada.
Dakhliga ku cad warbixintan cusub ee shaacinta hantida ayaa aad uga badan tii uu ku sheegay warbixintii 2024, markaas oo uu shaaciyay inuu helay in ka badan $600 milyan oo dakhli ah.
Hase yeeshee, Aqalka Cad ayaa mar kale beeniyay inuu jiro wax iska hor imaad danaha isagoo xusay in Trump uu ganacsigiisa ku wareejiyay sanduuq maamul oo ay maamulaan wiilashiisa.
Ku xigeenka afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu si sharaf leh uga dhigay Mareykanka “goobta dunida ee lacagaha dhijitaalka ah .”
Waxay bayaan ku tiri:
“Madaxweynaha iyo qoyskiisuba weligood kuma lug yeelan, mana ku lug yeelan doonaan, wax iska hor imaad danaha ah.”
