Isku dheelitirka kuraasta labada isbahaysi ma wuxuu ugu dambayn faa’iido u noqon doonaa Netanyahu?

Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo natiijooyinka doorashada Israa’iil si tartiib-tartiib ah loo shaacinayo, telefishinka Channel 12 ayaa saadaaliyay in isbahaysiga uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee xisbiga Likud uu si dirqi ah ugu horreeyo, isagoo helaya 52 kursi, halka mucaaradku helayo 49 kursi.
Hase yeeshee, labada dhinac midkoodna weli ma gaarin 61-ka kursi ee loo baahan yahay si uu aqlabiyad ugu yeesho baarlamaanka Israa’iil ee Knesset, oo ka kooban 120 kursi.
Xaaladdan ismari-waaga ah ayaa laga yaabaa inay Netanyahu faa’iido u noqoto, isaga oo sii ahaan kara ra’iisul wasaare inta ay dowladdu sii haynayso xilka, gaar ahaan haddii wadaxaajoodyada dhismaha isbahaysi cusub ay dheeraadaan, ayna suurtagal noqoto in doorasho kale la qabto.
Xisbiyada diimeed ee garabka midigta fog, oo ay hoggaamiyaan Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich, ayaa la saadaalinayaa inay guud ahaan ka helaan 13 kursi isbahaysiga Netanyahu, iyadoo aan midkoodna la filayn inuu si weyn u kordhiyo kuraastii uu haystay.
Dhanka kale, xisbiyada Carabta oo aan ku jirin labada isbahaysi ee waaweyn ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara go’aaminta cidda awoodda yeelanaysa.
Balse Gadi Eisenkot, hoggaamiyaha xisbiga Yashar ahna taliyihii hore ee guud ee ciidamada Israa’iil, ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada inuu dowlad la dhisto iyadoo ay ka qaybgalayaan xisbiyada Carabta. Arrintan ayaa sii adkaynaysa fursadaha uu awoodda kula wareegi karo.
Warar dheeraad ah :













