TOOS, Maraykanka oo sheegay in markab jabinayay xayiraadda saaran Iran ay rasaas uga dhufteen matoorka

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidankiisu ay joojiyeen markab shidaal oo ay rasaas ku fureen qeybta mashiinka, kadib markii shaqaalihiisu ay "ugu yaraan afar jeer isku dayeen inay jebiyaan go'doominta badda ee ay Iran soo rogtay."

Kooban

  • Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in Washington iyo Tehran ay u socdaan wadahadallo lagu soo afjarayo colaadda labada dal.
  • Weriye Axios oo soo xiganaya laba dublamaasiyiin reer Yurub ah iyo laba ilo xog ogaal ah, ayaa ku warramay in Maraykanka iyo Ingiriisku qorsheynayaan inay kulan heerkiisu sareeyo ku yeeshaan London toddobaadka soo socda; kulan diiradda lagu saari doono baaritaanka dhismaha isbaheysiga caalamiga ah si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga ee marin biyoodka Hormuz.
  • Maraykanka oo sheegay in markab jabinayay xayiraadda saaran Iran ay rasaas uga dhufteen matoorka

Tebin toos ah

  1. Trump oo xaqiijiyay in Netanyahu uu imaanayo Washington maalinka Isniinta

    Trump

    Xigashada Sawirka, White House

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu booqan doono Mareykanka toddobaadka soo socda.

    Mr. Trump ayaa warkan ku dhawaaqay shalay khudbad uu ka jeediyay casho sharafta ururka saxafiyiinta ee Aqalka Cad.

    Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa horay u shaaciyay in Mr. Netanyahu uu u safri doono Washington maalinta Isniinta ah, uuna la kulmi doono Donald Trump maalinta Talaadada ah.

    Xafiiska Mr. Netanyahu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ka qeyb galayo aaska marxuum Seneter Lindsey Graham.

  2. Araqchi oo u sheegay Lavrov: Amni-darrada ka jirta Marinka Hormuz waa natiijo toos ah oo ka dhalatay ballan-jabka Mareykanka.

    Araqchi

    Xigashada Sawirka, EPA

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, uu la kulmay dhiggiisa Ruushka iyadoo uu socdo shirka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) oo ka dhacaya dalka Kyrgyzstan.

    Kulankan oo dhacay maalintii Jimcaha, ayuu Mr. Araghchi ku tilmaamay xaaladda amni-darro ee ka jirta Marinka Hormuz inay tahay "natiijo toos ah oo ka dhalatay jebinta ay Maraykanku jebiyeen ballan-qaadkoodii."

    Wuxuu yiri: "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyadoo muujisay sida ay uga dhabeyneyso dhanka diblomaasiyadda, waxay go'aansatay inay difaacdo danaha iyo amniga qarankeeda, isla markaana ay ka hortagto in Maraykanku uu si khaldan u adeegsado Marinka Hormuz si uu ugu hanjabo amniga qaranka Iran."

    Mr. Araghchi ayaa sidoo kale shalay khadka taleefanka kula hadlay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar iyo Cumaan.

  3. Sacuudiga oo qabtay gantaal laga soo riday Yeman

    gantaal

    Xigashada Sawirka, aa

    Nidaamka difaaca cirka ee ay isticmaalaan militariga Giriigga ee Sacuudi Carabiya yaalla ayaa Sabtidii qabtay laba gantaal oo nuuca ballistic-ga ah oo laga soo riday Yemen kuwaas oo bartilmaameedsaday warshadaha saliidda ee Yanbu, sida ay ilo-wareedyo amni oo Giriig ah u sheegeen Reuters.

    Saacado ka hor, Ururka Difaaca Madaniga ah ee Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay in la baabi'iyay khatarta weerar ka dhici kara gobolka Yanbu.

    Digniintan ayaa timid saacado ka dib markii Xuutiyiinta Yemen ay ku dhawaaqeen inay qaadi doonaan tallaabo aargoosi ah oo ay kaga jawaabayaan weerarrada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudigu uu ku qaaday goobaha kooxda ee Hodeidah.

  4. Maraykanka oo sheegay in markab jabinayay xayiraadda saaran Iran ay rasaas uga dhufteen matoorka

    Ciidamada Mareykanka ayaa soo saaray faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerar lagu qaaday markab shidaal oo marayay Badda Cumaan, iyagoo sheegay in shaqaalaha markabka ay ugu yaraan afar jeer isku dayeen inay jebiyaan xayiraadda saaran dekedaha Iran ka hor inta aan la beegsan.

    Tim Hawkins, oo ah afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in shaqaalaha markabka shidaalka laga digay dhowr jeer balse aysan u hoggaansamin amarrada.

    Wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ee goobta joogay ay markaas rasaas ku fureen qeybta mashiinka si ay u joojiyaan dhaqdhaqaaqa markabka. Afhayeenka CENTCOM ayaa intaas ku daray in markabka shidaalka uusan hadda u sii socon dhanka Iran.

    Mas'uul Mareykan ah ayaa horay ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ciidamada Mareykanka ay beegsadeen markabka MT Lavin kadib markii uu isku dayay inuu hareer maro xayiraadda saaran dekedaha Iran.