TOOS, Maraykanka oo qorshaynaya weerar ballaadhan oo dhan ah Iiraan iyo Tehraan oo xidhitaanka Marinka Hormuz sii adkaynaysa

Madaxweyneha Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu Iiraan ku qaadi doono weerarro uu ku tilmaamay "kuwo aad u daran" iyo Iiraan oo dhankeeda ka jawaabtay.

Tebin toos ah

  1. Trump oo ka hadlay cidda gaysatay weerar internet-ka ah oo ka dhacay Minnesota

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu rumaysnayn in Iiraan ay ka dambeysay weerarkii dhowaan lagu qaaday nidaamyada biyaha ee gobolka Minnesota, inkastoo warbixinno ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah saraakiisha Maraykanka ay tuhunsan yihiin doorka ay Tehran ku leedahay arrintan.

    "Waxaan maqalnay in uu jiray weerar dhanka internetka ah oo ka dhacay Minnesota, waxaana lagu eedeynayaa Iiraan," ayuu Trump ka sheegay kulan golaha wasiirrada ah, sida ay sheegtay Reuters. "Anigu sidaas uma malaynayo," ayuu yidhi, isagoo eedda dusha ka saaray mas'uuliyiinta gobolka iyo Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota Tim Walz, isaga oo aan soo bandhigin wax caddayn ah.

    Mr. Walz ayaa kaga jawaabay oo sheegay in Donald Trump uu og yahay cidda ka dambeysay weerarka, isla markaana gobollo kale oo Maraykan ahna la beegsaday.

  2. Walax aan la aqoonsan oo ku dhacday Markab shidaal marayay meel u dhow Cummaan

    Hay’adda UK ugu qaybsan Hawlgalka Gancsiga Bahdaha ayaa ku sheegtay in markab shidaal sid ay ku habsatay walax aan weli la aqoonsan, xilli uu marayay qiyaastii meel 20 km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Liwa ee Cummaan.

    Sida uu sheegay mas’uulka amniga ee shirkadda leh markabka, walaxda ku dhacday waxay waxyeello u gaysatay qolka matoorka, taasi oo sababtay in markabku aanu mar dambe awoodin in uu iskiis u sii wato safarkiisa.

    Ciidanka ilaalada xeebaha ee deegaanka ayaa lagu wargeliyey dhacdada, waxaana ay mas’uuliyiintu bilaabeen baaritaan ku saabsan weerarka.

  3. Iiraan ma waxay nabadda ka doorbixdaysaa dagaal xaddidan oo ay la gasho Maraykanka?, Amir Azimi, BBC Persian

    Sida ay falanqeeyayaashu qabaan, weerarkii lama filaanka ahaa ee Iiraan ay dhowaan ku qaadday saldhig Maraykan ah oo ku yaalla Urdun wuxuu u ekaa mid aan si fudud loo fahmi karin. Weerarkaas wuxuu soo afjaray hakad dhowr maalmood socday oo ku yimid iska horimaadka tooska ah ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan, wuxuuna sababay in Washington ay dib u bilowdo duqeymaha gudaha Iiraan.

    Weerarkaas wuxuu sii adkaanayaa in la sharxo haddii mudnaanta Tehran ay ahayd in la gaaro xabbad-joojin. Hase yeeshee, haddii hoggaamiyeyaasha Iiraan ay rumaysan yihiin in iska horimaad xaddidan oo la xakamayn karo uu siin karo awood dheeraad ah oo gorgortan ah, markaas go'aankaasi wuxuu noqon karaa mid la fahmi karo.

    Mid ka mid ah sharraxaadaha suurtagalka ah ayaa ah in Tehran ay aaminsan tahay in inkastoo uu halis leeyahay, dagaal xaddidan ay dani ugu jirto marka loo eego nabadda.

    Waqtigan xaadirka ah, labada dhinac midkoodna uma muuqdo in uu diyaar u yahay dagaal buuxa. Washington waxay muujisay dano yar oo ay u qabto dagaal ballaaran oo gobolka ka dhaca, kaas oo khatar gelin kara kaabayaasha tamarta, soo jiidan kara dalal kale, sare u qaadi kara qiimaha shidaalka, isla markaana culays dheeraad ah saari kara ciidammada Maraykanka.

    Dhanka kale, Iiraan sidoo kale waxay u muuqataa in ay isku dayayso in ay ka fogaato dagaal buuxa, maaddaama nidaamyadeeda difaaca cirku ay daciifeen, kaabayaasheeda warshaduhu ay nugul yihiin, dhaqaaluhuna uu wajahayo cunaqabateyn adag, taas oo sii adkaynaysa isla markaana qaali ka dhigaysa dib u dhiska dalkaasi.

    .

    Xigashada Sawirka, .

  4. Maraykanka oo ku hanjabay in uu weerari doono Iiraan iyo jawaabta ay Terhaan ka bixisay

    Warbaahinta The Wall Street Journal iyo CBS News ayaa sheegay in Maraykanku isku diyaarinayo weerar ballaadhan oo lagu beegsanayo kaabayaasha tamarta ee Iiraan, kaas oo la sheegay invuu bilaaban karo maanta ama berri, islamarkaana ay suurtagal tahay in Israa'iil ay qayb ka noqoto.

    The Wall Street Journal waxay sheegtay in Madaxweyne Donald Trump uu amar ku bixiyay weerarradaas, halka CBS News ay werisay in amarka kama dambaysta ah aan weli la soo saarin.

    Iyagoo ka jawaabaya arrintaas, ayaa mas'uuliyiinta Iiraan waxa ka digeen in weerar kasta oo hor leh oo lagu qaado dalkooda lagaga jawaabi doono falcelin ballaadhan, waxayna sheegeen in sii socoshada weerarrada Maraykanku ay “sii adkayn doonto xanibaadda Marinka Hormuz.”

  5. Subax Wanaagsan!

    Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da. Halkan waxa aan idiinku soo gudbin doonnaa wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda Bariga Dhexe, Soomaalida iyo adduunyada inteeda kale.