TOOS, Trump oo sheegay inuu tixgelinayo inuu isaga baxo Nato xilli Starmer uu sheegay in UK uu wada-hadallo ka yeelan doono Marinka Hormuz
UK ayaa wada-hadallo ku aaddan dib u furista Marinka Hormuz la yeelan doonta dhowr dal kadib markii Trump uu dalalka u sheegay inay iskood ula soo baxaan shidaalka.
War deg deg ah, 'Waa been aan sal iyo raad lahayn': Iran oo u jawaabtay Trump
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Wasaaradda
arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in hadalka Madaxweyne Donald Trump ee ah
in dalkiisa uu codsaday xabbad joojin ay tahay "been aan lahayn sal iyo raad
toona".
TV-ga qaranka
Iran ayaa soo xigtay hadalka sida uu yiri afhayeenka wasaaradda arimaha dibada
ee Iran Esmaeil Baqaei.
Waxay timid ka
dib markii Trump uu mar hore ku sheegay boggiisa bulshada in
"madaxweynaha maamulka cusub" ee Iran, oo uusan magacaabin, uu
codsaday xabbad-joojin, uuna tixgelin doono "marka Hormuz Strait uu furan
yahay, xorna yahay".
War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay qeybo ka mid ah Israa'iil
Seeriga digniinta ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah Israa'iil, oo ay ku jiraan Qudus iyo Talaabiib, kadib markii la maqlay wax u muuqda dhawaqa gantaal oo ka yimid Iran.
Dhawaqa ayaa u muuqday qabasho ay Israa'iil qabaneysay gantaallada oo hannaanka, wax khasaare ah lama soo sheegin.
Iran, ciidamada ilaalada Kacaanka (IRGC) ayaa sheegtay in Marinka Hormuz uu sii ahaan doono mid ka xiran “cadowga qarankan.”
Telefishinka dowladda ayaa IRGC ku sheegtay in marinka uu “si adag oo xoog leh” ugu jiro gacanta ciidamada badda ee kooxda.
Dhowaan, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa boggiisa Truth Social ku qoray in Iran codsatay joojinta dagaalka. Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan ka fiirin doonaa marka Marinka Hormuz uu furan yahay, xor ah,”
Illaa hadda, Iran weli kama aysan jawaabin sheegashada Trump ee ah in ay codsatay joojinta dagaalka.
Degdeg:Trump oo war weyn oo cusub ka sheegay Iiran
Donald Trump ayaa sheegay in "madaxweynaha maamulka cusub ee Iran" uu ka codsaday Maraykanka xabbad joojin.
War qoraal ah oo uu ku qoray boggiisa Truth Social,, kuma xusin mas'uulka ugu sarreeya magaciisa, balse wuxuu ku sifeeyay qofkaasi inuu yahay “mid aad uga yar xag-jirnimadiisa oo ka caqli badan kuwii ka horeeyay.”
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan ka fiirsan doonnaa marka marinka Hormuz uu furmo, xor yahay, oo bannaan yahay, ilaa intaa laga gaarayo, waxaa uu sheegay in ay duqeynada sii socon doonaan.
Ilaalada kacaanka Iran ayaa sheegay in markab shidaal oo ay ku beegsadeen gacanka Khaliijka uu ahaa mid ay leedahay Israel.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sidoo kale waxay sheegeen in marin biyoodka Hormuz aan loo furi doonin "cadowga".
,arinkan ayaa xuddun u noqday dagaalka mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen IIraan.
Qaramada Midoobey oo digniin ka soo saartay dagaalka Iiraan
Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii ka digtay in Iran, Israel iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ah ay “ka faa’iideysanayaan dagaalka si ay u wiiqaan xuquuqda,” iyadoo sidoo kale xustay “xaddidaado” lagu soo rogay xorriyadda warbaahinta ee United States iyo Israel.
Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Qaramada midoobey, Volker Türk, ayaa yiri: “Waxaan arkeynaa hoos u dhac weyn oo ku yimid fursadaha bulshada rayidka ah ee gobolka, iyadoo dowladuhu ay si adag u xaddidayaan dadka adeegsanaya xuquuqdooda hadalka xor ah iyo isu imaatinka nabadeed.”
Wuxuu sidoo kale cambaareeyay “isku dayada lagu xaddidayo xorriyadda warbaahinta,” sida xayiraadaha ay soo rogeen ciidamada Israel ee cunaqabateynta warbaahinta, iyo hanjabaadda ay Federal Communications Commission ee Mareykanka ku sheegtay inay kala noqon karto rukhsadaha baahinta warbaahinta ee ka warbixisa dagaalka.
Hogaamiyaha Ruuxiga Iiraan oo farriim ku socota Xisbulah soo saaray
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Sawirka Mojtaba Khamenei
Farriintii ugu dambeysay ee uu soo diray, hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradiisa uu u hayo hoggaamiyaha ururka hubeysan ee Lubnaan ee Hezbollah, Naim Qassem.
Farriinta ayaa sidoo kale muujisay “mahadnaq” ku aaddan tacsi ay Hezbollah ka bixisay dilkii hoggaamiyihii hore ee Iran, Ali Khamenei, oo ahaa aabbaha Mojtaba Khamenei, kaas oo la dilay 28-kii Febraayo — maalintii ugu horreysay ee weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.
Mojtaba Khamenei laguma arag meel fagaare ah ama kama uusan soo muuqan warbaahinta Iran tan iyo markii uu xilka kala wareegay aabbihiis 8-da Maarso.
Si kastaba ha ahaatee, Israel ayaa horey u ballanqaadday — kahor iyo kadibba xil la wareegistiisa — inuu noqon doono bartilmaameed.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu “ama dhintay ama xaalad aad u liidata ku sugan yahay, sababtoo ah cidna muuqaalkiisa ma arag ama ma maqlin.”
Dhanka kale, safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa sheegay in maqnaanshaha Mojtaba Khamenei ee goobaha dadweynaha ay sabab u tahay “arrimo amni.”
UK makala dooraneyso Mareykanka iyo Yurub - Raysal Wasaaraha
Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa mar wax laga weydiiyay inuu xiriir dhow la sameyn doono Yurub maaddaama xiriirkiisa Trump uu sii xumaanayo, ayuu sheegay inuusan kala dooraneyn qaaradda iyo Mareykanka.
"Waxay ila tahay inay danteenna ku jirto inaan
xiriir adag la yeelanno Maraykanka iyo Yurub," ayuu yiri.
"Laakiin waxaan qabaa in marka ay timaaddo difaaca
iyo amniga, tamarta sii daaya iyo dhaqaalaha, waxaan u baahannahay xiriir adag
oo lala yeesho Yurub."
Starmer waxaa kale oo uu sheegay in iskaashiga xooggan ee
qaaradda uu ka caawin doono xiriirka Maraykanka.
Tallaabo weyn oo Trump ka hadlay taas oo saamaynaysa xulufada Maraykanka
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu “Si xoggan u tixgaliyo” in Maraykanku ka baxo NATO, sida laga soo xigtay
waraysi uu siiyey Telegraph.
Wargeysku waxaa uu sheegay in Trump uu ugu yeeray xulufada “Shabeel
warqad ah” isagoo sidoo sheegay UK inaysan haysan ciidamado bad
Markii la weydiiyay inuu dib u eegis ku samayn doono
xubinnimada Mareykanka ee isbahaysiga ka dib colaadda Bariga Dhexe, Trump ayaa
ku jawaabay: “Haah, waxaan dhihi lahaa way ka baxsan tahay dib u eegis…”
“Waligay la ima qancin Nato. Mar walba waxaan ogaa inay
yihiin 'shabeel warqad ah', Putinna taas wuu ogyahay sidoo kale, haba
yaraatee.”
“Xitaa ma lihidin ciidan badeed. Aad baad u duqoobteen,
waxaadna lahaydeen maraakiib dagaal oo aan shaqaynayn,” isagoo ula jeeday
xaaladda maraakiibta dagaalka ee Britain.
Ninka 'ka tirsanaan jiray sirdoonka Soomaaliya' ee hadda ka midka ah hoggaamiyaasha sare ee al-Shabaab
Xigashada Sawirka, AP
Qoraalka sawirka, .
Mahad Karate waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee ururka Al-Shabaab oo iyaga iyo dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda uu dagaal ku dhexmarayo qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya.
Hoggaamiyahan ayaa loo arkaa in uu kaalin weyn ku leeyahay dagaalkaas, oo xooggiisu ka socdo gobolka Hiiraan. Dhowr jeer ayuu ururku soo weeraray gobolkaas toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dib markii dadka deegaanka oo is-abaabulay iyo ciidamada dowladda ay ka qabsadeen dhul ballaaran oo muhiim u ahaa kooxdan.
Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan. Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.
Israa’iil oo xaqiijisay tallaabo ka dhana oo ay qaaday Xisbullah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Milateriga Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in ururka Xisbullah
uu soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leeyihiin ciidanka cirka
ee Israa'iil, taasoo ku dhacday koonfurta Lubnaan habeenimadii Talaadada.
Bayaan ka soo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in
diyaaraddaas ay taageero siinaysay ciidamada dhulka markii uu ku dhacay gantaal
nooca dhulka laga rido oo lala beegsado diyaaradaha ka dibna ay dhacday.
Sida lagu xusay bayaanka, milaterigu wuxuu ku adkeeyay
inaysan jirin sabab looga walwalo in macluumaad ay siday diyaaraddaas ay
gacanta u galaan cadawga, waxaana weli socda baaritaan ku aaddan dhacdadan.
Hadalkii Trump ee dagaalka Bariga Dhexe, jawaabtii madaxweyanaha Iiraan, iyo wararkii ugu dembeyey ee xaaladda
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, .
Waxaan halkaan idiinkugu soo gudbinaynaa wararkii ugu
dambeeyay ee xaaladda taagan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay
in Mareykanku uu "ka bixi doono" dagaalka Iiraan muddo "laba
illaa saddex toddobaad ah", marka ay xaqiijiyaan in nidaamka ka jira
dalkaas uusan dhisni karin hub nukliyeer ah "sanado badan".
Trump ayaa sheegay in inkastoo Iiraan ay "ka baryayaan
in heshiis la gaaro", haddana in heshiiskaas uu dhaco iyo in kale aysan
waxba ka beddelayn jadwalka Mareykanka. Hadalladan oo uu ka jeediyay xafiiska
Oval Office ayaa ku soo beegmaya ka hor khudbad qaran oo uu Trump Arbacada
caawa ah ka jeedin doono magaalada Washington oo ku saabsan arrimaha Iiraan.
Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in
dalkiisu uu leeyahay "rabitaan laagama maarmaana" si loo soo afjaro
dagaalka ay kula jiraan Mareykanka iyo Israa'iil, waasese haddii la fuliyo
shuruudo dhowr ah.
Dhanka kale, madaxa guddiga amniga Qaranka ee Baarlamaanka
Iiraan, Ebrahim Azizi, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X oo uu ugu hanjabayo
Donald Trump ku yiri: "Marinka Hormuz hubaal dib ayuu u furmi doonaa,
laakiin adiga kuuma furmi doono," isagoo u tixraacaya xannibaadda Iiraan
ay saartay marinkaas muhiimka ah ee sababay inay kor u kacaan qiimaha tamarta
ee caalamka.
Israa'iil iyo Iiraan ayaa sii waday weerarada ay
isweydaarsanayaan xalay oo dhan, iyadoo dhaawacyo laga soo sheegay duqayn ka
dhacday duleedka Tel Aviv. Sidoo kale, markab booyad ah ayaa laba gantaal looga
dhuftay xeebaha Qatar, halka nin uu ku dhintay Imaaraadka Carabta iyadoo
waddamada Khaliijku ay weli wajahayaan weeraro.
Ruushka oo war cusub ka sheegay halka uu ku sugan yahay hoggaamiyaha sare ee Iran
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa ku sugan
dalka gudihiisa balse wuxuu ka gaabsanayaa inuu fagaarayaasha ka soo muuqdo
"sababo la fahmi karo darteed", sida uu sheegay RTVI oo soo xiganaya
safiirka Ruushka u fadhiya dalkaas.
Mojtaba ayaa beddelay aabihiis, Ayatollah Ali Khamenei, oo
la dilay markii ay Israa'iil iyo Mareykanku bilaabeen dagaalkooda ka dhanka ah
Iiraan wax ka badan hal bil ka hor.
Mareykanka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Mojtaba
qudhiisu uu dhaawacanyahay, ayna u badan tahay inuu wejiga si xun ugu
dhaawacmay.
Tirada dhaawacyada Tel Aviv, oo korortay ka dib weerarkii Iiraan
Xigashada Sawirka, Magen David Adom
Qoraalka sawirka, .
Afar iyo toban
qof, oo ay ku jiraan gabadh 11 sano jir ah iyo wiil 13 sano jir ah, ayaa ku
dhaawacmay weerarkii Iiraan ay goor sii horreysay ku qaadday duleedka Tel Aviv.
Wararkii ugu
dambeeyay ee ku saabsan dhaawacyada ka dhashay weerarkaas, adeegga gurmadka
degdega ah ee Israa'iil, Magen David Adom, ayaa sheegay in gabadha ay soo
gaareen dhaawacyo firir ah, isla markaana loola cararay isbitaal ku yaalla
degaankaas.
War bixin kale oo ay soo saartay adeegu, waxay ku sheegtay
inaan la soo sheegin wax dhaawacyo dheeraad ah ka dib markii ay dhaceen duqaymo
kale oo is-daba joog ah oo ay soo qaaday Iiraan.
Boqorkii Shidaalka ka jaray Israa'iil ee la dilay isagoo dhunkanaya wiilka uu adeerka u yahay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Bishii Maarso sanadkii 1975-tii ayaa boqor Faysal-ka Sacuudiga lagu qaarajiyay magaalada Riyaad ee Sacuudiga. Ina adeerkii ayaa meel u dhow ka soo toogtay.
Ahmad Zaki Yamani oo ahaa wasiirka shidaalka ayaa garab taagnaa boqorka marka rasaasta lagu soo riday. Dr. Yamani inantiisa ayaa BBC-da la hadashay 2017-kii.
"Marna ma iloowayo maalintaas, xanuun ayaan dareemayaa. Weli waan xusuustaa dareenka aabahey, qiyaas qof agtaada taagnaa oo meel dhow laga soo toogtay".
Boqor Faysal saddex jeer oo degdeg ah ayaa la toogtay isagoo doonayay in uu hoos isu-dhigo si uu u dhunkado Dr Yamani oo 15 sano daacad u ahaa.
Faahfaahin dheeraada oo ka soo baxday markab booyad ah oo lagu weeraray xeebaha Qadar
Xarunta
Hawlgallada Ganacsiga Badda ee (UKMTO) ee UK, ayaa bixisay war
cusub oo ku saabsan markab nooca booyada ah ee shidaalka qaada oo lagu weeraray xeebaha
Qatar wax yar ka hor.
UKMTO waxay sheegtay in markabka ay ku dhaceen "laba
gantaal". Mid ka mid ah gantaalladaas wuxuu sababay dab hadda la demiyey,
halka kan kalena uu "weli aanu qarxin isagoo ku dhacay qolka mashiinka ee
markabka".
Xaruntu waxay sheegtay in aysan weli xaqiijin karin halka ay
gantaalladu ka yimaadeen, waxaana socda baaritaan.
Dhaawac ka dhashay weerar gantaallo ah oo Iiran ku garaacday Israa’iil
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Adeegga gurmadka degdega ah ee Israa'iil, Magen David Adom
(MDA), ayaa sheegay in kooxahooda loo daadgureeyay meelo dhowr ah ka dib markii
la helay warar sheegaya weeraro gantaallo ah oo cusub oo ka yimid dhanka
Iiraan.
Ciidanka Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay waxyar ka hor
siddeeda subaxnimo waqtiga maxaliga ah inay ogaadeen mowjad cusub oo gantaallo
ah oo laga soo riday Iiraan.
MDA waxay sheegtay inay daaweyn siisay gabar 11 jir ah oo
xaaladdeedu “daran tahay” iyo laba qof oo kale oo ku sugan Bnei Brak, oo ku
taal bariga Tel Aviv.
War cusub oo ka soo baxay Isreal
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Wasiirka Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in la dhisi doono
aag ciidamada ka caagan gudaha koonfurta Lubnaan, isla markaana Israa’iil ay
sii hayn doonto xakameynta amniga ee qayb ka mid ah dhulkaas, xitaa kadib
dhammaadka dagaalka hadda socda ee ka dhanka ah kooxda hubeysan ee Xisbullah.
Israel Katz ayaa sheegay in aagga la qabsan doono uu gaari
doono ilaa Webiga Litani, qiyaastii 30km u jira xadka Israa’iil. Qorshahan ayaa
dhaliil kala kulmay Qaramada Midoobay, dalalka Yurub iyo Canada, kuwaas oo ku
tilmaamay “xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dhuleed”.
Katz wuxuu sheegay in in ka badan 600,000 oo qof oo
Lubnaaniyiin ah oo barakacay si “buuxda looga mamnuuci doono” inay ku soo
laabtaan aaggaas ilaa la xaqiijiyo badbaadada dadka deggan waqooyiga Israa’iil.
Wuxuu intaas ku daray
in dhammaan guryaha ku yaalla tuulooyinka Lubnaan ee u dhow xadka Israa’iil la
dumin doono, “iyadoo la raacayo qaabkii Rafax iyo Beit Hanoun ee Qasa.”
Warqada sirta ah ee Maxamed Siyaad Barre qoray kahor geeridiisa ee laga helay madxafka Ingiriiska
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Maalinnimadii Talaadada ee bishii Oktoobar ay ahayd 10-ka, sannadka 2023, waxa aan baaritaan cilmi-baariseed u tagay keydka lagu keydiyo dokumentiyada taariikhiga ah ee dalka Ingiriiska (UK National Archives).
Waxaan daba-joogay dhammeystirka daraasad ku saabsan dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka billowday dhammaadkii toddobaatameeyadii illaa iyo billowgii sagaashameeyadii.
Waxaan halkaas ka helay faylal sir ahaan jiray oo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingiriisku ay ku keydisay wixii xog ahaa, ee ay ka heli jirtay arrimaha dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya iyo jabhadihii hubeysnaa ee la dagaallamayey.
Faylka waxaa kaloo ku jirta warqad aad u xiise badneyd, oo uu Maxamed Siyaad Barre u diray kaaba-qabiillada Soomaaliyeed bishii Oktoobar, 1992dii Warqadda, oo ka kooban saddex bog, waxaa magaalada Nairobi ka soo diray safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Kenya.