Shukulaatada madow ma caawisaa dhimista miisaanka?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa laga yaabaa i naan inta badan aad u xiisaynno cuntooyinka aan caafimaadka lahayn, gaar ahaan haddii aan leenahay cudurka macaan. Tusaale ahaan, aan soo qaadanno shukulaatada.
Faa'iidooyinka shukulaatada madow ayaa si weyn loo shaaciyay muddo dheer. Ma laga yaabaa in shukulaatada caanaha lagu beddelo, midda ay ku jiraa kookaha badan ayna noqoto mid qancisay rabitaankeena shukulaatada ee u wanaagsan caafimaadkeena?
Waxay ka kooban tahay qaybo ka faa'iido badan shukulaatada caanaha, laakiin ma aha cunto caafimaad leh.
Ludlam-Raine waxay leedahay, "Wali waa cunto ay tahay in marmar la cuno, waxaana ku badan kara kalooriinta iyo dufanka oo badan, markaa uma arko in ay ahay cunto caafimaad leh, laakiin waa doorasho caafimaad leh marka loo eego shukulaatada caanaha."
Trump oo Aqalka Cad ku casuumay "geesi" qabsaday baraha bulshada
Xigashada Sawirka, SOCIAL
Wiil da'yar oo badbaadiyay wiil ay qaadayeen hirar xooggan oo ka dhacay xeebta Santa Cruz, California, ayaa lagu casuumi doonaa Aqalka Cad si loogu maamuuso geesinimadiisa, sida uu Talaadadii sheegay Madaxweyne Donald Trump.
Hawlgalkii samatabbixinta ee cajiibka ahaa, kaas oo ka dhacay Xeebta Seabright dhammaadkii usbuucii hore, ayaa laga duubay muuqaal. Muuqaalka ayaa muujinayay waardiyaha xeebta oo 16 jir ah isagoo si adag u haya wiilka, isla markaana madaxiisa ka ilaalinaya inuu biyaha hoos u galo, iyadoo hirar waaweyn ay si isdaba joog ah ugu dhacayeen. Ugu dambayn, isaga iyo waardiye kale oo xeebta joogay waxay ku guuleysteen inay wiilka si nabad ah ugu soo saaraan dhulka qallalan.
“Waxaan Aqalka Cad ku casuumi doonnaa wiilkan geesiga ah iyo qoyskiisa, waxaana laga yaabaa inuu la yimaado wiilka uu badbaadiyey, si aan u guddoonsiinno Abaalmarinta Sare ee Rayidka. Aad buu geesi u yahay, wuuna mudan yahay!” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada.
Wiilka Madaxweyne Trump, Eric Trump, ayaa isaguna sheegay in waardiyaha xeebta la guddoonsiin doono abaalmarinta ugu sarreysa ee rayidka.
Ma £50,000 ayaad ka dooran lahayd fursad aad ku heli karto £1m?
Waxaad haysataa laba doorasho: inaad isla markiiba hesho £50,000, ama inaad bakhtiyaa nasiib gasho si aad u hesho 50% fursad aad ku guulaysan karto £1 milyan.
Adigu kee baad dooran lahayd?
Sida lagu ogaaday sahan ay samaysay YouGov oo ay ka qaybqaateen kumannaan qof, dadka intooda badan waxay doorteen inay qaataan £50,000 ee la hubo. Dumarku waxay codkooda ku taageereen lacagta la hubo boqolkiiba 82%.
Sahankan ayaa dhaliyay dood ku saabsan sababta dadka reer Britain ay ugu muuqdaan kuwo ka taxaddar badan qaadashada khatarta marka loo eego dadka ku nool Maraykanka.
Haddaba maxaa ka dhigaya natiijooyinkan kuwo sidaas u cad? Maxayse yihiin arrimaha dhaqaale iyo kuwa nafsiyeed ee saamaynta ku leh go'aankan?
War deg deg ah, Dhimashada dhulgariirka Japan oo gaadhay 13 qof
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra’iisul Wasaaraha Japan, Sanae Takaichi, ayaa sheegtay in 13 qof ay ku
dhinteen dhulgariirkii ku dhuftay koonfurta galbeed dalka Japan, iyadoo intaas
ku dartay in hawlgallada samatabbixintu ay yihiin “tartan ka dhan ah waqtiga”.
Hawlgallo samatabbixin ayaa ka socda xarun ganacsi oo ku taalla magaalada
Kumamoto, halkaas oo dad badan ay ku xanniban yihiin.
Mid ka mid ah goob-joogayaashu ayaa sheegay in dabaqa labaad ee xaruntaasi
uu dumay.
Mas’uul u hadlay dowladda Japan ayaa hore u sheegay BBC-da in dad badan weli
lagu la’yahay xarunta ganacsiga iyo warshad kale, kaddib markii ay duntay
dhuun-qiiqdii warshadd halkaas ku taalay.
War deg deg ah, Iiraan iyo Maraykanka oo isweydaarsaday weerarro, taas oo soo afjartay hakadkii koobnaa ee colaadda
Xigashada Sawirka, Handout photo by US. Navy via Getty Images
Iiraan ayaa ridday dhowr gantaal oo ballistic ah oo ay ku sheegtay “weerar lama filaan ah” oo lagu beegsaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, sida ay sheegeen ciidamada Maraykanka, taas oo soo afjartay xasilloonidii ku-meelgaarka ahayd ee colaadda.
Weerarkan ayaa dhacay 5:45 galabnimo waqtiga Bariga Maraykanka (21:45 GMT) maalintii Talaadada, waxaana dhammaan gantaalladii “si guul leh ayaa loo qabtay loona burburiyey”, sida uu sheegtay Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM), kaas oo aan shaacin goobaha la beegsaday.
Dhanka kale, ciidamada Maraykanka iyo kuwa Sacuudiga ayaa duqeymo ku qaaday “argagixisada taageersan Iiraan” ee ku sugan Ciraaq, iyagoo sheegay in ay jawaab u tahay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo Iiraan hagaysay, sida uu sheegay taliska CENTCOM.
Iiraan weli wax war ah kama soo saarin arrintan. Haddii wararkani sax noqdaan, is-weydaarsiga weerarradu wuxuu soo afjari doonaa hakad kooban oo colaadda u dhexeeyey Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo loogu talagalay in dib loogu bilaabo wadaxaajoodyada labada dhinac.
CENTCOM ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka iyo Sacuudigu ay duqeeyeen “goobo badan oo lagu kaydiyo hubka iyo saadka argagixisada” oo ku yaalla bariga Ciraaq.
Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay “jawaab adag oo ka dhan ah in ka badan 30 weerar oo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo uu hagayey Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) intii lagu jiray 72-kii saacadood ee la soo dhaafay.”
CENTCOM waxa uu sheegay in ciidamada Iiraan iyo kooxaha ay taageerto ay tahay inay joojiyaan weerarradan si looga baaqsado jawaab milatari oo dheeraad ah oo uga timaadda Maraykanka.
Hore maalintii Talaadada, Sacuudiga ayaa sheegay in ciidamadiisu ay qabteen oo burburiyeen diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday xarumaha shidaalka ee gobolka bari ee dalkaas.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, Sarreeye Guud Turki Al-Maaliki, ayaa ku eedeeyey maleeshiyaad xiriir la leh Iiraan oo ku sugan dhulka Ciraaq inay ka dambeeyeen weerarradaas.
Dib u soo cusboonaanshaha colaaddan ayaa imanaya maalin kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu sheegay in wadaxaajoodyo “aad u saaxiibtinimo badan” ay la leeyihiin Iiraan. Xilligaas, labada dhinac saddex maalmood oo xiriir ah iskuma ay qaadin wax weerar ah.
Xakamaynta iyo marin-u-helidda marin-biyoodka Hormuz ayaa weli ah qodobka ugu weyn ee muranka ka taagan wadaxaajoodyada, inkasta oo Iiraan ay beenisay in wadaxaajoodyo noocaas ahi ayba socdaan.