TOOS, Iiraan oo sheegtay in aysan hadda la gor-gortameyn Maraykanka

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Ismail Baghaei aya shir jaraa'id uu qabtay ku sheegay in "Hadda aysan wax wadahadal ah la yeelan doonin Mareykanka,", ka dib markii uu Trump sheegay in la joojiyay weerarradii milatari ee Iiraan

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo farriin u diray waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya

    ASTAAN

    Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

    Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in la dhiso Gole dhexe oo maamula muddada Kala-guurka, sida lagu sheegay warqad ku qorneyd Af-ingiriisi, taas oo loo diray madaxda ka qeyb-qaadanaya hawl-galka nabad sugidda Soomaaliya.

    Golaha Mustaqbalka ayaa warqad furan u diray madaxda waddamada ciidamada kaga joogaan Hawlgalka AUSSOM, iyagoo ugu baaqay in taageerada ammaan ee Soomaaliya lagu xiro shuruud ah in marka hore la helo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

    Golaha ayaa sidoo kale tilmaamay in muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo Baarlamaanku ku ekaa May iyo April sanadkaan2026, taasina ay dhallisay jahawareer siyaasadeed.

    Ugu dambayntii, waxay soo jeediyeen in la dhiso Gole Kala-guur ah si loo badbaadiyo sharciga iyo kalsoonida ciidamada qaranka.

    Sii akhri:

  2. Maxay yihiin ciidamdaa PSF ee Puntland sheegtay in aysan ka jirin deegnnadeeda?

    Sida uu horay noogu sheegay Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, ciidamadan PSF ayaa ka tirsanaan jiray kuwa horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana markii ugu horreysay agaasime ka soo noqday Maxamed Aadan Bidaar.

    Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga ayaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

    "Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen." ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

    Dhawaan ayey ahayd markii iska hor imaad dagaal ah uu deegaanka Laag ku dhex maray ciidamada PSF iyo kuwa Puntland, markaas oo BBC-du xiriir la sameysay labada dhinac, iyada si ay isugu daydo in ay wax ka ogaato waxa uu salka ku hayo isku dhacaan cusub.

    Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay aroornimadii Isniinta, iyagoo ku jira "hawlgal amni oo caadi ah", lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso, waxa uuna intaas ku daray in PSF a tirsan tahay Ciidanka Xoogga Dalka. Halka dhanka Puntland ay iska diideyn in ay nala hadlaan, balse war qoraal ah oo ay dhawaan soo saartay ayey ku sheegtay in "aysan jirin ka jirin deegannadeeda".

    Sii akhri:

  3. War deg deg ah, Maxay salka ku haysaa eedda Puntland u jeedisay Galmudug?

    Bilowgii toddobaadkan war qoraal oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in 'maamulk Puntland uu ugu baaqayo caalamka iyo maamulka Galmudug "inaan garoomada iyo dekada maamulkaas aan loo adeegsan saanad ciidan iyo waxyaabo lagu bartilmaameedsanayo maamulka Puntland", sidoo kale warka qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland aysan ka jirin ciidan lagu magacaabo PSF (Puntland Security Force).

    warqaddaan ayaa timid iyada dhawaan ay dhacay isku dhacyo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo PSF, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Beri.

    Maamulka Galmudug ayaa dhankiisa beeniyay eedeyntan uga timid maamulka Puntland. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Galmudug, Cabdiraxmaan Axmed Xayle ayaa BBC-da u sheegay in Galmudug iyo Puntland wada shaqeyn iyo wanaag badan uu ka dhaxeeyo isla markaana aysan Galmudug aheyn meel looga soo duulo Puntland, "Puntland waxa ay u baahan tahay in ay xallisato khilaafka iyo arrimaha dhexdeyda ah".

    Maamulka Puntland ayaa dhawr jeer dowladda dhexe federaalka ku eedeyey in ay ciidamo geeneyso maamulka Puntland.

    Sii akhri:

  4. War deg deg ah, Maxaa ka ognahay Illaa iyo hadda Togaashada ka dhacday Seattle Maraykanka?

    BOOLIIS

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Haddii aad hadda nagu soo biirtay, Seattle, Washitong Maaykanka waxaa ka dhacday Toogasho ay ku dhinteyn 3 qof halka ay ku dhaawacmeyn 5 qof oo ay caruur ku jiraan.

    Hal qof oo looga shakisan yahay weerarka ayaa booliisku gacanta ku hayaan, kaddib rasaas lagu furay xarunta Seattle Center.

    Waa kuwan wararkii ugu dambeeyey:

    • Rasaasta ayaa ka dhacday xafladda cunnada ee sannadlaha ah ee Bite of Seattle abbaarihii 6:00 fiidnimo waqtiga Maraykanka, iyadoo booliisku sheegeen inay jiraan "dhowr qof oo rasaastu haleeshay."
    • Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqleen rasaas isdabo jog ah oo si degdeg ah loo riday ka hor intaysan goobta ka cararin oo ay gabaad raadsan. Qaar waxay dhacdada ku tilmaameen "qalalaase buuxa" iyo "fowdo."
    • Duqa magaalada, Katie Wilson, ayaa sheegtay in hal qof oo looga shakisan yahay weerarka uu hadda ku jiro gacanta booliiska. Inkastoo ay markii hore sheegtay in laba qof la xiray, haddana faahfaahin dheeraad ah kama bixin.
    • Booliisku waxay weli wadaan baaritaanka, waxaana dadweynaha looga digay inay ka fogaadaan agagaarka Seattle Center.
    • Mas'uuliyiinta magaalada Seattle iyo gobolka Washington ayaa cambaareeyay weerarka, iyagoo ku tilmaamay "fal rabshado macno darro ah."

    Nala soco si aan idiinku soo gudbinno wixii warar ah ee kusoo kordha.

  5. War deg deg ah, Dad looga shakisan yahay Toogashadii ka dhacday Seattle oo la xiray

    Katie

    Xigashada Sawirka, re

    Qoraalka sawirka, Katie

    Qof tuhmane ayaa xabsiga la dhigay ka dib toogashadii ka dhacday xarunta Seattle, Washintong, Maraykanka, sida ay sheegtay duqa magaalada Seattle Katie Wilson. "Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo saraakiisha booliiska Seattle ee ka soo jawaabay falkii dhacay oo xabsiga dhigay qof looga shakisan yaay," ayay ku tiri hadal ay soo saartay.

    Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin aqoonsiga tuhmaneyaasha. Wilson ayaa sidoo kale ku tilmaamtay dhacdada toogashada "fal rabshad ah oo naxdin leh". "Qoysaska ay saameysay waxay ku jiraan xilligi ugu adkaa noloshooda, bulsho dhanna waxay isku dayeysaa inay fahamto sida isu imaatin lagu dhisayey dhaqanka, xiriirka bulshada, iyo farxadd uu ugu dhammaaday rasaas, iyada oo intaas ku dartay, "caawa, waxaan xanuunka muruga la qeybsaneynaa ehellada dhibtu gaartay, waxaana u rajeenayaa in ay kasoo kabtaan".

    Sii akhri:

  6. War deg deg ah, Halkee ayey ka dhacday Toogashada Seattle?

    BOOLIIS

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Toogashadu waxay ka dhacday bandhig cunto oo sanadle ah, taas oo lagu soo bandhigo cuntooyin kala duwan, xafladda ayaa lagu qabtay xarunta Seattle.

    Waxaa iskugu yimaada kumanaan qof oo iskugu jira kuwa cuntooyin iibiya oo keena bandhiga si looga iibsado, iyo macaamiisha iibsaneysa iyo sidoo kale, waxaa qeyb ka ah xafladda bandhigyo muusig oo toos ah.

    Dad goob joog ah ayaa sheegay in rasaas badan la maqlayay abbaare 18:00 waqtiga maxalliga ah, sida laga soo xigtay Seattle Times, iyadoo mid ka mid ah ka qaybgalayaashu uu goobta ku tilmaamay "fin meeshu isku beddeshay buug iyo sawaxan".

    Booliisku waxa uu sheegay in ay bilaabeyn baaritaanno,ayna qabtayn laba oo looga shakisan yahay in ay geestayn toogashada.

    Sii akhri:

  7. War deg deg ah, Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday toogasho ka dhacay Seattle, Maraykanka

    Laba qof ayaa ku dhintay ugu yaraan shan kalena way ku dhaawacmeen rasaastii ka dhacday Xarunta Seattle, Washintong, sida laga soo xigtay Waaxda Dab-damiska Seattle.

    Labada qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen goobta, halka dadka dhaawacmay lasoo sheegayo inuu ka mid ahaa wiil laba jir ah oo loo qaaday isbitaalka, inkasta oo xaaladdiisu deggan tahay, iyo haweeney 56 jir ah oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.

    Mid kamid ah dadkii dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud.

    Waaxda dab-damisku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca dhaawacyada.

  8. Guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan: Tallaabada Ukraine jawaab la'aan ma ahaan doonto.

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Ebrahim Azizi, madaxa Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan, ayaa yiri isagoo ka jawaabaya weerarkii Ukraine ay ku qaaday markab ganacsi oo Iiraan leedahay oo ku sugan Badda Caspian: "Weerar kasta oo lagu qaado Iiraan had iyo jeer wuxuu leeyahay kharash, tanina ilaa maanta ayay run tahay. Mareykanka iyo Israa'iil si fiican ayay uga warqabaan arrintan. Ukraine sidoo kale waxay u badan tahay inay dhawaan ogaan doonto in Iiraan aysan ka hari doonin ficilladeeda ka dhanka ah iyada oo aan laga jawaabin."

    Sida laga soo xigtay IRNA, Mr. Azizi wuxuu sheegay inuu sidoo kale hadalladan uu ka jeediyay wadahadallo uu la yeeshay mas'uuliyiinta Midowga Yurub, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub iyo wasiirka arrimaha dibadda Ruushka: "Ficillada Ukraine lama jawaabi karo."

  9. War deg deg ah, Weerarradii Xuutiyiinta oo durba saameyntooda la dareemayo iyo xog laga helayo

    Badda Cas

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in, sida ku cad xogta maraakiibta ee madasha falanqaynta Kepler, isu-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandeb uu hoos u dhacay kadib weerarradii ay Xuutiyiintu ku qaadeen xarumaha shidaalka ee Sacuudiga ee xeebta Badda Cas iyo ku dhawaaqistoodii xanibaadda badda ee dalkaas.

    Maalintii Axadda, 11 markab oo xamuul sida ayaa maray marinka Bab al-Mandeb, taasoo ah tiradii ugu yarayd ee la diiwaangeliyo bilihii u dambeeyay, sida ay xogtu muujinayso.

    Toddobo ka mid ah maraakiibtaas waxay ahaayeen kuwa shidaalka qaada, iyadoo saddex ay galeen Badda Cas halka afar kalena ay ka baxeen.

    Dhanka kale, xogta Kepler waxay muujinaysaa in wax ka yar 10 markab ay maalin kasta ka gudbeen marinka Hormuz intii lagu jiray dhammaadka usbuuca, inkastoo ay joogsadeen weerarradii is-dhaafsiga ahaa ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan.

    Sida ay Reuters sheegtay, Sabtidii waxaa marinka maray saddex markab oo damiyay qalabkooda gudbinta xogta. Axaddii, toddobo markab ayaa maray, kuwaas oo ay ku jireen saddex markab oo shidaal sida isla markaana lala xiriirinayo Iiraan, iyagoo ka baxay marinka.

  10. War deg deg ah, Trump oo joojinaya weerarradii Iran iyo Iran oo ka jawaabtay dhankeeda

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Mike Waltz, ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu joojiyay weerarradii lagu qaadayay Iran habeenkii labaad oo xiriir ah si waqti dheeraad ah loogu siiyo dadaallada diblomaasiyadeed.

    Wareysi uu Axaddii siiyay Fox News, Waltz wuxuu yiri: “Madaxweynuhu wuxuu siinayaa wadaxaajoodyada fursad, wuxuuna u oggolaaday geeddi-socodka wadaxaajoodka waqti dheeraad ah.”

    Dhankiisa, afhayeenka militariga Iran ayaa Axaddii sheegay in Tehran ay iyaduna hakisay weerarradii ay jawaabta uga bixinaysay gobolka.

    Hakadkan ayaa yimid kadib ku dhowaad laba toddobaad oo ay socdeen weerarro maalinle ah oo ay isweydaarsanayeen Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo si dhab ah u soo afjaray xabbad-joojin la gaaray bishii Juun.

    Markii NBC weydiisay in Trump uu hadda ka tanaasulay sii hurinta colaadda, Waltz wuxuu ku jawaabay: “Anigu sidaas uma arko. Madaxweynuhu wuxuu weli miiska saarayaa dhammaan xulashooyinka.”

    Wuxuu sidoo kale beeniyay warbixin uu daabacay The New York Times, taas oo sheegtay in qaar ka mid ah saraakiisha maamulka ay ka digeen in sii xoogaysashada colaadda ay si khatar ah u yareyn karto kaydka sii dhammaanaya ee nidaamyada difaaca cirka ee Mareykanka.

    “Ciidamada Mareykanka waxay haystaan wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay hawlgalkan ugu fuliyaan si hufan,” ayuu yiri Waltz.

    Ilaa habeenkii Axadda, Donald Trump si rasmi ah ugama uusan hadlin dhacdooyinkan ugu dambeeyay. Si kastaba ha ahaatee, saacado ka hor ayuu bartiisa Truth Social ku daabacay sawirro lagu sameyay AI, kuwaas oo muujinayay diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo duqeynaya maraakiibta Iran iyo Jasiiradda Kharg.

    Sii akhri: