TOOS, Trump oo sheegay in shaqaale Mareykan ah oo la la’aa lagu soo badbaadiyay howl-gal 'geesinnimo leh' oo ka dhacay Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay haysto 48 saacadood si ay "heshiis u gaarto" ama ay u furto Marinka Hormuz ka hor inta aysan "Cadaab ku soo degin iyaga".
Iran oo sheegtay inay soo ridday diyaarad drone ah oo baadigoobka ku jirtay
Warbaahinta dalka Iran ayaa ku warramaysa in ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, xilli ay baadi goob ugu jirtay diyaaradda la la’yahay.
Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa ku burburtay gobolka Isfahan ee koonfurta Iran, sida ay sheegtay xafiiska xiriirka dadweynaha ee IRGC, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Fars.
Trump oo sheegay in 'dhowr diyaarad' loo diray si ay usoo helaan askariga
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ku sheegay in milatariga Mareykanku ay "tobaneeyo diyaaradood" u direen Iiraan si ay u soo badbaadiyaan xubinta shaqaalaha ah ee maqnaa.
Trump ayaa ku tilmaamay goobta uu ku sugnaa sarkaalka maqnaa in ay tahay "gadaasha khadka cadowga ee ku dhex taal buuraha halista ah ee Iiraan".
Wararkii hore ayaa soo sheegayay in xubinta shaqaalaha ah ee maqnaa laga yaabo inuu ku sugan yahay aagga buuraleyda ah ee gobolka Kohgiluyeh iyo Boyer-Ahmad, oo ku yaalla degaannada koonfur-galbeed ee Iiraan.
Shaqaalihii diyaaradda ee la soo badbaadiyay 'dhaawacyo ayaa gaaray', ayuu yiri Trump
"Waxaa soo gaaray dhaawacyo, laakiin waa uun fiicnaan doonaa," Trump wuxuu sii watay qoraalkiisa barta Truth Social ee ku saabsan xubinta la soo helay.
Hawlgalka “mucjisada ah” ayaa imaanaya ka dib markii shalay la soo badbaadiyay “ duuliye kale oo geesi ah”, kaasoo Trump uu yiri “ma aanan xaqiijin, sababtoo ah ma aanan dooneynin inaan halis galno howlgalkeenna labaad ee badbaadinta”.
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa hadda ku wadaagay Truth Social in shaqaalaha Mareykanka
ee la la'aa uu bad qabo" ka dib markii ay soo badbaadiyeen ciidamada
Mareykanka.
"Waan helnay
isaga! Saaxiibadayda Maraykanka ahow, dhawrkii saacadood ee la soo dhaafay,
Millateriga Maraykanku waxay galeen mid ka mid ah Hawlgalladii Goobidda iyo
Samatabbixinta ee ugu geesisanaa taariikhda Maraykanka," ayuu yidhi Trump.
Trump oo
hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shaqaalaha la la’aa, oo ah “Korneyl si weyn
loo ixtiraamo”...kaas oo “ka dambeeyay khadadka cadawga ee buuraha khiyaanada
leh ee Iran, oo ay cadawgeennu ugaarsanayeen” laakiin saaxiibbadiis Maraykanka
ah “waxay isha ku hayeen goobta uu ku sugan yahay 24 saac maalintii”.
Trump waxa uu
sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yidhaahdo "hadda waa badqabaa!"
War deg deg ah, Mareykanka oo soo badbaadiyay duuliyihii lagu la'aa Iiraan
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramaysa in ciidamada Mareykanka ay soo badbaadiyeen shaqaalihii la socday diyaaradda F-15 ee lagu soo riday koonfurta Iran Jimcihii.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa ka hadlay weerar la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow warshadda tamarta nukliyeerka ee Bushehr.
Isagoo arrintaas ku qoraya baraha bulshada ayuu yiri: "Ma xasuusataan caradii reer Galbeedka ee ku aaddanayd wixii ka dhashay warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee Ukraine? Isbahaysiga Israa'iil iyo Maraykanka waxay hadda afar jeer duqeeyeen warshadayada Bushehr. Saamaynta haraaga sunta nukliyeerka waxay soo afjari doontaa nolosha caasimadaha dalalka Khaliijka [GCC], ee ma ahan Tehran."
Weerarrada lagu hayo xarumaheenna kiimikada waxay iyaguna muujinayaan ujeeddooyinka dhabta ah."
Iiraan oo sheegtay in qabiilo reer guuraa ah ay duqeeyeen laba diyaaradood oo Black Hawk ah oo Mareykanka leeyahay
Xigashada Sawirka, re
Iiraan ayaa sheegtay in laba qabiil oo reer guuraa ah oo ku
nool buuraha Iiraan ay duqeeyeen laba diyaaradood oo nooca Black Hawk ah oo
Mareykan ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay Hay'adda Ilaalada Kacaanka
Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in "reer guuraaga Kohgiluyeh Boyerahmad
[gobolka] iyo Bakhtiaris" ay "si guul leh u duqeeyeen laba
diyaaradood oo nooca Black Hawk ah gobollada buuraleyda ah ee aan la gaari
karin oo ah meel ka fog joogitaanka ciidamada qalabka sida ee Iiraan".
BBC-da ayaa la xiriirtay US Centcom si ay faallo uga bixiso.
Reer guuraaga iyo Bakhtiaris waxa dhaqan ahaan loogu yaqaan,
qabiil reer Iiraan ah, oo loo aqoonsaday socdaalkooda xilliyeed ee adag. Waxa
lagu yaqaan inay sitaan qoryo si ay xoolahooda iyo xeryahooda uga ilaaliyaan
xayawaanka duurjoogta ah iyo xatooyada meelaha buuraleyda ah ee fog.
BBC Verify ayaa xaqiijisay muuqaal laga duubay Jimcihii oo
muujinaya wax u muuqda saddex qof oo hubaysan oo rasaas ku furaya ugu yaraan
laba diyaaradood oo nooca Black Hawk ah.
Mareykanka oo xiray qaraabada Jeneraalkii Reer Iiraan ee la dilay sanadkii 2020
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mareykanka
ayaa xiray gabar uu abti u ahaa Jeneraal Qasem Soleimani oo ahaa Jeneraalkii Reer
Iiraan ee la dilay sanadkii 2020, kaasoo lagu dilay duqeyn cirka ah oo
Mareykanku ka geystay Ciraaq.
Wasaaradda
Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in qaraabada, oo ku noolaa
Mareykanka, in deganaanshahooda rasmiga ah uu si sharci ah ku joonjiiay Xoghayaha
Arrimaha Dibadda Marco Rubio.
Waxa ay sheegeen
in gabadha uu Soleimani abtiga u yahay ay sii waday inay noqoto "taageere
cad" oo u janjeera nidaamka Iiraan iyo inay Mareykanka ka faafisay
"dacaayad".
"Maamulka
Trump uma oggolaan doono dalkeenna inuu noqdo hoy ay ku nool yihiin
muwaadiniinta ajnabiga ah ee taageera nidaamyada argagixisada ee ka soo
horjeeda Mareykanka," ayaa lagu yiri bayaanka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in
Iiraan ay haysto 48 saacadood si ay "heshiis u gaarto" ama ay u furto
Marinka Hormuz ka hor inta aysan "Cadaab ku soo degin iyaga".
Qoraal uu soo dhigay Truth Social, wuxuu ku qoray:
"Xasuuso markii aan Iiraan siiyay toban maalmood si ay HESHIIS U GAARAAN
ama U FURAAN MARINKA HORMUZ. Waqtigu waa dhammaanayaa.
"48 saacadood ka hor intaan Cadaab oo dhammi ku soo
degin iyaga. Sharaf Alle baa leh! Madaxweyne DONALD J. TRUMP."
Taariikhdu markii ay ahayd 27-kii Maarso, Trump wuxuu ku
dhawaaqay inuu hakinayo weerar kasta oo lagu qaado xarumaha tamarta ee Iiraan
muddo 10 maalmood ah laga bilaabo markaas.
Qoraal kale oo waxyar ka horreeyay, oo inta badan ka
hadlayay faa'iidooyinka canshuuraha ay u keeneen dhaqaalaha Mareykanka, ayuu ku
soo xiray: "Waxaas oo dhan iyo, isla mar ahaantaana, ka takhalusidda
Iiraanta haysata Hubka Nukliyeerka. MAGA!!!"
Dastuurka miyaa u oggol Dowladda Federaalka faragalinta maamul goboleedyada?
Dhammaadkii bishii aynu soo dhaafnay, ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ayaa la wareegay maamulka Magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamadu ay xoog ku galeen.
Kadib dhacdadaasi waxaa ay dhalisay su'aalo badan oo la xiriira sharciyada ay dowladda Soomaaliya u adeegsatay inay si awood ah ay kula wareegto xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed iyo inay sidoo kale maamul usoo magacowdo.
Sawirro weerarrada ka dhacay Ramat Gan ee Israa'iil
Adeegga ambalaasta ee Magen David Adom ayaa sheegay in uu ka howlgalayay lix goobood oo ku yaalla bartamaha Israa’iil kadib weerarradii Iiraan ee Sabtidii, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.
Dhismayaasha magaalada Ramat Gan, oo dhanka bari kaga beegan Tel Aviv, ayaa burburay sida sawirka hoose ka muuqata. Ilaa hadda ma jiraan warar sheegaya dhimasho.
Mar sii horreysay, ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) waxay sheegeen inay aqoonsadeen gantaallada laga soo tuuray Iran, iyagoo shacabka ka codsaday inay aadaan meel la ilaaliyo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa ka hadlay weerar la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow warshadda tamarta nukliyeerka ee Bushehr.
Isagoo arrintaas ku qoraya baraha bulshada ayuu yiri: "Ma xasuusataan caradii reer Galbeedka ee ku aaddanayd wixii ka dhashay warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee Ukraine? Isbahaysiga Israa'iil iyo Maraykanka waxay hadda afar jeer duqeeyeen warshadayada Bushehr. Saamaynta haraaga sunta nukliyeerka waxay soo afjari doontaa nolosha caasimadaha dalalka Khaliijka [GCC], ee ma ahan Tehran."
Weerarrada lagu hayo xarumaheenna kiimikada waxay iyaguna muujinayaan ujeeddooyinka dhabta ah."
Guardiola: Ciyaartoyda aan qanacsaneyn waa bixi karaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Kabtanka Spain Rodri ayaa 12 koob oo waaweyn la qaaday Manchester City
Maamulaha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in ciyaartoyda aan ku qanacsanayn kooxda ay bixi karaan, balse wuxuu rajo ka muujiyay in xiddigga khadka dhexe ee Rodri uu sii joogi doono.
Intii lagu jiray fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, Rodri oo hore ugu soo ciyaaray Atletico Madrid ayaa sheegay inuu tixgelin doono ku biirista kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid, isagoo yiri "ma diidi kartid kooxaha ugu fiican adduunka."
Kabtanka xulka Spain oo 29 jir ah ayaa u saftay City 293 kulan tan iyo markii uu ku soo biiray 2019-kii, wuxuuna qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga dambe.
Guardiola ayaa yiri: "Ma jiro hal ciyaaryahan oo iska diidi doona fursadda uu ugu ciyaari karo Real Madrid.
Mar walba hammigaygu waa in Rodri uu kooxdan sii joogo inta ugu macquulsan sababtoo ah waa ciyaaryahan cajiib ah oo heer sare ah, laakiin nolosha qof walba isaga ayay u gaar tahay."
Israa'iil oo sheegtay in ay Jimcihii duqaysay 'kaabeyaasha muhiimka ah' ee Tehran
Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen "mawjado duqeymo ah oo ka dhan ah xarumaha kaabayaasha nidaamka argagixisada" ee Tehran Jimcihii.
Warkan kasoo kordhay militariga ayaa sheegaya in ay garaaceen goobta difaaca hawada halkaas oo lagu keydiyay gantaallada la doonayay in lagu bartilmaameedsado diyaaradaha iyo sidoo kale goob militari "masuul ka ah ilaalinta cilmi baarista taliska".
"Weerarradan la soo gabagabeeyey ayaa qayb ka ah wejiga socda ee waxyeellada u geysanaya nidaamka aasaasiga ah iyo aasaaska u ah nidaamka argagixisada Iran," ayay tiri IDF.
Sidee ayuu dagaalka Iiraan u burburiyey aragtidii amniga ee laga haystay dalalka Khaliijka?
Sanadihii u dambeyey gobolka waxaa ka dhacayey xaalado amni darro ah kuwaas oo ay kamid tahay, duqeymaha lubnaan, ismiidaaminta ka dhaceesay suuqyada ciriiriga ee Ciraaq, afduubyo loo geesanayey dadka ajaanibta gudaha suuriya, intaas oo dhan oo dhacaya hadana Dubai waxa ay ahayd meel marti galineesay dabaaldegyo waaweyn iyo dalxiisayaal
Taajiriinta caalamka ayaa guryo waaweyn ka iibsaday xeebaha jasiiradaha macmalka ah ee Dubai, waxay ku wareegi jireen Louvre Abu Dhabi, ama waxay safarro ugaarsasho iyo madadaalo u aadi jireen saxaraha Qadar. Iyadoo dalalka deriska ahi ay si joogto ah u ruxayeen dagaallo, mudaharaadyo iyo qalalaase.
Siyaasadaha canshuurta faa'iidada leh ayaa soo jiitay balaayiin doollar oo maalgelin shisheeye ah, waxaana magaalooyin sida Dubai, Abu Dhabi iyo Doha ay noqdeen meelo heer sare ah oo ay u safraan bilyaneerrada iyo dalxiiska qaaliga ah, iyo sidoo kale goobaha lagu qabto shirar iyo munaasabado caalami ah.
Maalintii, Maraykanka iyo Israa'iil ayaa bilaabayn dagaal ka dhan ah Iiraan, waxa bilowday isbedel amni, cabsi badan iyo qalqal siyaasadeed oo jiho kale saameeyey, kadib markii Iiraan ay weerartay waddamada gacanka ku yalla, iyada oo sababta ka dhigeysa in ay xulufo yihiin Israa'iil iyo Maraykanka.
Masuul ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in aysan ‘’weli
suulin dadaalada sii soconaya ee ay ku baadigoobayaan duuliyaha Maraykanka ee ‘diyaaradu
kula dul dhacday Iiraan’, ayna wadaan soo qabshadiisa’’ sida ay sheegtay BBC Arabic.
Saraakiisha Iiraan waxaa ay soo bandhigeen abaalmarin
gaaraysa ilaa £50,000 oo u dhiganta $66,100 doolar oo la siinayo muwaadiniinta
ka caawiya dowladda soo qabashada duuliyaha la la’yahay, sida ay sheegtay
warbaahinta dowladda.
Iiraan ayaa sheegtay inay soo riday diyaada A-10 ee qaybta
ka ah howlgalka badbaadinta iyo baadigoobka ee diyaaradii koowaad ee lasoo
riday.
War deg deg ah, Shilalkiii hore ee soo ridista diyaaradaha dagaalka Maraykanka
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Diyaarada dagaalka ciidamada Maraykanka ee qaybisa shidaalka Boeing KC-135. Lix kamid ah shaqaalaha milatariga Maraykanka ee diyaarada qaybisa shidaalka ayaa ku dhintay shilka bishii Maarso
Diyaaradda dagaalka Maraykanka ee ay soo rideen ciidamada cadow
ah ayaa ahayd mid dhacdo dhif iyo naadir u dhacda, wax dhacay labo wakhti oo
kali ah tobanaankii sano ee aan soo dhaafnay.
Dhammaan shaqaalaha lixda ahaa ee saarnaa diyaaradda milatariga
Maraykanka ee qaybisa shidaalka ayaa lagu dilay shil ay qayb ka ahayd diyaarad
kale oo dagaal bishii Maarso 12, shilkaasi oo ka dhacay Galbeedka Ciraaq, sida
ay sheegtay CentCom.
Bishii April 7 2003, diyaarada dagaalka Maraykanka ee F-15
ee galayrka ayaa lagu soo riday Ciraaq howlgalka xorranta Ciraaq, taasi oo uu
ku dhintay duuliye Erec Das iyo sarkaalka William Watkins.
Diyaarada ayaa kasoo kacday saldhiga ciidamada cirka ee Al
Udeid ee Qadar si ay u samayso howlgal ada, iyada oo beegsanaysay meel ku dhow
Tikrit, Ciraaq, sida laga soo xigtay mareegta US Navy Memorial.
Diyaarada US A-10 Thunderbolt II ayaa la aaminsan yahay in
lagu soo riday caasimada Ciraaq ee Baqdaad bishii April 8, 2003, sida laga soo
xigtay ciidamada cirka Maraykanka. Duuliyihii ayaa si badqab leh loo soo
badbaadiyay, kahor inta aysan burburin.
Diyaarad kale oo nooceedu yahay F-15 ayaa ku burburtay
Waqooyi-bari Liibiya bishii Maarso 2011. Afar diyaaradood oo dagaal iyo laba
helikobtar ayaa loo diray si ay usoo badbaadiyaan duuliyaha, sida ay
wakhtigaasi sheegeen ciidamada badda Maraykanka.
War deg deg ah, Israa’iil oo ka hadashay waxyeelada gantaalo ka yimi Iran
Laanta gurmadka degdega ee Israa’iil ee MDA ayaa sheegtay in
hal qof uu ku dhaawacmay weerar gantaal oo ka yimid dhanka Iiraan.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in hababka difaaca hawada
ee dalkooda ay ku howlan yihiin kahortaga gantaalada looga soo ridayo Iiraan.
MDA ayaa intaa ku dartay in Nin da’diisu ay tahay 45 sano uu
dhaawac fudud kasoo gaaray jajabka muraayad magaalada dhacda bartamaha ee Bnei
Brak oo u dhow Tel Aviv, islamarkaana haatan loo qaaday isbitaalka.