TOOS, Trump: Iiraan oo nasoo wargalisay waxa ay ku jirtaa xaalad ‘’burbur’’ ah

Washington oo shaki galisay soo jeedinadii u dambeeyay ee Iiraan iyo Tehran oo sheegtay Maraykanka uusan hadda wax maquunin karin

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Boqor Charles: "UK iyo Mareykanku waxay sii ahaan doonaan xulafo adag"

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Boqorka Britain Boqor Charles ayaa u sheegay Kongareeska Mareykanka in inkastoo Yurub iyo Bariga Dhexe ay ka jiraan xiisado iyo colaado, UK iyo Mareykanku ay sii ahaan doonaan xulafo xooggan oo difaacaya dimuqraadiyadda.

    Hadalkan ayaa yimid xilli xiriirka labada dal uu muran ka taagan yahay, gaar ahaan dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran.

    Boqorka ayaa sheegay in khilaaf kasta oo jira haddana ay ka mideysan yihiin ilaalinta dimuqraadiyadda, badbaadinta shacabka, iyo sharaf u haynta dadka naftooda u hura adeegga dalkooda.

    Dhanka kale, Donald Trump ayaa si adag u dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer mowqifkiisa dagaalka Iran, halka Starmer uu horay uga gaabsaday ka qaybgalka weerarka.

    Boqor Charles waa boqorkii labaad ee Britain ah ee khudbad ka jeediya Kongareeska Mareykanka. Hooyadiis Boqorad Elizabeth II, ayaa sanadkii 1991 khudbad u jeedisay.

  2. War deg deg ah, Mareykanka oo cunna-qabateyn saaray hay'ado iyo shaqsiyaad xiriir la leh Iiraan

    Maraykanka ayaa sheegay inuu cunaqabateyn saaray 35 hay’adood iyo shaqsiyaad ku xiran Iran oo ku lug leh waxa uu ugu yeeray “qaab-dhismeedka bangiyada qarsoon ee Iran.”

    Waaxda Hantidhowrka Mareykanka ayaa sheegtay in dadka la cunaqabateeyay ay fududeeyeen “wareejinta tobanaan bilyan oo doolar” ayna ku lug lahaayeen “ka fogaanshaha cunaqabateynta iyo taageerada Iran ee argagixisada.”

    Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in “shabakadahani ay u oggolaanayaan ciidamada qalabka sida ee Iran, oo ay ku jiraan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, inay helaan nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.”

    Sida lagu sheegay warbixinta, shabakadda la cunaqabateeyay ayaa “lacag ka heshay iibinta sharci-darrada ah ee saliidda,” “ la iibsaday qaybo xasaasi ah oo loogu talagalay gantaallada iyo nidaamyada kale ee hubka,” isla markaana “lacag u wareejisay kooxo wakiillo ah oo Iran ay taageerto oo ku sugan gobolka.”

  3. War deg deg ah, Degdeg: Israa'iil oo lagu eedeyay dambi dagaal

    Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa sheegay in Beegsiga ay Israa’iil ku hayso shaqaalaha difaaca rayidka ee koonfurta Lubnaan ay tahay “dambi dagaal oo cusub.”.

    Israa'iil ayaa siiw adda duqeymo ba'an oo ka socda Koonfurta Lubnaan iyadoo ku andacoonaysa in ay beegsanayso goobaha ururka Xisbullaah.

  4. Booqashada Boqor Charles III ee Mareykanka iyo waxa laga filayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maanta waa maalintii labaad ee booqasho afar maalmood ah oo Boqor Charles III iyo Boqorad Camilla ay ku joogaan Mareykanka.

    Boqortooyadu waxay ka qaybgeli doonaan xaflad ciidan oo ka dhici doonta Aqalka Cad, ka hor inta aysan kulan la yeelan Madaxweynaha Donald Trump.

    Boqor Charles III ayaa sameyay tallaabo taariikhi ah, isagoo noqonaya boqorkii labaad ee Ingiriiska ee khudbad ka jeediya Golaha Kongareeska Mareykanka, kaddib markii hooyadiis Boqorad Elizabeth II ay sidaas sameysay sanadkii 1991.

    Khudbadda Boqor Charles III waxaa uu kag ahadlay arrimo badan oo dunida ka taagan sida colaadaha iyo sida ay isku kaashan karaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

    Booqashada Boqor Charles III waxay imaaneysaa xilli uu jirto xiisad u dhaxeysa UK iyo Mareykanka oo la xiriirta dagaalka Iran, waxaana la rajeynayaa in booqashadiisu ay gacan ka geysan doonto dejinta xiisadda iyo hagaajinta xiriirka u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer iyo Donald Trump.

    Sawirro: Boqor Charles III iyo Boqorad Camilla markii ay gaareen Mareykanka.

    Boqor Charles

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  5. War deg deg ah, Boqor Charles oo Ukraine garab istaag u muujiyay

    Boqor Charles

    Boqor Charles wuxuu sheegay in iskaashiga xooggan ee u dhexeeya Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska loo adeegsaday la tacaalidda cadowyo wadajir ah iyo sugidda amniga dunida.

    Hadda, waxaa loo baahan yahay in lagu ilaaliyo Ukraine iyadoo ay dhexda kaga jirto dagaal ay kula jirto Ruushka.

    “Maanta, Mudane Guddoomiye, isla go’aankaas adag ee aan leexleexadka lahayn ayaa loo baahan yahay difaaca Ukraine iyo dadkeeda geesiyaasha ah, si loo xaqiijiyo nabad dhab ah oo caddaalad ah oo waarta,” ayuu yiri.

  6. War deg deg ah, Boqor Charles oo sheegay in adduunka khatar badan ay ka jirto

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Boqor Charles wuxuu dib u xasuustay awoowgiis Boqor George VI iyo booqashadiisii Mareykanka sanadkii 1939, xilli “faashiisnimadu ay si xawli ah u fidaysay”.

    “Qiyamkeenna wadajirka ah ayaa guuleysta,” ayuu Boqorku yiri, isagoo intaas ku daray in inkastoo “aan ku jirno xilli ka kacsan oo khatar badan” marka loo eego 1991, markaas oo hooyadiisii geeriyootay, Boqorad Elizabeth, ay ka hadashay hoolka uu hadda hadalka ka jeedinayo.

    Wuxuu sheegay in caqabadaha na horyaalla ay yihiin “kuwa aad u waaweyn oo aan hal waddan kaligiis qaadi karin.”

    “Laakiin jawigan aan la saadaalin karin, iskaashigeennu kuma tiirsanaan karo guulihii hore ama ma u qaadan karno in mabaadi’da aasaasiga ahi ay si fudud u sii jiri doonaan.”

    Wuxuu soo xigtay Ra’iisul Wasaaraha Britain, Sir Keir Starmer, oo bishii hore sheegay in iskaashigani yahay “lama huraan,” ayna tahay inaan ku sii dhisno. Hadalkan ayaa keenay sacab xooggan.

  7. Ukraine oo ka hadashay badar laga xaday dhul ay leedahay oo la geeyay Israa'iil

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan in Israa’iil ay heshay waxa Kyiv ay ku tilmaantay badar laga xaday dhulka Ukraine ee Ruushku qabsaday.

    Wuxuu sheegay in mar labaad markab uu isku diyaarinayo inuu ku dejiyo badarkaasi deked ku taalla Israa’iil, isaga oo tilmaamay inaysan jirin wax sabab ah oo Israa’iil isaga indhatiri karto waxa socda.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Zelensky uu taageerayo Mareykanka iyo Israa’iil dagaalkooda ka dhanka ah Iiraan.

  8. War deg deg ah, Xog laga helay madaxweynaha Mali iyo shaki weli jira

    Mali

    Xigashada Sawirka, @PresidenceMali

    Dowladda milatariga ee Mali ayaa sheegtay in madaxweynaha uu la kulmay wakiillo ka socda Ruushka, maalmo yar kadib weerarro ay fuliyeen kooxo hubeysan iyo gooni u goosadka, kuwaas oo jabiyay ciidamada Mali iyo kuwa Ruushka, isla markaana dilay wasiirkii gaashaandhigga dalkaas.

    Janaraal Assimi Goita lama arag tan iyo weerarradaas, balse dowladdu waxay daabacday sawirro muujinaya wakiillo Ruush ah oo la kulmaya nin xirnaa dhar milatari oo wata magaciisa.

    Si kastaba ha ahaatee, wejiga ninka lama arki karin sababtoo ah wuu daboolay.

    Ruushka ayaa ku adkaystay in xasillooni ay jirto isla markaana wax walba ay hagaagsan yihiin gudaha Mali.

  9. War deg deg ah, Dowladda Uk oo ka carootay war ay baahisay safaaradda Iiraan

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday maantai inay u yeertay safiirka Iiraan u fadhiya UK, kadib waxa ay dowladdu ku tilmaantay hadallo “aan la aqbali karin oo kicin ah” oo ay safaaradda Iiraan ku daabacday baraha bulshada.

    Wasiirka Britain ee Bariga Dhexe, Hamish Falconer, ayaa bayaan uu soo mariyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku sheegay in safaaraddu “ay joojiso nooc kasta oo farriimo ah oo loo fasiri karo kicin rabshado gudaha Boqortooyada Ingiriiska ama caalamkaba.

  10. War deg deg ah, Warshad saliidda caalamka muhiim u ah oo Ruushku leeyahay oo la duqeyay

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaa ku eedeeyay Ukraine inay hurinayso qalalaase ka jira suuqyada tamarta caalamka, kaddib oo sababay dab weyn oo ka kacay warshad sifaysa saliidda oo ku taalla Ruushka.

    Wariyaha BBC ayaa sheegay in tani ay tahay markii saddexaad ee Ukraine ay weerarro drone ah ku qaaddo xarunta dekedda Tuva bishan gudaheeda.

    Weerarradan ayaa sababay waxyeello weyn oo deegaanka ah, iyadoo qiiq madow oo ccirk aisku shareeray laga arkay goobta.

    Ukraine waxay sheegtay inay beegsanayso xarumaha tamarta maadaama ay taageeraan sii socoshada gumeysiga Ruushka.

    Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Madaxweyne Vladimir Putin uu amray wasiirka adeegyada degdegga ah inuu booqdo goobta si uu ula socdo xaaladda.

  11. War deg deg ah, Qatar: Uma doonayno gobolka dagaalo siyaasad ay sabab u tahay

    Majid Al-Ansari, afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Majid Al-Ansari, afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar

    Dowladda Qadar ayaa ka digtay khatarta ‘’dagaal la joojiyay’’ oo gobolka oo wakhti kasta dib usoo cusboonaan kara, iyaga oo ka hadlay isku guntanaanta wadahadalada nabadeed ee Iiraan iyo Maraykanka.

    Majid Al-Ansari, afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar ayaa ka sheegay shir jaraa’id: ‘’Ma doonayno soo laabashada cadaawada gobolka wakhtiga ugu dhow, mana doonayno dagaal la hakiyay oo bilaaban kara wakhti kasta sababo siyaasadeed’’.

    Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay Isniintii inay dib u eegayso soo jeedintii ugu dambeysay ee Iiraan ee dib u furista marinka Hormuz, taasi oo aan u xirnayn si dhab ah ku dhowaad laba bilood tan iyo intii uu bilowday dagaalka.

    Al-Ansari ayaa intaa ku daray: ‘’Waxaynu rumaysanahay dhammaynta dagaalka si joogta ah oo xisaabtana lagu darsanayo waxyaabaha aynu qabno ee gobolka iyo meel ka baxsanba’’.

    Wadahadalada nabadda ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa ku guul daraystay in si abadi ah loo dhammeeyo dagaalka iyo in si buuxda loo furo marinka Hormuz tan iyo intii xabbad-joojinta lagu dhawaaqay April 18.

    WARAR DHEERAAD AH

  12. Madaxweyne Xasan ''Saaxiibkeey Farmaajo hal maalin nooma yeerin inteenii baagamundada ahayd''

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad uu ku martiqaaday odoyaal dhaqameedka Soomaaliyeed oo ka qayb galay caleema saar Ugaas oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in xilligii mucaaradka ay ahaayeen uusan wax u yeeritaan wadahadal ah uusan ka helin madaxweynihii isaga ka horeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    ''Saaxiibkeey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hal maalin inta noo yeeray inteenii baagamuundada 'mucaaradka' ahayd maxay idin la tahay inama dhihin, aniga iyo madaxweyne Shariif uu hal maalin inta noo yeeray halkan qado nagu siiyay''

    ''Maadaama aan taas soo joogay wadadaas in aan ka leexdo ayaan go'aan saday''

    Waxa uu sheegay in la doortay 2022, uuna casuumayd siyaasiyiinta 2023 uuna wakhtigaasi u sheegay in ay u socdaan qof iyo cod.

    WARAR DHEERAAD AH

  13. War deg deg ah, Saar: Israa’iil ma raadinayso dhul ay ka qabsato Lubnaan

    Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gedeon Sa’ar

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gedeon Sa’ar

    Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gedeon Sa’ar ayaa sheegay in dalkiisu uusan raadinayn dhul uu ka qabsado Lubnaan, iyada oo ciidamada Israa’iil ay sii wadaan howlgalkooda Koonfurta ee ka dhanka ah kooxda ay taageerto Iiraan ee Xizbullaah, inkasta oo ay jirto xabbad-joojin.

    ‘’Israa’iil kama leh wax doonitaan dhul ah Lubnaan,’’ ayuu yiri Sa’ar intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo uu la lahaa dhiggiisa Serbia, Marko Djuric.

    ‘’Joogitaankeena aagagga xadkeena Waqooyi waxa aynu uga howlgaleenaa ujeedadada difaaca muwaadiniinteena’’

    WARAR DHEERAAD AH

  14. Trump: Iiraan oo nasoo wargalisay waxa ay ku jirtaa xaalad ‘’burbur’’ ah

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Qoraal uu soo dhigay barta Truth Social, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Iiraan ay ‘’hadda nagu soo wargalisay inay ku sugan tahay xaalad ‘’dowlad burbur ah’’

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in Iiraan ay doonayso in Maraykanka uu furo marinka Hormuz ‘’Sida ugu dhakhsiiyaha badan’’ iyaga ‘’ oo isku dayaya xallinta xaaladooda hoggaamin,’’ waxa uu sheegay inuu aaminsan yahya inay wax dhacayaan.

    Qoraalka uu soo dhigay ayuu ku yiri: ‘’Iiraan hadda ayay nagu soo wargalisay inay ku jirto xaalad dowlad burbur ah. Waxa ay naga doonayaan in ‘la furo marinka Hormuz’ sida ugu dhakhsiiyaha badan halka ay isku dayayaan in aynu xallino hoggaankooda (Waxaan aamin sanahay in ay sidaas samayn karaan).

    Iiraan weli masoo saarin wax falcelin ah oo arrintan la xiriira.

    WARAR DHEERAAD AH

  15. Soomaali dil loo haysto oo dacwad lagu soo oogay London

    .

    Xigashada Sawirka, Google

    Laba nin ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah kadib markii nin 24 jir ah lagu tooriyeeyay bariga magaalada London.

    Booliiska ayaa looga yeeray Waddada Saint George's Road, Leytonstone, abbaarihii saacadda Ingiriiska markay ahayd 00:40 Khamiistii, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in koox dad ah uu muran dhexmaray.

    Suhayb Cabdulqaadir ayaa laga helay dhaawacyo tooreey ah, waxaana uu ku dhintay goobta.

    Cabdullaahi Cabdi oo ah 24 jir ka soo jeeda Lincoln Street, Leytonstone, iyo Hanet Axmed oo ah 25 jir ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah waxaana lagu wadaa in la soo taago maxkamada Thames Magistrate.

    Guud ahaan afar nin ayaa la soo qabtay iyaga oo looga shakisan yahay dil khamiistii. Cabdi iyo Axmed ayaa dacwad lagu soo oogay, mid kalena waa la dammaanad qaaday, midkii afraadna waa la sii daayay iyadoo baaritaan lagu wado.

  16. War deg deg ah, Imaaraadka oo ku dhawaaqay ka bixitaanka ururka dalalka soo saara shidaalka

    Dowladda isku-tagga Imaaraatka carabta ayaa sheegtay in ay isaga baxayso ururada ay ku midaysan yihiin dalalka waaweyn ee soo saara shidaalka, ka dib ku dhowaad 60 sano.

    UAE ayaa sheegtay go'aanka uu ku salaysan yahay ''Istaraatiijiyadeeda muddada dheer ee aragtida dhaqaalaha iyo taariikhdeeda ku lug lahaanshaha tamarta''

    Go'aanka ayaa sida mid kamid ah falanqeeyayaasha uu sheegay ku qeexay ka bixitaanka ''bilowga dhammaadka Opec''.

    WARAR DHEERAAD AH

  17. War deg deg ah, Ukraine oo eedeyn xooggan u jeedisay Israa'iil

    Ukraine ayaa sheegtay Markab sida miraha laga soo qaaday xadka dhanka ay Ruushka Ukraine ay ka haystaan ayaa diyaar u ah lagu dejiyo Xaayfa

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ukraine ayaa sheegtay Markab sida miraha laga soo qaaday xadka dhanka ay Ruushka Ukraine ay ka haystaan ayaa diyaar u ah lagu dejiyo Xaayfa

    Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa cambaareeyay Israa’iil kadib markii ay ka heshay Ruushka miro laga soo xaday qaybo kamid ah dhulka ay Ruushku ka haystaan Ukraine.

    Waxa uu sheegay inuu jiro markab labaad oo isu diyaarinayay dejinta mirahaasi uu haatan taagan tahay dekedd ku taala Israa’iil. Israa’iil ayaa ku cambaaraysay Ukraine inay eedda iska samaynayso, ayna u baahan yihiin caddeymo

    WARAR DHEERAAD AH

  18. War deg deg ah, Daawo xaalka Tehran ee ku hoos jirta harka xabbad-joojinta

    Fagaaraha Kacdoonka

    Xigashada Sawirka, AFP Via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Fagaaraha Kacdoonka

    Xabbad-joojinta u dhaxaysa IIraan iyo Maraykanka ayaa weli taagan, laakiinse nolosha ayaa weli ka fog sideey ahayd maalmihii dagaalka kahor.

    Ganacsiyo badan ayaa weli xiran iyada oo suuqu uusan ahayn sidii uu ahaan jiray sabab la xiriirta macaamiil la’aan.

    Muwaadiniinta Iiraan ayaa weli ka hadlaya kacsanaanta sicir bararka ee maalmahan.

    Eeg Sawirada hoose ee xaalka Tehran ee maalmahan.

    Tehran

    Xigashada Sawirka, AFP Via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Tehran
    Tehran

    Xigashada Sawirka, AFP Via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Tehran
    Tehran

    Xigashada Sawirka, AFP Via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Tehran
    Tehran

    Xigashada Sawirka, AFP Via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Tehran

    WARAR DHEERAAD AH

  19. War deg deg ah, Shirkadda diyaaradaha Maali oo laashay duulimaadkii Magaalooyin kamid ah dalkaasi

    Diyaaradda dalka Maali

    Xigashada Sawirka, Wikebedia

    Qoraalka sawirka, Diyaaradda dalka Maali

    Shirkadda diyaaradaha Maali ayaa laashay duulimaadyada tagaya ama ka imaanaya laba magaalo oo dhaca Waqooyiga iyo Bartamaha dalkaasi, kadib markii mucaaradka ay dileen wasiirkii difaaca dhammaadkii toddobaadka ayna qabsadeen dhowr magaalo oo muhiim ah.

    Wararka ka imaanaya caasimada Bamako ee Koonfur Galbeed dalkaasi ayaa sheegaya xasilooni aan cago badan ku taagnayn ay saaka jirto.

    Hoggaamiyaha kooxda milatari ee dalkaasi ka Talisa ee dalkaasi awoodda ku qabsatay lix sano kahor Jeneraal Assimi Goita ayaan la arkin ama laga maqal fagaarayaasha tan iyo intii kooxda mucaaradka ee jihaad doonka ee isbahaysiga la ah kooxda mucaaradka Tuareg ay qaadeen weeraradooda Sabtida, taasi oo meesha ka saartay milatarigii iyo calooshood u shaqaystayaashii Ruushka.

    WARAR DHEERAAD AH

  20. Sweden oo ka deerineysa keydka shidaalka diyaaradaha ee ay haysato

    Sweden waxay soo saartay “digniin hor dhac ah” oo ku saabsan suurtagalnimada inuu go'o shidaalka diyaaradaha, sabab la xiriiirta saameynta dagaalka Bariga Dhexe.

    Wasiirka Tamarta ee Sweden, Ebba Busch, ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay Talaadadii ku sheegtay in digniintan “lagu soo saaray qiimeyn ay sameysay Hay’adda Tamarta.”

    Sida ay sheegtay Hay’adda Tamarta ee Sweden, dalka wuxuu wajihi karaa xadidnaan shidaalka diyaaradaha ah oo noqoneysa xaaladda ugu xun, inkastoo xaaladda mustaqbalka ay ku xirnaan doonto sida suuqu ula qabsado duruufaha hadda jira.

    Shirkadda duulimaadyada ee Jarmalka, Lufthansa, ayaa hore u shaacisay inay baajineyso 20,000 oo duulimaadyo gaagaaban oo Yurub ah xagaagan, iyadoo sheegtay in kororka weyn ee qiimaha shidaalka uu ka dhigay duulimaadyadan kuwo “aan faa’iido lahayn.”

    Fatih Birol, madaxa International Energy Agency, ayaa laba toddobaad ka hor ka digay in Yurub “laga yaabo inay haysato kaliya qiyaastii lix toddobaad oo kayd shidaal diyaaradeed ah.”