Warbaahinta Iran oo baahisay muuqaalo lagu sheegay weeraradii Iran ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka
Wakaaladaha wararka ee Tasnim News Agency iyo Fars News Agency, oo loo arko inay xiriir dhow la leeyihiin ilaalada Kacaanka Iran, iyo warbaahinta dowladda, ayaa subaxnimadii Arbacada daabacay muuqaallo badan oo ay sheegeen inay muujinayaan xilliyadii saldhigyada Maraykanka la beegsanayay iyo gantaallo marayay hawada Urdun.
Si kastaba ha ahaatee,BBC Uma suuragalin inay si madax-bannaan u xaqiijiso saxnaanta muuqaalladan.
Mid ka mid ah muuqaalladaas, oo laga arkayo wax u eg qarax meel fog ka dhacay, ayay wakaaladahan wararku ku sheegeen inuu la xiriiray weerar lagu qaaday saldhigga ciidamada badda ee shanaad ee Maraykanka ee Baxreyn.
Muuqaal kale ayaa muujinaya raadad ka muuqda cirka oo ay reebeen walxo duulaya. Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in muuqaalkaasi laga duubay hawada Urdun isla markaana uu muujinayo raadadka gantaallo ay Iran ridday.


















