War deg deg ah, Aqalka Wakiillada Maraykanka oo meel mariyay qaraar la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Iiraan

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Aqalka Wakiillada ee Maraykanka ayaa Arbacadii qaaday tallaabo aan caadi ahayn, iyagoo muujiyay diidmadooda dagaalka uu Donald Trump kula jiro Iiraan, kadib markii uu ansixiyay qaraar ay diyaariyeen oo ay hormuud ka ahaayeen Dimuqraadiyiintu. Tallaabadan ayaa la qaaday iyadoo ay ka soo horjeedeen hoggaanka Jamhuuriga ee Aqalka.
Qaraarka Awoodaha Dagaalka ee Iiraan oo uu soo gudbiyay xildhibaan Gregory Meeks oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto New York isla markaana ah xubinta ugu sarreysa guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Aqalka, ayaa la qorsheeyay in cod loo qaado ka hor fasaxa Memorial Day ee 21-ka May, laba toddobaad ka hor, balse si lama filaan ah ayaa looga saaray ajandaha markii ay caddaatay in xubno badan oo Jamhuuri ah aysan joogin codbixinta, isla markaana ay suuragal ahayd inuu guuldareysto.
Ugu dambeyn, qaraarka ayaa la ansixiyay Arbacadii cod dhan 215–208, afar xubnood oo Jamhuuri ah ayaa taageeray qaraarka, iyagoo u codeeyey dhammaan xubnaha Dimuqraadiga.
Sida ku cad qaraarkan, Donald Trump waxaa laga codsanayaa inuu ciidamada qalabka sida ee Maraykanka kala baxo iska horimaadyada militari ee Iiraan, haddii uusan Kongareesku si rasmi ah ugu dhawaaqin dagaal ama uusan bixin oggolaansho isticmaalka awood ciidan oo ka dhan ah Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, qaraarkani si sharci ah uguma qasbayo Mr. Trump inuu joojiyo dagaalka, waxaana loo arkaa inuu yahay bayaan astaan ahaan u muujinaya diidmada Aqalka ee siyaasaddiisa dagaal ee ku wajahan Iiraan.
Sheekooyin dheeraad ah:








