You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qoyska ganacsadihii xalay lagu dilay Gaalkacyo oo BBC uga warramay sida ay wax u dhaceen
Waxaa xalay fiidkii magaalada Gaalkacyo lagu dilay Allaha u naxriistee Axmed Yuusuf Faarax Bootaan oo ahaa nin ganacsade ah, kaas oo la dilay xilli uu u socday salaadda Maqrib, kadib markii uu soo xiray xaruntiisa ganacsi.
Ehelka marxuumka ayaa inoo sheegay in rag hbeysan oo watay gaari ay ku fureen rasaas xili uu sii galayay gaarigiisa, isla markaana ay ka baxsadeen goobta.
Dilka marxuumka waxaa lala xiriirinayaa aano qabiil. Hadaba si aan u ogaanno sida ay wax u dhaceen, ayaa waxaanu telefoonka kula la xiriirnay Cabdinuur Aadan Faarax Bootaan oo ay ilma adeer yihiin marxuumka.
Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysiga: